SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed: "Qayb ahaan waxaan ahay Britain, waayo waxaa igu jira Beer British ah"

Col Xasan Daahir Aweys: "Reer galbeedku waa nala dirirayaan, mana rabaan inaan iska difaacno"


C/Laahi Yusuf & Sh. Aweys

Weriye Aidan Hartley oo ka tirsan Daily Telegraph ayaa booqday Muqdisho iyo Jowhar oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha KMG ah, Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxa Maxaakiimta Islaamiga ah Col Xasan Daahir Aweys. Maxamed Xaaji (Ingiriis) ayaa tarjumay warbixin dheer oo Hartley uu qoray kaddib booqashadiisii Soomaaliya.

"Waan jeclahay Britain," Madaxweynaha Soomaaliya, ahna qabqablihii hore ee dagaalka Cabdullaahi Yuusuf ayaa sidaas igu yiri. "Run ahaantii, qayb iga mid ah ayaa waxay tahay British." Wuxuu taabtay calooshiisa, wuxuuna daboolka ka qaaday in beer lagula tallaalay isbitaal ku yaalla London. "Waxaan nafteyda abaal ugu hayaa tabarucaha, oo ahaa 27 jir Ingiriis ah."

Sida inay tahay baaq oo kale, qaar ka md ah gacan-yarayaashiisa ayaa soo saaray baasabooro British ah. "Wembley" ayaa mid yiri. "Meel Kentish ah" mid kale ayaa kala dhex galay. Tani waxay ahayd Jowhar oo ah xaafad boor leh oo ku taalla Soomaaliya, halkaasoo dowladdii mar dhoweyto la magacaabay ee Mr Yuusuf ay xarun ka dhigatay sida dadka faraha badan ee reer miyiga ah ee caasimadda Muqdisho.

Lahjadda saxda ah ayaa diiradda saaraysa cawaaqibka adduunka ee dhibaatada la hilmaamay ee Africa, taasoo Madaxweyne Yuusuf oo ah 70 jir uu sheegay in reer galbeedku ay iska indha-tirayaan khatarta weyn ee ay leedahay. Haddii dowladdiisa calmaaniga ah ay burburto, Soomaaliya waxay ku waari doontaa qaran fashalmay, caasimaddeedana waxay gacanta u geli doontaa argagixisada Islaamiga ah oo weeraro ka sameyn doona gobolka oo dhan iyo adduunka.

"Haddaan guuleysan weyno, Soomaaliya waxay noqon doontaa hoyga xagjirka Islaamiga iyo argagixisada," ayuu yiri Mr Yuusuf oo dowladdiisu ay mar dhoweyd degtay Soomaaliya kaddib saddex sano oo wada hadallo lagu jiray. "Laakiin ma haysanno lacag. Waa inaan ku tiirsanaanaa dalalka reer galbeedka. Ma garanaayo waxay sameynayaan."

Waxaan ka soo warramayey Somalia illaa iyo markii ay burburtay oo ay gashay fowdada sannadkii 1991. Bishii dhoweyd ayaan dib ugu noqday si aan uga soo warramo "dagaalka lagula jiro argagixisada" ee gobolka Geeska Afrika. Wuxuu ahaa safar welwelkiisa leh. Dowladda Mr Yuusuf waxay ka dhalatay hannaankii nabadda ee 14-aad kaddib sannado qalalaase uu socday. Wuxuu degay Jowhar, sababtoo ah wuxuu ku andacoonayaa in Muqdisho oo 50 miles ka xigta koonfurta ay tahay rugta argagixisadu joogto.

Hadda, iyadoo dagaallo cusub laga baqayo, Wasiiradu waxay sheegeen inaysan sii wadi karin howlahooda iyagoon haysan wax dhaqaale ah. "Dhowr bilood ka hor, laga yaabee sannad," waxaa yiri Cabdirisaaq Cusmaan, Wasiirka Qorsheynta. Ugu badnaan 500,000 oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay 14 sano oo dagaal, rabsho iyo gaajo. Britain iyo wadamo kale oo reer galbeed ah ayaa ku tabarucay tiro badan oo gargaar ah, waxaana loo qaaday kumannaan qaxooti ah.

Howlgal Qaramada Midoobay oo Mareykanku hoggaaminayo ayaa burburay 1995, laba sano kaddib markii uu dhacay dagaalkii sharaf-dhaca ahaa ee Black Hawk Down ee Muqdisho, markii miliishiyooyin Soomaali ah ay u geysteen jug bah-dil ah ciidammadii gaarka ahaa ee Mareykanka. Howlgalka lagu dhammeynayo gaajada, laguna hirgelinayo dimoqraadiyad ayaa ku soo dhammaaday helikobtarro Mareykan ah oo xabadeynaya deegaanno dad rayid ahi deggan yihiin.

Maanta, xoogagga reer galbeedka kuma dhiirradaan inay cagaha dhigaan Soomaaliya, laakiin waxay sameeyaan ilaalo dhinaca cirka ah iyo xeebaha. In ka badan 1,800 oo ciidammada Mareykanka ah ayaa fariisin ka dhigtay dhinaca xadka Djibouti. Mr Yuusuf cadowgiisu waxay yiraahdaan waa nin daba-dhilif u ah Ethiopia oo ah cadow Masiixi ah iyo in ciidammo ka socda Addis Ababa ay buuxiyaan safkiisa. "Ma jiraan wax Ethiopian ah," ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf. Laakiin Waajid oo u dhow xadka Ogaden waxaan ku aragnay tababareyaal militariga Ethiopia oo tababaaya ciidamo cusub oo qaran.

Waxaa laga yaabaa in loo daadgureyn doono si ay uga hortagaan qabqableyaasha dagaalka iyo xagjirka Islaamiga oo ka soo horjeeda dowladda, haddii dadaalka UN-ka uu nabad kaga dhex sameynayo kooxaha uu burburo. Shaqaalaha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in dagaal cusub uu abuuri doono masiibo bini'aadannimo oo ka dhacda baadiyaha Soomaaliya, halkaasoo roobkii uu ka baaqsaday inuu da'o sannadkii saddexaad oo is daba joog ah.

Si aan u tijaabinno sheegashada Mr Yuusuf ee ah in mintidiin Islaami ah ay joogaan caasimadda, waxaan tagnay Muqdisho annagoo ah kooxdii ugu horreysay ee film duubayaal ah ee booqata halkaas illaa markii bishii Febraayo la dilay Kate Peyton oo ahayd soo-saare television-ka BBC. Dowladda Mr Yuusuf lafteeda ayaa horey u kala qaybsantay, waxayna Peyton ku tagtay Muqdisho martiqaad ay u fidiyeen siyaasiyiin sheegtay in caasimaddu tahay nabadgelyo. Dilal nooca qurgooyada oo kale ah oo isku daba xiga ayaa dhacay illaa markaas wixii ka dambeeyey. Middii ugu dambaysay, Cabdilqaadir Yaxye oo nabadda u dhaqdhaqaaqi jiray, ahaana saaxiibkey hore, ayaa lagu dilay gurigiisa iyadoo ay hor taagan tahay xaaskiisa.

Qaar ayaa rumeysan in dilalkani ay yihiin howlaha mintidiinta Islaamiga ah, kuwo kalena waxay qabaan inay ka dambeeyaan gacan-ku-dhiigleyaal Ethiopian ah. Nin hoggaamiye mintid ah oo arkaya gacanta Ethiopia ee siyaasadda Soomaaliya waa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan kooxda Wahhabi ee Al-Itixaad Al-Islamiya (AIAI), kaasoo markii ugu horreysay recordka gashaday hamigiisa ku aaddan inuu hoggaamiyo Qaran Islaami ah oo Soomaaliya ka dhasha iyo meelo kale oo Africa ah.

Kooxdiisu waxay muddo dheer bartilmaameed u ahayd Mr Yuusuf oo ah taliye ciidan oo hore, isbahaysina la ah reer galbeedka, sheegeyna inuu tirtiray 2,000 oo mintidiinta Al-Itixaad ah billowgii 1990-meeyadii. Mareykanku waxay ku eedeeyaan Sheekh Aweys oo ah 70 jir iyo Al-Itixaadba inay ka mid yihiin howlgeliyeyaal Al-Qaeda ah oo ka jira Geeska Afrika. Washington waxay ku dartay liiskeeda dadka ay doonayso kaddib September 11, laakiin adeegayaasha sirdoonku waxay ku andacoonayaan inay ku lug lahaayeen bambaanooyin iyo weeraro kale oo argagixiso oo ka soo billowda dagaalkii helikobtarada Black Hawk.

Filim-qaade James Brabazon iyo anigu waxaan ku jirnay weriyeyaashii ugu horreeyey ee reer galbeed ah ee kula kulma Sheekh Aweys fariisinkiisa Muqdisho. Sida ay sheegayaan warbixinno badan oo la isku halleyn karo, CIA-du waxay ku kharash garaysaa malaayiin qabqableyaasha dagaalka ee deegaanka si ay u soo qabtaan dadka looga shakiyo argagixiso. Laakiin Sheekh Aweys oo ah nin gaashaanle sare ahaan jiray wuxuu fadhiyey dhulka gurigiisa, gebi ahaanna wuxuu ku jiray istareex.

Waxaan weydiiyey inuu yahay argagixiso. "Ma ahi dambiile," ayuu yiri. "Waxaan ahay siyaasi." Wuxuu Al-Itixaad la mid dhigay Xamaas iyo FIS oo ka jira Algeria. "Weligeen ma aanan sameyn dambiyo ka soo horjeeda Mareykanka laakiin waxay nagu dhejiyeen argagixiso sababtoo ah waxay ka baqayaan inaan la wareegno dalka annagoo isticmaalayna aydhiyoolojiyad ku noqonaysa mid aysan aqbali karin," ayuu yiri. "Maalin kasta waxaan aragnaa diyaaradaha C130 oo dushayada haadaya iyo maraakiib dagaal oo ku wareegaya xeebaheenna. Reer galbeedku waa nala dirirayaan laakiin nagama rabaan inaan iska difaacno."


Cusmaan Cali Caato oo Cabdullaahi Yuusuf ku edeeyey in uu Isu Diyaarinayo Weerar..

"Ujeedaddeydu waxay tahay inaan dhisno dowlad Islaami ah oo ay yeelato Soomaaliya, kaddibna u gudubta dalalka kale." Waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku fidiyo xukunka Islaamiga ah, Africa oo keliya ma ahane sidoo kale dunida. Waxaan weydiiyey haddii uu ula jeedo inuu taas ku fidiyo hab nabadeed ama hab jihaad ah. "Haddii ay macquul noqoto inaan ku xallino macne nabadeed, waan ku xallinaynaa habkaas," ayuu yiri. "Haddii ay noqon weydo, waxaan ku xallinaynaa habka Jihaadka ah."

Adeegayaasha sirdoonka reer galbeedku waxay leeyihiin argagixiso ajnabi ah ayaa ku dhuumanaya Soomaaliya, laakiin Sheekh Aweys wuu beeniyey arrintaan. Wuxuu sheegay inuusan ka baqaynin inay soo weeraraan ama qabtaan Mareykanka. "Qof Muslim ahi waa inuusan ka baqan cabsi," ayuu yiri. "Haddii na la ku soo weeraro waxaan aaminsannahay, ama aan xor ahaanno ama xabsi aan ku jirno, weligeen kama tanaasulayno goolkeenna." Wuxuu ku cambaareeyey Ethiopia inay ka dambayso shirqoollada dilka ah, isagoo ku xiriiriyey inay ka ciyaarayso Africa door la mid ah kan Israel ka ciyaarayso Bariga Dhexe.

Intii aan sheekeysanaynay, wacdi Qur'aan ah ayaa wuxuu si xowli leh uga socday meel u dhow xaruntiisa, halkaasoo masjid laga yagleelay qabuuro gumeysigii Talyaanigu lahaayeen. Sida wararku sheegayaan, maydad Talyaani ah ayaa la soo qoday, waxaana lafihii lagu tuuray jidadka. Inay noo suura-gasho inaan la hadalno Skeekh Aweys oo aan nolol kaga helno akhbaar waxay ahayd muhiim, sida uu yiri u-kuur-gale arrimaha siyaasadda oo reer galbeed ah. "Tani waa calaamad, wuxuu rabaa inuu soo galo siyaasadda," ayuu yiri. "Wuxuu aad u dareensan yahay in dowladda Mr Yuusuf ay u dhow dahay inay burburto, wuxuuna tan u arkaa fursad."

Haddii reer galbeedku ay ku caawin lahaayeen dowladda farsamo iyo tababar - sida Britain ay ka sameysay Sierra Leone - Wasiirada Mr Yuusuf waxay sheegeen inaysan ku tiirsanaan lahayn Ethiopia. Markaan weydiiyey Madaxweynaha waxa ay ciidammada Mareykanka iyo maraakiibta xulufadu ka sameynayaan gacanka Cadan, garbaha ayuu nuuxnuuxiyey, wuxuuna yiri: "Waxba."

Kaddib Muqdisho waxaan u duulnay Djibouti. Halkaan, waxaan ku arkay ciidamo Mareykan ah oo xeeladaha ka hor tagga argagixisada baraya askarta dowladda local-ka ah. Iyagoon awoodin inay cagta dhigaan Soomaaliya, Mareykanku waxay ku bixiyaan wax badan oo waqtigooda ka mid ah hagaajinta ilkaha dadka reer miyiga ah, tallaalidda xoolahooda iyo fiirsasho xor ah - taasoo dhammaan ka mid ah miisaaniyadda badan ee militariga. Dhinaca kale ee xuduudda, Soomaaliya waxay weli ku jirtaa sharci iyo kala dambayn la'aan muddo 14 sano oo sii socota - waa xilligii ugu dheeraa ee waddan uu ku waaro fowdo illaa iyo markii la aasaasay hay'adda Qaramada Midoobay.

Waxaa soo tarjumay

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

ingiriis@yahoo.com

ISHA::: http://www.telegraph.co.uk

Faafin: Sept 5, 2005


HARGEYSA: Bilawga Ololaha Doorashada Wakiilada Somaliland  | Qodax

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji... Aug 1

Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata Soomaaliyeed oo...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD