SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAANTA::: Sept 5, 2005

  • 75 Qaxooti ah oo Ku Qaraqmay Badda Yemen... (47 Itoobiyaan iyo 28 Soomaali)
  • Cabdulaahi Yuusuf "Dalka Britain waa Dal igu weyn waayo Beerka igu jira waxaa igu deeqay 27 jir Britain ah"

75 oo Soomaali iyo Itoobiyan ah oo ku DHintay Xeebaha Yemen kaddib markii laga daadiyey Doonyihii Tahriibta ahaa

Wararka ka imaanayaya dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 75 qaxooti ah oo isu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay ku dhinteen badda Cas, kaddib markii dadkii dooyaha ku soo qaaday ay ku amreen in ay badda ku daataan, sidaas waxaa sheegay hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR.

Waxaa warku sheegay in 55 meyd ah ay kusoo caariyeen badda gobolka Shabwa ee yemen, sida ay cadeeyey sarkaal ka socda Qaramada Midoobey.

Waxaa warku sheegay in 50 qof oo keliya ay kasoo badbaadeen dooni sidey 369 qof, dadkaa soo badbaadey waxaa la geyey Mayfaah oo ku taal gobolka Shabwa oo 400 km bari ka xigta magaalada dekeda ah ee Cadan.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in 203 Itoobiyaan ah iyo 166 Soomaali ah oo ku socdey Yemen ay saarnaayeen afar doonyood markii khasab looga daadiyey doonyihii ay saarnayeen, kuwii doonyahaas kusoo qariyey ayaan khasab inta ay ku daadiyeen waxa ay ku dheheen u dabaasha Yemen.

Waxaa warku sheegay in dadkaas ay baddu liqday maalinimaadii Jimcada, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 75 qof  oo 47 ay yihiin Itoobiyaan iyo 28 Soomaali, halka 50 qof oo keliya ay u soo dabaasheen Mayfaah, inta tirada ka dhimana ay maqan yihiin iyadoo aan la ogeyn in ay dhinteen iyo in kale.

ISHA: UNHCR | tarjuamdii SomaliTalk.com | Sept 5,2005


Cabdulaahi Yuusuf "Dalka Britain waa Dal igu weyn waayo Beerka igu jira waxaa igu deeqay 27 jir Britain ah"

Madaxweynaha Dowladda Federalka Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo u waramayey wariye u shaqeeya Jariidada News Telegraph oo lagu magacaabo Aidan Hartley waxaa wax laga weydiiyey dalka uu ugu jecel yahay dunida wuxuuna ku jawaabey Cadulaaahi Yuusuf isaga oo Caloosha salaaxayai isla markaana tilmaamaya Qalbiga Ama Beerka i " waxaan ugu jecelahay Dalka Britain waayo Beerka iigu jira waxaa iigu Deeqay 27 jir u dhashay waddanka Britain mana hilmaami doono wadankaas"

wuxuu sheegay Cabdulaahi Yuusuf in dalka Soomaaliya ay si aad ah u buuxaan Wax uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada taasina waa mid ay iska indha tirayaan dalalka Reer Galbeed iyo Mareykanka waxayna si aad ah u joogaan Magaalada Muqdisho waxayna ka faaideysteen Bur burkii Dalka

" Haddi aan deg deg uusan caalamka wax uga qaban soomaaliya waxayna noqoneysaa hoyga kooxaha Argagixisadda " ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf oo intaa Raaciyey "Haddi Dowlada aysan helin kaalmo lacageed waxaa halis ku jira Dowladii lagu soo dhisey wadanka Kenya"

Cabdulaahi Yuusuf oo xarun ka dhigtey Magaalada Jowhar 50 Mayl u jirta Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay somaaliya ay galaafteen 500 oo kun oo qof isagoo sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo inta ka hartey dagaladaas

weriyaha oo sii wata faaladiisa waxaa uu sheegay in in dagaalkii ugu xumaa ay dhexmareen Ciidamada u yimid soomaaliya in ay ka hortagan Gaajada iyo macluushii ka jirtey Dalka wuxuuna soo qaatey dagaalkii Black Howk Down iyo kuwii Gan Caydiid oo ay ku dhinteen 18 askari oo Mareykan ah wuxuuna wariyuhu sheegey in dilka ciidamadaas lagu eedeynayo kooxo xag jira oo ka tirsanaa Ururkii Al-Itixaad iyo weliba Qarxyo ka dhacay wadamo ka tirsan Geeska Afrika wuxuu sheegay weriyahu in ciidamada 1800 ee askari ee ku sugan dalka Jabuuti aysan ku dhicin in ay gudaha u galaan dalka somaaliya balse waxay ku eg yihiin ilaada xeebaha

wuxuu sheegay in dalka Itoobiya ay gacan siiyaan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf wuxuuna qirey in indhiisa ku soo arkey Ciidamo Itoobiyaan ah oo tababar ku bixinaya Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool kuwaas oo uu sheegey in loo tababarayo sidii loo weerari lahaa Magaalada Muqdisho o uu sheegay in ay ku sugan yihiin kooxo ka soo hojeeda Cabdulaahi Yuusuf iyo kooxo Asal raac ah

"Aniga horey ayaan ula dagaalamey kooxaha Argagixisada waana ogahay halka maanta ay ku dhuumanayaan " ayuu yiri Cabdulaahi oo sheegey in kooxahaas uu kula dagaalamey Magaaloyin ka tirsan Gobolada Putland

Wariyaha waxaa kale uu wareystey Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Culimada soomaaliyeed wuxuuna wereysigiisa ku sheegay Shiikha "waxaan doonaya in soomaliya aan ka dhiso Dowlad Islaami ah " wuxuu sii daba dhigay "waxaan doonayaa in aan ku faafiyo Geeska afrika xitaa adduunka oo dhan " ayuu yiri Shiikh Xasan oo ka mid ahaa Col ciidamadii xoogga Dalka waxaa kaloo wax laga weydiiyey in uu ka mid yahay kooxaha Argagoxisada wuxuuna ku jawaabey " Anigu ma ihi Dambiile kama cabsanayo qofna ‘

wariyaha wuxuu sheegay in markii ay dhaceen dagaaladii sokeeya dalka soomaliya uu markasta ka soo warami jirey somaaliya wuxuu kaloo sheegay in imaanshaha waqtigan uu dareemayey cabsi iyo halisyo badan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

ISHA::: http://www.telegraph.co.uk

Sept 4, 2005


Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo Guul Ku Dhammaaday.... GUJI


"Ma dhici karto dad Mareykan ay u dhintaan Macluul sida Somaaliya"
»Qaylo dhaan ka soo yeeraysa Jasiiradaha ku teedsan Kismayo
»khilaaf ka taagan qaybsiga ergada raacaysa Sharif Xasan
»Qaramada Midoobey sheegtay in Jowhar tahay Caasimadda
»Yaa loo magacaabay danjiraha ururka Midowga Afrika...
»Beesha Hillibi Dallan-Doole oo dooratay nabadoon guud..
»Xuseen Ceelaabe: DFKMG uma xirna Jaamac Aadan Dheere
»C/raxmaan C/llaahi: gar ma ahan in siyaasiyiinta qaarkood ay
Warark aoo dhan ka akhri halkan.... GUJI...

HARGEYSA: Bilawga Ololaha Doorashada Wakiilada Somaliland  | Qodax

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji... Aug 1

Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata Soomaaliyeed oo...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD