"Yusuf
Ali Trojan Horse" oo Dadka
Internetka Dhex Mushaaxaya ka
Xanibaya Websiteyada Qaawanaanta,
waxana uu bedel kooda shaashada
ka soo saarayaa Qur'aan....
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | Sept 8, 2005
Qeexid: Trojon Horse =
Waa barnmaij ku lingaxan barnaamij kale, kaas oo dhibatao u
geysan kara computerka
Qeexid: Malware = waa barnaamijyo dhib u geysta computerada..
Waxaa beryahay internetka dhex
wareegaya nooc kamid ah
barnaamijyada loo yaqaan "Trojan
horse", kaas oo dadka internetka
dhex mushaaxaya ka xanibaya
websiteyada qaawanaanta iyo
websiteyo ay ku qoran yihiin
erayo la xiriira qaawanaan iwm,
sidaas waxaa shaaca ka qaaday
shirkada Sophos oo kamid ah
shirkadaha sameeya aaladaha
lagaga hor tago Viruska
Computerka.
Barnaamijkan oo toddobaadkan soo
shaac baxay oo magiisa la
yiraahdo Yusufali-A, waxa uu
korka ka daalacanayaa am akala
soconayaa websiteyada ay
booqanayaan dadka adeegsada
barnaamijka Windows, haddii
websiteka ay booqdaan uu
cinwaankiisa ku qoran yahay
erayo uusan (yusufali-A)
jeclaysan (sida "dhawr-iyo-jir",
"xx", "galmo" ama iwm) markaas
websitekii inta uu qarsoomo ayaa
waxaa shaashada ka soo baxaya
Qur'aan u qoran sidan:

"Ogow (kuna sugnow Nabiyow)
inaan eebbe mooyee Ilaah kale
jirin, una dembi-dhaaf-waydii
naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo
Haweenba, Eebana waa ogyahay
dhaqdhaqaaqiinna iyo
nagaadigiinnaba"
Suurat Muxammad, Aayada 19-aad.
"Barnaamijkan
(Yusufali-A) waxa uu kaga duwan
yahay noocyada loo yaqaan 'malware'
waxa weeye isaga oo aan isku
deyayn in uu wax lacag ah xado
ama xado xog sir ah laakiin
wuxuu u dhaqmaayaa sidii in uu
ilaalinayo edebka - waxa uu
xanibayaa websiteyada uu u arko
in ay yihiin kuwo aan booqasho
ku haboonayn" sidaas waxaa yiri
Graham Cluley oo ah aqoonyahay
xagga teknoolojiyada ee shirkada
Sophos. Waxana uu intaas ku
daray "Dabcan waa dhici kartaa
in uu barnaamijkani si khalad ah
u xanibo websiteyo aan ahayn
nooca qaawanaanta, sida
websiteyo xagga caafimaadka la
xiriira ama xagga dhaqanka oo
loogu talo galay
dhawr-iyo-jirrada".
Haddii websiteka uu
barnaamijkani u arko mid aan
daalacasho ku haboonayn uu
furnaado muddo, waxa uu
barnaamijka Yusufali-A shaashada
computerka kasoo saarayaa
dhambaal dhehaya "Guji halkan si
aad uga baxdid", haddii markaa
hagaha (mouse-ka) la
dhaqaajiyo waxaa sanduqii
dhambaalku ku qornaa isu rogayaa
looxyo taagan oo ay dusha kaga
qoran tahay erayada 'waxaan ku
jira shabakad xiran' (OH! NO
i'm in the Cage). Waxaana ka
dul muuqda batoono ay ku qoran
yihiin "kabax computerka, dami,
ama istaar" ("LogOff, ShutDown &
Restart"), hagaha waxa uu ka
dhex muuqanayaa sanduuqaad.
Xaqiiqadii saddexda batoon waa
isku mid oo kii lataabta waxa uu
sabab u noqonayaa in computerku
damo.

"Yusufali-A
Trojan waxaa dhici karta in
ciyaar ciyaar loo qoray ama si
xeel dheer loo qoray si loo
nadiifiyo dabeecadaha dadka
adeegsada Internetka' ayuu yiri
Cluley. Waxana uu intaas kudaray
"wax kasta oo ay ahaato sababtii
loo qoray, dadka computerada
adeegsada waxaa la gudboon in ay
ay computerkooda kaga difaacaan
barnaamijyada ka hor taga
Visuska".
Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept
8, 2005
Gabagabada kulan Cilmiyeedkii Koowaad ee Muqdisho
Waxaa
xalay Lagu Soo gabagabeeyay masjidka weyn Alraxiim ee xaafada Towfiiq Kulan
cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho lagu qabto,
xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qayb galay...
Warka oo dhan... Guji...
Ciidamo ka
yimid Mustaxiil oo soo Gaarey Jowhar
Wararka ka imanaya Jawhar ayaa...
Guji....
NORWAY:::
Warbixin Bannaanbaxii Looga Soo Horjeedey Zenawi
Warbaahinta Norway ayaa ka hadlay
bannaanbaxa...
Guji
Sept 6
Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey
Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka
socdey Minneapolis oo ku dhamaaday guul
Ka Akhri halka
Sept 5
»Baaqa
Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa|
kaashawiito
»Qoraal uu
London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|