SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar


Bashir issa diriye ,toronto
bdirie@hotmail.com

Oct 9, 2005

Ilaah baa mahad leh ,nabigeenii muxamed (csw)nabadgalyo iyo naxariisi korkiisu ha ahaato. Ramalaanu kariim akhiyareey ,ilaaheey ayaan uga baryayaa tawfiikhda in uu wafajiyo; bishan ramalaan barakadeeda;guud ahaan umadda islaamka gar ahaan walaalaha soomalida. . 

 Qoraalkaygaan maanta waxaan ku soo qaadan doona xafalad lagu sheegay in lagu samaynayo magaalada jawhar oo ah xaruunta maxamad dheere ama si kale hadaan u iraahdo xaruunta xabshidu kaga arimiso koofurta soomaalida ,cabdulaahi iyo kooxdiisuna ay yahiin kuwa loo cayimay bartaa in ay maxamed dheere marti ugu noqdaan ,ayagoo halkaa ku sugaya hadba waajibka kaa ku xiga oo la soo fari doono. 

Marka walaalayaal umadda soomaliyeed oo si aada u xasuusata xafladihii loo cayaari jiray october iyo miisaankii munaasabadaa ay ku lahayd umadda soomaaliyeed mid jecel iyo mid kalaba ;ma ku matali karnaa midaan macne-laawe? xaflad octoberse soomali xiisa danbe ma u qabtaa.?ciidamada milaterigaa ee xafladda dhigaya ama maraya iyo hubka ay sitan qaybtee ayaa leh?,ma qaybtii 21aad baa mase qaybtii 26aad mase waa ciidankii degaanka xamar ama la oran jiray 77? jawaabtaa ma jirtaa cid heli karta ?aad baan uga xumahay october sida loo bililiqaysanayo. 

Cabdulaahi haduu jeclaa in uu madaxweyne soomaliyeed noqdo maahayn nin wax ula haray ragii ka horeeyey ,cabdulaahi ma ahayn nin ay jamhuuriyaddii somaaliyeed ka nabad gali jirtay October ama madaxweyne siyaad in uu xafldeeyo, oo waxaan xasuustaa ciidamadii ssdf  ee cabdulaahi uu madaxda ka ahaa oo ay  taageerayaan kuwa xabashidu  waxeey inta badan duulaanadooda soo qaadi jireen october ,ayagoo inta badan soo weerari jiray jiidaha hore ee difaaca diilinteena qaranka ,ama waxeey hogaamin cireed siin jireen diyaaradaha xabashida oo garaaci jiray magaalooyinka soomalidu dagto  oo aan ukala aaba yeeli jirin caruur, wayeel iyo haween intaba  ,ayagoo ka faa'idaysanaya munaasabadaa qaran ee lagu jiro,marka cabdulaahi bilaha waxuu u necbaa october, marna kuma uu tashan in uu october maalin maalmaha ka mida bilaha ka jeclaan doono waa ilaah amarkiise. 

Madaxweyne siyaad oo wadanka ku qabsaday inqilaab miltery waxaa aan la qarin karin in sanadahii hore uu wadanka dhisay,xafladahii october loo dhigi jirayna ay ahaayeen xaflado aad u waa weyn oo wadanka oo idil laga dhigi jiray ,waxaa xafladahaa ka qayb qaadan jiray dhamaan nuucyada ciidamadeenii qaranka iyo ururadii bulshada oo idil ,waxaana daawan jiray marti sharafeed dibadaha kaga yimaada iyo safaaradaha wadamada shisheeya u jooga dalkeena, teetana waxeey sacab iyo mashxarad aan kala go' lahayn ka kasban jireen shacabkeeda daawanaya ,waa cajiibee Akhristoow bal suuree masawirna ka bixi xafladdaan october lagu jaai'faynayo ee jawhar.. 

Runtii waan garan karaa maanta in aan lagu matali karin waqtiyadii madaxweyne siyaad hadana waxaa hubanti ah yaa u diiday in lagu matalo oo ay soomali sidaa u sharaf dhacdo?  yaa duligaan inagu habsaday aabe u ah?,yaa wadankaan doonaya in uu ka iibiyo cadawgii waligood laga hor joogay?waa kuma midka baday culumadeenii in ay masaajidda ka qaxaan,ama xabashida looga iibsado darajo iyo hub ?waa ayo ninka wali ciil u qaba in uu dhiig kale oo soomaaliyeed sii daato?su'aalahaa iyo kuwa aan si aada uga fogayn weeye octobertii hinaaskeeda abdulaahi uu doonayo in uu salaan kaga qaato magaalada jawhar maleeshiyo haybtiisa ah iyo ciidamada warsangaliga maxamed dheere. 

Xiliyada wadanku ku jiro munasabadaha qaranka waxaa heegan buuxa la galin jiray ciidanka qaranka siiba kuwa jiidaha hore ,waa yaabe xafladda jawhar marka ay dhacayso ciidamada buthland iyo kuwa maxamed dheere xagee u'ah jiida qaranka ?taliyaha ciidamada dalbanaya magacee ayuu ugu yeeraya marka ciidamada la soo dhaqaajinayo ?calamada iyo boorarka ciidamadu sitaanse magacee lagu qorayaa?.waa suurta gal in lagu soo qoro,marya calas,galaadi ,bacaad weyn iyo ururka taliska ee reer mahad.  Akhristoow hadaan dib ugu noqono gabagabadii shirkii Kenya ma xasuustaa inta jeer oo shirka dhamaadkiisii dib loo dhigay , macne kale meesha kuma jirin waxaa lagu beegayey bisha OCTOBER,hadii ay saadaashu sida noqoto laba arimood uun buu mid u xushay October, 

  1. waa bishii  uu waligii colaadda u qabay oo waxuu is leeyahay  waa bil nasiib badana adigana ku dhag ,ama ku dakanaee kuwa hogaankaa kaaga dhawaa .
  1. tan labaad waxaa suurta gal ah in ay u calaamadeeyeen saaxiriinta u faaliya dhamaan dadka aan caqiidada diiniga lahayn .,waxase anu is weydiin in shacabka soomaliyeed ay is weydiin karaan  cidda qaadanaysa mas’uuliyadii dadkii ama ciidamdii ku la’an jiray ilaalinta sanad walba bisha  maalinta October si shacbku uu uga qayb galo xafladaa oo uu cabdulaahi soo hajuumi iray ciidanka xooga dalka soomaliyeed ee ilaalin jiray xaduudaha soomalida .

Akhristoow waxaan doonayaa inaan qoraalkaygaan ku soo kobo in la sii wado doodaan anigana aan ku soo gaabiyo su’aal  cinwaan u ahayd qoraalkaygaan waxa xeeye CABDULAAHI OCTOBER HADMAAD HESHIISEEN.wabilaahi tawfiikh ..

Bashir issa diriye ,toronto
bdirie@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD