SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

 



  • Qaxootiga Soomaaliyeed ee Sweden oo ka cabanaya Sharci la’aanta.
  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamadii soo gaarey Jowhar iyo waxay ka yiraahdeen Qanyare , Caato , Shiikh Xasan Daahir Aweys , Yuusuf Indhacade iyo Maxkamaha Islaamka 
  • War-Saxaafadeed  Xaqiijin Gudoomiyaha Golaha Nabada Iyo Midnimada Qaranka oo Lasoo Daayey.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Sweden oo ka cabanaya Sharci la’aanta.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Goteborg, Sweden.

8.09.2005. 

Magaalada Goteborg ee dalka Sweden waxaa ay kamid tahay Magaalooyinka sida wayn ay u joogaan qaxooti Soomaaliyeed oo isugu jira kuwo la siiyay sharciga dalkan iyo kuwo wali ka war sugaya xarumaha sharci siinta qaabilsan ee Dawladda oo aan wali haysan wax sharci ah oo ay ku shaqaystaan ama ay wax ku bartaan xili ay ka doodayaan Axsaabta Mucaaradka ee dalkan iyo midka talada haya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay sheeganayaan Qaxootigaasi aan haysan sharciga. 

Qaxootigaasi waxaa kamid ah dad Soomaaliyeed oo guud ahaan ku nool Magaaladan  Goteborg iyo Magaalooyinka kale ee dalka oo marar badan ka dhigay dalkan cabashooyin iyo Banaanbaxyo ay ku muujinayaan Sharci la'aanta haysata isla markaana ay dalbanayaan in la siiyo Sharciyadaasi maadaama dalkoodii hooyo ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca Amaanka ah. 

Waxaa kaloo iyana aan kula kulmay dad Soomaaliyeed oo aan haysanin Sharciga ilaa hadda Dhowr xero oo ku yaala duleedka Magaalada Gotenborg iyo Stokhlom oo ay kamid tahay Hova oo 200 Km kaga Beegan Woqooyiga Magaalada Goteborg, kuwaasi oo ii sheegay in ay dhowr sano sugayeen jawaab.

Haweenayda wasiirada Qaxootiga Sweden Barbra Holmberg ayaa intii aan joogay Goteborg waxaa ay la kulantay Qaar katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay u sheegtay in ay ka balanqaadayso waxyaabo ay codsanayaan Soomaalida Qaxootiga ku ah Dalkaasi  

Haweenaydan oo ka tirsan Xisbiga Social Democrat ee talada dalkaasi haya ayaa waxaa si wayn loogu eedeeyaa in uu ka soo horjeedo Sharci la siiyo qaxootiga Dalkaasi ku nool , waana xisbi inta badan Ajnabigu aysan Jeclayn. 

Dhinaca kale waxaa Magaaladaasi Goteborg iyana inta badan dadka Soomaalida ee ku nool ay Arimohooda kala socdaan Idaacadda iyo Tvga Somaliweyn oo Saacado kooban soo gala Todobaad walba isla markaana baahiya waraysiyo iyo warar ku saabsan Soomaalida qurbaha iyo kuwa Gudaha dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Warbaahinta dalkaasi. 

Mas'uulka Idaacadaasi Xuseen Cabdi Calasoow oo intii aan Joogay dalkaasi sweden aan ka waraystay dadka soomaalida ee dalkaasi ayaa ii sheegay in ay jirto isku xirnaan iyo in ay iska warhayaan Soomaalida dalkaasi sweden oo ay ku nool yihiin in ka badan 10'000 oo Soomaal ah waloow ay jiraan qoysas usoo guuray Britain. 

Dadyowga aan u dhalan dalkaasi Sweden waxaa kamid ah Somali, Finns, Yugoslaves, Danes, Norwegians, Greeks iyo Turki , waxaana lagu qiyaasaa Dadka dalkaasi u dhashay 9’001,774 (waa warbixintii lasoo gudbiyay July 2005.) 

Sweden waa Dal ganacigiisu uu saldhig u yahay Geedaha iyo Macdanta , waxaana loo iib geeyaa dalal ay kamid yihiin Maraykanka , hase yeeshee Qaxootiga Soomaalida ah kuma lahan dalkaasi ganacsi lamid ah midka ka jira Britain.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Goteborg, Sweden.
ridwanhaji@yahoo.com


Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamadii soo gaarey Jowhar iyo waxay ka yiraahdeen Qanyare , Caato , Shiikh Xasan Daahir Aweys , Yuusuf Indhacade iyo Maxkamaha Islaamka

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Hadal haynta ugu badan labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ah ciidamo Puntland ah oo soo gaaray Magaalada Jowhar oo xarun u ah qayba ka mid ah dowladda Federaalka waxyana arrintaani dareen xoog leh galisay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Muqdisho iyadoo qofkii kaa hor yimaadaba uu ka weydiinayo waxa loo damiyay isgaarsiintii Gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galguduud, hase yeeshee mar aan sameenay maalintii shalay ahayd xiriiro kaddib markii ay isgaarsiintii soo laabatay ayaa waxaa na loo xaqiijiyay in ciidamo gaaraya 1200 oo askari ay soo gaareen Magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in ciidankaasi oo qayb qayb ahaa qayb ka mid ah uu dagaal ku qabsaday galbeedka Magaalada Baladweyne waxaana hakaasi ku dhintay hal askari oo reeer Puntlanad ah waxaana ku dhaawacamay sagaal kale iyadoo sideedna gacanta lagu dhigay hase yeeshee ciidamada Puntland shalay galabnimadii ayay soo dhameystirmeen markii ay soo mareen deegaanka Abeesaale oo ka tirsan gobolka Bakool kaddibna ku soo dhacay wado loo yaqano wada Dadbane ilaa ay ka soo gaaraan tuulada Ceel-Cali iyadoo halkaasi ay ku sugayeen ciidamo ka socday maamulka gobolka Sh/dhexe oo iyadu soo galbiyay, waa sida aan warark aku helnaye.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ciidamadaasi loo kala galbiyay xerooyinka ku kala yaala Mahadaay iyo Kongo oo ah meel kala qaybisa maamulada Max’ed Dheere iyo Muuse Suudi, iyadoo ciidan ay afka iska saaran yihiin.

Dareenka ugu xoogan waxa uu ka jiray Magaalada Muqdisho waxaaa shalay deg deg ah isugu yimid xubnaha labada gole ee ku sugan Magaalad Muqdisho waxayna halkaasi ka sheegeen in ciidamada soo gaaray Jowhar ay yihiin ciidamo ka yimid Puntland iyo kuwo Itoobiyaan ah, iyadoo loo digay hay’adaha samafalka, Dublamaasiyiinta iyo shirkadaha diyaaradaha ee tagaya Magaalada Jowhar kaddib markii ay sheegeen xubnaha baarlamaanka in halkaasi ay ka bilaaban karto dareen colaadeed, waxayna C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi ku eedeeyeen inay dalka soo galiyeen ciidamo itoobiyaan ah.

Tikniko aad u xoogan oo ay leeyihiin Maxmadaha Islaamiga ah ayaa shalay iyana lagu arkeyey waddooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo wareysi uu bixiyay wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato uu iclaamiyay in lala "jihaado" ciidamada ku soo xadgudbay dhulka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay ciidamda in Itoobiya xitaa ay ku soo wajahan yihiin gobolada Bay iyo Bakool iyo Sh/dhexe .

Yuusuf Indha-Cadde oo isna ka hadlay arrimaha ku soo kordhay Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa uu sheegay in ciidammada yimid Magaallada Jowhar ay yihiin kuwo la doonayo in lagu abuuro dagaallo sokeeye, waxaana arrintani wada waxa uu ugu yeeray "fidno wade" C/llaahi Yuusuf Axmed.

Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culimaaa’udiinka waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa isna waxa uu sheegay in Itoobiya ay weligeed ku haminaysay qabsashada dalka Soomaaliya, isagoo wareysi uu bixiyey dhawaan uu ku sheegay in Itoobiya aysan ka raali ahayn dowlad ka dhalata Dalka Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf oo shalay ka hadlayay furitaanka Xafiis cusub oo Midowga Afrika ka furtay Magaallada Jowhar ayaa waxa uusan soo hadal qaadin ciidammada soo gaaray magaallada Jowhar ee ka yimid dhinaca Puntland, wuxuuna uu yiri "Anigu waxaan ahaa ninkii ugu horreeyey ee bilaaba bur-burkii Soomaaliya, maantana waxaan diyaar u ahay in aan ka qayb qaato dib u dhiska dalka, dibna u soo celiyo dowladnimadii Soomaaliyeed"

Maxamed Qanyare oo u waramayey Jariidada Tha Standard ee ka soo baxda Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Cabdulaahi Yuusuf uu abaabulayo Dagaal uu ku doonayo in uu ku soo weeraro Magaalada Muqdisho sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiyaha ay ku taageereyso arrimaha uu wato Cabdulaahi Yuusuf.

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Maanta Maxkamadaha islaamiga ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka aysan ka jirin wax la yiraahdo Dowlad , waxay kaloo kulankooda ku sheegeen in Cabdulaahi Yuusuf ay u aqoosan yihiin "dagaal ooge" u adeegaya caddowga umadda soomaaliyeed waxayna afka ku dhufteen Dowladda Itoobiya.

wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaara Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in ay Magaalada ku soo qulqulayaan cidamadii laga keenay deegaanka Mustaxiil waxaana la sheegay in ay la socdaan 12 Sarkaal oo Itoobiyaan ah , waxaana markiiba xeryaha la dejiyey la gaarsiiyey teedhooyinkii matooradii dabka ee dhawaan ay dowladda Talyaaniga ugu deeqdey Dowlada Federaaliga.

warar haatan na soo gaarey waxay sheegayaan in hay'adihii samafalka ay bilaabeen maanta in ay ka baxaan Magaalada Jowhar ka dib markii ay soo gaartey hajabaadyo ka yimid kooxaha ku sugan magaalada Muqdisho sidoo kale waxay sheegeen in Magaalada Jowhar ay haatan isku bedeshey goob ciidan oo aan la isku haleyn Karin marka ay timaado arrimaha amaankooda waxayna Masuuliyiinta Hay'adaha sheegeen in ay magaalada ku reebayaan shaqaale kooban oo soomaali u badan oo sii wada arrimaha Baniaadanimada, warar aan ka helnay Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maamulka Maxamed Dheere uu ku wargeliyey Haydaha in Hayaddi baxdaa aysan dib dambe ugu soo laaban doonin Magaalada Jowhar, waxaa kaloo ka Hadley wasiirka warfaafin ee dowladda ku meel gaarka ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qirey in magaalada Jowhar ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo loogu talagaley arrimaha Nabadgelyadda.

:FAALLADII XAAYOW:
Puntland waxay kamid tahay Dalka Soomaaliya, CiidankaPuntland waxay ka mid yihiin Ciidanka Qaranka... Xaayow

Ibraahim Xabeeb Nuur oo ah Wasiir ku xigeenka dib au heshiisiinta, kana mid ahaa raggii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu kula kulmay Magaallada Godey ayaa isna mar uu u warraysi bixiyey waxa uu sheegay in C/llaahi Yuusuf uu uga baxay ballantii uu la galay dadweynaha ku nool Gobolk Hiiraan.

"Sow caddaalad darro ma aha in Reer Puntland-na la siiyo hubkii Qaranku lahaa ee C/llaahi Yuusuf ka keenay dibadda, kana soo degay Boosaaso, ciidammadeennana la yiraahdo hubka waxaan idinku siineynaa Magaallada Jowhar" ayuu yiri Xabeeb oo intaa ku daray "C/llaahi Yuusuf saddex jeer ayaan wada xiriirnay, saddexdiina waxa uu sheegay in Reer Hiiraan uusan siineyn wax hub ah".

Arrimaha ciidammada ee Magaallada Jowhar ayaa waxaa kale oo lagu soo qaatay kulan ay shalay isugu yimaadeen siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Mudulood oo sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin ciidmmo ka yimaada Puntland oo yimaada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayaaa la kala ogan doonaa waxa ay ku dambeyn doonaan ciidammada ku sugan Magaallada Jowhar ee la sheegay in halkaasi loo keenay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadgelyada dalka.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


War-Saxaafadeed  Xaqiijin Gudoomiyaha Golaha Nabada Iyo Midnimada Qaranka oo Lasoo Daayey.

8/9/05

Golaha Nabada iyo Midnimida Qaranka Soomaaliyeed waxaa uu xaqiijinayaa in galabtay markii ay saacadu aheyd 5:30 galabnimo ee saacada afrikada bari lasoo daayey gudoomiyaha Golaha Nabad iyo Midnimada Qaranka Mudane Jaamac Adan Dheere oo mudo tobon casho ah ku xirnaa magaalada Jowhar ee gobolka shebeladda dhexe ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha waxaa uu kusugan  yahay magaalada Jowhar waxaana si buuxda ugu soo laabatay xoriyadiisii,  aad ayeyna   xaaladiisa caafimaad u wanaagsan tahay inkastoo uu sameyn doono baaris dhanka caafimaadka ah.

Golaha Nabada iyo Midnimada Qaranka iyo taageerayaashiisuba waxaa ay soo dhaweynayaan soo deynta gudoomiyaha iyadoo markii horeba si dulmi ah loo xirtay.


Abwaan Axmed Nuur Ow Maxamuud (Jirrab) Halgamaa la hilmaamay oo u baahan gargaar... GUJI..

Golaha Nabada iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed iyo gudoomiyuhuba waxaa ay halkaan mahad ugu soo jeedinayaan dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed  gaar ahaan intii ka qeybqaadatay soo deynta gudoomiyaha kana dhiidhisay markii loo geystay xarigii sharci darada ahaa ee looga qaadey xoriyadiisa waxaana xusid mudan in siyaasiyiin wax garad  badan intuba ukala harin soodeynta gudoomiyaha si guud iyo si gaar ahba.

Goluhu wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa  qeybaha kala duwan ee saxaafadda  Soomaaliyeed oo si weyn gacan uga geysatay soo  deynta gudoomiyaha Golaha Nabada iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Wuxuu goluhu sidoo kale mahad ballaaaran usoo jeedinayaa hay`addihii   iyo ururadii iskugu jiray  Soomaali  iyo kuwa caalami ahba ee  gacanta weyn ka geystay soodeynta gudoomiyaha waxaana  ka mid ah,   hay`adda  Xuquuqul Insaanka ee Gaashaan, Isbahaysiga Difaaca Xoriyada Hadalka iyo Rayiga, hay`adda amnesty International, Khabiirka arrimaha Xuquuqul Insaanka ugu Xilsaaran Qaramada Midoobey  Soomaaliya Dr:Ghanim, Ururka Somali Concern Group, Urur, United Gedo People`s  Council, Somali Reconstruction and social Development r (SRASD)


Ugu Dambeyntii waxaa Golaha Nabada iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa in ay ummadda Soomaaliyeed meelwada jir ah uga soo jeesato muwaadinkasta oo Soomaaliyeed oo loo geystay xadgudub taabanaya xuquuqdiisa qof ahaaneed.

Mahadasanidiin.
Madaxa warfaafinta G NMQS.
A.A. Mohamed.
zakizakii@hotmail.co.uk

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2005

Australia: Dumarka Soomaaliyeed oo ka cawday Ragooda Qaadka Ruuga | Warbixintii Xiish | Sept 8

Masar:dowlad da'a ah iyo dimoqoradiyad curdin ah
Faalladii Gurbiye... Qaahira
| Sept 8

Soomaaliya iyo kenya oo heshiis Iskaashi kala saxiixday
Warbixintii Mumtaz ... Kampala
| Sept 8


 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD