SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS


COUNCIL OF SOMALI UMITY

                             GOLAHA MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED.

                Shiir Deg deg ah oo ay Galabta yeesheen  GOLAHA MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED waxay ogeyiinayaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee Dagan Cariga Maraykanka
gar ahaan Gobolkaan Minnesota in ay ka digtoonadaan arrimaha soo socda.


                 1-Waxaa Baryahaan ka socda Gobolkaan Minnesota Dhaq dhaqaaq lagu uruurinayo lacago
si khaldan loo uruurinayo oo la leeyahay waxaa imaanaya Madaxweynihii Ummada soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed,dhufaysna ka dhiganaya magaca Madaxweynaha dhaqalana ku raadinaya taaso ah Been abuur cad,arintaas oo xaqiida ka foog arrintaasna waxaa wada koox yar oo dano gaar ah wada,lacagahaas oo lagu fulinayo arrimo u gaar ah kuwa u guntadey in ay ladagaalamaan ummadda soomaaliyeed oo meel kasta ku rafaadsan kana fakarayn dhiibka ku dhacay ama haysta ummadda soomaaliyeed.

                  2-Waxaan dadweynaha soomaaliyeed ku wargalinaynaa in ay imaanayaan Gobolkaan Minnesota kooxihii qarandiidaka ahaa ee uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka (Shariif Xasan)oo baryahaan noqday toosh ay ifinayaan kooxihii 15 sanno af duubka ku haystay Ummadda soomaaliyeed halaagana baday iyago maanta hortaagan Qarankii ummadda soomaaliyeed iyo midnimadii soomaaliya iyago oo dandooda ugu weyn ay tahay iney soomaaliya ku jirto burburka iyo halaaga si ay dandooda khaska ahi u fusho,waxaa kale oo wax lala ayaabo ah in dadka noocaas ah loo sameeyo lacago laga uruurinayo dukaamada soomaalida oo ku yaal goboolkaan Minnesota lacagtaas oo dadka si khaldan loogu sheegay lagana uruurinayo $100 lacagtaasi waa mid lagu burburinayo Qaran kii soomaaliyeed waana in laga digtoonadaa been abuurka iyo hadalada aan sal iyo  raad toona lahayn.

                Haddaba dhamaan waxaa la ogeysiinayaa shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan cariga Maraykanka Gar ahaan Gobolkaan Minnesota khiyaamadaas lagu majaxaabinayo dawladda soomaaliya u dhallatay oo ay wadaan koox yar oo qarandiid ah kana hoortagaan  hadaan nahay umad muslim ah diinta iyo damiirkuba waxay nafarayaan inaan la dagaalano wixii wax u dhimaya qaranimada ummadda soomaaliya iyo wixii raba inaan ku jirno dhibaatada ummadda soomaaliyeed ku jirto maanta.

              NB.Waxaa qaskaas ka danbeeya oo lacagha uruurinya waa niman sheeganaya in ay yihiin  aqoon yahan iyo niman ku qaraabanaya magaca culuumadda soomaaliyeed magacoodana dib ayaan ka soo sheegeynaa iyo maalinta la samaynayo Banaanbaxa looga hoortagayo kooxda yar oo qarandiidka ah oo u hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka soomaaliyeed, Golaha mideynta ummadda soomaaliyeed ee gobolkaan minnesota wuxuu uga digayaa shaqsiyaadka ku qaraabanaya magaca Jaaliyada soomaaliyeed ee Gobolkaan Minnesota in ay joojiyaan magaca jaaliyada oo ay si khaldan u isticmaalayaan,waxaa kale oo lagu wargalinayaa Jaaliyadda Soomaalida ee North America kooxdaan qaran diidka ah in ayna wakiil ka ahayn Dawladda DFKGS iyo shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan madaama ay yihiin qaran burburis kuna gacan sayreen baaqi daladu u soo jeedisey,hadaba waxaanu marlabaad shacabka ku dhaqan Goboolkaa ku wargalinaynaa in ay u diyaar garooban arrimahaas kor ku xusan in ay mujiyaana shuucuurtooda dibna u fiiriyaan qabiil meeshu dhigay ummadda soomaaliyeed ioy qarankii soomaaliya .

              Wixii fahfahiin ah oo cadaymo u baahan kala soo xiriira  (
jabriil62@hotmail.com

QOraalkaan kala xiriir: abdibarre ahmed jabriil62@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD