SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAFDIGII DKMG OO LA KULMAY JAALIYADDA SOOMALIYEED EE LONDON.

Magaalada London ee dalka Britain waxaa lagu qabtey shir ujeedadiisu ahayd wacyi gelinta dadweynaha Soomaaliyeed iyo qiimaha qarannimo oo uu soo qaban qaabiyey ururka Somali Information Service (SIS). Waxaa shirkaas lagu martiqaadey Wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan dawladda Federaalka Somaliyeed, xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamaanka Somaliya, waxgarad Soomaaliyeed iyo jaaliyadda Somaaliyeed ee ku dhaqan magalada London.

Ugu horreyn waxaa shirka ka hadley Md Axmed Sheel oo ahaa shir guddoonka shirka oo sharraxaad ka bixiyey ujeedadii shirka loo qabtey. Waxa uu Md. Sheel sheegey inuusan shirkani ahayn mid koox gaar ah lagu taageerayo ama koox kale looga soo horjeedo ee ay ujeedadiisu tahay ku wacyigelinta bulshada dhismaha qarannimo iyo dhiirrigelinta isu soo dhoweynta umadda iyo dib u heshiisiinta. Waxa sidoo kale ka hadley shirka Sureer Abshir Muuse iyo C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee ka shaqeeya arrimaha jaaliyadda Somaliyeed ee dalkan oo labaduba muujiyey in la helo isku xirnaan iyo wada shaqeyn dhexmarta jaaliyadda iyo in dawladda lagala shaqeeyo hawlaha dadaalka ah ee ay waddo. 

Intii Shirku socdey waxaa shirka la soo xiriirey oo khadka telefoonka soo galey Madaxweynaha Somaliya Md. C/hi Yuusuf Axmed oo salaamay una hambalyeeyey dhamaan ka qayb galayaashii shirka, waxaa uu faahfaahiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla dawladiisa iyo dadaalka ay ugu jirto soo celinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaa uu ka codsadey jaaliyadaha dibedda ku nool inay dawladda taageero u fidiyaan isna garab taagaan, waxa uu sheegey in loo baahan yahay inay jaaliyaduhu samaystaan gudi iyaga ka wakiil ah oo dawladda la shaqeeyaa isla markaana u soo gudbiyaan wixii fikrado iyo talo ah ee ay ujeedinayaan.

Waxaa Goobta ka hadlay Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Dhirta iyo Daaqa Md. Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo ka warbixiyey safarkii wafdigii Madaxweynaha ee uu isagu ka mid ahaa ku tageen magaalada New York ee ay kaga qayb galeen shirkii QM. iyo safarradii kale ee ay isaga iyo wasiirro kale ku tageen gobollo ka tirsan dalka Mareykanka iyo Canada, waxa uu sheegey inuusan jirin kala jab ama qaybsanaan u dhexeeya xukuumadda ee ay jiraan arrimo xagga fikirka ah oo lagu kala gedisan yahay iyo shaqsiyaad dano shaqsi ah darteed wax ku diidan. Waxa uu sheegey in aad loo faafiyey hadallo xaqiiqda ka fog sida in waxa la isku hayo yihiin ‘koox doonaysa in dalka la keeno ciidammo Itoobiyaan ah iyo koox diidan iyo koox doonaysa in caasimaddu tahay xamar iyo koox diidan’. Waxa uu sheegey in 2-daas qodobba ayan sal lahayn oo hore uu jirey fikir ahaa in ciidammo Afrikaan ah oo aan cid gooni looga saarayaa jirin la keeno, balse dhexdhexaadintii beesha caalamka iyo dalka Yemen samaysay kadib ay dawladdu ka tanaasushey in ciidammo ka socda dawladaha safka hore la keeno dalka. Arrinta magaalada Xamar, inay tahay caasimaddii dalka cid diidan ma jirto, waxayna labada dhinacba isla ogol yihiin inaan sida ay hadda tahay aan lagu tegi karin. Waxa kale oo uu sheegey in loo baahan yahay in dadku ay dan guud, qarannimo iyo soo celintii dawladnimo ay xoogga saaraan ee aan la oran hebel muxuu sidaas u yahay, ama waxas u heley, ‘Diyaarad baa nala dhici karta, ama siyaasigu berribuu tegeyaa waxase haraya waa dawladnimadda’.

Waxa sidoo kale shirka ka hadley wasiiru dawlaha dib u dhiska Ibraahim Nuur Xabeeb oo sheegey in loo baahan yahay in caddaalad la falo si dib u heshiisiin dhab ah loo gaaro oo la iska dhaafo ‘anaa kuu taliya’.

Xubnihii dawladda iyo baarlamaanka ee shirka ka qayb galey waxay kala ahaayeen:

  • 1. Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga dhirta iyo daaqa, (Maxamed Shiikh Maxamuud ‘Gacma-Dhere’). 

  • 2.Wasiirka Deeegaanka iyo ka hortagga nabaadguurka (Maxamed Cusmaan maye)

  • 3. Wasiiru dawlaha dib u dhiska (Ibraahim Nuur xabeeb),

  • 4. W/ku xigeenka haweenka iyo daryeelka qoyska (Sahro c/qaadir C/raxmaan)

  • 5. Jeneraal C/hi Cali Cismaan (Xildhibaan)

  • 6.Aamino Maxamed Mursal (xildhibaan).

  • 7. Cali Maxemed Faqi.    (Xildhibaan) 

Waxaa ka qayb galayaashii shirka loo ogolaadey inay fikradahooda iyo su’aaloba weydiiyaan xubnihii dawlada iyo baarlamaanka ee shirka ka qayb galey. Dadkii su’aalaha weydiiyey waxa ka mid ahaa Cumar Suleymaan oo weydiiyey, sidee lagu aamini karaa dadkii 15 sano dalka isku dilayey oo iyagii madax noqdey? Gacmadheere oo su’aash ka jawaabay ayaa sheegey in aan loo baahnayn in cidna la aamino balse ay tahay in la isku aamino dastuurkii la soo wada dhigtey iyo sharciga. “dalkan aan hadda joogno cid ku waardiyeysa ma jirto, sharciga ayaa ku waardiyeeya, xamarse wiil qori leh iyo tekniko ayaa wax waardiyeysa, haddiise la helo dawlad sharciga ayaa dadka waardiyeynaya, waxaa qaar ka qayb galayaashii shirka kamid ahi soo jeediyeen in la isu geeyo labada qaybood ee xubnaha baarlamaanka ee dalkan jooga, taasi oo ay aqbaleen diyaarna u yihiin inay la kulmaan meelna isku wada yimaadaan. Xildhibaanada Saxra C/qaadir oo wasiir ku xigeenna ah ayaa tiri “Guddoomiyaha dadkii doortey ayaan ka mid ahay, inta u tegey ayaan ku iri gacantii aan kugu doortey ayaan kugu baryayaa ee tanaasul samee” Gacmadheere ayaa isna ku darey in la isu tagi karo, la islana hadli karo mar kasta, waxaase muhiimka ahi waxa weeyaan in ay soo baxaan wax la isugu imaankaro oo laga wada hadli karo, ‘Guddoomiyaha waa hogaamiyahayagii annaga oo dhan waan ka daba maraynaa ee adinku inta u tagtaan ka keena wax cad oo uu diidan yahay ama wax cad oo uu doonayo” ayuu yiri. Nin ka mid ahaa ka qayb galayaashii shirka ayaa markaa yiri “annaga ayaa u tagney guddoomiyaha wuxuuna noo sheegey inuu isagu sharciga ku taagan yahay oo uu ilaalinayo”, Gacmadheere oo taas ka jawaabayey ayaa yiri ‘Ma idiin sheegey qodob hebel oo dastuurka ku jira oo la jebiyey?, tan kale Gudoomiyaha haddii sharci la jebiyey ma ahan inuu adiga iyo rag kale u warramee waxay ahayd inuu dhex yimaado 275-ta xildhibaan ee uu madaxa u yahay, oo uu horkeeno”.

Sidoo kale C/hi Faarax Qaarey oo ka qayb galayaashii shirka ka mid ahaa ayaa yiri Ciidamada aad soo waddaan naga daaya, Gacmadheere-se muxuu Xamar u tegi waayey, wuu tegi karaaye?  Waxaa u jawaabtey Wasiir ku-xigeenka daryeelka Qoyska oo tiri “waxaad sheegatey inaad tahay sharciyaqaan, waxaadna leedahay ciidamadda naga daaya, ma waxaad rabtaa in isbaarada, dilka  iyo kufsiga haweenku iska sii jiro?, waxa isna ku sii darey Wasiirka deegaanka oo yiri ‘dawladu waxay diidan tahay waa in Gacmadheere oo 10 tekniko ah heli kara uu tegi karo, aniga oo wasiir ahna aanan tegi karin iyadoo aan la i waardiyeyneyn”.   

Shirka ayaa ahaa mid guud ahaan dadweynihii ka qayb galey ay ku cabirayeen fikradahooda kala duwan waxaana qof walba oo codsadey la siiyo waqti uu ku hadlo ama su’aallo ku weydiiyo, waxaana si aad ah loogu mahadceliyey ururka SOMALI INFORMATION SERVICE (SIS) oo suurto geliyey qabashada shirkan, iyo sidii laga maqsuudey ee ay u soo diyaariyeen shirka shaqsiyaadka kala ah C/qaadir C/lle ‘Xoorshow’, Cumar C/qaadir, C/wali Sheekh Maxamed iyo C/qaadir C. Guutaale. 

Waxa diyaariyey
C/qaadir Fadli

guutaale99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2005


Shariif Xasan: Dastuurka ayaan anigu ilaalinayaa..
Ridwaan Xaaji oo waraysi la yeeshay Shariif Xasan
 Akhri oct 4

Zenawi oo Mucaaradka Amxaarada La Hadlaya

Qorax Madoobaad La Sheegay in uu Maanta ka dhici doono Wadamo ay Soomaliya ka mid Tahay.. Akhri

Bakool: 12 Qof oo Sabtidii Ku Dhintay Iska Hor Imaad Ka Bilowday Dhirta Dhuxusha Laga Shito
iyo 6 Qof oo Axadii ku Dhintay Muqdisho Iskahor imaad Laba Maleysiyo... Guji...


Muqdisho: Qof Sooman afuri ajarkiisa oo kale aad heshide


Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Booqday Birmingham UK
Shariif Xasan: Hadii Dalku uu ka Jiro Xukun kali talis ah waa ay adkaanaysaa in Soomaalida qurbaha ay dib ugu laabtaan dalkii Hooyo.... Akhri Oct 2

Soomaalida Minnesota oo DFKMG u Ballan aaday In ay u Iibinayaan Idaacad
ay Dawladu kaga Hor tageyso "Beenta BBC-da"... Guji... Oct 2

::SOO DHOWEYNTA SOOMKA:::

»HORDHAC SOOMKA| Ibrahim
»AXKAANTA SOOMIDDA C/Fatax
»Kahortagga Khilaafka |
Ufayn
»Soo dhoweynta Soomka Ibrahim

Qoraalo kale oo la xariira Ramadaanka booqo Boga aan idinkugu tala galay Bishan

Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD