SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


  •  Maleeshiyo daacad u ah Maxamed Dheere oo Xoog ku galey Xafiiskii UNICEF ku lahayd Jowhar.
  • Eng.Cali Xasan Max’ed “Xirsi Aadan waxay ahayd in uu ka hadlo halkii ay ku dambeeyeen Maraakiibtii Puntland, Banaadir iyo Jubba ee ma ahayn in….”
  • C/llaahi Black “ciidanka C/llaahi Yuusuf uu keenay Jowhar waa talaabo cusub oo dagaal..
  • C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo sheegay in xafiiska Midowga Afrika ka furtey Jowhar uu keeni karo
  • Somali Speaking Pen oo qabatay dood ku saabsan Nuxurka afka soomaaliga iyo suugaanta.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho-Somalia

Maleeshiyo daacad u ah Maxamed Dheere oo Xoog ku galey Xafiiskii UNICEF ku lahayd Jowhar.

wararka naga soo gaaraya Magaaladda Jowhar waxa ay sheegayanin saakay saacaddu markay aheyd 11:00-subaxnimo ciidaamo daacad u ah guddoomiyah Maamulka Siyaasadda ee Gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa  xaruntii Hay’adda UNICEF ku laheyd magaaladda Jowha gudaha u galeen r, waxaana shaqaalahii xarunta lagu amrey  in ay si dhaqsi ah uga baxaan xaruntaas, iyadoo shaqsi kasta oo ka mid ah shaqaalaha la baarayay.

waxaa kale oo Maleeshiyadii baareen gudaha Xafiisyadda Xaruntaas, illaa iyo haddana lama garanayo sababaha keenay in Maleeshiyadaas ay xoog ku galaan Xaruanta UNICEF oo ah hay’adda qaabilsan daryeelka carruuta.

a ahan markii ugu horeysay ee Mlaleeshiyo daacad u ah Maxamed Dheere ay galaan  xarumaha Hay’adaha Samaflka ee ku yaal Jowhar.

wareysi uu dhawaan bixiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu  ku sheegay inaysan wax gar-gaar ah ka dooneyn Hay’adahaa Qaramada Midoobay, waxaana la sheegay sababta arrintaas Madaxeynuhu u yiri ay tahay  iyadoo  Madaxweyneha uu ka careysanyahay hadallo maalmahaan ka soo yeerayay Qaramada Midoobay oo sheegayay in ay dadaal ugu jiraan dib u heshiisinta xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho iyo Jowhar warar kale aya sheegaya in maamulka uu doonayo in xaruntaas xafiisyo uga dhigaan xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar warar kale ayaa tilmaamaya in maamulka Maxamed dheere uu ka careysan yahay  ka bixitaanka hayadaha samafalka Magaalada Jowhar.

Dhawaan ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda UNICEF xabsiga loo taxaaabay, kaddib markii maamulk Maxamed dheee uu ku eedeeyay in UNICEF faraha la gashay arrimaha u gaarka ah Gobolka.

Eng.Cali Xasan Max’ed “Xirsi Aadan waxay ahayd in uu ka hadlo halkii ay ku dambeeyeen Maraakiibtii Puntland, Banaadir iyo Jubba ee ma ahayn in….”

(Xaaladda Dhabta ah ee Maraakiibtii Soomaaliya, Magacyadooda iyo meesha ay ku dambeeyeen) 

Eng. Cali Xasan Max’ed oo ah Engneer ka tirsan howlaha maraakiibta gaar ahaan waxa uu muddo la socday maraakiibta Kaluumeysiga ee uu gacanta ku yaho Eng. Muunye Siciid Cumar waxa uuna haatan fasax ku joogaa Magaalada Muqdisho waxa aan wax ka weydiinay sida fasaxa looga qaato Maraakiibta waxa uuna yiri “heshiiska Maraakiibta ayaa waxa uu dhigayaa in qofku uu ku shaqeeyo si Contract ah marka uu fasaxa soo qaatana waxaa bedelaya mid kale oo fasax ku maqnaa sidaas ayaana lagu qaataa fasaxyada shaqaalaha Maraakiibta.

            Mar aan waxa ka weydiinay hadalkii Wasiir ku xigeenka badda iyo dekadaha Xirisi Aadan Rooble in Maraakiibta ee uu gacanta ku hayo laga bedelay magacii, astaantii iyo Calankiiba, waxa uuna ku jawaabay Eng. Cali Xasan “qofka marka uu yaqaano arrimaha maraakiibta iyo sharciyada caalamiga ah wax badan ayuu iska ilaalinayaa, Eng. Muunye waxa uu gacanta ku hayaa  shan Markab, Maraakibtaasi waxa ay yihiin maraakiib uu Qaranku leeyahay waayo waxay sitaan magacyo halgamayaal Soomaaliyeed sida Cismaan Geedi Raage, Faarax Oomaar, 21-ka October, Two and Three, sidoo kale calanka lama badali karo waxaana Markaba hoostiisa ku qoran Muqdisho Soomaaliya”, waxaan kalloo Engineer-ka wax ka weydiinay tirada shaqaalaha ka shaqeysa Maraakiibta uu hayo Eng. Muunye waxa uuna ku jawaabay “waxaa ka shaqeysa 500 oo shaqaale ah waxaana ku dul nool tiro intaasi ka badan”, waxaan weydiinay hadalkii wasiirka ee ahaa in shaqaalaha maraakiibta lagu soo xulo qaab Qabiil, waxa uuna yiri Eng. Cali Xasan “Marka ugu horeysa badda howlaheeda laguma galo qaab qabiil, qofku waa inuu u tababaran yahay howlaha badda isla markaana waxaa laga qaadaa Imtixaan sidaas ayaanba loogu xuli Karin shaqaalaha qaab qabiil”.

            Waxa uu sheegay mudane Cali Xasan in Eng.Muunye uu damcay in uu badbaadiyo markabkii Puntland mar uu ku suganaa dalka Yemen waxaana loo qabsaday lacag la sheegay in lagu yeeshay Markabka Engineer-ka isagoo damcay in uu bixiyo lacagtaas ayaa markabkii dad Soomaali ah waxay ku sameeyeen wax la yiraahdo is dabamarin iyo laaluusha qaadasho waxa uuna sheegay Engineer-ku in markabkaas ay haatan ku shaqeystaan dad Filibiin  ah, sidoo kale maraakiibtii kala ahaa Booli Moog, Banaadir iyo Jubba iyana waxay gacanta ugu jiraan dad Pakistan ah waxayna caalamka ku maraan calanka Pakistan sidaas darteed wasiir ku xigeenka badda iyo dekadaha Xirsi Aadan Rooble waxay ahayd in uu ka hadlo maraakibtaasi iyo halkay ku dambeeyeen ee ma ahayn in uu ka hadlo maraakiib ay ka shaqeeyaan dad soomaali ah waayo Eng. Muunye waxa uu bedelay shaqaalihii Talyaaniga iyo Kabtanadoodii waxaana ogahay in haatan Maraakiibtaasi ay ka shaqeeyaan ilaa iyo 12 kabtan iyagoo qaata lacago ku filan,

C/llaahi Black “ciidanka C/llaahi Yuusuf uu keenay Jowhar waa talaabo cusub oo dagaal..

            Xildhibaan C/llaahi Aadan Axmed (Black) oo shalay u waramayay weriye ka tirsan wargeyska ayaa waxa uu ka waramay arrimo la xiriira gobolada Bay iyo Bakool iyo ciidanka reer Puntland ee la keenay Magaalada Jowhar waxa uuna sheegay C/llaahi Black in xaaladda gobolada Bay iyo Bakool ay haatan tahay mid degan ayna socdaan wada hadlo la isugu soo dhaweenayo siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle eek u kala sugan Magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo. Waxa uu sheegay in uu dhawaan uu dhacay kulan hordhac ah oo ay wada yeesheen xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo wasiirada beeraha iyo gaadiidka cirka iyo dhulka Xasan Max’ed Nuur (Shaar-Guduud) iyo Ibraahim Kiish-Bur waxa uuna sheegay in kulankaas ay ka soo baxeen natiijooyin hordhac ah oo la xiriira nabadeynta gobolada Bay iyo Bakool isagoo sheegay in kulanka labaad uu ka dhici doono Sarmaandheere oo ka tirsan degmada Waajid waxayna Tuuladaasi horey u martigelisay kulankii hore oo ay soo qabanqaabiyeen Ogaasyada iyo Malaaqyada. Wuxuuna sheegay Mudane C/llaahi Black in kulamadaani markay dhamaadaan dib loo bilaabi doono kulamo dib u heshiisiin ah oo lagu dhameenayo dagaal beeleedyada ka jira Gobolada Bay iyo Bakool. Waxaa kalloo uu ka waramay arrimaha ciidamada Puntland ee dhawaan la keenay Magaalada Jowhar isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yiri “dhaqdhaqaaqyada ciidan uruursiga iyo hurinta dagaalada cusub uu ka wado gobolada qaar Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ma ahan mid waafaqsan axdiga ku meel gaarka ah, wixii waafaqsanayn axdiga ku meel gaarka dalka waxay u keenayaan dhibaatooyin hor leh” mar la weydiiyay ciidanka lagu uruuriyay Hiilweyne iyo Laabta Buuro waxa ay kaga duwan yihiin kuwa lagu xareeyay Kongo iyo Mahadaay waxa uu xildhibaan C/llaahi Black ku jawaabay “way ka duwan yihiin kuwa Jowhar waayo kuwaani waa kuwo la heshiisiinayay loona diyaarinayay ciidan qaran”, wuxuu intaa raaciyay ciidanka Jowhar la keenay waxay soo jareen 2000Km waxaana la socda ciidamo Itoobiyan ah marka waxaan u arkaa in ciidankaasi in uu yahay talaabo duulaan ah 

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo sheegay in xafiiska Midowga Afrika ka furtey Jowhar uu keeni karo

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ah wasiiru dowlaha  xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimihii shalay ay ka wada hadleen xubnaha labada gole waxa uuna sheegay  in arrinta ugu muhiimsan ay ahayd xafiiska Midowga Afrika uu ka furtay Magaalada Jowahr wuxuuna wasiiru dowlaha uu sheegay in xafiiskaasi uu yahay mid lagu sii kala fogeenayo xubnaha labada gole ee khilaafyadu u dhexeeyaan, waxa uu sheegay in Midowga Afrika uusan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha is jiidjiidka ah ee u dhexeeya xubnaha labada gole isagoo sheegay in markii horeba uu khilaafku ka bilowday in Dowladdu ay degto Muqdisho iyo Jowhar iyadoo taasi ay jirto ma ahayn mid Midwoga Afrika uu xafiis ka furto Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaalka uu wado ururka Qaramada Midoobey.    

            Dhinaca kale C/qaadir Sh. Max’ed oo ah wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha kana ka mid ahaa wafdigii Gudoomiyaha Baalamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee gaaray Magaalada Nairobi ayaa ku soo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxa uuna faahfaahin ka bixiyay safarkii gudoomiyaha  ee dalka Kenya waxa uuna sheegay in gudoomiyaha intii uu joogay wadankaasi uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay diblumaasiyiin, Madaxda hay’adaha deeqda bixiya iyo kuwa samafalka waxa uuna sheegay in dhamaan mas’uuliyiintaasi ay garwaaqsadeen howsha nabadeed ee ka socoto Muqdisho iyagoo sheegay in ay gacan ka gaystan doonaan howshaasi.

            Mudane C/qaadir waxa uu sheegay in Guddoomiyaha uu si gaar ah ula kulmay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya François Fall waxayna isla soo qaadeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya xubnaha labada gole waxay isku afgarteen in arrintaasi ay tahay mid muhiim u ah xannaanka iyo horey u sii socoshada Dowladda Federaalka ah.

            “Caqabadaha hor taagan Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka mid ah dowladaha Itoobiya, Talyaaniga iyo Yemen oo iyagu faragelin ku sameeyay arrimaha Soomaaliya”, ayuu yiri Wasiir ku xigeenka in oo sheeay in xafiiska Ururka Midowga Afrika uu ka furtay Magaalada Muqdisho uu yahay mid sii kala fogeynaysa isku soo dhawaanshaha xubnaha labada gole.

Somali Speaking Pen oo qabatay dood ku saabsan Nuxurka afka soomaaliga iyo suugaanta.

            waxaa dhawaan  Hotel Amiira ee Magaaalada Muqdisho lagu qabtay dood ku saabsan nuxurka afka Soomaaliga iyo suugaanta, waxaana soo qaban qaabiyey Somali Speaking Pen qaybteeda koonfurta, waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Somali Speaking Pen qaybteeda koonfurta Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo sheegay in dadka Soomaaliyeed luqadooda ay noqotay “Dawacadii socodkeeda ka tagtay kii kalana gaari weysay” wuxuuna sheegay in afka Soomaaliga uu yahay af hodan ah kana mid ah afafka ugu hor marsan adduunka, Cumar Aadan Qaadi oo ah xoghayaha Somali Speaking Pen ayaa waxa uu si aad ah faahfaahin uga bixiyey afka Soomaaliga iyo qiimahiisa, wuxuuna sheegay in Todoba  Jaamacadood oo ku taala dalka ingiriiska haatan lagu dhigo afka Soomaaliga, kaddib markii ay ogaadeen in waxyaabo badan oo faa’iido ah ay ka helayaan afka Soomaaliga, wuxuu sheegay Cumar Aadan Qaadi in suugaantu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay bulshadeenu ku faani karto Soomaalidu waxey tiraahdaa, {Qur’aan oo dhan waxaa isku fuuqsaday QULHUWALLE} waxeyna arintaasi tilmaamaysaa qiimaha QULHUWALLAHA maadaama qofkii akhriyaa uu yahay qof dhameeyey Qur’aanka oo dhan sidaasi darteed dhaqanka Soomaaliga  waxaa isku fuuqsaday suugaanta afkeena, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Nuur Xuseen {Maax} oo isaguna si aad ah ugu dheeraaday waxyaabaha ay dadka Soomaaliyeed dhaqanka u lahaan jireen, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhaqan u lahaan jireen, runta, aaminnimada, hubsiimada, maganta, Iwm, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed  ay dhaqan u lahaan jireen hanweyni waxyaabahaas oo uu sheegay in haatan meesha ay ka baxeen loona baahan  yahay in dib loo soo celiyo,

            waxaa kaloo halkaasi ka hadashay xildhibaanad Maryan Cariif oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ururka Somali Speaking Pen uu dib u ururiyo dhaqankii iyo afkii Soomaaliga, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Max’ed Dhicisow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka yimid waddanka Finland isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda ay ka tageen dhaqankoodi iyo afka Soomaaliga loona baahan yahay in arintaasi sidii looga hortegi lahaa la sameeyo,waxaana intii ay socotay dooda dadka maaweelinaayey kooxda curdanka ah ee Muqdisho Band. 

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho-Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD