SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS


 

Barnaamijkii Radio Xoriyo

13  September. 2005

 

  • Mucaaradka Itoobiya oo ka fakeraya inuu natjiida qaaddaco. 

  • Qaramada Midoobey oo ku baaqday in tallaabo laga qaado dadka badda ku idlaanaya. 

  •  Eritereya oo Itoobiya magdhaw waydiisanaysa.

  • Wakiilka Hay'adda UNICEF  u qaabilsan Soomaaliya oo walwal ka muujiyey xafiis lagala wareegay.

  • Iyo qaybtii 3aad ee Barnaamijkii Dabaqoodhiga..

======================

Mucaaradka Itoobiya oo ka fakeraya inuu natjiida qaaddaco

Isbahaysiga ugu wayn mucaaradka Itoobiya ayaa sheegay inuu ka baaraan-degayo inuu qaaddaco baarlamaanka cusub, isagoo sheegay in sharci uu baarlamaankii hore soo saaray saacadihii jiritaankiisa ugu denbeeyay ay ahaayeen kuwo loogu talagalay in awoodooda lagu daciifiyo oo xubnaha baarlamaanka ee mucaaradka lagu cabsi geliyo. 

 Afhayeenka  isbahaysiga  CUD ayaa  sheegay inuu sharcigan cusub  dhigayo in xisbiyada haysta 51% ka mid ah kuraasta baarlamaanka oo kaliyi ay soo jeedin karaan mooshin laga doodo ama soo bandhigi karaan ajande uu baarlamaanku ka hadlo.  

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in sharcigan loogu talagalay in xisbiyada mucaaradka ah loogu diido inay baarlamaanka mooshin ama soo jeedin soo hordhigaan. Sharcigii hore ee midkan cusub lagu beddalay wuxuu dhigayay in xisbiyada 20% ku leh kuraasta baarlamaanku ay soo jeedin baarlamaanka soo hordhigi karaan. 

Qaramada Midoobey oo ku baaqday in tallaabo laga qaado dadka badda ku idlaanaya 

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in tallaabo laga qaado oo la badbaadiyo dadka soomaalida ah ee doomaha aan la isku hallayn karin u soo raaca waddanka Yemen, kuwaasoo naftooda biimeeya.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dunidu faraha ka laaban karin boqollaalka ama kumanaanka dadka ah ee naftooda ku khatar gelinaya tahriib iyo doomo aan ammaankoodu sugnayn.

Baaqa UNHCR wuxuu ka denbeeyay, ka dib markii seddex toddobaad gudohood ay Gacanka Cadameed ku dhinteen ugu yaraan 150 qof. Hay’adda UNHCR waxay sheegtay in marka la eego tirada dadka halkaas ku dhinta lagu tilmaami karo in meeshaas ay masiibo bani’aadamnimo ka jirto.


Hay’adda UNHCR waxay beesha caalamka ugu baaqday in tallaabo laga qaado dadka doomaha khatarta ah wax ku tahriibiya oo masuul ka ah kumanaanka qof ee badda ku dhinta. Waxay kaloo sharikadaha maraakiibta ugu baaqday inay isha ku hayaan dadka badda dhexdeeda ku tabaalaysan oo isku dayaan inay badbaadiyaan dadka ay badda badhtamaheeda doomuhu la fadhiistaan.

Eritereya oo Itoobiya magdhaw waydiisanaysa

Dawlada Eritereya ayaa laga yaabaa inay xukumadda Itoobiya waydiisato magdhaw gaadhaya 500 oo maliyan oo doollar inay ka siiso dhaawicii ka soo gaadhay dagaalkii xadka ee dhex-maray, sidaas waxaa sheegay qareen matalaya dawlada Eritereya. 

 Lea Brilmayer oo ah qareen Maraykanka u dhashay oo la taliya dawlada Eritereya ayaa yidhi aad ayay kediso iigu noqon doontaa haddii dawlada Eritereya ay dalban waydo magdhaw  ka badan 500 oo milyan oo doorralka Maraykanka ah. 

Brilmayer ayaa hooggaaminaya koox ka kooban 15-20 khabiir oo tan iyo bishii Disember ee sannadkii 2000 ku hawllanaa magdhawga ay Eritereya dalban karto in laga siiyo dagaalkii xaqdarrada ahaa ee xukuumadda Itoobiya ku soo qaadday. 

Wakiilka Hay,adda UNICEF  u qaabilsan Soomaaliya oo walwal ka muujiyey xafiis lgala wareegay

Wakiilka Hay,adda UNICEF u qaabilsan arimaha Soomaaliya Christian Balslev-Olesen ayaa wal-wal  ka muujiyey falka lagula kacay xafiiska Hay,ada UNICEF ee magaalada Jowhar.

Christian Balslev-Olesen oo fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in falka lagula kacay xafiiskooda uu ka dambeeyey Maxamed Dheere iyo maleeshiyadiisa laguna soo wargaliyey in xafiiskii Hay,ada lala wareegay shaqaalihii hay,adana laga saaray xafiiska,hasa.yeeshee Basslev ayaa sheegay inay arimihii gargaarka ee ay Hay,adu ka waday Jowhar iyo guud ahaan Soomaaliyaba sii wadi doonaan. 

Maamulka Maxamed Dheere ayaa  maalinimadii Axada ahayd amar ku bixiyey in xafiiska Hay,ada lala wareego shaqaalaha joogana laga saaro,kadib markay magaalada Jowhar ka baxeen shaqaalihii cadaanka ahaa oo magaalada uga baxay amaan daro iyo abaabul dagaal oo ka dhex bilowday labada garab ee DFKMG.

 Radio Xoriyo

13 September. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD