SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Masar:dowlad da'a ah iyo dimoqoradiyad curdin ah!!
 
10:00-ka fiidnimo ee cawaa oo arbaco ah ayaa qufulada lagu jabinayaa sanaadiiqda codbixinta kadib maalin dheer oo doorasho ka dhacday dalkan Masar,inka badan 32-milyan oo ruux ayaa saakay ilaa sideedii aroornimo u dareeray sanaadiiqda codbixinta dhamaan degmooyinka dalkan Masar si ay doortaan Madaxwaynihii dalka mudada lixda sano ee soo socota.

Murashaxiinta tobanka ah ayaa dadka u horkacay si ay codadkooda u dhiibtaan doorasho lagu tilmaamay maalin taariikhi ah,Mubarar,jumca,Ayman,waxiid,ibraahiim,qinaawi iyo dhamaan murashaxiinta ayaa codadkooda ka dhiibanayey goobaha codbixinta,Ayman Nour oo kamid ah murashaxiinta oo Saxaafadda kula hadlayey Baabu-shicriya ee bartama Qaahira kadib codbixintiisa ayaa sheegay in Masar gashay cahdi cusub,isla markaana ruux walbo oo Masaari ah looga fadhiyo in maalintaan ixtiraamo,go'aamiyana mustaqalkiisa iyo mustaqbalka dalka.

Inkastoo dhaq-dhaqaada Kifaaya ee mucaaradka taageerayaashiisa isugu soo baxeen Taxriir(bartamaha Qaahira)si dadku ugu booriyaan in Mabarak la qaadaco,taageerayaasha mubarakna isugu soo baxeen meel aan ka fogeen hadana amniga ayaan gacanta ka bixin,ciidamada oo heegankii ugu sareeyay la galiyay 24-kii ee ugu dambeesay ayaa meel walbo daadsan,booliis ayaa kaaga hor imaanaya halkan iyo halkaas,qiimaha gaadiidka ayaa hoos loo dhigay,dadkuna waa mucaarid iyo muxaafid,googaada inta badan la hadal hayo waa halka ay u biyo-dhici doonan codadka Xarakada Ikhwaanu muslimiinta oo labo milyan iyo bar ka mid ah taageerayaashoodu usoo baxeen codbixin tiiyoo ilaa hadda aan la garaneen cidda ay ugu shubayaan.

"Masar waa hooyada dunida","maata waa maalinta taariikhi ah","waa ilaah mahadii inan maanta soo gaaro","waraaq sooma baxsan waayo codkayga qiimo malahan,guushuna waa cadahay","waa tajrubo ku dayasho mudan","u dagaalan barito","aniga hadda ayaan codaynayaa","waqti uma hayo doorasho quutul-yoom ayaa caruur iga rabtaa ",waa erayo dhagahaada kusoo dhacaya markaad raacdo gawaarida ama  soo marto wadooyinka Qaahira,dhowr gaari aan raacay doodo kulul ayaa ka socday,mid sii dagaya iyo mid soo korayaba waxaa la hadalhayaa doorashada,saraakiisha mas'uulka ka ah doorashada ayaa warbaahinta ka sheegaya in dadku dulqaad muujiyaan,amnigana la shaqeeyaan.

Tartankan doorashada hal murashax wax kaban oo la ogolaaday ayaa ka dambeesay kadib markii Madaxwayne Mubarak ka codsaday Aqalka barlamaanka bishii febrayo ee sanadkan  in la badalo qodobka 76-aad ee dastuurka si doorashada isusoo taagaan hal murashax wax ka badan tiiyoo soo afjartay nidaan hal Xisbi oo dalkan xukumayey wax kabadan nus qarni,nidaamka Axsaabta ayaa dalkan ka bilowday 1907-dii iyadoo Xisbiga talada hayo ahaa Xisbigii ugu horeyay ee uu dhasay Mustafa Kamaal,waxaa xigay Xisbiga Al-wafdi oo la dhisay kadib Tow-radii 1919-kii,Al-Axrar 1922-kii...ilaa axsaabta laka diray towradii 23-kii Luulyo 1953-kii kolkaas oo ciidamada qalabka sida talada dalka ka af-gambiyeen boqoryooyadii Faaruuq,wixii maalintaas ka dambeesay waxaa dalka maamulaey nidaam hal Xisbi ah.

Madaxwaynaha talada haya ee Mubarak waxaa uu xukunka qabtay kadib markii tarabuunka lagu toogtay Madaxwaynihii isaga ka horeeyay ee Anwar Al-sadad,isagoo talada haya muddo 25-sano ah,hadii mar kale la doorto waxay mudadiisa noqondoontaa 31-sano,Masar towradii kadib waxaa soo maray Afar Madaxwayne:Maxamed Najiib 1953-1956,Jamaal C/Nasir 1956-1970,Anwar Al-sadad 1970-0981 iyo Xusni Mubar 1981....dalkan xiligan waxaa ka dhisan 16-Xisbi qaarkood doorashada waa qaadaceen,lix iyo tobankaas Xisbi shan kamid ah ayaa Wargayso soo saarto,marka laga reebo Xisniga talada haya inta kale malahan wax Idaacad ama TV. ah.

Doorashadan oo isu madaxbanaaneeyeen garsoorka dalkan waxaa loo diiday kor-joogayaal caalami ah,xitaa waxaa loo diiday hay'adaha madaniga ee dalkan,murashaxiinta dhamaan waxay caddeeyeen kalsoonida ay ku qabaan garsoorka dalkan,waxaanse la ogayn kalsoonida ay u qabi doonan  natiijada doorashada oo la filayo sedex maalmood gudahood.

 

 C/casis Axmed Gurbiye,Cairo.
gurbiye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005

»Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD