SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ONLF

Barnaamijkii Radio Xoriyo

09 September 2005

  • Sargaalka xukuma ciidammada Qabridaharre oo dadwaynaha u hanjabay

  • Shir xuquuqul insaanka Ogaadeenya ku saabsan oo lagu qabtay Minissota
  • Mucaaradka Itoobiya oo loo diiday kulanno ay taageerayaashooda la samayn lahaayeen
  • Iyo qaybtii labaad ee barnaamij aan ka diyaarinay bannaanbixii Oslo

======================

Sargaalka xukuma ciidammada Qabridaharre oo dadwaynaha u hanjabay

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warrama Ogaadeenya ayaa sheegaya in sargaalka xukuma ciidamada gobolka Qorraxay ee magaalada Qabridaharre xarunta u tahay uu markii ay taariikhdu ahayd 02/09/05 isugu yeedhay qaar badan oo ka mid ah odayaasha deegaankaas, kuwaasoo uu doonayay inuu ka dhaadhiciyo inay Wayaanaha la sahqeeyaan. Sargaalkan Wayaanaha ahi markii uu odayaasha isu keenay wuxuu hadalkiisii ku billaabay gooddi iyo hanjabaad uu u soo jeediyay, wuxuuna ku hanjabay inuu ku hubayn doono soomaalida kale, sida soomaalida Woqooyi, isla markaana uu awood u leeyahay inuu dhinac walba cidhiidhi ka galiyo, haddii ayna u hooggaansamin siyaasada dawlada oo ayna la shaqaynin ciidammada.

Odayaashii halkaas lagu soo ururiyay ayaa markii ay gooddigaas maqleen hal mar ka dareeray madashii lagu soo ururiyay, iyagoo u muujiyay sida ayna marnaba raalli uga noqonaynin inay noqdaan aaladii bulshadooda lagu cabbudhin lahaa, isla markaana ayna cabsi gelinaynin hanjabaadda uu u soo jeediyay.

Wuxuu kaloo wariyuhu noo soo sheegay in 03/09/05 waxaa dadwaynaha magaalada Dhagaxbuur shir u qabtay taliyaha ciidammada wayaanaha ee Dhagaxbuur, kaasoo dadwaynaha u akhriyay hadallo badan oo been ah oon sal iyo raad lahayn. Waxaa hadalladaas ka mid ahaa inuu yidhi annaga iyo JWXO waan heshiinay oo hadda dagaalkii wuu dhammaaday, waxaanan nahay dad walaalo ah, arrintaasoo dadwaynaha oo dhami ay ka dheragsanaayeen inay tahay been lagu sabayo dadwaynaha oo si aan kala hadh lahayn u taageersan Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Shir xuquuqul insaanka Ogaadeenya ku saabsan oo lagu qabtay Minissota

Shir si hufan aadna u cilmiyeysan loo soo abaabulay oo ay ka qayb qaateen iskuna soo duba rideen rururo kala duwan socdayna laba maalmood oo kala ahaa 3di iyo 4ti bishan Sibteembar ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minisoota dalka Maraykanka. Shirkan oo u jeedadiisu ahayd mid lagaga hadlayey dhibaatooyinka uu Guumaysiga Itoobiya ku hayo Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ee dhinacyada gefafka xad-dhaafka ah ee ku xadgudubka Xuquuqal Iinsaanka, Nololxumada, Horumarla’aanta, Waxbarasha la’aanta, Caafimaad la’aanta, iyo guud ahaan dhibaatooyinka ka jira Ogaadeenya ayaa sidii loogu talagalay guul ku dhamaaday.

Shirka waxaa ka soo qayb galay dad boqolaal gaadhayey oo isugu jiray Madax Sare oo ka tirsan Masuuliyiinta Gobolka Minnesota oo ay ka mid ahaayeen; Afhayeenka Baarlamaanka Gobolka Minnesota Mudane Steve Sviggum, Senator Mark Kennedy, oo dhamaantood qudbado aad loogu bogay oo ku wajahan Qadiyada Ogaadeenya iyo doorasho ku sheegti dhawaan Itoobiya iyo Ogaadeenya ka dhacday ka soo jeediyey goobti shirka.

Waxaa iyana ka soo qayb galay Jaaliyadaha Minnsota ee Afrikada Bari, Aqoonyahano, Ururada Gobanimadoonka ah sida Oromada oo wafti uu Hogaaminayey Madaxa Arimaha Dibada ee Ururka Xoraynta Oromia Mudane Xasan ay ka soo qayb galeen, wufuud ka kala timid Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ku nool Dalka Kanada, Magaalada Chicago ee Gobolka Ilinois, Masuuri Kansas, Atlaanta Georgia, Denver Colorado, iyo Gobolo kala duwan oo Dalka Maraykanka tirsan.

Dadka qudbadaha kala duwan shirkaas ka soo jeediyey waxaa ka mid ahayd; Dr. Fawsiya Cabdiqaadir oo ah Madaxa Ururka Xuquuqal Iinsaanka Ogaadeenya oo ka hadashay xaalada dhaqaale iyo tan nololeed ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya, gaar ahaan xaaladaha ay ku sugan yihiin haweenka Soomaalida Ogaadeenya.

Hodan Ducaale oo ka tirsan Ururka Isu-taga Haweenka Ogaadeenya ee dalka ayaa iyaduna ka hadashay dhibaatooyinka uu Guumaysiga Abasiiniya ku hayo shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ee isugu jirta dilka, dhaca, xadhiga, kufsiga, iyo cunaqabataynta shacbiga.

Dr. Maxamed Xasan Cali ayaa isaguna si qoddo-dheer uga hadlay Qadiyada Shucuubta Ogaadeenya iyo Oromiya oo taariikhdooda si wayn u falanqeeyay.

Dr. Keith Jennings oo ka socday Ururka Xuquuqal Iinsaanka Afrikaanka Maraykanka ah ayaa isna ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay la dagaalanka guumaysiga iyo ku xadgudubka xuquuqda aadamaha. Helen Butler oo ka socotay Ururka Isbahaysiga Qorshaha Dadka yaa iyaduna ka hadashay sida ay lagama maarmaanka u tahay gacan siinta Shacbiga Dulmiga Abasiiniya ku jira ee Soomaalida Ogaadeenya, ballana ku qaaday in Ururkeedu u garab istaagi doono Shacbiga dulma ee Ogaadeenya.

Waxaa kaloo shirkaas laga akhriyay qoraallo ka kala yimid Madax Sare oo ka tirsan Dalka Maraykanka oo lagu martiqaaday, hase yeeshee duruufo shaqo awgood aysan u suurta galin inay ka soo qayb galaan, ka dibna wakiilo waraaqahooda ka akhriya soo dirsday. Dadkaas waxaan ka xusaynaa; Senator Colman oo ka tirsan Golaha Odayaasha Dalka Maraykanka ahna xubin ka tirsan Gudiga Xidhiidhka Caalamka ee Dalka Maraykanka, Madaxa Gobolka Minnesota Governor Tim Pawlenty, iyo Jesse Jackson oo ah Hogaamiyaha Ururka ugu wayn dalkan Maraykanka ee u ololeeya Xuquuqda Dadka Madow ee Dalkan Maraykanka Magaciisana la yidhaahdo Rainbow Coalition. Dhamaan qoraaladaas ayaa muujinayey sida ay taageero ugu hayaan shacbiga dulman ee Soomaalida Ogaadeenya ee Guumaysiga Abasiinaya ku hoos jira.

Sidoo kale, madaxdaas waxay qoraaladooda ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada Itoobiya ay ku hayso Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya. Waxayna ballanqaadeen inay si joogta ah ula socon doonaan xaaladda Shacbiga dulman, isla markaana ay ku dadaali doonaan sidi ay wax uga qaban lahaayeen.

Gabagabadiina waxaa isu hadhay Ururo bulsheedyada Soomaalida Ogaadeenya oo si cilmiyeysan uga dooday sii xoojinta wada shaqayntooda mustaqbalka, iyo kor u qaadida hawlahooda ku wajahan u Halganka Qadiyada Soomaalida Ogaadeenya.

Mucaaradka Itoobiya oo loo diiday kulanno ay taageerayaashooda la samayn lahaayeen

Xisbiya ugu wayb xisbiyada mucaaradka Itoobiya ayaa arbacadii sheegay in loo diiday socdaal uu dhawr magaalo ku mari lahaa, si uu taageerayaashiisa ugala tashado mawqifkii laga qaadan lahaa natiijada doorashada ee la sheegay in EPRDF ku guulaystay.

Madaxda xisbiga CUD ayaa kulanno waawayn ku qaban lahaa dhawr magaalo oo ay ka mid tahay magaalada Addis Ababa, si uu taageerayaashiisa ula tashado, hase yeeshee maamullada maxalliga ah ee magaalooyinkaas ayaa diiday in kulannadaas la qabto, sidaas waxaa sheegay Gizachew Shiferaw, oo ah xildhibaan hadda la soo doortay, isla markaana ka tirsan guddiga fulinta ee CUD.

Gizachew wuxuu sheegay in maamullada maxalliga ah ee magaalooyinkaasi ay ku andacoodeen inaysan haysanin ciidammo ammaan oo ku filan oo suga nabadgelyada kulannada ay mucaaradku qabanayaan.

Masuul sare oo ka tirsan maamul hoosaadka magaalada Addis Ababa ayaa diiday in mucaaradka loo diiday inay taageerayaashooda kula kulmaan magaalada Addis Ababa, balse la joojiyay kulankoodii, ka dib markii ay rabshado ka dhaceen meeshii lagu kulmayay, isla markaana khasaare la soo gaadhsiiyay dhismihii kulanku ka dhacyay, arrintaasoo ay masuuliyiinta CUD ku gacan saydheen.

 Barnaamijyada Radio Xorriyoka dhegeyso halkan.... GUJI...

Radio Xoriyo

09 September 2005

Axmed Gaaleri

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com 

info@radioxoriyo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Atlanta: Xaflad Dhaqaale Ururinta Jaamacadda Camuud  

Australia: Dumarka Soomaaliyeed oo ka cawday Ragooda Qaadka Ruuga | Warbixintii Xiish

Masar:dowlad da'a ah iyo dimoqoradiyad curdin ah
Faalladii Gurbiye... Qaahira

Soomaaliya iyo kenya oo heshiis Iskaashi kala saxiixday
Warbixintii Mumtaz ... Kampala


Gabagabada kulan Cilmiyeedkii Koowaad ee Muqdisho
Waxaa xalay Lagu Soo gabagabeeyay masjidka weyn Alraxiim  ee  xaafada Towfiiq Kulan cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho lagu qabto, xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qayb galay... Warka oo dhan... Guji...

Ciidamo ka yimid Mustaxiil oo soo Gaarey Jowhar
Wararka ka imanaya Jawhar ayaa... Guji....

NORWAY::: Warbixin Bannaanbaxii Looga Soo Horjeedey Zenawi
Warbaahinta Norway ayaa ka hadlay bannaanbaxa... Guji Sept 6

Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey
Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka socdey Minneapolis oo ku dhamaaday guul 
Ka Akhri halka Sept 5

»Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD