Yamyam:
Gabyaa Laqmaday!
Axmed
F. Cali “Idaajaa”
Toddobaadkii ugu dambeeyey
bishii Agoosto ee sannadkan (2005) ayaan kula kulmay
Nayroobi; isaga oo markaas u ballansan inuu, saddex maalmood
dabadood, u duulo Columbus, Ohio. Wuxuu ku guuleystey
inuu ka mid noqdo Soomaalida boqollaalka ah ee bishii ama
labadii biloodba mar halkan dayuuradaha lagaga guro; iyada
oo aad mooddo in dadkana dhulka laga xaalufinayo, ka dib
markii dhirtii laga xaalufiyey!
Waxaan kula kaftamay:
“Yamyamow, adiguna ma haddaad Maraykan u qaxaysaa?”. Suu
wuxuu ku jawaabey: “Oo sidee baan yeelaa, haddii aan 15 sano
ka dhur-sugaayey, wanaag ka soo socdaana uusan ii muuqan…laakiin,
kolley, dal shisheeye in badan kuma negaan doonee, waan ka
soo noqonayaa markaan reerka geeyo, aniguna aan ka soo helo
waraaqo lagu sodcaali karo”.
Cabdulqaadir Xirsi Siyaad
oo Yamyam ku magac dheeraa, reerkii wuu geeyey. Laakiin
isagu, wax la sheego, Maraykan kuma noolaan. Wuxuu ku
geeriyoodey isaga oo aan 2 biloodna ku negaan:
- “Waxaad Aadanow
maaggan tahay adiyo maankaagu
- Iyo meel uu Ilaahay ku
marin kala mid weeyaane!”
Markii ay qoyskiisu ugu
baahida badnaayeen ayuu ka iishay. Wiilal iyo gabdhoba,
warasadiisa oo hagiddiisa aan weli ka korin ayuu ka god-galay.
Soomaali intii tiqiin iyo intii maqli jirteyba goortii ay
ugu jeclaayeen ayuu geb yiri. Melaggii geerida ayaa baabuur
lalaaya isaga soo dhigay. Markaas buu ifka ka jiciirtay,
iyada oo aan nala ogeysiin, kansho lagu sagootiyana aan nala
siin!
Qoys iyo qaraabo ka sokow,
bulshada suugaanta ayaa si weyn u tebi doonta. Waddaniyadda
haatanba dadkeenna gabaabsiga ku ah ayaa maqnaanshihiisa u
sii naafan doonta. Saaxiibbadiisii gaar ahaaneed ka sokow,
maansadiisii murtida badnayd intii ku jeclayd ayaa sannado u
ilmayn doonta.
Geeriduse kala qoob culuse,
tiisu waa khasaare ummadeed. Si dhab ah berri markii wax loo
qiimeeyo ayaa la ogaan doonaa meesha hore ee uu kaga jirey
maansoyahannadii Soomaalida u soo baxay soddonkii sano ee
qarnigii 20d u dambeeyey. Aragtidayda, wuxuu ka mid ahaa,
tiro ahaan, hal-abuurro bulshadeenna ku sii yaraanaya oo
kulansaday hibada hal-abuurnimo iyo kasmo ballaaran oo
hiddaha ummadda iyo af-soomaaliga ay u leeyihiin.
* * *
Aniga, qof ahaan, wuxuu
Yamyam ii ahaa wadeey qaali ah. Wuxuu ii ahaa saaxiib, inuu
iga hormari doono, aanan weligey soo rogin! Laba-iyo-soddon
sano ayaannu ahayn suugaan-wadaag, sheeko-wadaag iyo
maan-wadaag intaba. Bilawgii 1900 iyo toddobaatannadiina
waxaaba jirtey, dhawr sano, mar aannu Xamar degaan-wadaag ku
ahayn.
Gabaygii uu tiryo iyo
heestii uu curiyoba, waxaan ahaa qofka ugu horreeya oo uu
tuso, haddii loo baahdona la saxar-tira. Sidoo kale, isaga
ayaa qoraalkii aan curiyo iyo maansadii aan isku dayoba iiga
ahaa la-taliye aan ku kalsoonaa oo talooyinkiisa aan wax
badan ku dheefay.
Sababahaas dartood ayay
dad badan oo na wada yaqiini geerida Yamyam iiga tacsiyeen.
Tacsiyayn keliyase kuma ay ekaane, waxay isla markaasba iga
durraansanayeen, af ama qoraal ahaan, inaan wax uga iraahdo
isaga qof ahaantiisii iyo, guud ahaanba, ujeeddooyinkii ugu
muuqa dheeraa ee uu maansadiisa u xanbaarin jirey. Kaasina
wuxuu ila noqday ummadda aan ku abtirsadaa codsi ay gar iigu
leedahay iyo waajib ay tahay inaan ka soo dhalaalo oo
saaxiibkayga geeriyoodey uu si walba iiga mudan yahay.
Haddaba, aniga oo
kaashanaya aqoontii aan u lahaa, isla markaasna soo koobaya
aan iraahdo: Yamyam wuxuu ahaa gabyaa hibo sheegtay oo
curinta maansadu ay dhismaha jirkiisa ku daabacnayd,
maankiisana aysan weligeed ka maqnaan. Wuxuu kaloo ahaa
gabyaa dhiirran oo kolba wixii ay la noqoto soo if-bixiya,
isaga oo aan dan ka gelin, hiif iyo hagardaamo, wixii ay u
keeni karayso. Misana wuxuu ahaa gabyaa dhaqan-yaqaan ah.
Mar kale wuxuu ahaa gabyaa madax bannaan. Mar shanaadna
wuxuu ahaa gabyaa Soomaalinnimada ku dhaata.
Intaasba wuu ahaa, waxaase
loo baahan yahay faahfaahin dheeraad ah. Haddana waxa aan
laga maarmi karin inta maansadiisa dib loo milicsado in
iyada la markhaati-gashado. Taasina wax adag ma aha.
1. Gabayaa
hibo sheegtay:
Sidaan xusuusto,
sannadkii 1973kii ayuu Xamar noogu yimid; isaga oo
waqooyi-galbeed ka socda; halkaas oo uu isagu ku soo
guuleystey tartan maanso oo heer gobol ahaa. Magaalo-madaxda
kolkuu yimidna, wuxuu ka mid noqday maansoyahanno sidiisa oo
kale gobolladii ay degganaayeen iyaguna ku soo guuleystey oo
tartan heer qaran ah la isugu keenay.
Xilligaas waxa aan ka
tirsanaa Akademiyada Dhaqanka hay’addii la oran jirey;
taasoo wax yar ka dibna u xuub-siibatey Akademiyada Cilmiga
& Fanka. Maamulka tartanka iyo tartameyaasha ayay
Akademiyadu u xil-saarrayd; halkaasoo aniga iyo Yamyam aannu
isku barannay.
* * *
Haddiiba waxaan la
ashqaraaray hibada curinta maanso oo gabayaagan da’da yari
uu ku hubaysnaa. Hadalka caadiga ahi siduu intayadii kale
ugu fududaa ayay abuurka tuducyada gabaygu isaga ugu
fududaayeen! Markiiba waxaan ogaadey inuu ‘gole-ka-fuul’
yahay: hal-abuur halka uu joogo isaga oo aan ka dhaqaaqin
soo if-bixin kara maansadii uu doono ama ay saaxiibbadu ka
doonaan!
Taasina waxay ii sii
caddaatay sannadkii 1974kii markii isaga iyo anigu aan
gudo-galnay hawlihii suugaaneed ee wadajirka aannu u
qabannay tii ugu horraysey. Waxay ahayd riwaayaddii aannu u
bixinnay “Dabkuu shiday Darwiishkii” ee ku saabsanayd
waayaha dhaqdhaqaaqii gobannimoddoonka Soomaaliyeed ee Sayid
Maxamad Cabdille Xasan uu hoggaamiyey intii u dhexaysey 1895
ilaa 1920kii.
Shaqadaas inteedii uu
isagu sida gaarka ah ugu qaybsanaa waxay ahayd inuu tiriyo
maansada ay jileyaasha riwaayaddu ku wada hadli doonaan iyo
heesaha dhawrka ah ee loogu baahnaa. Waxaan filaayey,
taxanihii sheekada haddaan dhisnay ka dib, labadayada mid
waliba hawsha laga rabo inuu la tegi doono, dabadeedna
toddobaad ama toddobaadyo dabadood, tii oo la soo ebyey
aannu isula imaan doonno.
Hase ahaatee, qorshahaasi
sidaas uma dhicin, Yamyam baana ku wacnaa. Waxaan yaabay
markuu inta qalin iyo waraaqo cadcad ii dhiibey iga soo
hor-jeestay oo igu yiri:
- “Qor !”
- “Maxaan qoraa?” ayaan
iri
- “Waxa aan kuu yeerin
doono qor”
- “Oo maxay yihiin?”
ayaan ku celiyey, aniga oo weli garan la’ waxa uu iga
rabo inaan qoro.
Markaas buu yiri: “Waxaan
kuu yeerinayaa ergooyinka shirka Baarliin gabayadii iyo
geeraarradii ay ku wada hadli lahaayeen…u horraysii ergeyga
Jarmalka ee martida loo yahay!”.
Galabtaas ayuu saacado yar
gudahood wuxuu ku dhammeeyey tixaha riwaayadda ku jira ee
aragga 1d (First Scene); tixaha ku saabsan kulankii Baarliin
ee xoogaggii Yurubta-galbeed ay 1884-1885kii Afrika ku
hooshayeen.
Markaan dib u xusuusto
galabtaas iyo dhaqsihii meerisyada gabayada uu iigu soo
tuuraayey ayaan isula ekaadaa arday damiinnimo iyo
gacan-culays isku darsaday oo macallin degdegsani uu cashar
u yeerinaayo!!
2. Gabayaa
dhiirran
Tilmaamaha wanwanaagsan ee
maansoyahanka waxaa ka mid ah geesinnimada. Isaga ayaa ku
dhiirrada wax, inta badan, aan dadka kale ku dhiirran karin.
Marar badan isaga ayaa naftiisa biimo ugu talin kara, si
waxa laabtiisa ka guuxaaya uu u soo dibed-bixiyo.
Hase ahaatee,
maansoyahannada qudhoodu taas kama wada sinna. Qaar baa
halka loo badan yahay wax uga dillaama. Qaar baa kolba kii
duubku u xiran yahay gar iyo gardarroba ku raaca; iyaga oo
lafahooda uga baqaya amaba anfaco ka jeeqaaqaya. Qaar kale,
tolka ay ka dhasheen ayay addoon u noqdaan. Gefba ha ahaatee,
talada ay qoladiisu maantaas u xaglinayso ayay ula xagliyaan,
‘maya’ inay yiraahdaanna kuma dhacaan! Qaar kale naftooda
uun bay u daneeyaan, halkii runta iyo wanaagga bulshadooda
ay uga danayn lahaayeen.
Awoodda curinta maansaduba
ha ku daabacnaatee, hal-abuurrada kuwa caynkaas ahi dadka
kama dhex-qarsoomaan. Haba qurux badnaatee, maansadoodu ma
soo dhaafto xilligii la tiriyey iyo meeshii lagu tiriyey
toona, maxaa yeelay waxaa ka maqan dareenkii runta ahaa ee
waarin lahaa. Maansadoodu ma hanaqaaddo, maxaa yeelay waxay
ka dhalatay carrabkii dalabta lahaa ee la sheegay lugaha
dalabta leh in laga garan og yahay!
Ha yeeshee, waayihiisu
sida ay inoo muujinayaan, Yamyam waa gabayaa dhiirran. Sida
aan u aqiin, waa gabayaa waxa uu rumaysan yahay aan ka
leexleexan karin, xataa hadduu ku tashado inuu isyeelyeelo
ama iscandadawlo!
Sidaas darteed, awood
siyaasadeed iyo rabitaan toleed toona weligiis uma nuglaan,
cid kale afkeedana kuma uu hadlin. Bulsho-weynta
Soomaaliyeed ayaa u sinnayd. Danaheeda ayaa weligiis uga
horreeyey kuwiisa iyo kuwa qoyskiisaba. Taana waxaa laga
garan karaa maansadiisa ballaaran iyo waayaha noloshiisa
labadaba. Mar waa kii lahaa:
- Obokh iyo Hargeysiyo
- Nugaal oogadeediyo
- Ardaayada Shabeelliyo
- Ilaa beesha Enef-dii (NFD)
- Afartiisa gees iyo
- Muqdishoo unuunka ah
- Ummaddayda joogtee
- Diin iyo af keliya ah
- U eg anigu saan ahay
- Aabbiyo adeer iyo
- Eeddiyo ayeeyaba
- Oday qurihi wada
dhalay
- Ee alif kordhaban iyo
- Aayadaha Quraanka ah
- Hikaad keliya ku
akhriya
- Waa kala ab yaa yiri?
-
- Arraxmaan Raxiimow
- Waad iga ogsoon tahay
- Ammuuraha na haystoo
- Qoladaad albaabbada
- U furtaa ma oontoo
- Abaar iyo kulayl iyo
- Eedaadka gaajaan
- La adkaysan weynoo
- Ummaddayda baahida
- Wawga ashtakoodee;
- Arsaaqdii dhulkoodood
- Irmaanow tiraahdiyo
- Aqli aan ku garanniyo
- Addimmo aan ku
maalliyo
- Xaqdigoon illowniyo
- Mid ahaanshaheenniyo
- Sabool laga adkaadaan
- Ku weyddiistey Eebbow!
Sida ay dad badani
xusuusan yihiin, bilawga 1900 iyo toddobaatannadii aad bay u
yarayd tirada Soomaalidii u bareeri kartey siyaasadihii
Golihii Sare ee Kacaanka iyo maamulkii ay iyagu
hoggaaminayeen. Cid ay daacad ka ahayd, cid wax kaga
doonaysey iyo cid ka baqayseyba, sacabka ayay bulshadu u
wada garaacaysey. Waxaa ugu darraa maansoyahannada iyo
hal-abuurrada fanka oo beryahaas si isdabajoog ah u curin
jirey gabayo iyo heeso ay madaxdii dalka ku ammaani jireen.
In kastoo beryahan loo
badan yahay madaxdii xilligaas hal-abuurradii ammaani jirey
in lagu darraabo, haddana taasi aniga waa ila gardarro,
waana gef aan maan-gaabnimo ka tagganayn! Waxaan qabaa
madaxdu haddii ay wax fiican qabato inay ammaanteenna mudan
yihiin, maxaa yeelay waa u dhiirriggelin. Haddaynu daw u
leennahay markay wax bi’iyaan inaynu ku dhalliillo, iyana
waxay gar inoogu leeyihiin kolkay wax wanaajiyaan inaynu ku
hanbalyayno.
Dhinaca kale, gabayaagu
wuxuu gar u leeyahay tixihiisa inuu u adeegsado, fal iyo
hadal, kolba wixii dareenkiisa dhaqaajiya. Wuxuu xaq u
leeyahay cidduu doono inuu maansadiisa ku ammaano, mar
walbase waxaa shardi ah inay run ka tahay oo aan dad kale
carrabka la lahayn, lana kireysan!
Si kastaba ha ahaatee, wax
ugu wacnaaba, hal-abuurradii ka biyo-diidey ammaanta
madaxdii dalka ee xilligaasi waxay u qaybsameen:
--qaar iska aamusay; iyo
--qaar dan moodey inay
tiriyaan heeso sarbeeban oo dadweynuhu aanu ujeeddadooda la
bixi karin, siyaabo kala duwanna loo qaadan karo.
* * *
Sannadkii 1974kii ayuu
Yamyam caddeeyey inuu saddexdaas qoloba ka duwan yahay.
Wuxuu taariikhda gashaday geesinnimo layaab leh markii uu
falanqeeyey gefafkii siyaasadeed ee ka dhashay
maamul-xumadii isa soo taraysey, asii in kor loogu
dheeraysto aan markaas cidina ku dhici karin!
Sannadkaas ayuu tiriyey
saddexda gabay ee la kala yiraahdo: Weriye, Qaran iyo Run
Dhegeyso oo dhammaantood xanbaarsanaa dhalliilo toos ah;
isaga oo tirinaaya goldaloolo wixii maalintaas u muuqanaayey.
Madaxdii dalka ayuu ku canbaareeyey siday uga weecdeen
1969kii waddadii ay ku ballan-qaadeen inay ummadda qaadsiin
doonaan: waddadii hufnaanta maamulka, waddadii horumarka,
waddadii daryeelka nolosha dadweynaha…
Isaga oo aan u sarbeeban,
ammaanna aan ka hormarin wuxuu ahaa gabayaagii ku dhiirradey
inuu yiraahdo:
- Lixdankii sidii loo
dhidboo, calanka loo dhaabay
- Qaar weli dhur-sugayaa
jiroon, dhaashi loo marine
- Dheeraad intoodii rag
cunay oo, ruugga sii dhuraya
- Dhaayahaygu qaar bay
arkaan, dhabarku muuqdaaye
- Dhuunyaalihii lacagtu
wuu, dhuudayaa weliye
- Masaakiinta kii dhaca
haddaan, tiirka loo dhiginnin
- Oo ayan xaqiisii
dhadhamin, kii u dhimanaayey
- Maxaad noogu dhalateen
kuwii, hore ma dhaantaane
- Maxaadse ugu
dhawaaqdeen cadlaan, laga dhabaynaynnin?
* * *
Tusaale kale oo
dhiirranaantiisa inoo muujin karaa waxa uu yahay tuduc gabay
ah oo ku beegan 1980kii. Waxay ahayd 21kii Oktoobar,
maantaasna waxaa loo dabbaaldegaayey sannadguuradii 11d ee
Kacaanka.
Allaha u naxariistee,
madaxweyne Maxamad Siyaad Barre khudbaddii uu maalintaas
ummadda u jeediyey waxa uu daaha kaga qaaday qorshe cusub oo
uu laba-kaclayn ku magcaabay. Waxaa lagu macneeyey: tallaabo,
dul iyo hoos, lagu hagaajinayo maamulkii dalka ka jirey,
wixii qaldamayna lagu turxaan-bixin doono.
Yamyam, haddiiba qorshahaas
shaki baa ka galay. Wuxuu, malaha, garan waayey, madax iyo
aragtiba, iyada oo wax waliba ay sidoodii hore yihiin sida
ay laba-kaclayni u suuraggeli karayso!
Kolkaas buu, fagaarihii
dabbaaldegga annaga oo aan wax badan ka soo fogaan, wuxuu la
soo boodey:
- “Digo-rogasho waa meel
ka wacan degelki aad tiile
- Adigoo diqdaadii
fadhiya dulinku kaa raacay
- Doobiga in loo sii
cushaa xoolo kuu darara
- Waa damac-ku-xiisood
ninkii taa danniyayow e!”
3. Gabayaa
dhaqan-yaqaan ah:
Hibo kasta ha lahaadee,
gabayaa waliba wuxuu u baahan yahay inuu wax fiican ka
aqoodo dhaqanka bulshada uu ku dhex-nool yahay iyo
dadweynaha uu tixihiisa u jeedinaayo. Inay u le’ekaatoba,
waa inuu garasho u leeyahay, guul iyo guuldarro, waayaha uu
dadka degankiisu soo maray. Waa inuu wax fiican ka yaqaan,
wadar ahaan, hiddaha uu dadkiisu ku dhaato. Waxyaabaha la
wanaagsan iyo kuwa la qalloocan. Waxa kiciya iyo waxa dejiya.
Himilada joogtada ah ee ummaddiisu ay indhaha ku hayso.
Cidda ay cadawgeeda u taqaan, iwm…
Haddaba, hiddaha ummadeed
ee gabayaagu aanu sina uga maarmi karin waxaa ugu muhiimsan
‘dhaxalkii maanso’ ee hal-abuurradii ka horreeyey ay ka
tageen. Hormuudyadii hore gabayadoodii kolkuu wax ka yaqaan
ayay kuwiisuna culays yeeshaan. Markaas buu tixihiisa ku
qurxin karaa muuqaallo ay dadku garanayaan. Markaas buu ku
soo bandhigi karaa sawirro uu maanka kaga xadi karo oo mar
uu kaga qoslin karo, mar kale uu kaga oohin karo, mar
saddexaadna uu kaga fekarsiin karo!
* * *
Yamyam wuxuu ka mid ahaa
maansoyahannada kuwooda hiddihii hore ee Soomaalida aqoonta
dheeraadka ah u lahaa. Xilligii uu Akademiyada ka tirsanaa,
gabayaa keliya ma uu ahayne, wuxuu ku jirey hawlwadeennada
maansadii hore ururin jirey ee odayadii da’da ahaa ka qori
jirey. Taasina wax weyn ayay ugu fillaatay. Wuxuu hoos ugu
daaddegey siyaabihii hormuudyadii hore ee maansadeennu ay
wax u curin jireen iyo tabihii iyaga qudhooda ay bulshadu ku
kala saari jirtey. Markaas baa waxaa u suuraggashay inuu
tiriyo gabayo iyo heeso ay Soomaalidu ku jeceshahay
ujeeddooyinka ay taabanayaan iyo, farsamo ahaan, muuqaallada
ay garanayaan ee uu ku xiddeeyo.
Inta aan ogahay, wuxuu
ahaa ninkii ugu horreeyey ee gabayadii hore inta
dhex-muquuray ka soo miiray tuducyada halqabsiga leh ee,
murtidooda darteed, ay dadku ku maahmaahaan, sida fududna ay
dusha uga qaybi karaan. Kuwaas ayuu inta gabay walba ka soo
saaray wuxuu ula baxay hal-muceedyo ama dareen-jiiteytaal;
taasoo inoo caddayn karta xarigga adag ee isaga iyo
maansadii hore isugu xirnaa.
4. Gabayaa
Soomaalinnimada ku dhaata
Da’ ahaan markii loo eego,
Yamyam wuxuu ku indho-dillaacsaday iyada oo fikradda
Soomaalinnimada uu calanku u babbanaayo. Wuxuu ku barbaaray
iyada oo himilooyinka ummadda ay ugu weyn tahay xoraynta iyo
midaynta dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay gumeysteyaashu
kala qaybsadeen, kalana qoqobeen. Wuxuu garaadsaday iyada oo
qab-wadareedkii ummaddu uusan dhulka ku dhicin oo
Soomalinnimada lagu faano. Wuxuu tabaraystay iyada oo
halgamaaga iyo khaa’inka la kala yaqaan oo uu halgamaagu
sarreeyo!
Fikradahaas ayuu ku koray.
Iyaga ayaa ku weynaadey. Iyaga ayaa maankiisa ku gaamurey.
Taana waxaad ka dhadhansan kartaa dhammaan maansadiisa
dal-jacaylka ku saabsan. Gaar ahaanse waxa aan kuugu
tilmaami lahaa gabaygiisii Gaawoon, kuwiisii guubaabada iyo
dagaal-gelinta daarranaa, kuna aaddanaa dagaalkii Soomaaliya
& Itoobiya ee 1977-‘78kii, heestiisii Soomaali baan ahay iyo
miinleydii murugada badnayd ee uu ka mariyey shirkii dib-u-heshiisiinta
ee 1993kii magaalada Addis Ababa Soomaalida loogu qabtay...
5. Gabayaaa madax bannaan
Wuxuu Yamyam ahaa gabayaa
kuwa ay isku gedaha yihiin meelo badan kaga duwanaa. Waxa uu
ku tilmaannaa hal-abuur curinta maansada badsada. Kolba
dhacdada wax-ka-soo-qaadka lihi waa nin aanay demmani ku
dhaafi jirin. Xumo iyo wanaag, guul iyo guuldarro, jab iyo
soo-kabasho; intii uu hanaqaaday wixii uu u soo joogey oo
idil tixihiisa ayuu ku taariikheeyey.
Wuxuu iska ilaalin jirey
inay lugaha uga marmaan dabinnadii isaga oo kale ay madaxdu
u dhigi jirtey. Markaas buu wuxuu doortay inuu
madax-bannaanaado, si ay maansadiisuna u madax-bannaanaato!
Hanjabaad iyo
hunguri-gelinba, wuxuu ahaa nin lagu soo loodin waayey.
Taasina waxay sabab u noqotay gabayadiisa inay ku jiri
waayaan tuducyo uu isagu mirahooda leeyahay, hase ahaatee ay
ujeeddadoodu maan dad kale ka soo maaxatey! 1979kii, isaga
oo maansadiisa ku halqabsanaya, innagana, malaha, iskeen
baraya waa kii lahaa:
- Adigoo i doortoo
- Deexashada hikaaddiyo
- Dareen igu hoggaanshoo
- Dibnahayga hadalkiyo
- Anfacada u diidoo
- I dalbada ha joogtee
- Ninna iima kaa diro!
-
- Damac iyo fikrado kale
- Darar igama keenaan;
- Adigoo an soo dagin
- Daad soo rogmadey iyo
- Ima kiciyo duufaan!
- …………………..
- Adaan dayro kuu ahay;
- Inta daanku harag iyo
- Diir madow i leeyahay
- Dariiqaaga mooyee
- Kuma mariyo daw kale;
-
- Qabiil kuguma soo dumo
- Kuugumana dagaallamo;
- Dastuurkaagu qarankiyo
- Dadweynaha saboolka ah
- Difaacooda weeeyaan!
AASKII MARXUUM YAMYAM | Columbus, Ohio, USA

Marxuum yamyam waxa uu ka tagay 6
caruur ah oo kan ugu wayn uu jiro 21 kan ugu
yarina 7 jir ( Magacyaduudu yihiin: Raage, qamaan ,
absame , ibraahim, Ayaan iyo samawada iyo hooyadood
ambiya c jamaac.) waxayna dhamaantood joogaan
Columbus Ohio. ILAAHAY SAMIR IYO IIMAAN HANAGA
SIIYO.. |
Wuxuu ahaa hal-abuur wixii
uu aammino aan ka leexleexan karin. Ma ahayn gabayaa
dareenkiisa cabburin karey oo, sababo isaga ka baxsan
dartood, dib ugu dhigan karey.
Si walba wuxuu uga duwanaa
hal-abuurro kale oo, qaran-jabkii Soomaaliya ka dib, iyagu
doortay inay ku ururaan halkii ay hortii ku dhasheen. Hal-abuurro
u nuglaadey hindisaha jilibbada ay ka soo jeedaan. Hal-abuurro
gar iyo gardarroba ku raacay waxa uu tolkood rabo. Hal-abuurro
ku kufriyey midnimadii ummadda ee, waayo hore, ay sheegan
jireen inay u taagan yihiin!
Aragtidayda, maansoyahan
waliba, isaga oo nool, wuxuu dhintaa kolkii af iyo uur kala
jira lagu barto! Sidii ruux diblomaasi ah markuu u dhaqmo
ayaa loo yaabaa! Laba-wejiile ayay bulshadiisu u aqoonsataa.
Waxaa laga wada jeestaa markuu u ranbaso diktatooriyadda
madaxda siyaasadda iyo cadaadiska xagga tolka uga yimaada.
‘Qoor-iyo-xero-laawe’ ayaa lagu sheegaa kolkuu oggolaado in
la hoggaamiyo, halkii uu isagu wax ka hoggaamin lahaa!
Haddaba, waayihiisa haddii
loo fiirsado, intaas oo goldaloolo ah cidina Yamyam kuma
xaman karto. Waxaa daliil kuu ah dhawr-iyo-tobankii sano ee
u dambeeyey habkii uu u noolaa, halkii uu ku dhaqnaa iyo
maansadii uu tiriyey ujeeddooyin wixii ay lahayd.
* * *
Yamyam waa gabayaa
laqmaday! Lixdan mid la’ ayuu cimrigiisii ku soo af-jarmay.
Waxaan maanka ku hayaa murtidiisii ugu weyneyd inay noo
harsanayd oo, hadduusan dhiman, uu sidiisii iyo si ka
badanba nolosheenna suugaaneed u hodmin lahaa.
Waxaase jira Soomaalida
suugaantiisa jecel wax aan ku samirsiin karo. Hadduu Eebbe
idmo, timaaddada dhow waxay heli doonaan maansadii uu
tiriyey dhammaanteed; taas oo ku urursan diiwaan baaxad weyn
oo afar mujallad ah, isaga qudhiisuna intuu noolaa uu
diyaariyey.
Waxaan hubaa maansadaas oo
daabacani markay soo baxdo inay hodontooyada af-soomaaliga
wax weyn ku kordhin doonto. Mar labaad, waxaan hubaa inay
wax inaga bari doonto dhinacyo badan oo taariikhdeenna
casriga ah ku saabsan, gaar ahaan dhawr-iyo-soddonkii sano
ee aynu soo dhaafnay. Mar saddexaadna, waxaan hubaa inay
noqon doonto talo iyo ku-dayasho meel ay ugu ciirsadaan
dhallinyarada iska dareenta hibada maanso-curintu inay ku
duugan tahay.
Eebbe-weyne Yamyam ha u
naxariisto, innagana dabadiis nama habaabiyo. Aamiin.
(Axmed F. Cali “Idaajaa”)
Email:
idaajaa21@hotmail.com
Nayroobi, Keenya
Oktoobar 2005
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 30, 2005
Abwaan Yam-Yam oo ku Geeriyoodey Shil Gaari
Waxaa dalka Mareykanka gaar ahaan Gobalka Ohio shil baabuur
ku geeryooday Allaha u naxariistee C/qaadir xirsi (Yam yam)
oo...
Guji... Oct 22
Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen oo AfSoomaali Loo Rogey
Tarjumadii: Idaajaa | Nov
18, 2002
Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?
Qore: Idaajaa | Aug
4, 2003