SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Soomaaliya iyo kenya oo heshiis Iskaashi kala saxiixday.

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | canabmumtaz@yahoo.com

Heshiiskan oo ka dhacay talaadadii Wasaarada Arrimaha dibada ee dowlada Kenya ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka kala socotay labada dhinac ee Somaliya iyo kenya oo heshiiskan wada saxiixday.
 
Ujeedada heshiiskan oo ay labada dhinac ka wada gaareen oo ay ka hadleen ayaa ku macneeyeen inuu daboolayo dhinacyada dhaqaale,Nabad galyo,waxbarasho siyaasad,caafimaad  iyo guud ahaan wax walba oo iskaashi ah oo ay wadaaagayaan labada dal maadaama ay leeyihiin xuduud oo aysan kala maarmin.
 
Dalka Somaliya waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka Arrimaha dibada C/llaahi Sh.Isma'il oo sheegay in heshiiskani uu yahay mid loo baahnaa kuna soo beegmay xili loo baahnaa waxa uuna intaa ku daray in ay dhinacooda soo dhawaynayaan heshiiskan ayna fulin doonaan dowlad ahaan waxii kaga soo aadan.
 
Dhinaca Kenyana waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka Iskaashiga Bariga Afrika Mr.Arab Koech,waxa uuna sheegay in heshiiskani uu dabooli doono meelo badan oo muhiim u ah labada dal si loo xoojiyo dhinacyo badan oo u baahan iskaashi.
 
Waxaa kale oo ka hadlay munaabadaas saxiixa ah Ra'iisul wasaaraha Somaliya Cali Maxamad Gedi oo sheegay in dowladiisu ay fulin doonto dhamaan qodobada lagu heshiiyay ayna soo dhawaynayaan heshiiskan oo uu ku tilmaamay Geddi mid taariiqda labada Dal Gali doona.
 
Somaliya iyo Kenya mudooyinkan dambe waxaa aad u soo xumaanayay xiriirkooda dhinaca xuduuda ah kadib markii ay dagaalo ka dhaceen dadna lagu xirxiray iyadoo ay dowlada kenya sheegtay in ay ilaalinayso amaankeeda ayay ku dhawaaqday in ay xirtay xadka ay la wadaagto Somaliya ee dhinaca mandhera mar aan fogayn dadaalo kala duwan ka dib ayaa la sheegayaa hadda in xuduudu ay caadi ku soo laabatay.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005

Gabagabada kulan Cilmiyeedkii Koowaad ee Muqdisho
Waxaa xalay Lagu Soo gabagabeeyay masjidka weyn Alraxiim  ee  xaafada Towfiiq Kulan cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho lagu qabto, xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qayb galay... Warka oo dhan... Guji...

Ciidamo ka yimid Mustaxiil oo soo Gaarey Jowhar
Wararka ka imanaya Jawhar ayaa... Guji....

NORWAY::: Warbixin Bannaanbaxii Looga Soo Horjeedey Zenawi
Warbaahinta Norway ayaa ka hadlay bannaanbaxa... Guji Sept 6

Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey
Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka socdey Minneapolis oo ku dhamaaday guul 
Ka Akhri halka Sept 5

 

»Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD