SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAANTA::: Sept 5, 2005

  • Cilmi Muxumad “Ma jiraan wax maxaabiis  ah oo u dhashay Ogaadeeniya oo laga sii daayay xabsiga duqoobay ee Hargeysa
  • Jabhadda wadaniga xoreynta Ogaadeeniya oo sheegay in ay dileen 138 askari oo Itoobiyaan ah..
  • Xuseen Caydiid “Dadka tahriibka ah ee lagu daadinayo xeebaha Yemen waxay abuuri karaan colaad
  • Eng. Qaasim (Fiqi) “ma sharaxi karo wixii markii hore la igu afduubey..
  • Guddiga HURCOS oo qoraalo cabasho ah u kala diray....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Cilmi Muxumad “Ma jiraan wax maxaabiis  ah oo u dhashay Ogaadeeniya oo laga sii daayay xabsiga duqoobay ee Hargeysa

Cilmi Muxumad oo ah wakiilka jabahadda wadaniga xoryenta Ogaadeeniya ONLF ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in aysan jirin maxaabiis u dhalatay ogaadeeniya oo laga sii daayay xabsiyada duqoobay ee Hargeysa.

Waxa uu sheegay in maxaabiistaasi ay weli ku jiraan jeelka Hargeysa iyagoo aad ugu dacdareysan ama ugu dhibaateysan, waxa uuna ka dalbaday Hay’addaha xaquuq Insaanka in ay ka hadlanaa tacadiga baaxadda weyn ee loo gaysanayo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xirxiran Jeelka Hargeysa.

Waxaa kaloo uu si kulul u beeniyay Cilmi warar ay maalmahan qoreen saxaafadda Muqdisho oo sheegaya in Ururka ONLF uu noqday labo garab, waxa uuna wararlaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn jabhadduna waligeed ma qaybsamin.

Cilmi Muxumad waxa uu sheegay ama caddeeyay in ay aysan wax doorasho ah ka dhicin dhulka Ogaadeeniya isla markaana waxa uu intaa ku daray in dadka  xeryaha ciidanka Gumeysiga Kaararka loogu buuxbiiyayna kama shaqeyn doonaa dhulka Ogaadeeniya.

Waxa uu sheegay in doorasho aysan ka dhicin dhulka Ogaadeeniya taasina waxaa caddeeyay Ururka Midowga Yurub, wuxuuna u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan walaalahooda halganka ku jira.    

   Jabhadda wadaniga xoreynta Ogaadeeniya oo sheegay in ay dileen 138 askari oo Itoobiyaan ah.. 

War saxaafadeed ay shalay soo saartay Jabhadda wadaniga, xoreynta ee Ogaadeeniyay ONLF ayaa waxaay ku  sheegtay in bilihii Luulyo iyo Agoosto ay dagaalo ka dhaceen deegaano ka tirsan dhulkaasi, waxaana ka mid ahaa dagaaldaasi Tuulada Xodoyo oo ka tirsan Gobolka Doolo ayaa 27/7/2005 waxa y jabhaddu ku gubtay Baabuur waxaana halkaasi ku geeryooday 17 askari, sidoo kale Caasha Cade oo ka tirsan Gobolka Nogob ayaa 27-dii isla bishaas waxay jabhaddu ku gubtay gaari Uural ah oo saarnaayeen 30 askari, waxana jabhaddu sheegtay in aysan jirin wax ka badbaaday.

            Sidoo kale Galaalshe oo ka tirsan Gobolka Nogob aya 9/8/2005 ayaa waxa ay gubeen gaari ay saarnaayeen 15 askari.

            San Xaskule oo ka tirsan isla gobolka Nogob ayaa 12/8/2005 ayaa Jabhadda ONLF waxay halkaasi iyana ku gaari Uural ah oo ay saarnaayeen 23 askri.

            Tuulada Xamra oo ka tirsan gobolka Nogob ayaa 13/8/2005 waxay gubeen gaari Uural ah oo ay saarnaayeen 20 askri.

            Daaru Salaam oo ka tirsan isla gobolka Nogob ayaa iyana 14/8/2005 oo ah maalin kaddib ayaa waxaa dhacay dagaal aad u qaraaraa oo halkaasi lagu dilay 22 askari 31 kalena waa lagu dhaawacay. isku geyn askarta Xabashida ee la dilay waxay gaarayaan 138 askari, waxaana laga dhaawacay 31 askari waxaana laga furtay 40 qori iyo qalabka isgaarsiinta waxaana la gubay shan gaari, hase yeeshee Jabhaddu ma sheegin waxa iyana dhinacooda soo gaaray, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa Cilmi Muxumad oo ah wakiilka ONLF ee Soomaaliya.         

Xuseen Caydiid “Dadka tahriibka ah ee lagu daadinayo xeebaha Yemen waxay abuuri karaan colaad

Xuseen Caydiid oo ah Ra’isul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka ahna Wasiirka arimaha gudaha ayaa mar uu waramayay saxaafadda wax laga weydiiyay musiibadii ka dhacday xeebaha Yemen iyo Soomaaliya oo la sheegay in ay ku dhinteen dad tahriibayaal oo gaaraya 240 qof, waxa uuna sheegay Xuseen Caydiid in waqti ay ahaataba Maxkamad la soo taagi doono kuwa ku xadgudbay dadkaasi. “Waxaa arrinat tahriibka aan kala hadlay Dowladda yemen iyo maamulka Puntland in laga hortago dhibaatada tahriibka” ayuu yiri Xuseen Cadyiid oo intaa raacay “sidoo kale waxaa dhawaan arrintaan aan kala hadli doonaa Dowladda Yemen iyo Maamulka Puntland si gacan looga gaysto joojinta dadka tahriibayaalka ah.

“Dadka tahriiyaalka ah ee lagu daadinayo badaha waxay ka tageen K/Soomaaliya taasin waxay keeni kartaa colaad” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo sheegay in ay Dowladdiisa ay gacan ka gaysan doono sidii dhalinyarada ugu soo dhameyn lahayd Fiisayaal wadanka Yemen ah gaar ahaan markay u baxayaan dhinaca waxbarashada.

Eng. Qaasim (Fiqi) “ma sharaxi karo wixii markii hore la igu afduubey..

            Eng. Qaasim C/qaadir Axmed (Fiqi) oo ah nin nabadoon ah isla markaana ah qoraa waxa qora ayaa dhawaan dabley ku afduubatay Magaalada Muqdisho.

            Afduubka loo gaystay Eng. Qaasim ayaa sida la sheegayo waxa uu ku saleysnaa aargoosiyo u dhexeeya qabaa’ilka Muqdisho degan, “waxaan xernaa ama aan u afduubnaa dadkii u haystay muddo shan beri runtiina sababta la ii afduubtay markii hore ma sharaxi karin, balse waxaa la ii sheegay in la ii haysto dad laga xiray dadka markaa i haystay oo wax ku sheeganayay afar nin oo aan kor iska naqaanay oo aan wax macaamil ah naga dhaxeyn kuwaasoo kala ahaa Bashiir Raage, Beebe, Nuur Dhaqle iyo Muuse Guure” ayuu yiri Eng. Qaasim oo intaa raacay in muddadii shanta beri ahayd ee halkaa lagu hayay si wanaagsan loola dhaqmay, isagoo sheegay in aan wax madax furasho ah lagu soo deyn oo dadkii xirnaa ee isaga loo haystay la soo daayay kaddibna isagana la soo daayay.

            Eng. Qaasim waxa uu ka mid yahay qorayaasha Soomaaliyeed ee wax ka qora arrimaha Soomaaliya sida isagoo horey u qoray qormooyinkii laga daba dhacay oo ay ka mid ahaayeen (Caydiid dhimayay caano ma cabteen) (Sidee loo doortay C/llaahi Yuusuf maxaase laga sugayaa) (Masiibada dadka ku habsatay maxaa u sabab ahaa) iyo kuwo kale, waxaana falkaan lagula kacay Eng. Qaasim aad uga xumaaday maamulka iyo shaqaalaha Wargeyska Ayaamaha iyagoo u soo jeediyay bulshada in laga hortago falalka noocaas ah ee lagula kacayo dadka aqoonyahanada ah. 

Guddiga HURCOS oo qoraalo cabasho ah u kala diray 


C/Laahi Yusuf & Sh. Aweys.... GUJI...

Guddiga xaquuqda qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida ee HURCOS ayaa si aad ah uga walwalsan xaaladda la soo gudboonaatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibayaalka ah ee ku baabaya Baddaha Soomaaliya, Yemen, Liibiya iyo Talyaaniga.

            Guddigu waxa uu qoraalo cabasho ah oo ku aadan arintaa u kala diray Madaxweynaha Soomaaliya, is maamul goboleedka Puntland, UNDP, UNPOS iyo UNHCR, waxa uuna guddigu qoraalkiisa ku dalbaday in la joojiyo doomaha sida sharci darada ah dadka Soomaaliyeed u daldalaya musiibadana u horseedaya, waxa uuna guddigu xaquuqda qaxootiga soomaali-yeed ee adduunka arrintaasi ku tilmaamay mid sharci daro ah khatarna ku ah nolosha dhlainyaro badan oo Soomaali ah.

            Ugu dambeyntii waxa uu guddigu dhalinyarada Soomaali-yeed ka codsanayaan in noloshooda aysan khatar gelin isla markaana ay ka digtoonaa-daan waxyaabaha khatarta ku ah noloshooda, iyadoo guddgu dowladda Federaalka ah in ay iyadu mas’uul ka tahay shacabka isla markaana loo baahan yahay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka shacabkeeda soo wajahaya. Waxa uuna qoraalkaas uu guddigu u diray Hay’addii aan soo sheegay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray jaraa’idka waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha guddiga C/raxmaan Xuseen Abuu Xamza.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


75 oo Soomaali iyo Itoobiyan ah oo ku Dhintay Xeebaha Yemen kaddib markii laga daadiyey Doonyihii Tahriibta ahaa

Wararka ka imaanayaya dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 75 qaxooti ah oo isu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay ku dhinteen badda Cas, kaddib markii dadkii dooyaha ku soo qaaday ay ku amreen in ay badda ku daataan, sidaas waxaa sheegay hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR.

Waxaa warku sheegay in 55 meyd ah ay kusoo caariyeen badda gobolka Shabwa ee yemen, sida ay cadeeyey sarkaal ka socda Qaramada Midoobey.

Waxaa warku sheegay in 50 qof oo keliya ay kasoo badbaadeen dooni sidey 369 qof, dadkaa soo badbaadey waxaa la geyey Mayfaah oo ku taal gobolka Shabwa oo 400 km bari ka xigta magaalada dekeda ah ee Cadan.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in 203 Itoobiyaan ah iyo 166 Soomaali ah oo ku socdey Yemen ay saarnaayeen afar doonyood markii khasab looga daadiyey doonyihii ay saarnayeen, kuwii doonyahaas kusoo qariyey ayaan khasab inta ay ku daadiyeen waxa ay ku dheheen u dabaasha Yemen.

Waxaa warku sheegay in dadkaas ay baddu liqday maalinimaadii Jimcada, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 75 qof  oo 47 ay yihiin Itoobiyaan iyo 28 Soomaali, halka 50 qof oo keliya ay u soo dabaasheen Mayfaah, inta tirada ka dhimana ay maqan yihiin iyadoo aan la ogeyn in ay dhinteen iyo in kale.

ISHA: UNHCR | tarjuamdii SomaliTalk.com | Sept 5,2005

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2005


Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo Guul Ku Dhammaaday.... GUJI


"Ma dhici karto dad Mareykan ay u dhintaan Macluul sida Somaaliya"
»Qaylo dhaan ka soo yeeraysa Jasiiradaha ku teedsan Kismayo
»khilaaf ka taagan qaybsiga ergada raacaysa Sharif Xasan
»Qaramada Midoobey sheegtay in Jowhar tahay Caasimadda
»Yaa loo magacaabay danjiraha ururka Midowga Afrika...
»Beesha Hillibi Dallan-Doole oo dooratay nabadoon guud..
»Xuseen Ceelaabe: DFKMG uma xirna Jaamac Aadan Dheere
»C/raxmaan C/llaahi: gar ma ahan in siyaasiyiinta qaarkood ay
Warark aoo dhan ka akhri halkan.... GUJI...

HARGEYSA: Bilawga Ololaha Doorashada Wakiilada Somaliland  | Qodax

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji... Aug 1

Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata Soomaaliyeed oo...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD