SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - London, UK

Qoraal uu ka soo saarey magaalada London Inj. Sayid Axmed Sh. daahir oo ka mid ah dadka u ololeeya nabadgalyo iyo dib u hesiisiin buuxda oo dhex marta Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-

Ku:- Dhamman  Malaaqyada D/M

KU:- Malaaqyada Yantaar iyo Hubeer

Ku:- Culumaa’udiinka

Ku:- Waxgaradka

Ujeeddo:-  Baaq Nabadeed &  Taageero


Eng.  Sayid Ahmed Sheikh Daahir ( Siyaasi)

Anigoo ku hadalayo Magaca inta jacel Nabadda ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Waxgaradka, Aqooyahana iyo Qeybaha bulshada Soomaaliyeed iyo beelaha Labada Beelood ee walaalaha ah Yantaar iyo Hubeer oo ku dagaalamaayay Muddo ku dhaw sanad Deegaano ka tirsan Gobolka Bay waxaan u soo jeedinayaa Baaq Nabadeed..

Taarikh ahaan labadaa Beelood waxay ahaayeen Laba beelood oo Mataana ah, laguna Mataanayay Magaca ah: ( LAMI  DHAAHOOD).  Dhaqan ahaan  Labada Beelood haddii ay wax isku khilaafaan, waxaa ku FilnaAn jiray in uu u Istaago xallinta dhibaatadooda mid ka mid ah Malaaqyada labada Beelood.  Haddaba maanta waxaa soo if baxday in Dagaalkan ujeeda la’anta ah ee soo noqnoqday dhawr jeer, sababtoo ah waxaa saldhig uu ah ama ay la xirirtaa fowdada ka taagan Soomaaliya ee ka dhalatay Dawlad la’aanta.

Haddaba waxaan u soo jeedinayaa guud waxaan beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa uu ka dhexeeyo dagaallada iyo labadan Beeloodba u soo jeedinayaa talooyinkan soo socda:-

1. In ay u xusustan waxay ay ka tiri Diinta Islamka , kana Qoomamoodan wax yeeladii ka dhashay Dagaaladas, weydistana Illah Cafis, Iyaga dhexdoodana Iscafinaya, kuna xalliyan dhibaatadooda Dhaqankii Suubana ee u dhexayay si  ay u Daaweyyan Boogihii ka dhashay Dagaalka.

2)     2.  In ay taageeraan dadaalka Dib-u-heshiineed ee ay wadaan Akhyaarta Beelaha Walaalahood ah.

3)     3.  In ay Fool-Fool ooga wada hadlaan dhibaatada dhexdooda ah, iyagoo ka fogaanayo wax walba oo xiisad abuuri kara  lana xiriira Naceyb, Xanaaq iyo isla weynida, kaashanayana Samir, Dulqaad iyo Isutanasul.

4)      4. In ay xusuusataan in dagaalkan uu dib oogu celiyay Boqolaal sano ka hor xeerkii ay joogteen,dad  ahaana looga baahan yahay in ay ku dadaalaan Nabadda.

5)      5. In ay dib oogu soo noqdan doorkii (Maqaamkii) ay kaga jirteen Bulshada Deegaanadoona, kana qayb qaadataan Dib-u-heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed.

        Intaas ka dib waxaan mar kale soo jeedinayaa talooyinka hoos ku qoran:-

6)     1.  In markay dhameystaan wada hadallada kana heshiiyaan khilaafkii dhexdooda ahaa, waxaan Farsamo ahaan  u soo jeedinaya si kalsoonidii loo soo celiyo Talooyinkan:

a)      2. In dhallinyaradii dagaalantay loogu kala  qabto Xafladdo la isugu keenayo Magaalooyinka ay degan yihin labada Beelood.

b)      3. In laga soo qayb galiyo Xafladahas Dhalinyarada beelaha kale ee ay wada degaan Laba Beelood ee Dagaalamay.

c)     4.  In la sameeyo Guddi ka kooban Odayaasha iyo Dhalinyarada ee labada beelood si ay u ilaaliyaan,una fuliyaan Go’aannadii la gaaray.

d)      5. In la sameeyo Guddi kale ee ka kooban  Aqyaartii hirgalisay Dib-u-hesiisinta si ay u kormeeraan Heshiiska.

Ugu dambeyntii wuxuu Ing. Sayid Axmed Sh. Daahir hambalyo u dirayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku howlan xallinta qilaafaadyada iyo degaallada hareeyay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay gudashada xilka iyo waajibaadka ka saaran dadka iyo dalka Soomaaliya. .

  Eng.  Sayid Ahmed Sheikh Daahir ( Siyaasi)

Qoraalkan kla xiriir:

xildhiban@hotmail.com


C/Laahi Yusuf & Sh. Aweys.... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2005


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji... Aug 1

Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata Soomaaliyeed oo...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD