Magaaladda
Minneapolis iyo Doorashooyinka Duqa
Magaaladda

Magaaladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota, USA oo ay degan
yihiin soomali aad u tira badan laguna magacaabo “The
Mecca of Somalis”ayaa waxa ka socda siyaasad xawli leh.
Shirar aan kala joogsan ayaa maaalmahan ka socday magaaladda
oo loogu gogol xaarayo soo dhowaynta Madaxda Dawladda
Federaalka Soomaaliya
Waxaa
xusid mudan in soomali badan aysan ka war hayn shirarka
magaaaladda ka socda oo ay ku mashquulsan yihiin sidii ay
ugu qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka ka socda magaaladda
Minneapolis, oo tartanka ugu adag uu u dhexeeyo Duqa
Magaaladda Minneapolis Mayor R.T Rybak iyo Ninka
hadda Madaxda ka ah Degaanka
Hennepin Commissioner Peter McLaughlin oo ku
tartamaya Mayor nimadda Magaaladda Minneapolis, Labada
Murashax ayaa waxay kawada tirsan yihiin xisbiga DFL ka
(Democrat) oo ah xisbiga ugu shacbiyadda badan Magaaladda
Minneapolis.
Tartankan
waxaa ka qayb gelaya ilaa (8) Siddeed Murashax , balse laba
murashax oo keliya ayaa u gudbi doona Doorashadda Guud oo
dhacaysaa November 8,2005
Wareega
kowaad oo loo yaqaan (Primary) ayaa bilaabay Maanta oo
Talaado ah ,September 13, 2005 , Doorashooyinka waxa ay
bilaabmayaan 7:00 subaxnimo waxayna Soconayaan ilaa
8:00 Fiidnimo. Horudhac Natiiijadda ayaa lagu
dhawaaqayaa isla Caawa 9:30 Fiidnimo.
Waxaa
barbar socda doorashooyinka kuwa maxaliga oo laga soo
dooranayo
Xaafadaha Magaaladda Minneapolis (13) Saddex iyo Toban
Murashax.

Waxaa
is waydiin mudan yey u codaynayaan soomaalida Maanta ?
Soomali
badan oo aan la kulmay ayaa aad u taageersan COMMISSIONER
PETER MCLAUGHLIN , oo ah murashax keliya ee aad u
yaqaan soomalida, jecelna inuu ku caawiyo Bulshadda
soomaalidu sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen noloshadda
Maraykanka.
Xaafadda ay aadka ugu badan yihiin soomalida , ayaad si cad
ugu dareemaysaa taageerada loo hayo Gabadha lagu maqacaabo
CARA LETOFSKY oo aad mooda inayba ka tirsan tahay
Soomaalidda , oo u sharaxan xaafadda 2aad
(Ward 2nd)
oo Soomaali badani degantahay.

Saciid fahiyo ,Cabdirisiq Bihi iyo Cara Letofsky
Qalinka: Faysal Carab
fderi@yahoo.com
Minneapolis MN USA
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
13, 2005
|