- KU: Maxadweynaha Ee Dowladda
Isu-tagaa Ku-Meel-Gaarka Soomaaliyeed
- Sareyntiisa Cabdulaahi Yuusuf
Axmed
- KU: Wasiirka Koowaad Ee
Dowladda Isu-tagaa Ku-Meel-Gaarka Soomaaliyeed
- Sareyntiisa Cali Maxmed Geedi
- KU: Guddoomiyaha Golaha
Shacabka Ee Dowladda Isu-tagaa Ku-Meel-Gaarka
Soomaaliyeed
- KU: Ummadda Soomaliyeed Gudaha
Dalk Iyo Dibaddaba
Tix: 29/som-amb./uixt/05 Tariikh:
4/10/05 | Faafin: Oct 9, 2005
Ujeeddo:Dowladda Karaamaysan Hala
Taageero Si Aanu U Helno Sharci Iyo Kala Dambeyn
Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade
waxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney taageeraan
dowladdood ay soo dhiseen dgaal-oogayaashii ka tallinaayey
dalka soomaaliya tan iyo 1991dii ilaa iyo malintii ay
doorteen madaxda hadda hoggaamineysa dowladda isu-tagga
ku-meel-gaarka Soomaaliyeed.
Markii ay dagaal-oogayaasha
Soomaaliyeed soo xulayeen xildhibaanadda beelaha ku
matalaaya golaha shacabka Soomaaliyeed waxay sharuud ka
dhigteen iney soo xulaan dadkii u ahaan jiray maleeshiyo
ayagoo irdha ka xiray dadkii Soomaaliyeed ee aqoonyahnka
ahaa kuwassoo rabay iney wax ka dhisaan dowladdooda!!!
Haddab haddii dagal-oogayaashu ay u diideen aqoonyahaynka
Soomaaliyeed ee rabay iney kamid noqdaa xildhibaanada golaha
shacabka iyo golaha wasiirada.
Maxay maanta uga soo horjeedaan
dowladdii ay shacabka si cad uga afduubeen?
Soomaaliya hal nin ayaa madaxweyne
ka noqon lahaa ninkii na waxaa soo doortay qabqablayaasha
dagaalka marka waxaa ummadda Soomaaliyeed waajib ku ah iney
lashaqeeyaan dowladdooda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay
mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
Dagaal-ooge wey dhammaatay xiligii
aad hortaagneydeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha
dalka ee imaanka Ilaahay ka idiin soo celiyo Amiin!!!
Soomaaliyeey hala joojiyo dadka ku
dhuumanaya magac culimaa'udiinka Soomaaliyeed waayo waa
ibliis iyo dhalbaas kuwasoo soo raba iney khasaaro u soo
jiidaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo
dibaddaba!!! Haddii ay culimo jirto waxay wax ka qaban
lahaayeen wixii dalka ka dhacayey 15kii sanno ee aanu soo
dhaafnay marka Ilaahay ha ka baqaan oo ha joojiyaan magaca
culimaa'udiinka ee ay sida qaldan u isticmaalaayaan had iyo
jeer ayagoo macnahoodu yahay siyaasad qabiil oo lagu dabaqay
mgaca diinta balse aan waafaqsaneyn diinta Islaamka iyo
mabaadiida culimaa'udiinka Ehelu Sunna Wa Jameeca!!!
Soomaaliya Soomaali baa iska leh
marka waxaanu madaxweynaha dowaladda isu-tagga
ku-meel-gaarka Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka codsaneynaa
inuu iska daayo waxyaabaha xun ee dadka sida qaldan u
turjuumaan adigoo micnooyin kale ula jeeda!!!
Mudanayaal iyo marwooyin, qofna kama
sareeyo axdigga ku-meel-gaarka iyo xeer dhaqameedka
Soomaaliyeed ee ka dhexeeya ummadda soomaaliyeed!!!
Itoobiya waa dal deriskeena ah balse
Soomaaliya waa dalkeena marka Itoobiya waa inaan u tixgelino
dal deris nala ah oo waa khilaafaad siyaasaddeed na
dhexmaray! Adduunkana wey ka dhacday waddamo isku isdagaalay
qarniyo kadibna ka heshiiyey markii ay arkeen inuu dagaal
xal waara aheyn!
Itoobiya ma keeni karto ciidamo
haddii aynan ruqso ka haysan ummadda Soomaaliyeed gudaha
dalka iyo dibaddaba!!!
Soomaaliya Aqoonyahnka yaa ku
dheelay waayo xukunkii ayeey gacanta u galiyeen
birimagaydadii iyo jaahiliintii kuwaasoo wali haysta
xukunkii ay ka hanteen dowladdii mudane Maxamed Siyaad Barre
Alle Ha U Naxariistee!!!
Soomaaliya waa dalkeenii hooyo ee
aan nabaddii, sharci iyo kala dambeyn ku soo celino nagoo
isxilqaameyna Ilaahay hortiis!!!
Dowladda waa dowlad karaameysan
taasoo rabta iney wax ka qabata dhibaatooyinkii dalka ka
dhacayey Soomaaliya tan iyo intii ay burburtay dowladdii
Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha ka ahaa Sareyntiisa Maxamed
Siyaad Barre 199dii ilaa iyo maalintii la doortay madaxweyne
Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo haatan ah madaxweynaha
jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dowladda karaameysan cidii ka soo
horjeedsata waxaa la marsiin doonaa wixii ay mutaan ayadoo
la raaci doono sharci beeneedka aan waaqsaneyn diinta
Islaamka!!!
Soomaaliya iyo Itoobiya waa laba dal
oo xurguf ay mar dhexmartay balse maanta Itoobiya waa dalka
kaliya ee Soomaalida u fasaxay iney joogaan gudaha dalkeed
sharci la'aan iyo qalalaaso la'aan ayadoo waliba siisay
dadka Soomaaliyeed dukumiintiga waddaninimo ee dalkeeda!!!
Marka Itoobiya wey noo soo gurmatay 1991dii ayadoo albaabada
u furtay dadkii soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalkii
sokeeye ee lagu riday dowladdii militariga aheyd meeshaasoo
sharcigii iyo kala dambeyntii la waayey!!!
Itoobiya haddii ay rabto iney
Soomaaliya qabsato mar hore ayeey qabsan laheyd balse waxaa
Soomaaliya isku haysta quwadaha adduunka gaar ahaan USA iyo
reer Yurud!!! Marka dadka yaan la khaldin oo laga
dhaadhicinin waxaan jirin iyo waxaynan Itoobiya ka fushan
karin gudaha Soomaaliya!
Dagaal-ooge ama qabqable dagaal oo
aan Itoobiya hub ka soo qaadan ma jiro marka maanta ma waxay
na barayaan ineynan waligood tagin Itoobiya run ahaantii
waxaan ku tilmaami karnaa dadka noocaas u dhaqma
laba-wajiilayaal dantooda shaqsiyadeed fiirsada mar walba!!!
War idin baranay!!!
Itoobiya ninkii raba inuu la
dagaalamo ha aado asagoo iscaddeynaya waxuu ku weerarayo
Itoobiya ninkiise dowlad diidan wakhtigaa bari doona haddii
Alle Idmo!!!