SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

07 October. 2005 

  • Kofi Annan oo Erireteya ugu baaqay inay xayiraada ka qaado diyaaradaha Qaramada Midoobey. 
  • Golaha Ammaanka oo canbaareeyay sargaal lagu dilay Kismaayo. 
  • Suudaan oo lagu caddeeyay weerarkii qoxootiga. 
  • Mucaawinada Afrika oo la kantarooli doono. 
  • Barnaamijkii Xog-Warran.

====================== 

  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa dawlada Eritereya ugu baaqay inay ka qaado xayiraada ay ku soo rogtay duullimaadkii ay diyaaradaha helikobtarka ah ee Qaramada Midoobey ku tegi jireen xadka ay la qadaagto Itoobiya, isagoo ka digay in xayiraadani ay sii kordhinayso oo kaliya colaaddii u dhexaysay labada waddan ee Eritereya iyo Itoobiya. 

Kofi Annan wuxuu sheegay in xayiraadan, oo la dhaqan geliyay arbacadii, ay ka soo horjeedo xuquuqda asaasiaga ah ee dhaqadhaqaaqa ciidammada Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u jooga xadka Erireteya iyo Itoobiya. 

Qaramada Midoobey waxaa xadka Eritereya iyo Itoobiya ka jooga 3500 oo isugu jira ciidammo millatari ah iyo boolis, kuwaasoo ilaaliya dhulka ciidammada ka caaggan ee labada dal u dhexeeya. 

Afhayeenka ciidamada Qaramada Midoobey ee halkaas jooga Stephan Dujarric ayaa sheegay in diyaaraha helikobtarka ah ee Qaramada Midoobey aan la siinin oggolaansho ay ku duulaan, ciidammada nabad ilaalintuna ay u hooggaansameen xayiraadii diyaaradahooda lagu soo rogay. 

Fadhi uu Golaha Ammaanku talaadadii yeeshay, wuxuu ka soo saaray qaraar uu labada waddan ugaga digayo inay dib u cusboonaysiiyaan dagaalkii xadka ahaa. Golaha Ammaanku wuxuu labada dhinacba ugu baaqay inay is-xakameeyaan, isla markaana ayna isticmaalin wax keeni kara inay awood ciidan isu adeegsadaan. 

Golaha Ammaanka oo canbaareeyay sargaal lagu dilay Kismaayo. 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobey ayaa si wayn u canbaareeyay dil magaalada Kismaayo loogu gaystay sargaalka u shaqaynayay Qarmada Midoobey.


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu aad u canbaareeyay dilkii magaalada Kismaayo loogu gaystay sargaal u shaqaynayay hay’adda UNDP, kaasoo ahaa wakiilka hay’adda u joogay magaalada Kismaayo oo niman dablay ah oo wajiga soo qarsaday ay ku toogteen xaruntiisa horteeda.
 

Qoraal uu Golaha Ammaanku soo saaray wuxuu ku sheegay in la sii wadayo xayiraadda hubka ee saaranka dalka Soomaaliya. Wuxuuna dalalka deriska la ah Soomaaliya ka dalbaday inay dhawraan xayiraadda hubka ee Soomaaliya saarnayd tan iyo 1991. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu kaloo sheegay inuu si wayn ula xisaabtami doono cidda loo arko inay ku xadgudbayso xayiraadda hubka ee Soomaaliya. 

Xukuumadda Itoobiya ayaa si joogto ah ugu xadgudubta xayiraadda hubka ee saaran dalka Soomaaliya, iyadoo hub iyo saanad kalaba ku caawisa kooxaha soomaaliyeed ee gacan saarka la leh, isla markaana ay ciidammadeeduna si aan kala go' lahayn ugu soo xadgudbaan xuduudda dalka Soomaaliya. 

Suudaan oo lagu caddeeyay weerarkii qoxootiga. 

Ciidammada Midowga Afrika ka jooga gobolka Darfur ee galbeedla dalka Suudaan ayaa diyaarinaya filn iyo sawirro uu ku caddaynayo in ciidammada Suudaan ay ka denbeeyeen weerarkii dhawaan loo gaystay dad rayad oo halkaas ku nool. Dawlada Suudaan ayaa hadda ka hor diidday inay wax lug ah ku leedahay weerarkaas. 

Madaxa ciidammada Midowga Afrika ee gobolka Darfur ka hawlagala Baba Gana Kingbe ayaa warfidiyeennada u sheegay in dhinacayada iska soo horjeeda oo dhami ay jabiyeen xabbad joojintii u dhexaysay, isla markaana ay weerarkii ugu denbeeyay ka qayb qaateen diyaaradaha helikobtarka ah ee ciidammada Suudaan.  

Saraakiisha ciidammada Suudaan ayaa diiday eeddan loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in warbixinta ciidammada Midowga Afrika ay ku salaysan tahay oo kaliya warar ay ka heleen shaqaalaha ururrada samafalka ah, isla markaana wararka loo soo gudbiyay ayna ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo. 

Waxaan sheegnay wixii aan aragnay oo kaliya. Wararka jiidda hore naga soo gaadhayana waxay sheegayaan diyaaradaha helikobrtarka ee qoryaha culus saran yihiin ay labo dhinac oo kala duwan ka soo weerareen gobolka Darfur, sidaas waxaa yidhi Baba Gana Kingibe. Wuxuu kaloo intaas ku daray inay hayaan filin iyo sawirro la soo bandhigi karo haddii ay daruuri noqoto. 

Kingibe wuxuu sidoo kale golaha nabadgelyada iyo xasilloonida ee Midowga Afrika ka dalbay inuu arrintan ka hadlo, isla markaana ogaado in xaaladda gobolka Darfur ay meel khatar ah marayso. 

Mucaawinada Afrika oo la kantarooli doono. 

Mucaawinada la siiyo dalalka Qaaradda Arfika ayaa si wayn loo kantarooli doonaa, sidaas waxaa ku heshiiyay golaha isbahaysiga gargaarka Afrika, oo dhawaan ku kulmay magaalada London, si uga doodaan qaabka loo fulin karo qorshihii loogu talagalay isku fillaanshaha qaaradda. 

Qorshahaasi wuxuu xaqiijin doonaa sababta mucaawinada loo bixiyay, wuxuuna warbixino cusub oo joogto ah ka samayn doonaa yoolalka hormarineed iyo ballanqaadyada ay dawladaha Afrika qaadeen ee ah inay is-beddal horymarineed samaynayaan. 

Golaha isbahaysiga gargaarka Afrika, wuxuu ka kooban yahay dalalka dhinaca warshadaha ka hormaray ee G8 iyo dalalka Afrika, waxaana qorshaha uu ku heshiiyo la faafin doonaa ugu horrayn bisha Oktober 2006. 

Golaha isbahaysiga gargaarka Afrika wuxuu ku heshiiyay in la sameeyo qorshe wadajir ah oo isu keenaya ballanqaadyada dalalka G8 iyo wadammada deeqda la siiyo ee Afrika, si loo sahlo hawsha kooxaha isha ku haynaya fulinta ballanqaadyadaas. 

Wuxuu kaloo Golahu tixgelinayaa ballanqaadyadii bilihii la soo dhaafay la sameeyay eek u saabsanaa xoojinta mucaawinada iyo dhaafista daymaha lagu leeyahay dalalka deeq ku noolka ah, iyo waliba ballanqaadkii ay dalalka Afrika sameeyeen ee ahaa inay mucaawinada u siticmaalayaan sida ugu wanaagsan ee loo dhimi karo saboolnimada iyo tirtiridda musuqmaasuqa iyo laaluushka. 

Dalalka deeqada ugu badan la siiyo waxaa ka mid ah Itoobiya, hase yeeshee deeqda ay wadammada adduunku u siiyaan inay dadka tabaalaysan ku gargaarto waxay u isticmaashaa dagaallada ay kula jirto ururrada xaq u-dirirka ee ka soo horjeeda iyo dagaallada xaq darrada ah ee ay ku qaado dalalka deriska la ah

HALKAN KA  DHEGEYSO BARNAAMIJYADA KALE EE XORRIYO

Radio Xoriyo

07 October. 2005

Axmed Gaal-Eri

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD