SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG CUSUB
Daabaco Boggan | Print
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

 



 MURTI & SHEEKOOYIN
(TRADITIONAL WISDOM & STORIES)
QORE: Cabdulqaadir Faarax Bootaan

Ma tahay bare (macallin) afsoomaaliga ka dhiga dugsiyada waxbarasho?
Ma tahay waalid doonaya inuu ubadkiisa afkooda hooyo ka haqabtiro?

Haddaba waxaan kuugu bishaaraynayaa inuu soo baxay buug in badan la sugayey daabacaaddiisa. “Murti iyo Sheekooyin” wuxuu isugu dubbaridan yahay qaab aqooneed la xiriira daraasaadka waxbarashada dugsiyada. Dhanka kale, wuxuu buuggu ka qaybqaadanayaa dadaalka ururinta iyo kaydinta cayminta oollimaadka soomaalida loogu jiro, si aynu afkeenna iyo suugaanteenna, dhaqankeenna, sheekooyinkeenna iyo murtideenna kuwo qoran oo cilmiyeysan uga dhigno, dabadeedna heer aqooneed uga faa’iidaysanno.

Murti iyo sheekooyin waxaa daraasaadkeeda ka mid ah sida Soomaalida dhaqankeeda hufan iyo anshaxeeda suubbani diinta ugu dhisan yihiin iyo meerisyo waddaniyadda ardayga ama qof kastoo daalacanaya nolol gelinaya. Gabayo, maahmaaho iyo sheekooyin daraasaadkaas tusaale ka bixinaya ayaa iyagana buugga lagu bilay.

Buuggan oo markii 1aad lagu daabacay Madbacaddii Qaranka ee Muqdisho 1973kii, ahaana buugtii faro ku tiriska ahayd ee la kowsatay hirgelintii qoridda afsoomaaliga, isla markaasna laga tixraacay manhajkii barashada afka iyoo suugaanta soomaaliyeed ee dugsiyada dalka ayaa qoruhu mar labaad ku faroyareysanayaa bilicgelin horleh oo lagu bilayo tayada buuggan Murti & Sheekooyin la magic baxay.

Kala xiriir:
C/qaadir Faarax Bootaan: tel: +1647885721 Toronto Canada
email: afna50@hotmail.com
-Cabdinuur Aadan Faarax Tel:+4633416949, Mobile:46704791657
Email: abdinoor63@yahoo.se
-Cabdullaahi Cali Xush (Sandheere) Tel:+46739697290 email: sanka66@hotmail.com     

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


  Qoraagga Buugani waxa uu hore u qoray Buuga Mahuraan:

                     Maarso, 2003, waxaa soo baxay buugga la magac-baxay MAHURAAN. Marka dhinac walba laga eego, wuxuu buuggu ku saabsan yahay Oollimaadka Soomaalida (Somali Heritage).

- Afka (The Language) oo si dhilan, naxwe ahaan, loogu tusaale bixinayo.

- Suugaanta (The Literature) oo qyabeheeda iyo xeerarkeeda lugu kala dhigdhigayo, hannaankay u kala dhisan tahayna la qeexayo.

- Murtida ( The Wisdom) oo suugaanta ka dhambalan, asii dhinacya badan laga soo qaadayo.

- Sheekooyinka Dhaqanka (The Cultural Stories) oo hab-nololeedka Soomaalida iyo hiddeeheeda sooyaal leh, oo qaab akhris, daalacasho, iyo waxbaras
Akhri: Buuga Mahuraan:

 



 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD