SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JAWHAR

Ciidamo aad u xoog badan oo ka yimid Mustaxiil oo soo gaarey Jowhar

  • Hub iyo Saanad fara badan oo ay wataan .

  • Calanka Itoobiya oo gawaarida qaarkood ka lulanayey

  • ( Warbixin dheeraad ah )

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

            Shalay saacaddu markay ahayd 4-tii galabnimo ayaa magaalada Jowhar waxaa soo galay ciidano gaaraya 1200 oo askari kuwaasoo mudooyinkaan ku sugnaa Magaalada Mustaxiil. Ciidankaan ayaa habeen saddexaad waxay ka soo dhaqaaqeen Magaalada Mustaxiil waxayna soo mareen Qurac-Joome iyagoo dusha ka maray galbeekda Magaalada Baladweyne kaddibna u dhaqaaqay dhinaca Tayeeglow kaddibna u soo dhaqaaqay jid isku xira Jalalaqsi iyo Tayeeglow halkaasoo ay maalmahan ku sugayeen ciidamo watay tikniko aad u xoogan oo laga leeyahay gobolka Sh/dhexe. Shalay markii ay soo gaareen ciidankaani deegaanka Jalalaqsi ayaa waxaa la damiyay isgaarsiintii Taleefoonada ee gobolka Sh/dhexe sidoo kale waxaa xarumahoodii loogu tagay isla markaana laga qaatay isgaarsiintii Fooneeyaha. Ciidankaan oo watay 30 Gaar iyo saanadooda ayaa waxay dusha ka mareen Magaalada Jowhar waxayna haatan ku sugan yihiin halka lagu magacaabo Kongo oo maalmahan loo diyaarinayay, warar ayaa waxay sheegayaan in ciidanka qaarkood ay wateen Calanka Itoobiya, waxaana lagu waramay imaanshaha ciidamadani in ay kor u qaadeyso khilaafka u dhexeeyay xubnaha labada gole. Sidoo kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Balcad waxay sheegayaan in halkaasi uu ka jiray dhaqdhaqaaq aad u xoogan waayo halka la soo dejiyay ciidankaa ee Kongo iyo deegaanka uu ka taliyo Muuse Suudi aad bay isugu dhow yihiin waxayna halis ugu jiraan in uu iska hor imaad dhexmaro, iyadoo mas’uuliyiinta labada gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay maalmahan wadeen cambaareyn ay u jeedinayaan Dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay wado qorshayaal ay isaga horkeeneyso shacabka Soomaaliyeed. 

Wararka kale oo  naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maleeshiyada Max’ed Dheere ee ku sugan Gobolka Sh/dhexe iyana lala xareyn doono ciidamadii ka yimid deegaanka Puntland iyagoo halkaasi kula qaadan doona tababar socon doona muddo saddex bilood ah.

Sidoo kale Tiknikada Max’ed Dheere ee ku sugan Gobolka Sh/dhexe ayaa iyana la sheegay in iyana la mari doono midabka Tuutaha oo loo ekeensiin doono kuwa Puntland.

C/llaahi Yuusuf oo ah Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa markii uu ku soo laabtay Magaalada Jowhar khudbad oo u jeediyay shacabka Jowhar waxa uu sheegay in ciddii aan soo raacin dowladda uu daadka la tagi doono.

Hadal uu horey u jeediyay Max’ed Dheere ayaa isna meesha ka baxay oo  ahaa in maleeshiyadiisu ku filan tahay ammaanka Gobolka Sh/dhexe iyo xarumaha dowladda isaga oo sheegay in aan loo baahnaan doonin ciidamo laga keeno gobolada Puntland taasina waxay keentay in la isku mari waayo kaddib markii uu Max’ed Dheere soo jeediyay in Gobolka ay yimaadaan boqol askari oo sugta ammaanka Magaalada Jowhar.

Isku soo wada duuboo qorshaha lagu keenay ciidamada Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeyso Dowladda Itoobiya waayo shalay ciidamadii soo galay qaar ka mid ah Gawaaridii ay wateen waxaa ka lulanayay calanka Itoobiya, sida wararku sheegeen.


Hadaladii C/Lahi Yuusuf iyo Cusmaan Cali Caato GUJI...

 Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne waxay sheegayaan in ciidamadii ka soo gadooday dhinaca Mustaxiil ay maalintii shalay ahayd Magaalada Baladweyne ay ku abuureen qalal iyo xasilooni daro. Ciidankaan oo u socda raxan raxan ayaa meelaha qaarkood waxay ka gaysteen dhac iyo boob balse mas’uuliyiinta gobolkaa ayaa wada dadaal ay ku doonayaan in ciidamadaasi ku xariyeen deegaanka Luuqjeelow oo 40KM u jirta Magaalada Baladweyne. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cumar Dheere ayaa shalay qaybo ka mid ah ciidamadaas waxa uu kula hadlay Magaalada Baladweyne waxa uu ka dalbaday in ay dib ugu laabtaan xeryahay loo qoondooyay. Ciidankaan oo markii hore lagu biiray kuwa Puntland ayaa waxay ka caroodeen markii la yiri waxaa hubka la idinku siin doonaa Magaalada Jowhar taasina waxay keentay in ay soo kala firxadaan, sida wararka aagga ka imanayaa sheegeen.

            Arrintaan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay war cad ka soo saaraan Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan oo iyagu markii horeba ka careysnaa markii loo diiday in Magaalada Baladweyne ay xarun u noqoto ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


C/Laahi Yusuf & Sh. Aweys.... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2005


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji... Aug 1

Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata Soomaaliyeed oo...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD