SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Xiriirka u Dhexeeya QAADKA iyo cudurka AIDS... Ka Akhir qormadii Ciribtirka Qaadka

WARARKII MAANTA::::

  • Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto hub la sheegay....
  • Dowladda Federaalka oo ka mid noqotay Dowladaha dagaalka ku la jira Hargabka Shimbiraha..

  • Ururka Daryeelka Haweenka iyo Dhallaanka oo codsi u jeediyey Caalamka .

  • Max’ed Ibraahim Isaaq oo la gaarsiiyay deeq isgu jirta ..

  • Haweenay ninkeeda ku dishay deegaanka Towfiiq..

  • C/laahi Sheekh Ismaaciil oo AdisAbaba kaga qayb galaya shirka Ururka Midowga Affika 
  • Isku soo dhawaansho ayaa laga muujinayaa dooddii ka taagnayd maamul u sameeynta Gobalka Hiiraan.
  • Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqanayo day magaalada Boosaaso
  • Maxamed Dheere oo Xabsiga utaxaabay Taliye kuxigeenkii Ciidamadiisa.
  • 300 Boqol oo Maleeshiyoyin Oo tababar uga Biloowday magalada waajid
  • Wasiirka War faafinta  DFKGS Oo Beeniyey In Lacaga Been Abuur ah Lakeenay Magaalada Jowhar

Dowladda Federaalka oo ka mid noqotay Dowladaha dagaalka ku la jira Hargabka Shimbiraha..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

OCT 31, 2005

                        Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Jowhar ka ambabaxay wafdi uu hoggaami-nayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Ibraahim Max’ed Isaaq, wuxuuna wafdigaani ka qaybgalayaa kulan ka dhacaya Wadanka K/Afrika waxaana kulankaani looga hadlayaa sidii wadamada Afrika ay uga hortagi lahaayeen cudurka Shimiraha ku dhaca ee Hargabka ah (Bird Flu).

            Kulankaan oo ay ka qaybgalayaan dhamaan wadamada Afrika ayaa waxaa lagu waramay in Qaaradda Afrika ay dooneyso in ay ka mid noqoto Qaaradaha ugu jira dadaalka sidii dabar goyn lahaa cudurka shimbiraha, maadaama Qaaradda Afrika ay xudun u tahay shimbiraha isaga kala goosha Qaaradaha Adduunka, kuwaasoo la dhihi karo waxa ay fududeeyaan faafitaanka cudurka.

            Adduunka ayaa haatan u soo jeeystay sidii uu uga hortagi lahaa hargabka ku dhaca Shimbiraha, kaasoo hoos u dhigay ganacsigii Shimbiraha iyo Digaagadaha.

Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto hub la sheegay....

War ka soo baxay Wasaarada arimaha dibadda ee Wadanka Talyaaniga ayaa lagu shegay in  Dowladda Talyaaniga ay baaritaan ku sameyneyso hub milatari oo la sheegay in uu dhawaan gaaray garab ka mid ah garabyda Dowladda ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar. Baaritaan ayaa waxaa la sheegay in uu noqon doono in Dowladda Talyanaiga ay guddi u soo dirto gudaha Dalka Soomaaliya si ay warbixin uga dhageyso qaybaha kala duwan ee bulshada si loo ogaado in Dowladda Talyaaniga ay bixisey hubkaasi iyo in kale. Waxaa maalmahan dalka Talyaaniga ka jiray is qabqabsi u dhexeeya Dowadda iyo kooxo mucaaradda kaddib markii kooxaha mucaaradka ay sheegeen in Dowladdu aysan dhex dhexaad ka ahayn is haysiga u dhexeeya Dowladda Federalka ee Soomaaliya. Dowladda ayaa la sheegay in ay ku doodeyso in ay bixisay hub ay sheegtay in ay ugu talagashay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, kaasoo ay sheegtay in uu badnaa Gaadiidka ciidamada lagu daad gureeyo iyo dareyska ciidamda. Dowladda Talyaaniga waxay kalloo sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay is haysiga u dhexeeya Dowladda Federaalka ee ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowar, hase yeeshee xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa waxa  ay sheegeen in Dowladda Talyaanigu aysan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka. Sidoo kale Dalka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay Dowladda Talyaaniga oo ay kaga dalabanayaan inay dhex dhexaad ka noqot is haysiga u dhexeeya Dowladda Federaalka, sidoo kale waxay ka codsadeen in ay gacan ka gaysato sidii ay u dhex dhexaadin lahayd Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna u soo jeediyeen Dowladda Talyaaniga in ay ergo dib u heshiisiineed u dirto Dalka Soomaaliya.  

Ururka Daryeelka Haweenka iyo Dhallaanka oo codsi u jeediyey Caalamka .

            Ururka Daryeelkka Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan “SOCCAWO” ayaa beesha Caalamka iyo Ururada Dawliga aan ahayn ee Maxalliga ah  ugu baaqay in gar gaar lala soo gaaro Dadka Soomaaliyeed ee soo bara kacay kuna sugan xeryaha ku yaala Magaaladan Muqdisho.

            Guddoomiyaha Ururkaas Marwo Maryan Xasan Fanax oo Wargayskan  Ayaamaha u waramaysey ayaa sheegtay intii mudda ahiba uu Ururkoodu gacanta ku hayay Haween Soomaaliyeed oo ku sugan Xeryaha Dadka Soo bara kacay Haweenkaas oo horey ay u siiyeen tababaro isugu jira dhinaca Caafimaadka, farshaxanka iyo Hawlaha Dumistikada ay ka mid tahay

            Sidoo kale marwo Maryan Fanax waxay sheegtay in Ururkoodu hadda ka hor uu Deeq guddoonsiiyay Ciyaalka Derbiyo jiifka ah oo ay ugu deeqeen qalabka Baalashka taasoo shaqa abuur looga dhigayo ciyaalka aan haysan meel ay maciinsadaan, waxayna ugu danbaybtii  Maryan Saxan Fanax ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samfalkaba inay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan dadka  Soomnaaliyeed ee soo bara kacay ee ku sugan Xeryaha Magaaladan Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadwey-naha ku nool oo aragtidooda ka dhiibtey cunaqabatey la sheegay in lala damacsan yahay..

            Iyadoo xubnaha labada Gole ee Muqdisha ku sugan dhawaan ay soo saareen war-saxaafadeed ay shacabka ku dhaqan gobolkan banaadir kaga codsanayaan inay isu diyaariyaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen Cuna-qabataynta Cir,Dhul iyo Badba leh ee Kooxda Jowhar ku sugan ay la damacsan yihiin Shacabka ku dhaqan Magaaladan Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee la mid ka ah ayay Haweenka Soomaaliyeed siyaalo kala duwan uga hadleen war saxaafadeedkaas.

            Baahila Maxamed Warsame oo ka mid ah Haweenkii fikirkooda ka dhiibtay war saxaafaadeedkaas ayaa muujisey sida ay u taageersan tahay Garabka Xukuumadda ee ku sugan Muqdisha iyadoo sheegtay in Burcad-badeedku berigii hore ay ku maqli jirtey Xeebaha Waqooyiga Bari ee Soomaaliya balse tan iyo intii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu Jowhar yimid, Burcad- Badeeddii loo soo wareejiyay dhinaca Koofurta Soomaaliya, taasoo ay ku micnaysey inay tahay Siyaasad lagu doonayo Ciidamadii Shisheeye ee horey loo diiday qaab la doonayo in lagu soo galiyo.

            Nadiifa Cali oo ka mid ahayd Haweenkii uu Wargeysku fikirkooda soo qaaday ayaa iyana muujisay fikirkeeda ku aaddan inaysan raali ka ahayn marnaba in Geyooyinka Diyaaradaha qaarkoodna la xiro qaarkoodna ay shaqeeyaan iyadoo intaa ku durtay inay ka soo hor jeedaan cunaqabataynta la sheegay in lagu go’doominayo Magaaladan Muqdisho . Marwo Nadiifo ayaa sheegtay inay dagaalami doonaan lana dagaalami doonaan kolba Garabkii Gar-daran labada garab ee Xukuumadda ee Jawhar iyo Muqdisha ku kala sugan

Max’ed Ibraahim Isaaq oo la gaarsiiyay deeq isgu jirta ..

            Jaaliyadda Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan dalka Denmark ayaa deeq isugu jirta lacag iyo dhar soo gaarsiiyay Max’d Ibraahim Isaaq oo ah cunug todoba jir ah oo muddo lix sano ah ku jiray Isbitaalka Magaalada Baydhabo kaddib markii isagoo jiray hal sano uu dhaawac ka soo gaaray Kaadi-haysta.

            lacagtaan ay jaaliyaddu ugu talagashay in lagu daryeelo wiilkaas yarka ah oo Hooyaddii ku dhimatay markii isagu soo gaaray dhaawaca gaari bas markii lagu dhiftay Qoriga Baasuugaha ah mar uu gaarigaasi marayay Maay-Fuulka, waxaana gaarigaasi ku dhintay 28-ruux.

            Ninka ku dhiftay Gaariga Baasuuga ayaa isna la sheegay in ay saarneyd Hooyadii oo iyadana halkaasi ku dhimatay, waxayna tani ay ka mid tahay wax yaabihii aan ka dhaxalnay dagaalada sokeeye.

            Max’ed Ibraahim Isaaq ayaa halkaasi la sheegay in ay ku haysato dandaro aad u baaxad weyn, wuxuuna sheegay mar la wareystay in aysan waxba u tareyn lacag kastoo la siiyo, balse uu baahan yahay lagala tacaalo daaweynta Kaadi-haysta

Haweenay ninkeeda ku dishay deegaanka Towfiiq..

            Habeen hore ayaa haweenay ninkeeda ku dishay xaafadda Towfiiq oo la oran jiray Cumar Shiikh Xuseen, waxayna dilkaan u adeegsata Faas oo ay kaga dhifatay saddex jeer madaxa, halkii ayuuna ku geeryooday.

            Ciidanka Madaniga ee xaafadda Towfiiq ayaa markiiba ku guuleystay in ay gacnta ku soo dhigaan oo markaasi watay saddex carruur ah oo ay dhashay oo mid uu jiray labo bilood, waxayna haatan ku xiran tahay guri ku yaala Xaafadda Towfiiq.

            Haweeneydaan oo saxaafadda la hadleysay ayaa wax laga weydiiyay sababta ay u dishay ninkeeda, waxayna ku jawaabtay, “Wuu u dili jiray maalin walba, waxa uu ugu dhibay biilka, dhowr jeer ayaa uga dacwooday ciidanka Madaniga”.

            Mas’uuliyiinta Ciidanka Madaniga ayaa waxay qireen in mar ay haweeneydaasi uga soo dacwootay ninkeeda oo sheegtey in uu dili jiry isla markaana ka goostey Biilkii

Cadde Gaabow “af-waa kanee may laka aamee”...

            Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali{Cade} ayaa Kulan balaaran la yeeshay wax-garadka

Culumaa’udiin, Odayaal iyo Aqoonyahano ka socday Beesha Eelaay, waxaana kulankaasi layskula soo qaaday arimo la xiriira sidii beeshaasi ay saami ugu yeelan lahayd Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in beesha Eelaay ay tahay Besha ugu badan ee dagan Gobolka Banaadir loona baahan yahay inay gacan ka geysato dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir.

wuxuu sheegay in dhowaan dibu habayn lagu sameyndoono qaybaha kala duwan ee gobolka Banaadir iyo dib u soo celinta adeegyadii Bulshada.

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko dhismaha Maamulka ay ku hawlan yihiin xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho wuxuuna yiri”af-waa kane may laka aamee”.

Xubnihii ka Socday Beesha Eelaay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Faray oo ah Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada Beesha iyo Faadumo Cali Caliyoow  ayaa waxay ka mahad celiyeen soo dhaweynta Gudoomiyaha, waxayna balan qaadeen inay la shaqayn doonaan Maamulka Gobolka Banaadair. 

, waxaana lagu amaray in faraha uu ka qaado haweeneydaasi oo uu siiyo wixii biil ah oo ay u baahan tahay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


C/laahi Sheekh Ismaaciil oo AdisAbaba kaga qayb galaya shirka Ururka Midowga Affika

C/laahi axmed Diiriye ''Boore''
Muqdisho, Somaliya
boore3@hotmail.com

Wasiirka arimaha dibada ee Dawlada Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa maanta magaalada Adis Ababa ee caasimada wadanka Itoobiya wuxuu kaga qayb galayaa shir halkaasi uga furmaya Madaxda Dawladaha ururka Midowga Afrika.

C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa wuxuu matalayaa Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in kulankaasi lagu soo qaado arimaha Soomaaliya gaar ahaan xukuumada loo soo dhisey Soomaalida.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa horey loo shaaciyey in uu ka qayb gali doono shirkan, balse waxaa muuqata in uusan ka qayb galeyn oo ay isugu imaanayaan Madaxweynayaal, Rai'salwasaarayaal, wasiiro iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Isku soo dhawaansho ayaa laga muujinayaa dooddii ka taagnayd maamul u sameeynta Gobalka Hiiraan.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah ee dawladda ayaa sheegayo in wada hadalladii ay lahaayeen masuuliyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan uu haatan meel yididiilo leh maraayo.

Wada hadallada oo ku bilowday shalay qaab kulul oo xammaasadaysan ayaa markii hore waxaa yaraa is fahanka masuuliyiinta ,hase ahaatee dawladda federaalka ah ayaa dhex dhexaadin muuqata ka dhex wadda madaxdaasi.

Arinta la isku khilaafsan yahay waa maamul u samaynta gobolka Hiiraan oo qoloba si u eegayso , taasoo salka ku haysa isku dheellitirka beelaha.

Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysulwasaare Geeddi ayaa si gooni gooni ah ula kulmaya madaxda dooddu dhex martay si ay mid walba ugu qanciyaan in ujeedadu tahay in maamul loo sameeyo gobolka Hiiraan.

Wasiirada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee dooddu dhex martay ayaa waxay kala yihiin:-Wasiirka waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble, wasiir kuxigeenka dhaqan celinta malleeshiyaadka Cali Jayte, wasiir kuxigeenka gaashaan dhigga Cumar dheere iyo masuuliyiin kaleeto.

Kulamadoodii ugu danbeeyay masuuliyiintan ee dhacay xalay iyo shalay ayaa ahaa kuwo la isku soo dhawaaday laguna ballamay in lasii wado kulamada xalka looga gaarayo maamul u samaynta gobolka Hiiraan.

Maalintii shalay ahayd magaalada Baladwayn waxaa ka dhacay mudaaharaad ay kasoo qaybgaleen dadwayne saluugsanaa qaabka maamul u samaynta gobolka Hiiraan.

Maamulkii gobolka Hiiraan wali wuxuu ku sugan yahay magaaalada Jowhar ayadoo halkaasi uu u tagay guddoomiyaha gobolku inuu dawladda kala soo tashado xaaladda jirta

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqanayo day magaalada Boosaaso

Wafdigan oo maanta ka soo degey garoonka diyaaraha ee magaalada Boosaaso, ayaa waxay booqdeen xarumo ay dhismahooda maal gelisey UNDP, sida MCH-ka cusub iyo suuq cusub oo uu dhismihiisu geba gebo yahay iyo saldhigga booliis oo laga hir gelinayo xaruntii hore ee TB-da ee xaafadda Biyo Kulule.

Wafdiga Qaramada Midoobey oo isugu jirey mas’uuliyiinta laamaha UNDP, UNCHR iyo Unicef ayaa kormeekooda waxaa ku weheliyey guddoomiyaha gobolka Bari, Yusuuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo warbixin ka siiyey wafdigaasi, xaaladda dhismayaasha cusub ee ay maal gelineyso Qaramada Midoobey iyo xiriirka maamulka gobolka Bari uu la leeyahay hay’adaha Qaramada Midoobey.

Dhismayaashaas oo ay gacanta ku hayso shirkadda Tawakal ayaa waxaa warbixin ka bixiyey mas’uul ka tirsan shirkadda dhismaha ee Tawakal oo lagu magacaabo Faarax Maxamed Ismaaciil Toox oo isagu sheegay in muddo ka yar toddobaad lagu dhammays tiri doono dhismayaashaas, isagoo intaas ku daray in shirkaddoodu ay dhismayaal kale ka waddo magaalooyinka Puntland qaarkood.

Ugu dambayntii shirkadda dhismaha ee Tawakal ayaa inta badan fulisa dhismayaasha ay maal geiyaan hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNDP iyo hay’adda Swedesh-ka ah ee Diakonia, iyadoo wafdiga Qaramada Midoobey iyo maamulka gobolka Bariba ay u mahad celiyeen shirkadda dhismaha ee Tawakal.

Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa duhurnimadii maanta waxay u amba baxeen degmada Carmo ee gobolka Bari halkaas oo ay booqan doonaan goobo ay dhismahooda ay fulinayaan hay’adaha Qaramada Midoobey iyo xarunta akedeemiyada booliiska ee degmad.

Maxamed Dheere oo Xabsiga utaxaabay Taliye kuxigeenkii Ciidamadiisa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in shalay gelinkii danbe Xabsiga Magaaladaasi loo taxaabay Taliyekuxigeenkii  Ciidamada Maamulka Gobolka Sh/dhexe  iyadoo uu Amarka lagu xiray Sarkaalkaasina uu bixiyey Maxamed Dheere.
 
Taliye xigeenkan oo la yiraahdo Ciise Maxamed ayaa sababta loo xiray waxaa lagu fasiray inuu  Dhawaan damiintay wiil dhalinyaro ah oo Xabsiga ku jiray mudo dheer kadibna la waayey Wiilkii uu Damiintay sidaasina Xabsiga lagu dhigay Mas,uulkaasi.
 
Warar ku dhawdhaw Maamulka Sh/dhexe ayaa sheegaya iney Socdaan dadaal lagu doonayo in lagusii Daayo Sarkaalkaasi iyadoo ay Maxamed dheere ilaa shalay wadahadal kula jireen Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Taliyaha xiran.
 
Ma aha Markii ugu horeysay ee sidan oo kale uu Maxamed dheere xabsiga ugu taxaabo Mas,uul ka Tirsan Maamulkiisa balse dhawr jeer ayeyt sidaan oo kale dhacday waxaana ugu danbeeyey Xarigii Wakiilkiisii Warfaafinta Xasan Cali dhagey  oo mudo laba todobaad kadib xabsiga loogasii daayey Wadahadal dhexmaray odayaasha Beeshiisa iyo Maxamed Dheere.

300 Boqol oo Maleeshiyoyin Oo tababar uga Biloowday magalada waajid 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo isku dhaf ah oo ka kala yimid gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay isugu tageen magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Sida uu sheegay sar gal kusugan magaalada Baydhaba ciidamadan ayaa waxay tiradoodu kor u sii dhaafaysaa 300 oo nin kuwaasoo isku qoray inay noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadan Gaaray magaalada Waajid ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay wasiiro ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka garsoorka DFKGS Sheekh Aadan Madoobe iyo wasiirka beeraha Shaati guduud.

Waxaa lagu wargaliyay ciidamadan in tabobar uu uga furmi doono magaalada Waajid , kadibna ay u gudbi doonaan magaalada Jowhar marka tabobarku u dhammaado labbiskoodana loo qaybiyo.

Inkastoo ciidankan ay jiraan qaar horay u labbisnaa hubkoodana sitay, haddana waxaa lafilayaa in dhammaantood dirays isku mid ah loo qaybiyo loona furo tabobar ciidan.

Horay magaalada Waajid wuxuu tabobar ugu soo xirmay ciidamo gaaraya 600 oo askari kuwaasoo laga soo kala uruuriyay tuulooyinka gobollada Baay iyo Bakool.

Dhammaan ciidamada la isku aruuriyay oo aan wali tiradooda rasmiga ah lashaacin ayaa warar naloo xaqiijiyay waxay sheegayaan inay kor u dhaafeen 10kun oo askari oo badankood qaatay tabobar casri ah.

Wasiirka War faafinta  DFKGS Oo Beeniyey In Lacaga Been Abuur ah Lakeenay Magaalada Jowhar

Warsiirka warfaafinta Dwoladda Federaalka somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Ayaa shaaca kaqaaday in ay san jirin wax lagac ah oo ay keensatay dowladda ayna tahay mid aan sal iyo raad toona laheen.

Wasirka Amniga Qaranka Maxamed qanye ayaa horay u sheegay in madaxweeynaha iyo Ra"iisul Wasraaha Ay wadan qorshe ay ku soo sameey Sanayaan Lacago Cusub si ay mushaarad u siin lahaayeen ciidamada Ku xareeysan Xerada Congo. 

Wasiirka oo xalay la hadlayey warbaahinta ayaa is ka fogeeyey  Eedeenta ay u soo jeediyeen ma"suuliyiin ka tirsan Dwoladda Federaalka somaliya ee ku sugan magalada muqdisho Wasirka ayaa in taas ku daray in loo baahan yahay  lacago in ay la timaado dowladda mustaqbalka.

Warar madaxbanaan ayaa sheegayo in magalada jowhar lagu arkayey maalmihii lasoo dhaafay lacago Cusub oo kayimid dhanka magaalada Boosaaso.

C/laahi axmed Diiriye ''Boore''
Muqdisho, Somaliya
boore3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2005

WARARKII SHALAY:::

Wafdigii uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga oo ku sugan London
»Muqdisho: Ganacsatada Qaadka oo Walaac Muujiyey...
»
Beledweyne: Banaanbax Lagu taAgeray iscasilaadii wasiirada
»Kismaayo: 1 qof oo ku dhintay & 9 ku dhaawacmay shil gaari
»Wasiirada DFKGS Oo loogu Baaqay In Ay Yimadaan Jowhar
»Xildhiban Cumar Xaashi: Kenya Yeysan dhinac la safan...
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Indho-indheyashii doorashadii Baarlamaanka ee Somaliland
oo Seminar kuqabtey Pretoria.. Warbixintii Siciid Fuuraa



»ALLaa.Somaaliweeye. ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland. dawlad.Qaran, Riyaale  Madaxweyne  Kudayasho Mudan?
»Barlamanka cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis muhiima  oo  kusocda  qof kastoo  soomaalinomo  kujirto
»
Jawaab Suufiyada iyo Bisha Soon | Garweyne
»Midabkee ayaad jeceshahay? | Zahra
»50 Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL : Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD