SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Nin Soomaali ah oo isku dayey inuu gubo xafiiska Ceydha ee dalka Sweden
  • Maxamed Dheere oo Furihii Xarunta UNICEF ku wareejiyey sarkaal ka tirsan Hay’adaas 
  • Beelaha Mareexaan iyo Cayr oo kulan uga furmay Magaaladda Baraawe 
  • Cabdulaahi Yuusuf iyo wafdi uu Hogaaminayo oo u  ambabaxay wadanka Mareykanka 
  • Mareykanka oo saddex nin oo  reer Putland u gacan geliyey Dowladda Thailand
  • C/risaaq Sh. Max’ed Faarax “Ururka Al-islaax faraha ha kala baxo arrimaha reer Shiikh Maxamed Faarax iyo reer Shiikh Aadan Dheere ..
  • C/raxmaan Diinaari “Jowhar waxay ka nabad fiicantahay Yurub iyo Mareykanka..
  •    Shariifka iyo 15-ka September..

Nin Soomaali ah oo isku dayey inuu gubo xafiiska Ceydha ee dalka Sweden

Ikraam Cali-kaar 

 

Muuuqaalka goobta waxey aheyd mid dagan ka hor intii aanney isku badalin mid aragagax iyo carar  hareeysay.Saacaddu waxey aheyd sagaalkii arroornimo hadaaney wax dheeraad ah ku darsooneyn. Waxaan ku sugnaa dabaqa shanaad ee cisbitaalka guud ee xaafada Hisingen oo ah kamid ah xaafada ay soomaalidu ku badan tahay halka xafiiska ceydhana uu ku yaalay dabaqa  saddexaad ee  isla dhismaha cisbitaalka ku yaalay. Sababta aan u tagay cisbitaalka ayaa aheyd dhaqtarka oo aan balan la lahaa. In door ah markaan fadhiyey meesha ayaa waxaa orod ku soo galay nin caddaan ah oo qeylo iyo naxdin awgiis afka labo kala tagay. Ninkan ayaa isagoo argagaxsasan dadka u sheegay inaan laga bixi karin dhismaha lana soo geli karrin  kadib markuu ku sheegay iney dab ka dhaceen meesha. Durba shaqaalihii cisbitaalka ayaa joojiyey howshii ay hayeen dadkana u kaxeeeyey alaab kale oo laga baxo haddii dab iwm dhacaan. Dhamaan shaqaalihii kala duwanaa ee dhismahaas ayaa dibada loo saaray iyagoo albaabo kala duwan laga bixiyey. Wax yar kadibna goobta waxaa hareeyey qiiq kasoo baxay dabaqii seddexaad ee la sheegay in dabku dhacay, walow uusan aheyn mid sidaas u weyn oo wax yeelo geystay. Laakinse dadka cabsi geliyey.

 
Annigoo kamid ah dadkii naxsanaa, ayaan kal -kaalisadii dibada noo saartay weydiiyey waxa dhaliyey dabka, waxey tiri " Nin wax si ka yihiin baa xafiisha ceydha waraaqo uu dab ku qabadsiiyey ku tuuray, kadib markii malaha la qaabili waayey"  Waxey sii raacisay inuu mid kamid ah howl wadeenada xafiiska oo haweeney ah uu dibada la fadhiyo lana weydiinayo waxa uu qabo. Haweeney xanaaqsan baa tiri "Geesisanaa naagta la fadhisa mey booliska u wacdo" Intaas markaan maqlay  angoo weli qabar daar ah iska daba meereysi nugu dhacay iyo is dhex yaac. Muddo kadib  ayaa naloo ogolaaday inaan ku laabano dabaqii shanaad anagoo kornay jaranjaradii aan markii hore kasoo degnay.
 
Awal waan xanuunsanaaye haddase markaan warkan maqlay waan caafimaaday waxaana helay fursad aan ugu kuuro galo waxa ka dhacay meesha. Markaan tagay dabaqii 3 aad oo aan dhinaca jaranjarta u maray ayaan arkay nin madow oo qeylinaya, waxaan u heystay ninku inuu yahay qolyahan noo midabka eg ee Itoobiyaanka iyo Eretereeyanka. Waxaanse xaqiiqsaday markuu ninkaasi ku hadlay erey af soomaali ah isagoo leh "Yaa iga qabta habartan waalan" Si aan u ogaado in ninka dhibka geystay yahay kan meesha fadhiya ayaan weydiiyey nin meelaha taagnaa oo aan iri " ma kanbaa ninka meesha gubay" HAA ayuu iigu jawaabay ninkii. Layaab ayey igu noqotay kamaam fileyn meesha in nin soomaali ahi uu geysanayo fal noocaas oo ummadda amnigooda halis gelinayo.
Anigoo weli raadinaya xog kale oo ninkan ku saabsan ayaan arkay boolis iyo baabuurta dam demiska oo is daba ordaya, kuwaasoo  durba bilaabay iney dadka meesha ka ceyriyaan, markaan arkay  inaan qofna loo ogeleyn meesha ayaan lasoo kala baxay kaargeygii saxaafada (press card) Swedhish-ku iigu aqoonsan yihiin meheradeyda weriyenimo ina siiyaan, ayaan misna ku laabtay markale meeshii kadib markey ogolaansho isiiyeen, Waxaan dhagta u raa raacshay ereyadii wiilkaas ku hadlayey oo ahaa kuwo isku dar darsan. Inta badan wuxuu ku jiray is difaacid iyo inkiraad uu iskaga weecinayo dhibka meesha ka dhacay. Balse waxaa farihiisi  kasoo urrarayey bansiinka uu meesha ku daashay taas ayaana cadeyneysa inuu isaga falkan geystay.
 
Gebi ahaanba goobtii ceydha ku taalay ayaa la xiray waxaana loo diiday iney dadka soo galaan, iyadoo kuwii dhismaha ku jiray marka laga reebo cisbitaalka loo saaray dibada si bal loo eego xaalada guud ee dhismaha.
Waxaa hadaba markaas suuragal ii noqotay inaan helo haweeneydii sheegtay iney madax ka aheyd xafiiska ceydha oo aan tusay kaargeygii saxaafada waxaana aan weydiiyey waxa meesha ka dhacay iyo sababta dhaliyey intaba. Inkastoo ay ka gaabsatay iney sheegto sababta kaliftay hadana waxey tiri "Nin baa noogu yimid hanjabaad wuxuuna sheegay inuu gubayo dhismaha ceydha, islamarkiina wuxuu meesha ku daashay bansiin oo qaaarkood u daadshay wargeyska Metro uu gacanta ku watay, dabadeedna kabriid ku shiday"  Maxaa ugu wacan markaan irina waxey tiri "Taas kama hadli karro hadeer" Ninka ma xanuunsan yahay ayaan sii daba dhigtay hadalkeygii sidoo kale. "Iima banaano inaan ka hadlo waxyaabaha qaar waana arrin sir noo ah inaan bixin xaaladaha caafimaad ee ruuxa noocan oo kale ah" ayey tiri haweeneydan oo si u muujineysa in falka ninkan ku dhaqaaqay uu yahay nin wax kasi ahaayeen walow ay ilaa xad ga gaabsatay arrimaha isaga quseeya.
 
Saacadda 10 arroornimo ayaa markale ninkan la soo xirriiray howl wadeenadii xafiiska ceydha, markii ay isku afgarteen inuu meesha iskaga tago, waxaana u sheegay inuu doonayo inuu isku dhiibo booliska nabadgalyada u qaabilsan taasoo markii dambe ay u kaxeeyeen xarrunta booliska oo arrimaha la xirriira kiiskiisa lagu baarayo.
Dad deegaanka degan oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay inuu yahay nin is nacay oo naftiisa u darran, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in dhibkii soomaalida heystay uu sii labao jibaaray keeneysana iney dadka ka soocnaadan gaar ahaan xarrumaha dowlada ee adeegyada bulshada.
 
Dhibatooyinka dhalinyarada soomaalida ee qurbaha ku heysta ayaa ah kuwo xaga maskaxda la xirriirto taasina waxaa ugu wacan maandooriyaha oo ay aad u isticmaalaan sida wiilkan 25 jirka ah oo la sheegay inuu ahaa mid suuqa ku jiray reerkiisana aan la heshiin karrin. Sanadkii hore ayey aheyd markii xaafad kamid ah xaafada soomaalida dagto uu sidoo kale nin soomaali ah dab is qabadsiiyey kadib markii xafiiska ceydhaasi ay wax u qaban waayeen.
 
 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden

 

Maxamed Dheere oo Furihii Xarunta UNICEF ku wareejiyey sarkaal ka tirsan Hay’adaas 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.

Gudoomiyaha siyaasada Gobolka Shabeeladda Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere ) ayaa saakey ku wareejiyey furhii xarunta Hayadda Unicef  ee Magaalada Jowhar Sarkaal sare oo ka tirsan Hayadaas oo dhalashadiisu tahay Somali

Maxamed Dheere  waxa uu si aad ah u beeniyay warar ay faafiyeen saxaafadda oo sheegay in ciidamo daacad u ah isaga ay qabsadeen xaruntii haya’dda UNICEF ay ku lahayd Magaalada Jowhar.

“Saxaafadda si qaldan ayay u faafiyeen wararkaasi waxan ciidamada ugu diray si aan u badbaadiyo xaruntaasi maadaama ay ka baxeen dhamaan shaqaalahii ”, ayuu yiri Max’ed Dheere oo intaa ku daray “waa waajib na saaran in aan badbaadiyo xarunta  iyo qalabka haya’daha samafalka.

Furaha lagu wareejiyey Sarkaalkaas waxaa si aad ah u soo dhaweeyey Masuuliyiinta sar sare ee hayadda Unicef oo ku tilmaamey mid sare u qaadeysa  niyada shaqaalaha  hayadaha samafalka  gaar ahaan dhinaca amaanka

Masuul u Hadley  hayadda UNDP ayaa sheegay in ay si taxader leh ula soconayaan Xaaladda Magaalada Jowhar waxaa kale uu sheegay in ay shaqaalahooda ay si tartiib tartiib ugu soo celin doonaan Magaalada Jowhar waxaa kale uu sheegay in shaqaalahooda  ay markii hore si ku meel gaar ah u geeyeen Magaalooyinka Muqdisho Iyo Jowhar

Beelaha Mareexaan iyo Cayr oo kulan uga furmay Magaaladda Baraawe 

Waxaa Magaalada Baraawe ee Gobolka shabeelada dhexe ka socda shir balaaran oo ay leeyihiin Beelaha Mareexaan iyo Beesha Cayr , waxaana kulankaas ka qaybgaley siyaasiyiin ka tirsan labadaas beelood waxaana ka mid ah Barre Aadan Shire ( Bare Hiiraale ) , Shiikh Yuusuf Indha cadde  Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame Col Joon Dhoore iyo xubno kale oo aad u far badan waxaana shalley la doortey Gudoomiyaha Shir Gudoonka oo loo  doortey Barre Hiiraale iyo toban Xubnod oo loogu yeeray Guddi Farsamo oo ka soo baaraan degaya waxa looga hadlayo shirkaas

warar ayaa sheegaya in u jeedada shirkaan uu yahay sidii loo abuuri lahaaa Ismaamul Goboleed ay wda yeeshaan Gobolada Shabeelada Hosae iyo Jubbooyinka  , warar kale ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid lagu balaarinayo Isbahaysiga Dooxadda Jubba , warar kale ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid lagu abuurayo cudud Ciidan oo la doonayo in looga hortago waa haddi uu weerar kaga yimaado dhinaca Jowhar

shirkan ayaa la sheegay in ay ku biiri doonaan maalmaha soo socdaa  siyaasiyiin si aad ah looga yaqaan dalka

Cabdulaahi Yuusuf iyo wafdi uu Hogaaminayo oo u  ambabaxay wadanka Mareykanka 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa ka dhoofey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jowhar isagoo ku  sii jeeda Dalka Mareykanka Gaar ahaan Magaalada New-Yorka oo dhawaan la filayo in uu ka furmo kulan guud oo ay isugu imaanayaan Madaxda adduunka  oo looga arrisanayo arrimaha Caalmka  dhibaatada ku haya  sida Faqriga , Cudurka Aids-ka  ka hotagga Xaalufka  iyo dagaalada sokeeye

waxaa kale oo uu kulankan ku lamaansan  xaflad balaaran oo loo sameynayo Sannad Guurada 61 aad ee ka soo wareegtey markii dhidibadda loo taagay Qaramada Midoobey  iyadoo Dowladaha qaarkod ay daneynayaan in is bedel lagu sameeyo Golaha Ammanka

Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah wasiirka Horumarinta reer Miyiga Maxamed Maxamuud Gacmadheere Wasiir ku xigenka  Hidaha iyo Dhaqanaka Khadiio Maxamed Diiriye  wasiirkaa Arrimaha Dibadda  Danjire Cabdulahi Shiikh Ismaaciil , wasiirka Madaxooyada Khaalid Cumar Cali , wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdulaaahi Xayir Maareeye  iyo Xubno kale waaana la sheegay in inta uu Madaxweynaaha uu joogo wadanka Mareykanka uu kulumo la yeelan doonaa madaxda Adduunka ee halkaa isu imaaneyso warar kale  aya sheegay in  Madaweynaha uu martiqaad ka helay  Dowladda Kanadda

waxaa dalka Mareykanka ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka  Shariif Xasan wuxuuna sheegay mar la wareystey in uusan qarshaha  ugu jirin in uu la kulmo Madaweynaha Dowladda Federaalaka Cabdulaahi Yuusuf

Mareykanka oo saddex nin oo  reer Putland u gacan geliyey Dowladda Thailand

 Wararka naga soo gaaraya wadanka Thailand waxay sheegayaan in saddex nin oo reer Puntland kana tirsna ciidama maamul goboleedkaasi lagu xiray Magaalada Bangkok kaddib markii lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihini kooxaha argagixisada ah, hase yeeshee war ka soo baxay Maamulka Punland waxay sheegeen in saddexdaa nin aysan ka tirsanayn kooxaha argagixisada ah iyagoo sheegay in ay ka mid yihiin ciidamadsa maamulka goboleedka Puntland. Saddexdan Nin oo magacyadoodu kala yihiin Yuusuf Aadan Seed, Maxamuud C/llalahi Jaamac iyo Xuseen C/llaahi Aadan waxayna sheegeen mar la wareystay saddexdaan nin in marka hore ay soo raaceen Dooni laga lahaa dalka Thailand iyadoo doonidaasi amar u haysatay in ay ka kalluumeysato xeebaha Puntland waxaana la sheegay in maamulka puntland uu saddexdaa nin ku daray doontaasi si ay ula socdaan halka ay ka kalluumeysanayaan, hase yeeshee waxaa dhacday in saddexda nin uu khilaaf dhex maray kooxdii doonta lahayd taasina waxay keentay in ay u yeertaan Markab laga lahaa Mareykanka iyagoo ku yiri “Raggaani waxay ka mid yihiin kooxaha argagixisada ah” waxaana lagu waramay in Marabka Mareykanka markiba saddexdaa nin uu u qaaday Magaalada Bangkok waxaana dhawaan Maxkamad. Maamul goboleedka Puntland ayaa warqad qoraal ah u diray dowladda Thailand iyagoo ka codsanaya in si dhaqsi leh loo soo daayo Raggaasi oo ay sheegeen in ay ka mid yihiin ciidamada Puntland ee ilaaliya xeebaha isla markaana la socda xaaladda Maraakiibta ee ka kalluumeysta maamul Goboleedka Puntland. 

C/risaaq Sh. Max’ed Faarax “Ururka Al-islaax faraha ha kala baxo arrimaha reer Shiikh Maxamed Faarax iyo reer Shiikh Aadan Dheere ..

            C/risaaq Shiikh Max’ed Faarax oo ah wiil uu dhalay Shiikhii caanka ahaa Shiikh Max’ed Faarax ayaa sheegay in khilaafka ka jira xeradii Shiikh Max’ed Faarax ee ku taal Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdihso oo ay isku haysteen labo dhinac oo kala ah reer Shiih Max’ed Faarax iyo Shiikh Aadan Dheere in dhex dhexaadinteed ay ku jireen Culuma-u-diin ka socday labada dhinac iyo Maxkamadaha oo iyagu ku kala saaraya sharciga Diinta Islaamka sida ay qabto ayaa C/risaaq waxa uu sheegay in dhankooda ay aqbaleen wax walba oo ay shareecada Islaamku qabto, balse dhanka kale ay diideen.

            “Mar walba waxaan ku taagan nahay sida ay soo xukmiyaan Culuama-u-diinkaas iyo Maxkamadaha waayo wax walba oo la isku qabto sharciga Islaamka ayaa loo laabanayaa” ayuu yiri C/risaaq Max’ed Faarax oo intaa raaciyay in dhaliilo badan ay ka jiraan dhanka Maxkamadaha ee ku saabsan baarista dhulka la isku haysto.

            “mar kasta waxay magacaabaan guddi cusub oo aan la socon xaaladda halkaas ka taagan ee dhabta ah taasina waxay keenaysaa in ay sii fogaato xal ka gaarida dhulkaasi” ayuu yiri C/risaaq oo digniin culus u soo jeediyay Urur Diimeedka Al-ISlaax oo uu sheegay in ay hub iyo saanad siinayaan dhinac ka mid ah labada dhinac ee halkaa isku haya.

            “Ururka Al-Islaax ayaa abaabulaya dagaal cusub oo labada dhinac dhex mara, waxaana taas dadiil u ah iyagoo qaybo ka mid ah dhulkaasi dano gaara ka leh oo ay rabaan mustaqbalka in ay ka dhistaan Isbitaalo, Machadyo iyo Dugsiyo” ayuu yiri C/risaaq Shiikh Max’ed Faarax, wuxuuna intaa ku daray “Ururuka Al-Islaax waxa aan u sheegeynaa in ay ogaadaan dadka is haya in ay yihiin dad walaal ah oo iyaga iska xiga dhameysan karaana waxa iyaga u dhexeeya taasna ay xisaabta ku darsadaan” ayuu ku soo gebagabeeyay hadalkiisii.

C/raxmaan Diinaari “Jowhar waxay ka nabad fiicantahay Yurub iyo Mareykanka..

Afhayeenka Dowladda ku meel gaarka ah C/raxmaan Diinaari ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe isla markaan saldhig u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah ay tahay Magaalo ammaankeedu uu yahay mid aad u heer sareeya.

“Jowhar waxay ka nabad badan tahay wadamo badan sida W/Ameerika iyo wadamada Yurub qaarkood taasna waxaan uga mahadcelinaynaa maamulkeeda” ayuu yiri Diinaari oo intaasi sii raacay in ay wax kama jiraan yihiin warar dhawaan soo baxay oo sheegayay in magaaladaasi ay ka jiraan kala dhac Gaadiid, dilal iyo hanjabaadyo, waxaa kalloo Diinaari uu weerar ba’an ku qaaday qaar ka mid qaybaha saxaafadda kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihin kuwo xaqiiqda ka fog isagoo sheegay inay tabiyeen warar aan sal iyo raad toona lahayn. Diinaari waxa ugu dambeyntii u mahadceliyay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo isagu maamulka Magaalada Jowhar gacanta ku haya.       

 Dhinaca kale Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu si aad ah u beeniyay warar ay faafiyeen saxaafadda oo sheegay in ciidamo daacad u ah isaga ay qabsadeen xaruntii haya’dda UNICEF ay ku lahayd Magaalada Jowhar.

“Saxaafadda si qaldan ayay u faafiyeen wararkaasi waxan ciidamada ugu diray si aan u badbaadiyo xaruntaasi maadaama ay ka baxeen dhamaan shaqaalahaasi”, ayuu yiri Max’ed Dheere oo intaa ku daray “waa waajib na saaran in aan badbaadiyo xarumaha iyo qalabka haya’daha samafalka.

Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa sheegay in ka bixitaanka shaqaalaha hay’adda UNICEF ee Magaalada Jowhar ay keeni karto in uu dib u dhac ku yimaado howlihii samafalka ee ay ka wadeen Gobolka Sh/dhexe.

            Shariifka iyo 15-ka September..

15-kii bishii September ee sanadkii aynu soo dhaafay ee 2004-ta waxay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan u ahayd maalin farxadeed kaddib markii tartankii uu u galay guddoominamada Baalamaanka  uu ku guuleystay codad aad u fara badan oo uu ka uruursaday codeyntii maalinkaa dhacday.

Shariif Xasan waxaa la tartamay ilaa iyo 11 musharax oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Aadan Madoobe, Shiriif Saalax, Dr. Xuseen Cismaan Xuseen iyo Max’ed Cabdi Yuusuf waxaana Shariif Xasan uu helay codad gaaray 161 cod halka Shiikh Madoobe oo wareegii labaad ka takhalusay uu helay 105 cod, waxaana sidaa guushu ku raacday Shariif Xasan Shiikh Aadan oo noqday guddoomiyaha Baalamaanka ee ku meel gaarka ah.

Fadhigii maalinkaa waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 267 xildhibaan waxaana doorashada oo bilaabatay 11:30 galabnimo wax ka hor Salaadda Maqrib goob joog ka ahaa Wasiirada arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD iyo deeq bixiyaasha IPF iyo dublamaasi-yiin sar-sare, waxaana Shariifka oo maalintaa u ahayd maalinkii ugu horeeyay ee uu ku fariisto gursiga gudoomiyanimada baaralamaanka aya illaa iyo haatan baaralamanka uu hogaamiyo aysan u suurtagelin inta badan tilaabooyinkii loo doortay, iyadoo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay xubnaha Baarlamaanka ee 275-ta ah, wuxuuna shariifku haatan safar ku marayaa wadanka Mareykanka oo uu kaga qaybgalay shirkii baarlamanaada adduunka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Zainab Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir:
Zainab oo aad looga yaqaan Masar waxay 1917 ku dhalatay Al-Baxiira...
Guji...



Taariikhda Nelson Mondela

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD