SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAANTA::: Sept 3, 2005

  • Qaylo dhaan xoogan oo ka soo yeeraysa dadyowga ku dhaqan jasiiradaha ku teedsan magaalada kismayo
  • Madaxweyne Bush Ma dhici karto dad Mareykan ay u dhintaan Macluul sida Somaaliya

  •  khilaaf ka taagan qaabka qaybsiga ergada raacaysa Gudoomiyaha

  • Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo sheegay in Jowhar tahay Caasimadda Soomaaliya..
  • Yaa loo magacaabay danjiraha ururka Midowga  Afrika oo loo magacaabey..
  • Beesha Hillibi Dallan-Doole oo dooratay Nabadoon guud.. 
  • Xuseen Ceelaabe Faahiye oo sheegay in uusan Dowladda Federaalka u xirneyn Jaamac Aadan Dheere.. 

  • C/raxmaan C/llaahi “gar ma ahan in siyaasiyiinta qaarkood ay sawir xun ka bixiyaan..

 Qaylo dhaan xoogan oo ka soo yeeraysa dadyowga ku dhaqan jasiiradaha ku teedsan magaalada kismayo kadib markii ay saamaysay xayiraadii uu mamaulka isbahasiga ku soo rogay dhawaan  jasiiradahaas 

(SomaliTalk.com | Kismaayo): Waxa ay qaylo dhaan xoogan ka soo yeeraysaa bulshada ku dhaqan jasiirdaha kooyaamo iyo madhawe iyo waliba jasiirado kale oo hoos yimaada gobolkaan jubbada hoose kadib markii maamulka isbahaysiga dooxada jubba uu xayiraad dhan walba ah uu ku soo rogay jasiiradahaas oo uu maamulka isbahysiga uu ku sheegay halkaa ay ka shidaal qaataan maleeshiyooyinka afduubka u haysta sadexda markab ee kaluumaysi ee lagu haysto jasiirada kooyaamo. 

Waxay ahayd bartamahii bishii aanu soo dhaafnay markii ay maleeshiyo hubaysani ay afduubteen sadex markab oo ayagu si sharci daro ah oga jilaabanayay badweynta somaliya gaar ahaan mida gobolada jubbooyinka. Kadib wada hadal iyo fadhiyo badan oo ay wada galeen maamulka isbahaysiga dooxada juba iyo odayaal iyo waxgarad ku hayb ah maleeshiyada afduubka ku haysata maraakiibyaasi ayaa ku dhaamaday natiijo la aan ayadoo taas badalkeedii uu maamulka isbahaysiga door biday in uu xayirad ku soo rogo dhamaan jasiiradaha ku teedsan gobolkan ayadoo ay  ku sheegeen maamulka xayiraadaan ay sareen jasiiradaha in ay kula soconayaan dhaqdhaqaaqa maraakiibtaasi oo laga hago ayay yirahdeen jasiiradahaas.

Masuuliyiin iyo waxgarad ku dhaqan jasiiradaah oo saakay soo gaaray magaalaa kismaayo ayaa saxaafada waxaa ay u sheegen in ay aad u sii xumaanayso nolosha ay ku noolyahiin dadka ku dhaqan jasiiradahaas oo sida ay sheegeen aad u saamaysay xayiraada uu isbahaysigu saaray jasiiradahaas. Maxamuud Mayo Cabdule oo ah gudoomiyha jasiirada kooyamo ayaa sheegay in boqolaal qof ah oo ku  noolaa kaluumaysiga badaha islamrkaana ku sugnaa jasiiradaha ay caqabad ku noqotay kaluunkii ay ka soo jalaabteen bada ee ay u iibgeynayeen magaalada sababahaas oo ah xayirada la saaray jasiiradaas ayadoo uu Maxamuud ka codsaday maamulka isbahaysiga dooxda jubba in ay il naxariis leh ku fiiriyaan maatida tabarta daran ee ku dhaqan jasiiradaas ee aysna arkin maleeshiyda halkaa afduubka ugu haysata maraakiibta, mana jiraan  ilaa iyo hadeer wax waan-waan ah oo laga dhex wado maamulka isbahaysiga dooxda jubba iyo odayaasha ku haybta ah maleeshiyada afduubka u haysaa maraakiibta.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayao soomaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Madaxweyne Bush Ma dhici karto dad Mareykan ay u dhintaan Macluul sida Somaaliya

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Iyadoo dabeylo wata Duufaan ay ku dhifteen Gobolo ka tirsan dalka Mareykan isla markaan ay geysteen dhimasho bur bur aad u balaaran  ayaa maalintii shaley ahayd waxaa booqasho ku tagey goobaha Masiibooyinka ka dhaceen  Madaxweynaha  Mareykan George Bush  wuxuuna Gobolada qaarkod ku marey Diyaarad kuwa Qumaatiga u kaca ee Helikopter hase yeeshee mar uu u khudbeynayey dad ka soo barakacay dhibaatadaas wuxuu sheegay in Dowladda ay wax ka qabaneyso Khasaaroyinka ay geysteen Dabeylahaas waxaana meeshii uu ku khudbeynayey  ka dhacay in dad careysan ay ku buuqaan Madaxeynaha ka dib markii ay Dowladda ku eedeeyeen in ay  la soo daahdey gurmadkii loo baahnaa wuxuuna madaxeynaha markiiba uu ku dhaqaaqey in uu  dadka dejiyo waxaana hadaladii ka mid ahaa”Ma dhicirto dad Mareykan ah ay Macluul u dhintaan sida Soomaaliya  wadankaan Bush  baa Xukuma ” wuxuu intaa sii raaciyey “ Ma noqon doonto Mareykan sida soomaliya “ sidoo kale Mudane ka tisan Baarlamaanka  ayaa isagana ka soo bur qadeen ereyo Jees Jees  ah oo la mid ah kii Madaxweyne Bush wuxuuna yiri  “ aad baa  uga xumahay in magaalooyinka qaar ay noqdaan wadooyinkooda sida Somaaliya wadooyinkooda   ee Boorka badanaa uuna ka muuqdo burburka  lixaadka  leh “  Mudane kale oo isna ka Hadley dhibaatooyinka ay geysteen Dabeylahaas wuxuu yiri “ waxaana na soo gaaraya hadalo aad iyo aad noo dhibaya oo ah Mareykan ha loo gar gaaro iyo erayo la mid ah ‘ wuxuu intaas sii raaciyey “ Mareykanka isagaa bixin jirey Macaawino  aad baan uga xumahay in maanta la yiraahdo Mareykanka waxaa loo diraya gargaar waana arrin gef ku ah shacabka Mareykanka “

hadalada Quursiga ah ee ka soo baxaya Masuuliyiinta Mareykanka   waa mid aan dhihi karno “ Nin waa Markiiye ee Mus Ma kula korey” somaaliyana waa ka bixin doontaa dhibaatada maanta haysato waxaa dhawaan akhriyey maqaal ku soo baxay Wargeys la yiraado  Al Yoom wuxuu halku dhig uga dhigey “Mareykanka iyo Berri “  Isagoo Bayjka hore ku sawiray Taaladda Qaranka Mareykanka oo loo soo ridayo sidii tii Sadaam Xuseen


   
khilaaf ka taagan qaabka qaybsiga ergada raacaysa Gudoomiyaha

Iyadoo la filayo in uu dhawaan u ambabaxo Cariga Mareykanka Gudoomiyaha Baarlamaan Shariif  Xasan Shiikh Aadan si uu uga qayb galo kulan ay magaaladda New York ku yeelanayaan Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Adduuunka  ayaa warar ka imaanaya magaalada Nairob waxay sheegayaa in uu khilaaf xoogan uu ka jiro qaabka qaybsiga ergooyinka raacaya Gudoomiya  Baarlamaan  ka dib markii safaarada Mareykanka ay u ogolaatey in gudoomiyaha raacaan ilaa 21 xildhibaan iyo xubno kale

            Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa soo jeediyey in xubnaha loo qaybsado qaabkii 4.5  ee shirkii dib u heshisiinta ee dalka Kenya , aragtidaan ayaa la sheegay in uu Mareykanku ku taageersan yahay warar kale ayaa sheegaya in xubno kale ay so jeediyeen ergooyinka lagu xulo qaab  aqooneed  waxaana la sheegey muranka uu dib u dhigay in bixitaaankii gudoomiyaha Baarlamaanka  iyadoo safaaradda Mareykanka  ay soo jeedisey in loo baahan yahay in deg deg  arrinka xal looga gaaro maadaama u dhow yahay furitaan shirka baarlamaanada adduunka  warar kale yaa sheegaya in khilaafkan ay ku lug yeesheen qaar ka mid hogaamiyaasha ugu tunka weyn magaalada Muqdisho

 Dhinaca kale Gudoomiyaha marka uu soo dhameysto kulanka New York  waxa uu soo booqan doonaa wadamada ay ka midka yihiin Igiriiska, Holland, Norway , Sweden  Ingiriiska iyo Kanada    waxaana Soomaalida ku nool wadamadaas haatan wadaan soo dhaweynta gudoomiyaha Baarlamaanka.

Soo dhaweynta ugu balaaran waxay ka socotaa Magaalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka oo ay degan yihiin Soomaalida ugu badan marka la firiiyo Magaalooyinka wadanka Mareykanka waxaana halkaasi qabanqaabo ka wada ra’isul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr waxaana lagu waramay in xitaa Soomaalida ku nool wadankaasi ay wadaan uruurinta lacago ay ugu talagaleen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo sheegay in Jowhar tahay Caasimadda Soomaaliya..

            Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa mar uu saxaafadda ugu waramayay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya mar uu ka soo baxay kulan uu la lahaa gudoomiyaha ururka midowga Afrika Alpha Omar Conari ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay Magaalada Jowhar u aqoonsan tahay caasimadda Soomaaliya oo haatan xarun u ah Dowladda Federaalka.

            “inta la sugayo nabadgelyada Magaalada Muqdisho Jowhar waxay ii ahaaneysa caasimadda ku meel gaarka ah” ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobey François Fall oo intaa raaciyay “Muqdisho marka lagu soo dabaalo nabadgleyo dowladdu waxay u wareegi doontaa Muqdisho”.

            Hadalka ka soo yeeray wakiilka waxa uu dhabar jab ku noqonayaa xubnaha labada gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo iyagu si aad ah ula dhacsanaa dhex dhexaadinta wakiilka hase yeeshee tani waxay keenaysaa kala fogaansho aad u balaaran oo u dhexeeya xubnaha labada gole. Wakiilka ayaa wareysiyo uu horey u bixiyay waxa uu ku celcelin jiray mar kasta in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya loona baahan yahay in Dowladdu ay si dhaqsi leh ugu guurto lamana garanayo sababta uu wakiilku waqtigaan u yiri in Jowhar ay tahay caasimadda Soomaaliya.

            Dhinaca kale Dowladda Itoobiya oo iyadu taageero xoog leh siisa Dowladda Federaalka dhinaca C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahan ku howlanayd sidii Jowhar loogu aqoonsan lahaa caasimadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, waxayna arrintaani kala hadashay Qaramada Midoobey gaar ahaan wakiilka hay’addaas ee Soomaaliya François Fall taasina waxay keentay in uu wakiilku ku dhawaaqo in Jowhar ay tahay caasimadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

            Sidoo kale dowladda Itoobiya waxay ku howlan tahay sidii soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo nabad ilaalin ah oo ay iyadu hor boodeyso, waxaa kalloo Qaramada Midoobey ka dhaadhicinaysaa sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa Soomaaliya isla markaana taageero loo siin lahaa.

Yaa loo magacaabay danjiraha ururka Midowga  Afrika oo loo magacaabey..

            Waxaa maalintii doraad ahayd Magaalada Adis-Ababa gaar ahaa xarunta midowga Afrika waraaqihii aqoonsiga looga gudoomay C/kariin Faarax Laqanyo oo ka mid ah ragga sida aadka ah ay isgu dhowaayeen C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geedi.

            Siyaasigaan ayaa waxaa waraaqaha ka gudoomay gudoomiyaha ururka midowga Afrika Alpha Omar Conari, iyadoo mar uu halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka midowga Afrika uu sheegay in ururka midowga Afrika uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay dib u hanato kursigii ay ku lahayd ururka midowga Afrika oo isagu bannaanaa muddo 15 sano ku dhawaad ah.

            Danjire C/kariin Faarax Laqanyo waxaa la doonayay in laga dhigo safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya balse lama garanayo sababta ay C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi ay C/kariin ugu xusheen darajadaas sare

Cabdikariin Laqanyo wuxuu magaalada baledweyne ka abaabuley Maamul Goboleed la magac baxy Midland balse waxaa ka soo horjeestey shacabka ku nool gobolka Hiiran  wuxuuna Cabdi kariin ku lug yeeshey qalalaasooyin ka dhacay Magaalada Baled weyne  wuxuu markaas taageero ka helayey Dowlada Itoobiya  

Beesha Hillibi Dallan-Doole oo dooratay Nabadoon guud.. 

            Kulan ay isugu yimaadeen nabaddoonada, Culuma-u-diinka, siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Hilibi Dallan-Doole waxaana kulankaasi looga hadlay arrimaha beesha iyo sidii ay beesha uga dhex muuqan lahayd siyaasadda guud ee dalka ha noqoto dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ummadda Soomaaliyeed, waxayna beeshu ay shalay dooratay nabadoonka guud waxaana loo doortay Xuseen Max’ed Cabdi (Xuseen Digriyow) waxaana ku Xigeeno u ah C/qaadir Axmed Walaal, Xasan Cabdi Macow, Cali Axmedey Cabdule Ilkoole.

            Waxaana xubno ka ah Xasan Maxamuud Shoobaaye, Ibraahim Shuceyb Cumar, Nuur Cabdule Dhuubow, Macallin Nuur Geela iyo Sabdow Ibraahim Walaal.

            Beeshu waxay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn hase yeeshee waxay caddaalad daro ka tirsanaysaa dhamaan beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Mudulood kaddib markii ay beeshu hal xubin ka helin golaha Baarlamaanka iyo kan wasiirada iyo waliba Jagooyinka kale ee Dowladda, waxaana xubnaha cusub loo rajeeyay in xilkooda ay a u gutaan si caddaalad ah waxaana la filayaa in dhawaan  xaflad Caleemo saar ah oo ku aadan doorashada Nabadoonka dhacdo Magaalada Balcad oo 30 kiilmiter u jirta Magaalada Muqdisho

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo sheegay in uusan Dowladda Federaalka u xirneyn Jaamac Aadan Dheere.. 

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ah ku simaha Ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka ayaa waxa laga weydiiyay xariga siyaasiga Jaamac Aadan Dheere oo haatan ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in Jaamac Aadan Dheere uusan u xirnayn dowladda Federaalka ah ee uu xiran yahay maamulka Gobolka Sh/dhexe ee uu hogaamiyo Max’ed Dheere. “doonimeyno in aanu gacan dhaafno maamulka gobolka, isaga ayaa baaritaan ku haya Jaamac Aadan Dheere” ayuu yiri Xuseen Ceelaabe Faahiye oo u waramayay Idaacadda Banaadir, waaxa uuna sheegay in dowladda Federaalka ay gacan ka gaysan doonto sidii loo sii deyn lahaa Jaamac Aadan Dheere. Waxaa la weydiiyay adinka ayuu marti idiin ahaa oo keenay Magaalada Jowhar ee maxaad waxa uga qaban weydeen xarigiisa?, waxa uuna yiri Ceelaabe “wixii ka dhacay gobolka waxaa mas’uuliyadda iska leh maamula gobolka isaga ayaana lala xiriiri karaa, balse waxaan ku celinayaa mar kale in la sii daayo Jaamac Aadan Dheere”. Mudane Jaamac Aadan Dheere waxa uu dhawaan shir jaraa’id ku dhaleeceeyay dowladda Federaalka oo uu ku tilmaamay in ay ku fashilantay arrimhii loo soo doortay oo ahaa in ay badbaadiso shacabka Soomaaliyeed

             Sidoo kaleXoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Sh/dhe  ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la soo taagayo siyaasiga lagu magacaabo Jaamac Aadan Dheere oo dhawaan lagu xiray Magaalada Jowhar ka dib markii uu meel fagaare ah ka sheegay in dowladda KMG ah ay ku fashilantay waxyaabihii loo doortay isla markaana loo baahan yahay in ay is casisho.

            c/laahi wehliye caadle waxaa la waydiiyey waqtiga la soo taagayo maxkamadda ninkaas waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taagi doono waxaana hadda ku socda baaritaan dhinacyo badan leh, waxa uuna sheegay in hadii lagu helo dambi uu ,mutaysan doono labo midkood  oo kala ah in uu xabsiga ku sii jiro iyo in laga musaafuriyo gobolka waxaa soo gaaray maamulka gobolka sh/dhe baaqyo looga dalbanayo in la sii daayo ninkaas.

C/raxmaan C/llaahi “gar ma ahan in siyaasiyiinta qaarkood ay sawir xun ka bixiyaan..

Gudoomiyaha ururka SPMJ mudane Dr. C/raxmaan C/llaahi Dhubad ayaa sheegay in ururkiisu uu soo dhaweynayo howlaha ay Maxaakiimta Islaamig ah ka wadaan Magaalada Muqdisho waxa uuna ku booriyay in halkaasi ka sii wadaan.

“Gar ma ahan in siyaasiyiinta qaarkood ay sawir xun ka bixiyaan Maxaakiimta dagaalka kula jirta kooxaha gaysanay dilk, dhaca, afduubka iyo ka hortaga mukhaadaarka” ayuu yiri gudoomiyaha oo intaa raacay shacabka Soomaaliyeed ma aqbali doono in lagu shabadeeyo Maxaakiimta iyo Culumada Soomaaliyeed waxa la yiraahdo argagixiso.

Ururku waxa uu ka codsanayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo golaha Xukumadda in ay si fiican ula macaamilaan Maxaakiimta iyo Culumada ku howlan xasilinta Muqdisho, sidoo kale waxay ka codsadeen Maxaakiimta iyo Culumada in iyagana xiriir la sameeyaan Xukuumadda sida wasiirka arrimaha dibadda iyo Duqa magaalada si la isaga kaashado xasilinta Magaalada Muqdisho.

waxaa maalmahan  qaar ka mid ah siyaasiyiinta soomaliyeed  Maxkamadaha ka bixinayeen  argatiyo qaldan  iyadoo saiyaasiyiinta qaarkood ay  afk ku bal balaarieen in maxkamaduhu yihiin kuwa hawlahooda ku xiran shisheeye  sidoo kale mar uu Shiikh  Xasan Daahir Aweys oo ah  Gudoomiyaha Shuurada ee Maxkamadda Ifka Xalan    wareysi uu bixiyey ku sheegay in arrimihii Argagixisada ay noqdeen kuwo Ganacsi  iyo kuwo siyaaasadeed oo la doonayo in lagu wiiqo Muslimiinta

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTal.com | Sept 3, 2005


Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo Ka Socda Minneapolis
Galabnimadii Jimcada ayaa waxaa Minneapolis ka bilowday kulan diineedkii 5aad, kaas oo socon doona 3 maalmood
Guji... Sept 3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD