Bakool: 12 Qof oo Sabtidii Ku
Dhintay Iska Hor Imaad Ka
Bilowday Dhirta Dhuxusha Laga
Shito, waxaana dhaawacmay 20 Qof....
Muqdisho: 6 Qof oo
Axadii ku Dhintay Muqdisho Iskahor imaad Laba Maleysiyo....
MUGADISHU: Wararka ka
imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in iska hor imaad
ka dhacay galabnimadii Axada ay ku dhinteen ugu yaraan lix
qof, sida laga soo xigtey goob joogayaal iyo dhakhaatiir ku
sugan Muqdisho. Waxaana la maqlayey rasaas la isku
ridayo.
Dagaalkani waxa uu dhacay
kaddib markii galabnimadii Axada ay maleysiyo daacad u ah
qabablaha dagaalka Cabdulqaadir Beebe ay weerar ku qaadeen
kuwa daacad u ah maxkamda Islaamka ee Woqooyiga Muqdisho oo
ay dhaawaceen 10 qof, oo badan koodu ahaa shicib, sida ay
hay'adda AP ka soo xigatey qof goob joog ahaa, kaas oo
weydiistey in aan la magcabin xaalada nabad gelyo awgeed.
Dagaalku waa istaagey,
inkasta oo dad badani oo aaga dagaalku ka dhacay ay
guryohoodii ka carareen.
Dadka goobta joogey iyo
dhakhatiirta oo weydiistey in ana la magcaabin waxa ay
sheegeen in dadka dhintay ay Afar kamid ah yihiin dableyda
dagaalamayey, halka laba qof oo shicib ah ay dhinteen kaddib
markii ku dheceen rasaas xiimeysa.
BAKOOL: 12 Qof oo
Sabtidii Ku Dhintay...
Dhanka gobolka Bakool waxaa
laga soo weriyey in dagaal ka dhacay Sabtidii ay ku dhinteen
12 qof, ayna dhaawacmeen 20 qof, markii uu dhacay iska hor
imaad ka bilowday dhirta laga shito shuxusha, sida laga soo
xigtey wasiirka dib u heshiisiinta Sheikh Aadan Mohamed
Deer.
ISHA:
AP
| Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 3, 2005
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo
Maanta Booqday Birmingham
UK
-
Shariif Xasan: Hadii dalku
uu ka jiro xukun kali talis
ah waa ay adkaanaysaa in
Soomaalida qurbaha ay dib
ugu laabtaan dalkii Hooyo.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo Maanta Booqday
Birmingham UK
Diyaariye : Abdullahi Nur |
Aosman66@yahoo.co.uk | Oct
2, 2005
Gudoomiyaha baarlamaanka
soomaaliya Mudane Shariif Sh
xasan Sh Aaden oo maalmahaan
booqasho ku joogay dalkaan UK,
ayaa wuxuu maanta 02/10/05
booqasho ku tagay Caasimada
labaad ee UK, ee layiraa
Birmingham, halkaasoo aay degan
yihiin jaaliyad soomaaliyeed oo
badan,
Gudoomiye shariif oo aay la
socdeen xildhibaanada kala ah
-
1-Mudane Maxamed Cabdi
Yuusuf
-
2-Mudane Sakariye X Maxamed
Cabdi
-
3-Mudane Maxamed Axmed
Daryeedl
-
4-Mudane Cabdi Axmed
Dhegdheer ahan wasiir ku
xigeenka Xananada xoolaha
-
5-Mudane Mustafe Sh Cali
Dhuxluoow
Iyo qaar ka mid ah Jaaliyada
Soomaaliyeed ee degan London oo
aay ka mid ahaayeen
-
1-Mr Abdullahi Nur Osman (
Direct of Access for Support
& Development)
-
2-Eng C/raxmaan Yariisoow (
Gudoomiyaha Somali concern
Group)
-
3-Mr Daahiye Cabdi
-
4-Mr Wadaad yare
Iyo xubno kale ayaa ka ambabaxay
magaalda London, saacadu markii
aay aheyd ku dhawaad 1:00pm ee
London, waxeeyna gaareen
Birmingham saacad iyo bar ka
dib, .
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo
lagu waday gawaari ka badan 5
gaari, ayaa waxaa si heer
sareysa ugu soo dhaqweeyey
Birmingham wafdi aay
hogaaminayeen madaxda golaha
odayada soomaaliyeed ee
magaalada Birmingham,
Markii aan yimaadeenba waxaa
horey ka bilaawday barnaamijkii
, iyadoo aay halkaas ka hadleen
xubno matalayey Jaaliyada
soomaaliyeed ee ku nool
magaalada Birmingham , kuwaasoo
oo dhammaantood sheegay sida aay
ugu faraxsanyihiin , ineey soo
dhaweeyaan, gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo wafdigiisa ,
waxeeyna yiraahdeen kusoo
dhawoow Birmigham, si
kalgacaltooyo iyo walaaltinimo
ku jirto, waxeeyna kula
dardaarmeen gudoomiyaha in uu
sii wado hawshiisa ah dib u
heeshiisinta iyo nabada ummada
soomaaliyeed.
Ka
dib waxaa hadalkii qaatay
Mudanayaashii uu hogaaminayey
Gudoomiyaha, waxaana ugu horeyn
hadlay Mudane Maxamed Cabdi
Yuusuf, wuxuuna ugu mahad
celiyey dhammaan jaaliyada
soomaaliyeed sida wanaagsan ee
aay usoo dhaweeyeen, wuxuuna
sheegay in dowlada aysan ka
jirin khilaaf ah in jago leysku
heysto, balse leesku
khilaafsanyahay dhawr arimood oo
kala ah
-
1-In aan dalka la keenin
ciidamo Ethiopia ah
-
2-In caasimada la tago
maadaama dastuurka ku
qorantahay sidaas .
-
3-Axdigii iyo xeerarkii la
qortay in la raaco ,
Wuxuuna ka codsaday shacbiga
soomaaliyeed ineey iyaga u gar
naqaan hadii aay gar daran
yihiina dhahaan idinkaa qaldan ,
hadii qolada kala qaldantahayna
dhahaan adinkaa qaldan ee soo
raaca .
Maxamed cabdi yuusuf wuxuu
sheegay in jowhar ay tahay
magaalo soomaaliyeed , uuna mar
kazoo ahaan jiray Gudoomiye
gobol , dadka gobolka degana aay
aad u jecel yihiin asigana jecel
yahay, balse wuxuu yiri caasimad
ma noqon karto, waayo, ? waxaa
jirta Xamar oo ah
-
Meeshii lagu saxiixay
midnimada soomaaliyeed,
-
Xarunta u ahaan jirtay
halgankii gobanimodoonka,
-
Meesha ay ku yaaliin dhamaan
taalooyinkii loo dhisay
halganka dalka,
-
Meesha aay soomaali dhan ku
leedahay hanti, ahna meesha
soomaali ka dhaxeyn karta,
Mar uuna ka jawaabayey su,aal ku
saabsaneed Habka Federaalka ee
dowlada hada wuxuu dheegay in
soomaaliya aysan Federaal dan
ugu jirin, balse aaay wadaan
cadawga ummada soomaaliyeed ,
wuxuuna xusay in waagii xoriyada
la qaadanayey uu fikirkaan n
keenay Talyaanigii oo rabay inuu
awooda soomaaliyeed kala
dhantaalo, wuxuuna usoo dhiibay
buu yiri dad isaga taageersanaa
oo la oran jiray Pro-Italaiana ,
.
Maanatana waxaa wada ayuu yiri
Ethiopia, oo usoo dhiibtay
qolada layiraa SRRC oo aay iyadu
taagreeto, mana ahan buu yiri
fakir iyo arin ka timid soomaali,
dana nooguma jirto , ujeedada
laga leeyahayna waa in soomaali
lagu sii kala goo gooyo.
Waxaa kaloo iygana meesha ka
hadlay dhammaan xildhibaanadii
kale, oo dhamaantood sheegay
ineey fulinayaan wixii aay u
dhaarteen iyo in dalka
soomaaliyeed aan cadow loo gacan
gelinin, waxeeyna ka codsadeen
in shcabka soomaaliyeed fahmo
waxa leesku hayo ineey tahay
Jiritaankii soomaaliyeed ee
aaysan dhihin, aniga waxaan ahay
dhex dhexaad iyo garab lama jiro,
waayo beey yiraahdeen, arin
mabda,a ah ama ku xiran
jiritaakeena dhex dhexaad lagama
noqon karo, waana in sidaas u
fahmaan shacabka soomaaliyeed ,
halgankana dhinacooda kazoo
galaan.
Ugu danbeyn hadalkii waxaa lagu
soo dhaweeyey gudoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliyeed Mudan
Shariif Xasan Sh Aaden , wuxuuna
ugu horeyn u mahad celiyey sidii
diiraneed ee loogu soo dhaweeyey
Birmingham isaga iyo wafdigiisa,
wuxuuna yiri waad ku
mahdsantihiin, soo dhaweyntiina
, waxaana jeclahay buu yiri
inaan u mahad celiyo dowladaan
aad la joogtaan, ee idin soo
dhaweeysay ,idin dejisay , waxaana
idinka codsanayaa inaan si
fiican ula dhaqantaan dadkaan
aad la nooshihiin, inaad wax
xumeeysaana aad iska ilaalisaan
, waayo buu yiri waxaad noo
tihiin safiiro noo jooga halkaan,
hadii aan nahay ummadda
soomaaliyeed
Salaam ka dib gudoomiye shariif
wuxuu sheegay in dowlada waxa
leesku heysto aay tahay sharciga
hala raaco , iyo wixii lagu
heshiiyey , balse aysan jirin
qof necbaan iyo qof jaceyl,
wuxuuna sheegay in aysan taas
wax tareynin,
Gudoomiye shariif wuxuu sheegay
in iyaga dhinacooda aay u
halgamayaan, sidii dalka looga
sameey lahaay dowlada ku
dhaqmeysa sharci ee aan ku
shaqeeynin fikrad qofeed oo kali
talisnimo ah, wuxuuna sheegay
kali talisnimo ineey tahay waxa
meeshaan na dhigay, waxaana u
halgameeynaa buu yiri Mudane
Shariif inaan ilaalino sharcigii
la qortay, ee lagu heshiiyey,
isla markaasna waxaan rabnaa in
dowlada kula xisaabtano sharciga
ineey raacdo hadii aan nahay
baarlamaanka,
Wuxuu kaluu shaagay mudane
shariif in aay doonayaan ineey ilaalinayaan,
waxa loo yaqaano Check and
Balance, oo ah ineysan awooda
qolo kaliya gacanta u galin ,
sida Dowlada ama Madaxweynaha,
oo aay jirto awood qeybsi , taas
kaliya ayaana lagu gaari karaa
buu yiri horumar iyo wanaag, iyo
in qof kastaa helo xaqa uu ku
leeyhay dalka iyo kan isaga lagu
leeyahay intaba.
Gudoomiye Shariif wuxuu sheegay
in dadka qaar aysan ku kadsoomin,
in xanaaq aay u qabaan dhib loo
geystay oo anaga dhexdeena isu
geysanay in la yiraa waxaa dalka
lagu soo hogaaminayaa Cadowgii
soo jireenka ahaa ee
soomaaliyeed , wuxuuna xusay in
dhibka aan kala tirsaneeyno lagu
xalin karo oo kaliya dowlad
soomaaliyeed oo shawqeeysa ,
balse hadii cadowga soomaaliyeed
la keeno, sida Ethiopia, in
jiilalkeena soo socda aay sida
reer Falastiin dhagax tuuri
doonaan, oo dalka oo dhan lagala
wareegi doono, wuxuuna yiri
wixii dhexdeena waa inaan inaga
dhameeysanaa, una halganaa inaan
dow lad cadaalad ah oo qof
kastaa yeesho codkiisa .
Gudoomiye shariif wuxuu kaluu
sheegay in ay ku dadaali doonaan
in aay nabada ka shaqeeyaan,
wada hadal dowlada dhexdeeda
ahna mar kastaa raadin doonaan,
iyo in aysan bur burin wixii
lasoo dhisay, wuxuuna yiri hadii
tan naga bur burto cid danbe oo
na caawin ma laha.
Waxaa kaluu sheegay in magaalada
muqdisho bannaanka uga saareen
in ka badan 2,500 oo maleeshiyo
ah iyo hubkooda, taasoo wax weyn
ka tartay ammaankii magaalada,
wuxuuna ammaan usoo jeediyey
intii gacanta dhaqaale ka
geysatay taakuleynta
maleeshiyooyinkaa la xareeyey ,
wuxuuna sheegay ineey weli
baahidii mid kasii weyn jirto,
wuxuna codsaday in la taageero
ciidmadaa ku xareeysan
xerooyinka Hiilweyne iyo Laanta
buuro, oo jaaliyadda dibada ka
qeyb qaadataa si xoogan, oo wax
tar ah
Ugu danbeyn wuxuu ka codsaday
shacbiga soomaaliyeed ineey
allaah u towbad keenaan , leesna
walaashado meel kastoo aay
joogaan, gaar ahaan qurbaha, oo
leeska ilaaliyo khilaafka iyo
kala qeybsananaanta, wuxuuna soo
gelitaanka bisha barakeysan ee
Ramadaan allah ka baryey in
nabad iyo is cafis aan helno,
wuxuuna sheegay in uu weligiis
taageri doono in si cadaalad ah
soomaaliya loo maamulo.
Ka
dib waxaa guddoomiyaha iyo
wafdigiisa casho sharaf heer
sare ah loogu saaamyey, Maqaayad
soomaaliyeed oo ku taala isla
Birmingham, oo la yiraa HILAAC,
waxaana uu gudoomiyahaiyo
wafdigiisa kazoo ambabaxay
Birmingham saacadu markii aay
aheyd 8:30pm.
Diyaariye :
Abdullahi Nur |
Aosman66@yahoo.co.uk
Shariif
Xasan: Hadii dalku uu ka jiro
xukun kali talis ah waa ay
adkaanaysaa in Soomaalida
qurbaha ay dib ugu laabtaan
dalkii Hooyo.
02.10.2005

Xaflad Casho Sharaf ah oo
Lagu soo Dhaweenayay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya
Shariif xasan Sheikh Aden iyo xubno kale oo ka tirsan
Baarlamanka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Xildhibaan
Ibraahim Xabbeeb , Xildhibaan Zakariya Xaaji, Xildhibaan
Mustaf Dhuxulo ,Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf ,
Xildhibaan Maxamed Xasan daryeel iyo Ra'isul wasaare ku
xigeenkii hore ee Carta Cusmaan Jaamac kaluun ayaa Xalay
ka dhacday Xaafada Harlesden Ee Magaalada London Iyadoo
halkaas ay ka sugnaayeen dadwayne aad u fara badan oo ah
Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkan Britain.
Qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Jaaliyadda Soomaalida
ayaa halkaasi kasoo jeediyay hadalo koo kooban oo ay ku
cabairayeen dareenkoodii xalay iyo khilaafaadka taagan
ee Dawladda waxyaabaha sababta u ah ee keenay oo si guud
ay u soo bandhigeen kadibna waxaa gunaanadkii halkaasi
ka hadlay Shariif Xasan Sheikh Aden oo inta badan xooga
saaray waxyaabaha la isku haysto ee Madaxda Dawladda
haatan ka dhexjira.
Shariif Xasan waxaa uu
sheegay in marna aanu ka tanaazulaynin waxyaabaha
mawqifkiisa ku aadan ee ah ilaalinta Sharciga Dawladda
Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay sabab u tahahay haatan
is marin waaga ka dhex taagan Mas'uuliyiinta Dawladda,
waxaana uu xusay in ay ugu muhiisantahay Xarunta iyo
saldhiga Dawladda iyo keenitaanka Ciidamo Dariska ah.
Shariif xasan waxaa uu
sheegay in Caasimadda Soomaaliya ay tahaya Muqdisho isla
markaana loo baahanyahay in marka hore wax laga qabto
Magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan dhibaatooyin fara
badan oo amaanku ugu horeeyo sidaasi daraadeedna hadii
Muqdisho wax laga qabto ay noqonayso guul Soomaali u soo
hooyatay.
Sidoo kale waxaa uu
sheegay in Shacabka Soomaaliyeed marna aanay ogolaanayn
in dalka la keeno Ciidamo ka socda Dawladaha dariska ah
sida Ethiopia oo uu sheegay in gabdhuhu ay
dhagaxtuuryaynayaan hadii ay dalka yimaadaan kadibna
iyagu ay rasaas furayaan oo halkaasi ay ka dhalankarto
dhibaato loo gaysto Ciidankaasi iyo Shacbka Soomaaliyeed.
Ma yeeli karno in Hal qof
uu siduu doono dalka u maamulo, mana ahan wax waafaqsan
sharciga noo dagan ayuu intaasi ku daray Shariifku xalay
markii uu la hadlayay Soomaalidii ka soo qaybgalay
Xafladii lagu soo dhoweynayay Xubnaha Dawladda ee haatan
ku sugan Magaalada London.
Mar uu la hadlayay
Jaaliyadda Soomaalida ayaa waxaa uu sheegay in sababta
Soomaalidu ay dalka uga carareen ay tahay Kali
talisnimadii dalka ka jirtay xiligaasi, hadii markale
dalkii uu wali kasii jiro kali talisnimana aysan Qaxootigu
dib ugu laaban doonin dalkoodii hooyo ee markii hore ay
kasoo carareen.
Waxaa sidoo kale halkaasi
mahadceli ka jeediyay dhamaan Dhalinyaradii soo qaban
qaabisay Xafladii xalay oo ay kamid yihiin Eng Yariisoow,
Cabdulaahi Taleefan, Cabdiwale Sh Cali, liibaan Sheekh
Doon iyo kuwo kale oo aad u fara badan.
Waraysi aan la yeeshay
Shariif Xasan oo uu kaga hadli doono waxyaabo badan iyo
Sawiradii Xafladaasi waxaan soo gudbin doonaan hadii uu
ilaahay idmo maalmaha soo socda.
Ridwan Haji Abdiweli-
London
ridwanhaji@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com
| Oct 2, 2005
Soomaalida
Minnesota oo DFKMG u Ballan
aaday In ay u Iibinayaan Idaacad
ay Dawladu kaga Hor tageyso "Beenta
BBC-da"
Wasiirka Maaliyadda ahna
Ra'iisul wasaare Xigeenka labaad, Wasiirka Boostada &
Isgaarsiinta, iyo Agaasimaha guud ee Boostada & Isgaarsiinta
oo booqasho ku yimid Minnesota....
- Minneapolis |
SomaliTalk.com | Oct 2, 2005
Shir xalay lagu qabtay
magaalada Minneapolis, kaas oo lagu soo dhoweynayey madax
kasocota DFKMG oo booqanaya Minnesota, ayey Soomaalida
Minneasota waxay ballan qaadeen in ay Dawlada Federaalka
Kumeelgaarka ah u iibinayaan Idaacad.
Arrintaas waxaa shaaca ka
qaaday Maxamed Cabdi Faarax oo ah oday Soomaaliyeed oo reer
Minnesota ah. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri :
Waxaan farriin reer Minnesota uga sidaa waftigii
madaxweyanaha DFKMG oo dhowaan booqashada ku yimid New York.
Farriirntaas oo ah in waftigaasi ay reer Minnesota ka
codsadeen in ay u iibiyaan idaacad.
Arrintaas markii uu ka
hadlayey Maxamed Cabdi Faarax waxa uu arar ahaan u sheegay
in ay jiraan warar badan oo been ah oo la faafiyo, waxana uu
yiri "BBC-da anigu maba dhegeysto" waxaana lagu sheegayay
"Been Been Sii".

Maxamed Cabdi Faarax "Anigu
BBC-da maba dhegeysto"...
Maxamed Cabdi waxa uu xusay
in aan kharash badani uusan ku baxayn iibinta idaacada,
isagoo sheegay in tiro kabadan 30,000 oo Soomaali ah ay ku
nool yihiin Minnesota taas oo uu yiri haddii 3,000 oo keliya
ay min $20 doolar bixiyaan ay hir gelin karaan dhismaha
idaacada.
Kaddib dadkii shirka joogey
ayuu su'aal weydiiyey ahayd in ay ballan qaadayaan iibinta
Idaacadaas. Hal mar ayaa dadkii istaageen iyagoo dhehaya 'haa
waa ballan qaadeynaa". Markaas ayuu Maxamed Cabdi jalleecay
dhinaca wasiirka Maaliyada DFKMG ahna Ra'iisul wasaare ku
xigeenka labaad, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, wasiirka
Boostada & Isgaarsiinta, Cali Axmed Jaamac "Jangeli" iyo
Agaasimaha Guud ee Boostada & Isgaarsiinta, Axmed Maxamed
Aaden oo kamid ahaa waftiga DFKMG ee booqashada ku yimid
gobolka Minnesota oo ahaa kuwii xaflada loogu qabtay xaafada
Cedar ee magaalada Minneapolis oo ah xaafada ay Soomaalidu
ku badan yihiin (sida Islii), waxana uu (Maxamed Cabdi
Faarax) yiri Reer Minnesota waxay hortiina ku ballan qaadeen
in ay dawlada FKMG u iibinayaan Idaacad oo ah idaacadii "ay
Dawladu ku beenin lahayd waxay sheegeyso BBCda (British
Broadcasting Corportaion) -(Af-Soomaaliga ku hadasha)",
oo ay dawladu dadka ku hanuunineyso.

Bixid: Axmed Maxamed Aaden
(Agaasimaha Guud ee Boostada), Prof. Saalim Caliyow Ibrow (Wasiirka
maaliyada Ahna ra'iisul wasaare xigeen), Cali Axmed Jaamac "Jangeli"
(Wasiirka boostada & isgaarsiinta) iyo C/rashiid Aaden Seed
(oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha DFKMG)
Nin Soomaaliyeed oo xaflada
joogey ayaa yiri "Haddii DFKMG ay garato habkii ay dadka uga
jeedin lahayd dhegeysiga Beenta BBC-da waxay noqoneysaa
dawladii Soomaaliyeed oo ilaa xorriyada la qaatay fahamta
sababtii markii hore loo asaasay BBCda in ay ahayd in
gumeysigii uusan ka suulin dalka oo maskax ahaan loo
gumeysto Soomaalida weligeed."
Kulankii xalay ee waftiga
DFKMG lagu soo dhoweeyey sidii uu u dhacay iyo hadaladii ay
kasoo jeediyeen madaxdiika socotey DFKMG kala soco
SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 2, 2005
HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA
- 18kii Luuliyo,
1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda
bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer
toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura.
Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi.
[1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya,
si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii
bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada
midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in
10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa
talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu
xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii
ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
- Sebtembar 1958kii
ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta,
waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii
Soomaaliya.
[Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee
Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo
tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
- 1dii Luulyo,
1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey
xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho
30-daqiiqo.
[1 July
1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo
israacii Woqooyi iyo Koonfur]
- 25kii Maarso
2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa
waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo
1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah.
[August
26, 2000
waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
-
Sannadka 2002 waxaa
lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado
dheeraad ah eeg:
BBC.11:00 |
BBC.14:00 |
BBC.16:00 |
BBC.18:00.[Waxaa
soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta
Soomaalida]
Shariif
Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka
Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...
Guji...
Sept 30
Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud...
Guji...
Sept 30 Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir
Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.
Guji..
Sept 30
Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo...
Guji...
Sept 30
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |