SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK | Oct 9, 2005


  • “Waxaruhuba saan qaabo
  • abidkoodba qoor-qabad
  • biyaha kuma qurquriyaan”

Mirahaas waxaa laga hayaa macallin/hal-abuur Gaarriye. Haddiiba la leeyahay yaan lagu khasbin duunyadii  waxay u baahanyihiin iyagoon iskood u samayn; maxaad dadkii moodeysaa? Dhaqaatiirtu mabda’aas wey yaqaannaan. Qofkii oo cudur u dhimanaya ayey iyagoo aamminsan iney wax ka qabankaraan waxay raadiyaan in qofku ogolaado in la daaweeyo. Qofka lama qali karo ilaa uu saxiixo ama qofka ka mas’uulkaa saxiixo! Waa qoor-qabad sina looma ogola. 

Mabda’a noocaas ah waxaa dadka ugu hor fahmay muslimiinta. Nabi Muxamed (SCW) wuxuu Makah ka bilaabay dacwad ah inuu dadka maskaxdooda iyo qalbigooda usoo jiido Islaamka. Muddo 13 sano ah ayuu ku waday markuu ka quustay ayuu Madiino u hijrooday. Nabigu ma oran: “bal shabshablana ku day” reer Madiina ee wuxuu ku samray inuu mabda’ii hore ee ahaa inuu dadka soo jiito uu sii wado. Wuxuu Ilaahay u sahlay inuu reer Madiina qalbigooda iyo maankoodaba hanto dagaal la’aan. Nabigu (SCW) waa hogaamiyihii ugu horreeyey ee ogolaada in munaafiqiintii u soo taagnayd iney ummadda burburiyaan u dulqaata oo u ogolaada iney fikradahooda dhiibtaan. Bal suureyso inta jeer ee la damcay in munaafiqiinta lagu dhibo Madiina ee nabigu (SCW) diiday. Nabigu (SCW) wuxuu u jeeday sawir ka weyn oo ahaa inaan nabiga (SCW) loo arag nin dadkiisa leynaya waloow munaafiqiintu ahaayeen cadow gudaha ah oo u qalmay ciqaab. Soow ma garanayno hadalkii reer Makah ku dhaliyey iney dhammaan wada muslimaan? Nabigu (SCW) markuu xoog ku qabsaday Makah, Qureysh iyo gaaladii kale, qabsashada darteed uma muslimin oo inta gacmaha kor u taageen ma oran waan isdhiibnay oo waan muslinnee; hana dilina! Muslimiinta oo maalkoodii iyo ehelkoodii Makah uga cararey, markay guuleysteen dabadeed ayaa nabigu (SCW) Qureysh iyo xulafadeedii ku yiri: maxaad iga fileysaan? Waxay dhaheen walaaltinimo iyo wanaag. Dabadeedna nabigu (SCW) wuxuu ku yiri: xor baad tihiine socda. Waa kee mabda’a ka horreeya kan? Halka Maraykanku, dad badan oon waxba galabsan ku hayo xabsiyadaad maqasheen. 

Qofkii mabda’aas midaan ahayn raaca, waxba uma kala soconayaan aakhiro iyo adduun. Waxaan uga golleeyahay, dadka Soomaaliyeed ee kala aamminbaxay haddii qof Ilaah u sahlo inuu xukun qabto waa inuu raaca waddadii nabiga (SCW). Haddaad dadka ku tiraahdid baddaan idinku shubayaa waxay keenaysaa in la isku dayo sidii laguu hor istaagi lahaa. Waxaan halkaan keenayaa laba tusaale oo midna ka dhacay Soomaaliya midna waddamada Galbeedka. 

  1. Kacaankii 21 Oktoobar markuu xukunka xoog ku qabsaday wuxuu bilaabay inuu abuuro falsafado iyo mabaadii dacaayad ku dhisan ooy u adeegsanayaan iney dadka hantaan. Kacaanka waxaa caawiyey hal-abuurro iyo fannaanniin Soomaaliyeed oo heeso badan ku sheegay in macallinka oo kale aan la arag oo xitaa qaarkood Ilaah iyo Rasuulkiisa raaciyeen. Dabcan Kacaanku wuxuu horseed ka ahaa howlo lixaad leh oo la qabtay muddo yar laakiin xamdiga Ilaahay, marna dad laguma lammaaniyo ee qofka gooni baa loo ammaanaa:
  • afar-jir iskuul dhigta
  • Af-soomaali la baro
  • aabbaheen Siyaadiyo
  • Ilaah baa mahadda leh

 Ilaahba waxay ka hormarsheen macallinkii Kacaanka. Waxaan kaloo xasuustaa dumar ku caweynaya:

  • mahad Ilaah baa leh
  • Muxamed baa sharaf leh
  • murti Siyaad baa leh

Nooloow Madaaloowna ma aha wax nagu cusub. Kacaanku wuxuu hantiyey dareenkii dadka. Qoloda kale oo fannaanniinta ka agdhowayd waxay ahaayeen culumada xukuumadaha la qaraabta oo sida fannaanniinta oo kale dadka u sheega in madaxdaas Ilaah soo diray ooy hadhowna lala soo saari doono nabiyaasha (CS), siddiiqiinta iyo shuhadada. Culumadu waxay dad badan u tusayaan in qofkii mabda’a Kacaanka diida uu la mid yahay qof Ilaah iyo Rasuulkiisa diiday! Imisa qof oo Soomaaliyeed baa ka dhiidhiyey markii Kacaanku faraha la galay dhaxalka? Dad yar. Isku soo duuboo Kacaanku waa yaqaanay: waxaruhu khasab biyo kuma cabbaan. Markii Kacaanku bilaabay xoogga, waa la ogaa wixii ka raacay. 

  1. Dagaalkii labaad ka dib waxaa siyaasad, awood iyo dhaqaalo ahaanba adduunka hogaanka u qabtay Maraykanka kaddib markii Yurub isku go’day sidoo kalana Jabaanka afka ciidda loo daray. Waxaa falsafadda iyo dhaqanka Maraykanka cirka geeyey saxaafaddooda iyo shirkaha filimada sameeya oo dadka u tusay in xornimada iyo barwaaqada Maraykanka taal oo kale aan la arag. Waxay gaareen in dadkii u dhashay Yurubta Galbeed iyo Jabaan ay maskada ka qabsadaan iska daa kuwa dunida seddexaade. Heer waxay gaareen ay sameeyaan (waa sey ila tahay) filim sheegaya iney ku dageen dayaxa korkiisa oo la arkay Maraykan ku dul soconaya dayaxa! Waxaa iigu darneyd markii la maqlay “culumo” muslimiin ah oo daliil u keeneysa arrintaas oo leh bal fiiriya Suurat Ar-Raxmaan! Hadday Maraykanku igu dhahaan waxaan rabnaa inaan meeraha Maaris ka qodono shidaal waxaan ku leeyahay horta kan ku jira xeebihiinna Koonfureed, markey dhacayaan duufaanuhu dadka gaarsiiya! Teeda kale dayax-gacmeedyada arkaya dhibcaya biyaha ah ee meerayaash ku jira maxaa u diiday iney arkaan Usaama Bin Laadan oo intaas le’eg ooy sheegaan inuu dhulka ku dhuumaaleysanayo?!

Intey Maraykanku dadka maskaxda ka qabsanayeen waxaa faafey dhaqankoodii iyo magacoodii laakiin waxay belaayo dhacday markay ka il-duufeen -- waxaruhu qoor-qabad biyaha kuma qurquriyaan. Waxay dhaheen waxaan rabnaa inaan Bariga Dhexe iyo waddamada muslimiinta ah  khasab uga dhalinno dimuqraadiyad! Oo miyaan madaxda iyo shacab badan oo Bariga Dhexe ka mid ahi, indho la’aan, Maraykan ku raacin? Qolyo sheegta iney yihiin muxaafadka cusub ee Maraykanka iyo kuwo xag-jir ah oo kiristaan ah ayaa hadda leh: muslimiintu waa iney qoor-qabad biyaha ku cabbaan! Maxaa yeelay muslimiinta waxay u arkaan kaneeco ku fiican in la buufiyo. Halkaas markay arrintu marayso ayaa waxaa la arkey in Fiyatnaan, Soomaaliya iyo dad badan oo Ciraaq u dhashay ay dhaheen: kaalay Maraykanoow khasab wax noogu sheeg! Hadda shacabka Yurub intiisa badan waxay ku codeeyeen in Maraykanku ka argagixiso badan yahay qolyaha Maraykanku argagixisada ku sheego, Alqaacidda. Ma dadkii oran jiray “I want to be an American” baa maanta leh: Ameerika iyadaa adduunka ugu argagixiso badan!? 

Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed ee sheeganaya madaxda ee gobolada, tuulooyinka iyo qurbaha ku warwareegaya iney ka waantoobaan hanjabaadda iyo hadal-xumada aan isku soo dhowaansho keeneyn laakiin wax sii kala fogeyneysa. Haddii maanta xukuumadda cusub ee Soomaaliya raacilahayd waddadii nabiga (CSW) aakhiro iyo adduunba wax baa u kala soconlahaa. Xitaa hadday raacilahaayeen waddadii hore ee Maraykan (maskax-qabsasho) si dhibyar bay dadka maskaxda uga qabsan lahaayeen oo u xukumi lahaayeen. Maanta waxaa la arki lahaa iyagoo wax xukuma oo fannaaniintu u heeseyso laakiin haddii 10 Oktoobar 2005 la gaaro maxaa lagu heesin? Ma waxaa la oran: 

  • Darisyadaa dadaaloo (IGAD) xukunka dalka heystee
  • Dadkiina waa ku diidee hambalyo diirran waaya
  • Oktoobar waa danab hilaacayoo Soomaali daashadee Oktoobar
  • xaqii baa la diiday Oktoobar
  • daadkii baa na qaaday Oktoobar
  • suntii baa la duugay Oktoobar
  • duurjoog baa dhammaatay Oktoobar
  • dhirtii baa la daaray Oktoobar
  • dulli beynu yeelnay Oktoobar
  • damiir baa la waayey Oktoobar
  • culumaa la dooxay Oktoobar
  • khiyaamaa la doonay Oktoobar
  • Zenawaa dadaaloo xukunka dalka heystee
  • Daneystana  waa ku raacee
  • hambalyo diirran waaya

Nabigu (SCW) wuxuu xaddiis ku yiri: Ilaahay wuxuu naxariista iyo dulqaadka ku baxshaa wax uusan cunfiga ku bixin. Waxaa dhaqanka Soomaaliyeed ee reer-guuraanimada ahi na baray in marka xoolaha (sida geela oo kale) darka loo dhigo oo ay biyaha dhacayaan haddii qof luuq fiicani uu u heeso waxaa la sheegaa inuu cabbo biyo ka badan intii haddaan loo heesin uu cabbi lahaa. Sida: soddon baad qadin, sararaha biyee. Marka maxaan u rabnaa in dadkii Soomaaliyeed oo nabad u oomman oo u horan inaan dhahno waan idin dileynaa? Ma duunyadaan ka liidannaa?

Cabdulwaaxid Khaliif 
cabdulwaxid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD