Baaqa
Baarlamaanka Puntland Ma Mid
Wadaniyadeedbaa Mise Waa Mid
Siyaasadeed
W.Q. Maxamed Siciid Kaashawiito
radiomidnimo@yahoo.com
Waa markii ugu horeysay ee
xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland ay soo
saaraan qoraal ay ku mideysan yihiin oo ay ku tilmaamayaan
dhibaatada ka jirta Maamulka Puntland gudihiisa.
Inta badan dadweynaha reer Puntland ayaa indhahoodu
qabanayeen khaladaadka maamul ee Puntland oo beryahan danbe
sii tabareysanayey, waxaase arrin la yaab leh noqotay kadib
markii ay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanku ay shalay ka
dhawaajiyeen baaxada dhibaato ee ka jirta Puntland.
Dadka qaarkood waxay qabeen in warbixinta oo kale ay noqoto
mid si asturan la isugu gudbiyo, balse waxaa laga anfariiray
arrinta dhalisay in saxaafada madaxa banaan loo soo bandhigo
dhaliisha maamulka ee mugaas leh.
Baarlamaanka Puntland ayaa in badan oo mushatamaca Puntland
ahi ku tilmaamaan kuwo qalinka ku duuga barnaamij walba oo
ay dowladdu miiskooda horgeyso, waxaa kaloo lagu dhaliilaa
in ay ahaayeen kuwo wax la qaybsada ama gacan saar la leh
hadba maamulkii Puntland soo mara, waxaase la is weydiinayaa
sababta iminka ka dhawaajisay?
Ciddina ma inkiri karto in maamul xumada Puntland ka jirta
lagu soo xasuusan karo dowladihii Soomaaliya soo maray, ama
waxaaba la oran karaa waa ka sii liidataa.
Waxaa beryahan danbe goobo cidlo ah noqday Labada
Wasaaradood ee Puntland ugu balaarnaa, kuwaasoo beryihii
hore ahaa goobo camiran oo shaqo ka socoto.
Marka aad tegto Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa indhahaagu
qabanayaan dhowr askeri oo ilaalo ah oo caajis ka muuqdo oo
taagan albaabka hore.
Sidoo kale wasaaradda Kallumeysiga iyo dekeddaha ayaa marka
aad gudaheeda tagto laguu sheegayaa in aysan Madaxdii iyo
Maamulkii Wasaaradu imaan oo ay qaarkood yimaadaan 11
Barqanimo, halkaas qudheeda ayaa waxaad kula kulmeysaa dhowr
shaqaale ah oo niyad jab uu ka muuqdo.
Madaxweynaha la doortay ee Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa
markii uu xilka u loolamayey iyo markuu xukunka la wareegay
ku baaqay in uu wax weyn ka bedeli doono hanaanka Maamul ee
jira, “Bil walba waxaanu lacagtooda siineynaa ciidamada iyo
shaqaalaha” ayuu yiri, wuxuu kaloo si cad u sheegay in uu
adkeyn doono dhinaca ammaanka, waxaase soo shaac baxay
cabashooyin ka imaanaya dhinaca shaqaalaha iyo ciidamada
Puntland oo sheegaya in aysan dhowr bilood wax mushahar ah
helin, sidoo kale waxaa maalmo dhoweyd faraha ka baxay
ammaankii Puntland kadib markii dilal is daba joog ah ay ka
dhaceen dhowr magaalo oo Puntland ka tirsan.
Maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf ee Puntland
ayaa horay heshiis ula galay shirkad lagu magacaabi jiray
Hart Group, taasoo saldhig u aheyd qalalaasihii siyaasadeed
ee ka dhacay Puntland.
Shirkadii Hart Group ayaa u muuqatay mid lagu naasnuujinayey
shakhsiyaad gaar ah, waxaana gacanta loo geliyey ka
faa’iideysiga khayraadka Puntland.
Ugu yaraan dhowr Boqol oo markab ayaa siyaasiyiin kala duwan
oo reer Puntland ahi siiyeen ruqsado ay baddaha kaga
kalluumeystaan, iyadoo Wasaaradda Dekeddaha iyo
Kalluumeysiguna ay sheegeen in ay faylkooda ku hayaan tiro
ka yar 6 markab oo si sharci ah loogu ogolaaday ka
kalluumeysiga Puntland.
Wararka iminka soo baxaya ee Maamulka Puntland uu heshiiska
kula galay shirkado macdanta baara ayaa dad badani is
weydiinayaan muxuu kaga duwaan doonaa heshiiskani kii Hart
Group.
Khaladaadkii maamul ee Puntland soo maray ayaa noqday
“Ratiga danbe ratiga horuu saanqaadkiisa leeyahay”, waxaana
arrintaas loo aaneynayaa Golaha Shacabka oo iyagu masuul ka
ah bulshada Puntland ee ay matalaan, balse lagu dhaliili
jiray in ay ka hadlaan oo keliya kordhinta mushaharooyinka
iyo khidmadaha kale ee ay qaataan, haddaba muxuu yahay
kacdoonka ay maanta ka war hayaan ee laga cabsida qabo.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro tuhun ku saleysan
dhaqaale dhowaan laga helay shirkad Ustaraaliyaan ah, taasoo
xubno Maamulka ugu tugtugta roon qaarkood isu arkeen in laga
qadiyey, sidaas awgeed, aysan xaaladu aheyn mid ku saleysan
in la dhimo tirada ciidamada Puntland oo in badan oo ka mid
ah loogu magic daray Caaglayaal.
Bulhanka iyo qaylo dhaanta wakhtiga ka soo yeeraysa Guddiga
Joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa la is weydiin karaa
ma mid siyaasadeed baa mise waa mid wadaniyadeed?
Wixii ka danbeeyey masiibadii Tsunami ayaa la rumeysan yahay
in gobolada Puntland ay dunidu ugu deeqday dhaqaale fara
badan, waxaana cabshooyin wax tar la’aaneed ka soo yeerayaan
dadkii ay dhibaatadu saameysay, mana jirto wax gargaar ah oo
maamulka Puntland ugu deeqay ama tala galay dadkaas, sidaas
oo kale waxaa jira dad ay saameeyn dhaqaale xumo ka soo
gaartay abaarihii wadanka soo maray, kuwaasoo ku nool xeryo
qaxooti, haddana aan wax gargaar ah Dowladdu u geysan.
Gargaarka keliya ee dowladdu geysato ayaa ah mid u dhexeeya
Hay’adaha caalamiga ah iyo dadka dhibaateysan.
Dadka dhaliila dowladda Puntland ayaa waxay sheegaan in
awooda maamulka Puntland aysan aheyn mid isu dheeli tiran,
marka laga eego dhinaca awoodaha, waxaana dhowaan la eryey
Xeer Ilaaliyihii Guud ee dowladda, balse ay Golaha Wakiiladu
is hortaageen.
Waxaa caburin loo geystay saxaafadaha madaxa banaan qaarkood,
waxaana xabsiyada la dhigay suxufiyiin reer Puntland ah,
tanoo wax u dhimeysay ama ku tumaneysa qawaaniinta Axdiga
Puntland oo dhigaya in muwaadinka Puntland uu fikirkiisa
cabiro karo, waxna ka qori karo.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, Mowjada siyaasadeed ee
xiligan ay albaabka ka balaqeen Guddiga joogtada ee golaha
Wakiiladu ayaa iyadu leh wax iska weydiinteeda wakhtigaan oo
Madaxweynuhu dalka ka maqan yahay.
W.Q. Maxamed Siciid Kaashawiito
radiomidnimo@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
KHAYRAADKA PUNTLAND &
TERRY:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
|
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2005
Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2
Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay
dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji...
Aug 1
Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera
Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa
joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata
Soomaaliyeed oo...
Guji... |