"Waxaan Codsanayaa Caawino Soomaalinimo" Nimco Cusmaan Sabriye
Waxaan ka
Murugaysanhay dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee
Cudurada halista ah ku habsadeen oo kusoo badanayey
waayadaan shabakadaha, gaar ahaana mida hada na
hortaala ee Nicmo Cusmaan Sabri.
Waxaa marti inoo ahayd
oo shalay inoo bilaabatay Bishii Barakaysneed ee
Ramadaan, maantana waxaa inoo soo martiday gabar
Soomaaliyeed oo ka fursan wayday inay nala qaybsato
dhibaatada haysata, Nimco Cumaan Sabri waa gabar
Soomaaliyeed oo Soomali kacodsanaysa inay ka
caawiyaan Xanuun wadnaha ka haya oo ay u baahan
tahay dhakhtar caalami ah, iyo daawayn aysan ku
haysan meesha ay hada ku nooshahay ee dalka Yemen.
Waxaa hubaala sida
Soomaalida lagu yaqaan qofkii heli kara si uu
dhibkiisa ku xaliyo ha noqoto ehel u maqan ama
qabiil guudba inuu ka sariigto inuu Soomaaliwayn soo
dhex dhigo dhibkiisa, balkawarama Nimco iyadoo
gabara haday soo raacisay Sawirkeeda iyo Cadaymihii dhakhtarka si ay ugu xoojiso codsigeeda nooga
waranto dhibaatada nolosheeda halista ku ah, taas
waxay noo caday naysaa in Nimco ay san haysan cid
aan inaga ahayn, hadaba miyeysan haboonayn inaan
Caawino Nimco inagoo ka faa'iidaysanayna Bishaan
Ramadaan oo sida ay bilaha uga duwan tahay khayrkii
lagaystaana uga duwan yahay bilaha kale?, dabcan haa
anagoo ku hadlayna magaca Soomaalida, hadaan
nahay Bahda Somalitalk anaga waxaan idin ka
codsanaynaa inaan caawino Nimco si kasta oo suura
gala aadna noo soo gudbisaan akhbaarta cidii ku
guulaysata inay ajiibto codsiga nimco, anana waxaan
balan qaadaynaa inaan baahin doono insha allaah,
hada nala arag hadaladii Nimco.
Nimco Cusmaan Sabriye Telefoon:
00967-1-324491 E-mail:
naemoosman@yahoo.com
Sanca, Yemen
Asalaamu calaykum
ku socota walaaladayda Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan waxa aan idinka
codsanayaa in laycaawiyo oo layga caawiyo sidii aan uheli lahaa isbitaalada
wadnaha qala iyo dhakaatiirta aqoonta khibradeed u leh qalista wadnaha.
Waxa aan ahay gabar Soomaliyeed oo kamid ah qaxootiga Somaliyeed ee
Yemen
jooga waxa la iyiraahdaa Nimco Cusmaan Sabriye 27jir,card qaxoontiga
lambarkiisu yahay 2545 kasoo baxay xafiiska UCHCR ee Yemen, waxa aan kudhashay
anigoo wadnaha dalool kuleh waxa aan jiraday muddo laba
sano kahor ah markii laybaaray ayaa layga heley dalool kuyaal wadnaha
gudahiisa waxa ay dhakhaatiirtu igu yiraahdeen waxa aad ubaahan tahay in laguu
sameeyo qalitaan wadnaha gudihiisa ah, wadnaha ayaa lajeexayaa siloo
xiro daloolkaas kuyaal wadnaha gudahiisa.
Waxa ay dhakaatiirtu igu dhaheen
waxa aan kugulatalinaynaa ama aad ubaahantahay in aad heshid isbitaal ugaar
ah wadnaha qalitaankiisa oo haysta qalabka qalista casriga ah iyo dhakhaatiirtu
khibrad uleh qalitaanka wadnaha. Wadankan aan joogno ee Yemen waa wadan
faqiir ah oo aad uga liita Isbitaalada gaar ahaan qalista wadnaha. Dawlada
Yemen waxba kuma cawiso qaxoontiga, waxa aan mudo laba sano ah udacwoonayey
xafiiska UNHCR-ta ee kuyaal Yemen oo aan kacodsanaayey in ay iiga caawiyaan
sidii aan u heli lahaa isbitaalada ugaarka ah wadnaha, ashtakooyin badan
ayaan ugud biyey UNHCR-ta Yemen lakiin waxba wey iiqaban waayeen.
Waxa aan ashtako udiray xafiiska UNHCRT-ta ee kuyaal Geneva waxa aan ka codsanayey in layqaado bananka Yemen oo lay gudbiyo
wadan leh isbitaal wadnaha qalitaankiisa khibrad uleh ,lakin xafiiska UNHCRT-ta
ee kuyaal Yemen waa iga diiday waxa ay igu iraahdeen waxa aan
kaa bixinaynaa qarashka Isbitaalka iyo qalista lacagteeda hadii aad rabtid
in aad isku qasho Yemen ,waxa ay igu iraahdeen hadii aan nahay xafiiska
unhcr makuu qaadi karno debedaha yemen.
Waxa jiray dad hore oo jiran uu
xafiiska UNHCRT-ta uqaaday Isbitaalo kuyaal yurub ,kadibna ay dadkii ay iskaga
yaceen Isbitaaladii oo qofna soo noqon wayey sidaa daraadeed qofdanbe
uma qaadi karno Isbitaalada kuyaal debadaha Yemen, siwalba waan u baryey
xafiiska UNHCRT-ta in ay arintayda ugudbiyaan Isbitaalada wadnaha ee kuyaal
dawladaha kale laakiin waa iga diideen Xaaladayda cafimaad maalinba maalinta
kadanbaysa weysii xumaanaysaa, sidaa daradeed waxa aan ka cod sanayaa walaladayda Soomaaliyeed
ee kunool qurbaha meelkasta ay joogan in ay icaawiyaan ,waxa aan idinka
codsanayaa in arintayda loo gudbiyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee
kunool debadaha ,ururada Soomaaliyeed waxa aan kacodsanayaa in ay
igacaawiyaan sidii aan kuheli lahaa Isbitaal iisameeya qalista wadnaha waxa
aan sigaar ah codsi uwediisanayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee kuyaala yurub iyo aduunka kaleba
dadka somaliyeed ee leh websityada in ay sawirkayga iyo codsigayga in
loo soobanaan dhigo bulshada somaliyeed si la ii caawiyo.
Waxa aan idinka codsanayaa in aad ii ogolataan website-ka oo aad
arintayda loo bandhigo jaaliyadaha ama ururada Soomaalida ee kunool debadaha,
waxa aan idinka codsanayaa in layraadiyo Isbitaal iisameeyo qalista aan
ubaahanayhay, qofkii icaawiyo ilaahay haka abaal mariyo, waxa jira isbitaalo hadii loosheego arintayda ii ogolaanaya
in ay iisameeyaan qalis lacag la'aan ah ,walalayaal magalooyinka aad
degantihiin isbitaalada kuyaal iiraadiya jawaab ayaan idinka sugayaa hadii
ilahay idmo,wabilaahi towfiq.
Halkaan ka akhriso kana daabaco Cadaynta iyo Sawir
Computer
looga qaaday Nimco Cusmaan Sabriye.
Nimco Cusmaan Sabriye
Telefankayga
00967-1-324491
E-mail:
naemoosman@yahoo.com
Sanca Yemen
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 5, 2005
|