SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
WD: Mariam Mohamoud
mariam_mohamoud@hotmail.com

Dhibaatooyinka ugu waawayn ee qurbahagaar ahaan Maraykanka lagala kulmay waxaa ka mid ah Burburka Qoyska ama Carruurta hal waalid kaliya la nool Waxaa jira carruur badan oo Soomaaliyeed oo Qurbaha ku nool oo mid ama labadoodii waalid ay ku dhinteen dagaalkii xaq-darrada ahaa ee Soomaaliya; waxaa kale oo jira qoysas aysan u suuro gelin inay isku meel u qaxaan oo hooyadii iyo dhowr carruur ah ay waddan deggan yihiin, aabbihii iyo dhowr carruur ahna ay waddan kale ama xero qaxooti deggan yihiin oo markaa carruurtii ay sidaas ku waayaan fursaddii ay labadooda waalid kula noolaan lahaayeen. Laakiin waxaa la yaab leh in qoysas badan oo ay u suura gashay in labadii waalid iyo carruurtoodiiba ay isku waddan ku noolaadaan, iyo qoysas kale oo badan oo qurbaha lagu dhisay ay isla markiiba burburaan oo markaas ay carruurtii la nool yihiin hal waalid oo kaliya.

Dhibaatada carruurtu ay la kulmaan marka ayan la noolayn labadooda waalid waa mid caam ah oo adduunka oo dhan gaar ahaan waddamada horay u maray aad looga walwalsan yahay sidii wax looga qaban lahaa. Inta aynaan haddaba ka hadlin qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool waddamada reer galbeedka oo burburka Qoysku uu yahay mid aad ugu badan aan ka hadalno nolosha qoyska reer galbeedka ah.

Maraykanka ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay waddamada ugu horreeya horumarinta iyo daryeelka qoyska marka laga hadlayo waddamada reer Galbeedka. Haddaba waxaan ognahay in Maraykanka boqolkiiba konton (50%) guurku uu ku dhammaado furriin, inta badanna carruurta waxaa xaq u yeesha inay haysato hooyadu. Carruurta Maraykanka 45% waxaa dhalay labo qof oo aan is qabin, taas oo micneheedu yahay hooyada ayaa korsanaysa cunugga aan aabbihiis la aqoon. 65% labada qof ee isqaba waxay ku kala maqan yihiin wax la yiraahdo (Separate) oo ah in aan aabbaha iyo hooyadu is furin laakiin ay laba meelood kala daggan yihiin. Taasina waxay kalliftay in carruurta Maraykanka 65% ay la noolyihiin oo kaliya Hooyadood, intooda badanna ayan aqoon aabbohood.

Waxaa jirta sheeko caan ah oo ku dhacday gabar yar oo toddoba jir ah oo Maraykan ah, sheekadaan waxay dhacday sannadihii 50-aadkii, xilligaas oo qoyska Maraykanka ahi uu aad u wanaagsanaa carruurta intooda badanna ay ka imaan jireen guryo aabbihii iyo hooyadiiba ay wada deggan yihiin. Gabadhan yarta ah waxay la noolayd hooyadeed oo kaliya markii ay iskuulka bilowdayna waxay ogaatay inuu jiro wax la yiraahdo aabbe oo carruurta oo dhan ay leeyihiin. Gabadhii haddaba cuqdad bay ka qaadday arritaas waxayna waydiisay hooyadeed sababta ay aabbe u lahaan wayday, hooyadii waxay ku jawaabtay qof kasta waxbuu leeyahay waxna ma lahansidaas darteed adigu aabbe ma lihid.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa haddaba macallimaddii gabadha yar waxay ardaydii ku tiri qof walba ha sawiro qoyskiiisa (aabbihii, hooyadii iyo carruurtii) markaas ayaa gabadhii yarayd waxay ka xishootay inay sawirto qoys aan aabbe ku jirin, waxayna sawirkii ku dartay nin hooyadeed u iman jiray mar mar. Hadhow ayaa macallimaddii waydiisay ninkan waxa uu yahay, markaasaa gabadhii intay ka xishootay in ay been sheegto waxay tiri waa hooyaday saaxiibkeed macallimaddii oo aan kuba fakirin in gabadhu ay aabbe la'aan tahay ayaa ku qaylisay oo tiri kuma oran sawir saaxiib ee waxaan ku iri sawir aabbahaa gabadhii baa ooyday oo hooyadeed u sheegtay ceebtii ka qabsatay iskuulka maanta aysanna mar dambe ku noqon doonin iskuulkaas. Hooyadii ayaa markaas dacwaysay iskuulkii sida gabadheeda loo galay. Markaas wixii ka dambeeyey waxaa dadka loo sheegi jiray inay jiri karaan carruur aan aabbe lahayn. Dadkiina waxay ku noqotay wax cusub.

Maanta laakiin waxaa aad u dhib badan in la arko carruur hooyadii iyo aabbihiiba la joogaan. Muddada ay wax isku baddaleenna waa wax ka yar konton sano. Wixii ka horreeyey muddadaas 90% guryaha uu aabbuhu ka maqan yahay wuxuu ahaa mid uu aabbuhu dagaal ku dhintay ama cudur kale, maanta 90% guryaha uu aabbuhu ka maqan yahay waa mid ay aabbihii iyo hooyadii isfureen.

Dadka Maraykanka ah oo dhan waxay isku raacsan yihiin in dhibaatada qoysku ay ka sii darayso maalinba maalinta ka dambaysa waliba si xowli ah dhibaatada ugu waynina ay carruurta soo gaarayso. Dowladda maraykanka nin u hadlay wuxuu yiri haddii aan aabaha maraykanka ah ku khasbi waynay inuu carruurtiisa korsado, aan ku khasabno inuu bixiyo lacagta la yiraahdo "child-support" oo carruurta lagu daryeelayo.

Dadka ugu aqoonta badan dalka Maraykanka qaar ka mid ah waxay ku doodaan in aabbuhu uusan aad muhiim u ahayn oo laga maarmi karo. Sidoo kalena "Holy wood" shirkadda ugu caansan adduunka filin samaynta iyo ragga mu'allifiinta ahiba waxay dadka tusaan sawir ah in qofka aabbaha ah uu yahay qof asal ahaan doqon' ah. Haddaad u fiirsatid barnaamijyada TV-ga laga sii daayo sida (Bill Cosby, Marred with Children, iyo kuwo kale oo badan, sheekada ay xambaarsan yihiin waxay tahay in aabbuhu uusan waxba kala garan, oo uu ka mid yahay carruurta, Hooyaduna ay tahay qofka hoggaamiyaha qoyska ah oo wax walba ka fakirta. Ujeeddadu waxay ahayd in dumarka carruurta haysta lagu dhiirri galiyo inay ku filnaan karaan korriimada iyo daryeelka carruurtooda, laakiin arrintii waxay dhalisay in bulshadii oo ay raggiina ku jiraay ayba illowdo muhiimaddii aabbaha.

Haddaba sidee bay arrintaani u saamaysay Soomaalidii soo gashay Maraykanka iyo qurbaha guud ahaanba? Dhaqanka soomaalida ama kan islaamka ? aabbuhu muhiim ma yahay? Muxuu uga duwan yahay cunugga labadiisa waalid koriyaan kan halka waalid oo kaliya uu koriyey? Waxaan u malaynayaa su'aalahaan oo dhan jawaabohooda Soomaalida way isku raaci lahaayeen. Laakiin su'aasha aan qofna sida ugu habboon uga jawaabi karin waxay tahay: ma ragga mise dumarka Soomaaliyeed ayaa ka mas'uul ah burburka qoyska Soomaaliyeed ee Qurbaha?

Jawaabtu siday doonto ha noqotee, carruurta Soomaaliyeed ee qurbuhu waxay u baahan yihiin labadooda waalid. Haddii taas la waayo waxaa soo bixi doona carruur badan oo aan dhaqan fiican lahayn, caafimaad fiican lahayn, aqoon fiican lahayn, edeb fiican aan lahayn, dhaqaale fiican  lahayn diin fiicana aan lahay. Aabbuhu wuxuu u yahay carruurtiisa qofkii intaas oo dhibaato ah ka badbaadin lahaa. Ilaa hadda waxaa loo jeedaa in hooyooyinka Soomaaliyeed ay aad ugu dadaalaan inay carruurtooda korsadaan laakiin kaligood howshu waa ku adagtahay. Waxaa wax aad looga walwalo ah in arrinta aabbe la'aanta carruurta Soomaaliyeed ay sii badanayso. Mar dhowna waxaa wax caadi ah noqon doona in Sida qoysaska reer galbeedka oo kale uu qoyska Soomaaliyeed ka koobnaado (Hooyo iyo carruur kaliya)

WD: Mariam Mohamoud
mariam_mohamoud@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD