Maxamed Xusni
Mubaarak oo Ku Guulaystey
Doorashadii Masar
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | Sept 9,2005
 Wararka ka imanaya dalka
Masar ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha dalkaas waqtiga
dheer (24 sano) soo xakumayey in uu ku guulaystey
doorashadii ugu horeysey ee ay xisbiyo badan kasoo qayb
galaan ee weligeed lagu qabto dalka Masar.
Mamduh Marai oo ah madaxa
guddiga doorashada ayaa Jimcadii waxa uu warbaahinta u
sheegay in Xusni Mubaarak uu ku guulaytey doorashadii oo ay
codkooda bixiyeen boqolkiiba 23% dadkii u diiwaan
gashanaa in ay codeeyaan.
Wararka u horeeya
waxay sheegeen in Maxamed Xusni Mubaarak uu helay in ka
badan lix malyan iyo saddex boqol oo kun oo cod (6,316,700), tiradaas oo u dhiganta boqolkiiba 88.6% tiradii
codaysay.

"Doorashada
halugu celiyo" Ayman Nuur. Sawirka: Reuters. |
Musharaxa kusoo xiga oo ah Ayman Nuur oo ka tirsan xisbiga
mucaaradka ee lagu magcaabo Al-Ghad (Xisbiga berrito) waxa
uu helay 540,400 oo cod oo u
dhiganta boqolkiiba 7.3% dadkii codeeyey.
Laakiin Noaman Gomaa oo ah
musharaxii xisbiga ugu weyn ee Wafd waxa uu helay 201,890
oo cod ah oo u dhiganta boqolkiiba 2.8%. Waxaana xusid mudan in
Xisbigan Wafd uu siyaasada Masar xoog ku lahaan jirey ka hor
kacaankii 1952.
Intii ka horeysey Arbacadii
oo doorashadu bilaabatay waxaa la saadaalinayey in
boqolkiiba 30% ka tirsan 32 malyan ee reer Masar ay codayn
doonaan. Laakiin sida muuqata waxaa codeeyey tiro intaas ka
yar ( oo ah 23%).
Xusni Mubaarak oo hadda
da'diisu tahay 77-jir waxa uu xukunka Masar hayey laga soo
bilaabo 1981 markaas oo uu xukunka kala wareegey
madaxweynihii la diley Anwar Saadaat.
Musharaxa Ayman Nuur waxa uu ku baaqay in doorashada lagu
celiyo isaga oo sheegay in uu dhacay musuq maasuq weyn oo
doorashadu aysan si caddaalad ah u dhicin. Laakiin guddiga
doorashadu arrintaas wey diideen iyagoo sheegay in aan
eedayn taas cadayn loo heli karin.
Taariikh Kooban ee Xusni Mubaarak::
Maxamed
Xusni Saciid Mubaarak waxa uu ku shashay meesha lagu magcaabo El Meselha, Menoufeya, Masar markey taariikhdu ahayd May
4, 1928. Markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu ku biiray
machadka Militeriga Masar halkaas oo uu ka qaatay shahaadada
Bachelor-ka ee Militeriga sannadkii 1948. Kaddib waxa uu
sannadkii 1950 ku biiray machadka ciidanka cirka halkaas oo
uu markii dambe ka qaatay shahadada Bachelor-ka ee ciidanka
cirka. Intii uu ku jirey tababarka ciidanka Cirka waxa uu
tababar kusoo qaatay dalkii loo aqoon jirey midowga
Soofiyeeti (Ruuska).
Sanadihii u dhexeeyey 1967 iyo 1972, xilligaas uu dhacay
iska hor imaadkii Masar iyo Israel, waxaa Xusni Mubaarak loo
magacaabay agasimaha kulliyada Ciidamada Cirka iyo
hoggaamiyaha shaqaalaha ee ciidanka cirka Masar. Sannadkii
1972 waxa uu noqday abbaanduulaha Ciidanka Cirka. Bishii
October ee sannadkii 1973 kaddib dagaalkii lamagac baxay "Tobanka
ramadaan", waxaa Xusni Mubaarak loo dalacsiiyey Air
Marshall. Bishii April 1975 ayaa loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Masar, sannadkii 1978kiina waxaa uu noqday
guddoomiye ku xigeenka xisbiga NDP (National Democratic
Party) oo ah xisbiga talada haya.
Markii
la diley madaxweynihii Masar, Anwar Sadat, sannadkii 1981
ayaa Xusni Mubaarak waxa uu noqdsay Madaxweynaha Masar iyo
guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee NDP. Intii uu xukunka
haystey saddex jeer ayuu qabtay doorasho aan musharax kale la
tartamin oo uu intaba ku guulaysatay kuwaas oo ahaa sanadihii 1987, 1993, iyo 1999, doorashooyinkaas oo markasta
su'aalo ka taagnaayeen. Si kastaba ha ahaatee bishii
Febraayo ee 2005 ayuu Xusni Mubaarak ogolaaday habka "Xisbiyada badan",
waana doorashada uu hadda ku guulaystey.
Inkasta oo uu siyaadey magaca uu
Xusni Mubaarak ku lahaa Dalalka Carabta sanadihii
sideetamaadkii (1980-naadkii) iyo sagaashanaadkii
(90-naadkii), hadana waxaa bartamihii sagaashanaadkii
bilowday in uu dhumiyo tageerada dadka reer Masar. Dhaqaalihii
dalka Masarna aad ayuu hoos ugu dhacay.
 
Alaa Xusni
Mubarak (Bidix), Gamal Xusni
Mubaarak (midig) |

Suzanne Mubarak |
Hoos u dhaca taageeradii loo hayey Xusni Mubaarak waxa
ay bilaabatay markii ay soo shaac bexeen wararka sheegayey
wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraado Calaa oo si xad dhaaf
ah u bilaabay Musuq Maasuq iyo qaraabo kiil dawlada
dhexdeeda ah si uu dawlada uga dhigo meel dad gaar ah
leeyihiin. Calaa waxa uu saaxada waraka ka baxay sannadkii
2000.
Wiilka labaad ee uu Dhalay Xusni Mubaarak ee
lagu magcabo Gamaal waxa uu isagu saaxada siyaasada kusoo
biiray sannadkii 2000, waa markii uu Calaa ka baxay
saxafada'e. Gamaal waxa uu si firfircoon uga dhex
muuqday xisbiga talada haya ee aabihiis madaxda ka yhay ee
NDP. Waxaana shacabka Masar arrintaas u arkeen in wiilkan
loo diyaarinayo in uu aabihiis xukunka ka dhaxlo, arrintaas
oo dawladu ay beenisey. Waxaa la rumaysan yahay in reer Masar
ay shakhsi ahaan aysan nebcayn Gamaal Mubaar, laakiin in
badani waxay rumaysanyihiin xukun ku wareejinta Gamaal waa
arin u muuqata Boqortooyo ama qoys noqonaya keligood
taliyayaal.
Gamaal Mubaarak waxa uu ka
qalin jebiyey Jaamacada American University ee ku
taal Qaahira, waxana uu ka bartay Ganacsiga (MBA).
Xaaska Xusni Mubaarak magaceedu waa
Suzanne Mubarak (magaceedii ka hor guurka waxa uu ahaa
Suzanne Saleh Sabet ). Waxa ay dhalatay February 28,
1941. Aabeheed waxa uu ahaa dhakhtar Masaari ah, hooyadeedna
kalkaaliso caafimaad oo Welsh ah, waxana ay ku dhalatay Masar.
Waxayna Xusni Mubaarak u dhashay labada wiil ee Calaa iyo
Gamaal.
Tarjumadii SomaliTalk.com | ISha:
Warbaahinta Masar | Sept 9, 2005
| Isha: Wiki
Zainab Al-Ghazali oo Ku
Geeriyootey 88-jir:
Zainab oo aad looga yaqaan Masar
waxay 1917 ku dhalatay Al-Baxiira...
Guji...
Taariikhda Nelson Mondela
|