SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Global Call To Action Against Poverty

Baaqa ciribtirka saboolnimada

Maalinta labaad ee isticmaalka Marada Cad.

            Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta hay’adda SOCDA ka dhacay shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen ciribtirka saboolnimada, waxaana baaqaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu horeyntii ka hadley Cabduqaadir  Khaliif Shiikh Yuusuf oo sheegey in caalamka uu dadaal ugu jiro sidii ug bixi lahaa Saboolnimada  maadaama ay maalin kasta ay gaajo ugu dhmanayaan kumanaan kun oo qof  waxaa kale oo halkaa ka hadley Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkow oo sheegey in soomaalia ay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida  ayna ugu darsameen Dowlad la’aan, dagaalo sokooye, Cudurro iyo wixii la mid ah.

            waxaa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyha Hy’adda INXA C/naasir Axmed Cismaan  oo sheegay in cadaalada-darada ay ka mid tahay waxyaabaha sii kordhiya Faqriga taasina waa mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan  in dadka soomaaliyeed ka baxaan.   waxaan shirkaa jaraa’id kaddib Hay’adda SOCDA ay soo saartay Baaqaan.

            Sida aad xasuusataan u heelanayaasha bulshada rayidka ee caalamka oo dhan ayaa u huray naftoodii sanadka 2005ta si ay u cadaadiyaan hoggaamiyayaasha  caalamka iyo hay’adaha awoodda u leh in ay wax ka qabtaan dhibaatada saboolnimada ee dunida ka jirt gaar ahaan sannadkani wuxuu leeyahay ahmiyad weyn waayo xubnaha  Qaramada Midoobey ayaa waxa ay qiimeyn ku sameyn doonaan horumarka la gaaray tan iyo muddadii la dhaqan geliyay higsashada gaarista yoolalka kun Sanaadka (MDGs) ee 2000, waxqabadka wuxuu ku saabsan yahay horumarka laga sameeyay dhinaca sideedda bartilmaameed ee higsashada gaarista yoolalka Kun sannaadka oo ay ka mid yihiin.

·           Dabargooynta saboolnimada iyo gaajada

·           Helidda waxbarasho asaasi ah oo guud

·           Kor u qaadidda sannaanta jinsiga iyo awood-siinta haweenka

·           Dhimidda dhimashada carruurta saqiirta

·           Kor u qaadidda caafimaadka hooyada

·           la dagaalanka HIV/AIDS, Duumada iyo xannuunada kale

·           Hubinta dhowrsananta deegaanka

·           kobcinta iskaaashiga caalamiga ah si horumar loo gaaro

Qadiyadda saboolnimada waxa weeye halka aan diirada saareyno oo can ku ah ololaha MARADA CAD oo cid walba ku xiran karto meeshii ay doonto, u heelanayaasha soomaaliyeed waxay ilaa iyo hadda ka jawaabeen dhacdooyinka ugu waaweyn sida:

b) Xiriir isgaarsiineed oo ay la yeesheen dhammaan safaaradaha iyo hay’adaha sare ee dalalka lagu magacaabo G8 ee uu fadhigoodu yahay dalka Kenya, dowladahoodana ay ku leeyihiin awood lixaad leh hay’adaha maaliyadeed ee caalamka sida: Bangiga adduunka iyo Hay’adda lacagta adduunka.

t) Waxaan la qabnaa bulshada caalamka inteeda kale xusidda munaasabada taariikhiga ah ee lagu xusay maalinta carruurta Afrika oo ku beegneyd 16-ka June 2005.

j) Annagoo si wadajir ah ula shaqeyneyno dadka adduunka u lololeeya la dagaalanka saboolnimada, waxaan ugu baaqnay wasiirada maaliyadda ee Midowga Yurub shirkoodii ka dhacay dalka Luxemburg, 7-dii bishii June 2005 si ay uga soo baxaan siyaasado lagu kalsoon yahay oo loogu talagalay in lagu dhimo saboolnimada adduunka jirta gaara ahaan in sare loo qaado gargaarka la siinaayo 0.5% oo ah dakhliga dalka sannadka 2010 iyo sidoo kale in sare loo qaado dakhliga dalka 0.7% sannadka markuu yahay 2015.

x) Maalinta MARAD CAD ee ugu horreysay waxay ahayd 1-dii bisha Luulyo, kaasoo ahaa markii uu socday shirkii waddamada G8 ay ku yeesheen Scotland ee boqortooyada Uk. inkastoo ololihii u heelanayaasha bulshada rayidka ah uu daciifay kaddib markii uu dhacay qaraxii argagixisada ee Magaalada London, wuxuu keenay jatiijo waxtar leh oo ku wajahan yareynta faqriga, gaar ahaan Qaaradda Afrika.

Maalinta Labaad ee isticmaalka Marada Cad

          Maanta oo ah 10-ka bisha September 2005, u heelanayaasha  bulshada rayidka Soomaaliyeed waxa ay ka mid noqdeen oo ay ku darsameen wallaalahooda, saaxiibadooda iyo u heelanayaasha kale ee caalamka oo dhan muhimadda sare ee baaqa caalamiga ah ee ciribtirka saboolnimada, waxaan la wadaagnaa oo aan si wadajir ah isubaheysaneynaa bulshada caalamka, codkayguna uu yahay raabitaan waxqabad oo lagu ciribtiraayo faqriga, taasoo uu macnaheedu yaay in la badbaadiyo nolosaha bulshooyinka qaaradaha Shanta ah ee adduunka waxaan dal waxaan dalbaneynaa:

·            Laga baabi’iyo deymaha dalalka saboolka ah

·            Ganacsi caadil ah

·            Gargaar badan oo fiican in uu ka yimaado dalalka hodanka kaasoo loogu talagalay dalalka ugu saboolsan dunida

·            Hoggaamiyayaasha awood leh in ay wax ka qabtaan saboolnimada si caalami ah iyo maxalliba

·            Hoggaamiyayaasha adduunka oo ku shiraayo Magaalada New York, ee Mareykanka bisha September 14-keeda ilaa iyo 16-keeda, si dib loogu eego lagu cusbooneysiiyo aad dardargeliyo qorshaha iyo hababka fulintooda, dadaalada oo dhan waxaa loogu talagalay in lagu ciribtiro faqriga dunida ka jira.

Codkaygu iyo dadaalkayagu mideysan waxaan ku dalbaneynaa in wax laga qabto rikoorada hooseeya ayadoo la adeegsanaayo siyaasado saliim ah oo caalami iyo mid qaranba, sida:

·            Maalin walba 24,000 ruux ayaa waaxay u dhimanayaan gaajo.

·            Maalin kasta in ka badan boqol Malyuun oo carruur ah ayaa waxay la’ yihiin fursado ay ku aadaan dugsiyada.

·            Maalin kasta 1.1 Balyuun oo dad ah ayaa waxay cabayaan biyo wasakheysan

·            Maalin kasta 8,200 qof ayaa u dhinta cudurka HIV/AIDS.

Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo hoggaaminaayo wafdia ka socda Soomaaliya, kana qeybgalaayo shirmadaxeedka Qaramada Midoobey in uu soo jeediyo baahida dadka Soomaaliyeed u qabaan Dowlad hagta.

baaqeenu waa ciribtirka saboolnimada 

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho-Somalia



Taariikhda Nelson Mondela

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD