SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
JAAMACADDA - KISMAAYO

Munaasabad Ballaaran oo Lagu Dhagax Dhigayo Jamaacad Loogu Magac daray Jaamacadda Kismaayo (university of kismayo) oo maanta ka dhacday magaalada kimsayo...

(SomaliTalk.com| Aug 31, 2005): Munaasabada balaaran oo lagu dhagax dhigayay jaamacadii ugu horeeyaysay ee laga hirgaliyo magaalada kismayo ayaa  maanta lagu qabtay halka jaamacada dhismaheeda laga bilaabay oo ku taala meel qiyaastii 5 KM kaga beegan waqooyi barri bagaalada kismayo ayadoo munaasabadaas lagu dhagax dhigayo jaamacada loogu magacdaray university of kismayo ay ka soo qayab galeen dad aad u farabadan oo ka kala yimid degmooyinka iyo deegaano hoos yimaada magaalada kismayo ee gobolka jubbada hoose . 

Munaasabadaan maanta lagu qabtay magaalada kismaayo ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka isbahaysiga dooxda jubba oo uu hor kacayay Waziirka dib-udejinta iyo dib- udhiska ee D.F.K,G ah Xildhibaan barre Aadan Shire (hiiraale), siyaasiyiin, madax sare, ururada bulshada rayidka,ah  haweenka, dhalinyarada,saxaafada, iyo dhamaan waaxyaha maamulka degmada ee qaabilsan horumarinata dadka iyo degaanka.


Wasiirka oo asagu gacantiisa ku dhigay dhagaxii ugu  horeyey ee  unkista jaamacad ay yeeshaan goboladaaan jubooyinka inta la ogyahay taariikhda ayaa waxaa xiligaasi ka muuqanayey rayn-rayn iyo baraare u uu hayo hawshaasi iyo waliba cida soo abaabushay oo uu ku sheegay muwaadiniin taarikhda dadka iyo dalkaba ka gala baal dahabi ah. 

I  I  D  H  E  H


GUJI HALKAN.......

Intii xafladaas lagu guda jiray ayaa waxaa khudbado kala duwan halkaa ka soo kala jeediyay maamulka isbahaysiga dooxada jubba xildhaab barre hiraale oo isaga amaan balaaran usoo jeediyay raga maanta isku howlay hirgalinta jaamacadaan, sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay madaxa hey'ada towfiiq qaybteeda kismayo ayadoo hey'adaan ay tahay mida hirgalinaysa islamrkaana kharashaka ugu badan ku bixinaysa dhismaha jaamacadan, madaxa hey'adan towfiiq qaybteeda kismaayo oo lagu magacaabo cabdi qaadir maxamed xikan ayaa ku dheeraaday faa'iidada ay bulshada soomaliyeed gaar ahaan tan reer kismaayo ay u leedahay furitaanka jaamacada ayadoo uu sheegay in furitaanka jaamacadaan ay ku kaliftay baahida ay u qabaan dhalinta soomaaliyeed helitaanka Jaamacada  ayadoo sidoo kale ay halkaa ka hadleen gudoomiyaha degmada Daahir Maxamed cilmi (daahir carabeey) oo isagana u sii jeediyay bulsho weynta reer kismaayo in ay maal gashadaan dhulkooda. 

Inkastoo talaabadaan loogu abtirinayo mid ku mataaneysan horuymarka xagga amniga isbahaysigu ka gaaray hadana waxa  door aad u muhiim ah ka qaatay oo amaan lo qiray hay'adi soo abaabushay oo ah hay'ada "Towfiiq world for society"  iyo qaybo kale oo ay ka mid yihiin dalada waxabarashada Fpens, bankiga hormarinta Islaamka, Machadka culumta iyo maareynta Simad iyo jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala dhaqan wadamada Koonfur afrika, Waqooyiga Ameerika iyo dal kale oo Yurub ah. 

Jaamacadaan maanta la dhidbay oo looga fadhiyo inay daboosho kaalintii wax barasho ee ardayda heerarka Sare ee dugsiyada ayaa waxaa dhulka ay ku fadhido  ugu deeqday shirkada xawaalada Kaah, waxana la filyaa in isbuucyada soo socdaa la guda galo qaban qadabada dhismaha jaamacada kismaayo. 

Sawirada xaflada dhagax dhigga Jaamacda hoos ka daawo:



cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2005



Dufcadii Labaad ee Arday ah oo ka Qalin Jebiyey Jaamacadda Hargeysa:::

Kulliyadaha CUluunta, Islaamka, Sayniska iyo Ganacsiga ee Jaamacad Hargeysa:::

Agoosto 30keedii waxaa Jaamacada Hargeysa ka qalin jebiyey Dufcaddii labaad oo arday ah tiradoodun adhan tahay 54 arday. Ardaydaas oo ak qalin jebisey Kulliyadaha Culuunta Barshada islaamka (Islamic Study), Sayniska, iyo Ganacsiga.

Warkan oo dhan ka akhri halkan (Warka & Sawirka: Harwanaag)


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD