SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Waxaan ummadda Soomaaliyeed leeyahay Ramadaan wanaagsan. 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK | Oct 5, 2005

Wuxuu farshaxan-yaqaan Ammiin Caamir noo sawiray sawir kale oo muujinaya Maxamed-dheere oo neeftii ku dhejiyey qaar ka mid ah madaxda “dowladda” ee Jowhar jooga. Sawir-gacmeed-yaqaanne wuxuu iftiimiyey madaxweynihii oo Geeddi ku leh: war ninka adaa afgaranayee naga qabo! Marka booqashada Maxamed-dheere aaday ma taasay dabojoogtaa mise waa isku-beegmasho nasiib ah? 

Waxaan wada ognahay in ay Maxamed-dheere madaxa isla galeen hogaamiyayaasha siyaasadda iyo kuwa dagaalka intooda badan. Waxaa u dambeysay tii reer Hiiraan. Wasiirradii iyo saraakiishii reer Hiiraan waxay isku raaceen in Maxamed-dheere faraha la soo galo arrimo uusan shuqul ku lahayn. Maxamed-dheere  lagama jecla Balcad iskaa daa Kismaayo ama Banaadire. Keliya hadda waxaa taageera dad hayb ahaan ku raacsan. 

Waxay taariikhdu na bartay in qofkii la rabo in boos laga qaado  loo diro kooras ama laga dhigo safiir waa markii sharkiisa laga baqayo ama looga naxo in la xiro ama la dilo. Waxaa la sheegaa in Maxamed Ibraahim Cigaal markuu ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu rabay inuu Maxamed Siyaad Barre u diro Seybeeriya oo ka tirsanaday Midowgii Soofiyeeti laakiin waxaa arrintaas ka damqaday wasiirkii arrimaha gudaha ee markaas, Yaasiin Nuur Bidde iyo rag kale oo diiday in arrintaasi meel marto. Hadda sidee Geeddi u ogolaaday in Maxamed-dheere iyo Juriille  wadamatalaan wafdi? Horray waan u arki jirnay Geeddi iyo Juriille oo wafdi isu raaca. Bal suureyso haddii mid walba uu sheego qabiilkuu ka yahay “4.5” marka waddamadaas la horjoogo! Miyaan Maxamed-dheere oo soo taagan la iibsaneyn ileyn labada nin xagga aqoonta iskuma dhigmaane? Waa arrintaas midda keeneysa shaki ah in Maxamed-dheere wax lala maaganyahay. Haddii wafdigu aadi lahaa meelo kale arrintu sidaan waa ka sahlanaanlahayd laakiin waxaa dadkii ka yaabiyey iyagoo la leeyahay waxay aadayaan Itoobiya iyo Yemen. Waa labada waddan ee si aad ah u raba iney soo baxdo dowladda korneylka. 

Maxaa laga fili karaa booqashadaas? Inteynaan jawaab baarbaarin, horta maxaa Maxamed-dheere booqasho loogu dirayaa? Miyaan Maxamed-dheere ahayn ninka laga sheeganayo? Runtii wuu yahay laakiin Maxamed-dheere maahan nin jilicsan oo lagu degdegi karo. Waa ninkii ugu horreeyey ee muddo ka badan 30 sano ka yaabiyey korneylka. Maaddaama aysan dowladdu casili karin waa in la raadsho xal kale. Ani ahaan waxay ilatahay haddaysan arrintu musaafuris ahayn in ay Itoobiya iyo Yemen u gooddin doonaan Maxamed-dheere iyagoo u sheegi doona inuu faraha kala baxo arrinta dowladda haddii kale uu ka shallaayi doono. 

Dabinka lala rabo Maxamed-dheere waxaa ka fakin kara taageerayaashiisa qabiilka iyo maleyshiyadiisa. Maaddaama Maxamed-dheere iyo in badan oo Muddulood ka mid ah aysan isku fiicneyn sida dadka Balcad iyo Xamar dega intooda badan; isagoo lumiyey oo isku diray saaxiibbadiisii reer Hiiraan iyo iyadooy joogaan ciidamo Puntland ka yimid oon Maxamed-dheere ka amarqaadan ayaa arrinta ku sii adkeyn karta Maxamed-dheere. Waxaa kaloo la ogaaday in maleeyshiyooyinka Soomaaliyeedba aysan qaddiyadan lahayn marka waxaa dhici karta in inta Maxamed-dheere maqanyahay la kala furfuro oo la gato. 

Si kastaba ha ahaatee, qorshayaashaas waxay kala caddaan doonaan mar dhow haddii Ilaah idmo sababo badan awgood. Maxamed-dheere oon wax qarsan darteed ayey dhici kartaa inuu afka qeylo ku shubto oo yiraahdo: war iga soo gaara waa la i khiyaamee!

Cabdulwaaxid Khaliif  |  cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirka: Amiin Caamir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD