Socdaalka Guddoomiyha Baarlamaanka Soomaaliya iyo
wafdigiisa ay ku tageen Magaalada Washington DC,
Maryland iyo Virginia.

Waxaa ka dhacay maanta
magaalada Washington DC kulan balaaran oo ay isug yimaadeen
dad Soomaaliyeed oo aad u faro badan oo boqolaal ah,
kulankaas lagula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ka qeyb
galay, Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee
Jamhuuriyada Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden,
Md. Mohamud Jama Sifir, Md. Mohamed Hassan Daryeel, Md.
Zakaria Mohamud Haji Abdi, Md. Abdirahaman Aden Ibbi, Md.
Asha Ahmed Abdalah, Md. Ahmed Abdirahman, Md. Mustafa A.
Dhuhulow iyo Maxamed Shaiek.

Kulankaas waxaa ka hadlay Guddoomiya Baarlamaanka iyo ku
xigeenka 1aad ee Ra’iisul wasaaraha Md. Maxamud Jama Sifir
iyo xildhibaano dhowr ah. Guud ahaan kulankaas waxaa
warbixin laga siyiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ujeedada
socdaala Mareykanaka iyo shirkii ay ka qeyb galeen. Ka dib,
waxay uga warameen xaalada Soomaaliya iyo khilaafka ama kala
qeybsanaanta haatan ka dhux jirta Hay’adaha Dowladda
Federaaliga ah (TFI’s). Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen
kaalinta ay kaqaadan karaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
dibadaha ku sugaan gaar ahaan inta ay haatan la kulmeen.

Warbixinta ka dib, waxaa wafdigu jawaab ka bixiyey su’aalaha
ay soo jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
ka soo qeyb galay shirkaas waxay soo jeediyeen su’aalo iyo
talooyin dhowr ah oo isug jira codsi talo waano iyo
dardaaran.
Waxaa xusid mudan kulankaasi uu u dhacay si qurux badan, oo
ay ka muuqatay farxad la iskuna weydaarsaday ereyo wanaagsan
oo ay ka muuqato dareen wadaninimo, isla markaana wafidiga
loo sameeyey martiqaad kala duwan.
Dhinaca kale, wafdigu wuxuu
la kulmi doonaa, mal’uulin kala duwan oo ka tirsan dowladda
Mareykana, iyagoo uga waramay xaalada Soomaaliya iyagoo ka
fa’iidaysanay socdaalkan ay ku soo gaareen dalkan. Kulankaas
ka dib, wafdigu wuxuu u amba bixi doonaa Magaalada
Minneapolis ee gobolka Minnesota, halkaas oo lagula kulmi
doono Jaaliyada Soomaaliyeed.


Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
ay waftigu booqdeen waxaa kamid ah Washington DC,
Maryland iyo Virginia.
Isha Warka: Hon. Maxamed
Xasan Daryeel
Xubin Waftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 12, 2005
SAFARKII NEW YORK::::

Waftiga Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG::
Hon. Sharif Hassan Sh. Aden. (Afhayeenka)
Hon. Mohamud Jama Sifir
Hon. Mohamed Hassan Daryeel (xubin)
Hon. Zakaria Mohamud Haji Abdi
Hon. Abdirahaman Aden Ibbi
Hon. Asha Ahmed Abdalah
Hon. Ahmed Abdirahman
Hon. Mustafa A. Dhuhulow
Mr. Mohamed Shaiek (speaker PA)
Khudbadii uu Afhayeenku ka
jeediyey New York halkan ka akhri (Af ingiriisi)
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
12, 2005
|