Indho-indheyashii
doorashada Parliamaanka ee Somaliland
kadhacdey oo Seminar kuqabtey Pretoria.
Seminar
maalin soconayey oo ey qabanqaabisey
Machadka Barashada Amniga & Xasiloonida
Africa “Institute for security studies “ISS”,
ayaa laguqabtey xarunta Machadka ee
Pretoria. Waxaa kaqeybgaley wufuud
kakalasocotey Wazaarada arimaha dibada ee
K/Africa, kormeerayashii doorashada
Parliamenka ee Somaliland, safaaradaha
wadamada reer galbeedka ee K/Africa sida
Mareykanka, bahda saxaafada, ururada
bulshada.
Waxaa
goobtaasi bandhig iyo qudbado taariikhi ah
kajeediyey Mudane Iqbal Jhazbay oo
xidhiidhiya Somaliland & K/Africa kanatirsan
xisbiga talada K/Africa haya ee ANC da,
Iqbal waxa uu ukuurgalaa siyaasada bariga
dhexe islamar ahaantaasina wax kadhiga
Jaamaca UNISA.
Iqbal
Jhazbay waxa uu sigaara ugahadley xidhiidhka
siyaasadeed, dhaqaaleed, bulsheed ee u
dhaxeeya K/Africa & Somaliland isaga oo
xusey dadaalka weyn ee xisbiga ANCdu
ugujirto xalinta meelaha khilaafadku
kahaloosanyihiin sida k/furta sudan, congo
i.wm. Iqbal oo kahadlaya xidhiidhka
Somaliland & K/Africa waxa uu kubilaabey
“xidhiidhka K/Africa & Somaliland udhaxeeyaa
waa mid aaney dadbadan oo R.K/Africa ahi
kawarqabin ama lasoconin” Iqbal
Waxa uu
gudogaley in uu kaxogwaramo taariikhda
Somaliland ilaa intii ey xornimadeeda
kalasoonoqtey wadankii Somalia 1991kii, iyo
madaxweynayashii hore waa marxuumintii A/rahman
Tuur & M.Igal waxa kale oo umagacaabey
halyeyga A/rahim Caabi Faarax oo kahawlgabey
xilkii uu kahayey Qaramada midoobey.
Xidhiidhka
bahda saxaafada oo si rasmi ah ubilowdey
2001 ilaa markaas oo TVga SABC du ey sitoos
ah ugasoowaramaan Somaliland, Iqbal wuxu
shegey aftidii shacabka reer Somaliland
2001kii iyo safarkiisii uguhoreeeyey ee
uukutago Somaliland.
Waxa kale
uu xusey Iqbal waftiyada tiradabadan ee
Somaliland kayimaada iyo in waxyaalaha
ugaqabsoomey Somaliland oo aan weli la-ictiraafin,
isaga oo kahadlayey weftiyadaa sida
isdabajooga ah uimanaya k/Africa waxa uu
xusey weftigii waziirada Edna iyo Dr.Bulhan
ey kuyimaadeen 2003 oo eykaqeybgaleen
shirkii Durban kadhacey iyaga oo soojeediyey
Edna & Dr.Bulhan in lasiixoojiyo xafiiska
iskuxidhka Somaliland & K/Africa.
Waxa kale
oo muhiim ah xidhiidhka madaxweynayaasha
K/Africa & Somaliland uu ahaa mid aad
usareeya dhinaca icitiraaf raadinta halkaasi
oo uusheegey warqada Md Rayaale usooqorey
Mbeki & jawaabta uu Mbeki kagajawaabey.
Waxa kale uu kusheegey qudbadiisa imaatinkii
& geeridii M.Igal ee K/Africa 2002gii iyo
Madaxwyne Rayaale weftigii uu hogaaminayey
ey kuyimaadeen feb 2005.
Dhinaca
xidhiidhka dhaqaalaha ee labada wadan
udhaxeeyey mar uukahadleyey waxa sheegey in
macdanaha Somaliland ey K/Africa
kaqebqaadaneyso soosaaritaankooda, Tokyo
Sexwale oo maalqabeen macdanaha
kabayacmushtareeya ahi waxa uu booqashooyin
kutaga Somaliland iyada oo musqabalka dhowna
uu contragyo kafulindoona Somaliland. waxa
kale ushegey isticmaalka degada Berbera ey
isticmaalidoonto wadanka Ethopia.
Iqbal oo
kahadlaya xasuuqii loogeystey R.Somaliland
waxa uu tilmaamey in xasuuqaasi ahaa mid
arxan daran isaga oo tusaale usooqaatey
miigagii rusheeyey Somaliland 1988kii
Ugudanbeyntii wuxuu ifafaalooyin kabixiyey
doorashadii parlamanka isaga oo kamid ahaa
kormeerayaashii K/Africa katagey.
Geedisocodka Ictiraaf raadinta Somaliland:
“K/Africa
wey ictiraafi kartaa Somaliland laakiin
waxey rabtaa in wadmada AU da (African
Union) ey kalaqeybqaataa, arinta kale waa in
K/Africa ey sitaxadirleh u eegto arinka
Somaliland Somalia, aadna waan uhubaa in
madaxweyne Mbeki uu kafakarayo qadiyada
Somaliland. wadamada safka hore kagajira in
ey Somaliland ictiraaf hesho waa South
Africa, Ethopia, Senegal, UK siiba
safaaradiisa Ethopia iyo wadamo badan oo
katrsan AU da” Iqbal Jhazbay.
Waxa kale
oo halkaa isna kahadley Matt Brydon oo
katirsan xafiiska ICG (International Crisis
Group), Matt wuxuu kahadley arimaha gudaha
ee Somaliland iyo raadka doorashadan
parlamanka ee Somaliland kuyeelankarto ama
kubiirinkarto dadaalkooda ictiraaf raadinta.
Somaliland waxaa kahanoqaadey dimuqraadiyad
ey dadku xisbi taageeraan oo aaney qof
kudooran qabiil balse ey kudoortaan
xisbigiisa sida wadamada ey dimuqraadiyada
xoogani kajirta oo kale, waana wadanka
keliya ee Africa ee xisbiga talada hayaa
aanu dusha kaheysan, tusaale Djibouti &
Ethiopia waa wadamo ey Somaliland kahoreyso
dhinacasi, waayo xisbiyada talada haya ayaa
awoodana leh.
Somaliland
waa wadan boqolkiiba boqol muslim ah waana
wadanka keliya oo dastuurkiisu uuyahey mid
muslim wadamada geeska Africa.
Waxa Matt
Brydon uu qaadadhigey taariikhdii Somaliland
soomartey lagasoobilaabo midowgii Somalia ey
lagashey ilaa hada, iyo xaalada ey
kusugantahey Somaliland hada dhinacyada
dhaqaalaha, siyaasada, waxbarasha &
caafimaadka iyo cududeeda milatari, iyo
goboloda Somaliland.
Matt waxa
uu kunuxnuuxsadey amniga Somaliland iyo sida
muwaadinkasta oo reer Somaliland ahi hajoogo
gudaha ama dibadaba ey u ilaalinayaan amniga
Somaliland.
“mawduuca
kale ee muhiimka ahi waa kaalinta Somaliland
kagajirto ladagaalanka argagixisada, cududa
ama awooda milatari ee Somaliland waa mid
xoogan oo tilmaam kabixineysa cida iskudeyda
in ey khalkhal geliyaan amniga gacan birleh
laguqabanayo”Matt Brydon.
Dhinaca
doorashada parlamanka waxa ey tilmaameen in
ey aheyd mid si xaq ah udhacdey, laakiin
waxey welwel weyn kamuujiyeen in dadka reer
Somaliland aaney aheyn dad wax
ukalaqarsoonyihiin oo iyaga oo kujira
safafka cod bixinta ey isweynayeen xisbiga
ey ucodeynayaa kuuyahey arintaasi oo ey
kormeerayaasha qaarkood u arkaan in ey shaki
gelinkarto xaqnimada ama cadaalada
doorashada.
Ugudanbeyntii kormeerayaasha waxey si ey
iskuduubanyihiin mahadnaq balaadhan
usoodirayaan dhaman shacabweynaha
Somaliland, dowlada Somaliland, xisbiyada
mucaaradka soodhaweyntii diiraneyd ee
kalakulmeen Somaliland guud ahaanba.
Kormeerayaasha K/Africa katagey waa:
- Mandla
Mkompfe (ANC Chief Whip for Gauteng
Legislature)
-
Harriet Morolong (South African
Department of Foreign Affairs)
-
Martinho Chachiua (Manager of Electoral
and Political Processes, EISA)
-
Timothy Othieno (Senior Researcher,
Institute for Global Dialogue)
-
Hannelore Wallner (Africa Coordinator,
FAST International, Swisspeace)
- Munthu
Lukhozi (Producer, SABC)
- Monare
Baatile (Cameraman, SABC)
- Iqbal
Jhazbhay (Senior Analyst, UNISA)
- Zahira
Seedat (Coordinator, EISA)
-
Jean-Jacques Cornish (Africa
correspondent, Radio 702)
- Mariam
Jooma (Researcher, Institute for
Security Studies)
- Fury
Malebogo (South African Embassy in
Nairobi)
Midig
Marriam Jooma & Hannelore Wallner oo kamid
ah kormeerayashii tegey Somaliland.
Mar aan
waxkaweydiiyey kormeerayasha waxyaabihii
layaabkalahaa ama ey jecleysteen
joogitaankoodii Somaliland Mariam Jooma
iisheegtey : “waxaa aan aad ujecleystey
dadku dabcigooda fiican iyo soodhaweyntooda
xataa hadii aaney waxba heysan,
qalbifiicnaantooda, waxaa Mariam ahaan ii
aheyd waayo aragnimo aad u fiican waayo
waxaan tagey wadan dadku wada muslim yahey,
dadka reer Somaliland waa dad diintooda aad
ugudhaqma, waxyaalaha aan aadka
usiijecleystey waxaa kamid aha marka salaada
la adimo dadka rer Somaliland ee
nalashaqeynayey intey joojiyan wax alla iyo
waxey gacanta kuhayaan ayey salaada oogayaan”
Marriam Jooma
Hannelore
Wallner oo Austria udhalatey laakiinse degan
K/Africa kanatrisan Machadka ISS waxey
iisheegtey “waa wadan Islam ah oo markii aan
tagey waan is asturey oo waxaan ulabistey
sidooda, markaa dumarka ayaa aad
ujecleysaney Markey labiska igu arkaan,
cuntada ayaan aad ujecleystey iyo hotelkii
aan deganeyn ee Mansuur, cuntada waxaan
kaheli jirey “Laxooxda”,” Hannelore
Wallner.
Waxaa
diyaariyey:
Saeed fuuraa
Somalitalk
Pretoria
somalilandjournalist@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 31, 2005