-
Ganacsatada "Qaadka"
ayaa saaka Waalac ka muujiyey
Sida ay ka yeelayaan QaadKooda
Meesha uu ku danbeen doono .
-
Banaanbax ballaaran oo logu taa
geerayo labadii Wasiir oo is
Casilay ayaa maanta ka dhacay magalaada
B/weyne.
-
1 qof oo ku dhintay 9 ku
dhaawacantay shil ka dhacay
duleedka magaalada Kismaayo .
-
Wasiirada
DFKGS Oo loogu Baaqay In Ay is
kugu Yimadaan magalada Jowhar.
-
Xildhiban Cumar Xaashi
Aadan ayaa Dowlada Kenya Ugu
Baaqan in ay san La kala safan
Xubnaha Is haya Ee DFKGS
Wafdigii
uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga ee ku sugan
London oo ...
Saleban hassan Alasow |
alasow73@hotmail.com
Waxaa Wafdigii uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga ee ku
sugnaa dhawaanahan Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magalada London uu la kulmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda qeybta Afrika u qaabailsan Mr. Martin Lamport iyo Agaasimaha qeybta Afrika u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah Miss Anna Lake & Manu Manthar iyo Mas'uuliyiin kale
Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalkan
Ingiriiska ayaa la isku dhaafsaday warbixino iyadoo wafdiga DKMG uu
halkaa ugu gudbiyey masuuliyiinta ay la kulmeen xaalka Somaaliya
hadii ay ahaan laheyd mid siyaasadeed iyo hadii ay ahaan laheyd mid
Nololeedba,dhanka Dolwlada Ingiriiska ayaa iyagu uga mahad celiyey
wafdiga Dowlad FK qaabka ay warbixinta ugu gudbiyeen waxaana ay
sheegeen in dowladooda ay markastaa tageersan tahay nabad ka
islaaxdaa Soomaaliya oo idil ayna door muhiima ka qaadatay Shirkii
Kenya ee lagu askumay DKMG waxaa ayna Dowlada Ingiriiska ku boorisay wafdiga in dib uheshiisiinta laga soo bilaabay Kenya la dhameystiro qilaafka jirana lagu xaliyo wada hadal.

Xubnaha Dowladda KMG ah ee ku sugan London

Wefdiga Dowladda KMG oo la kulmay xubno ka tirsan
Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Maxamed Xussein Owliyo iyo u qeybsanaha Arrimaha
Afrika ee Wasaaradda Arr. Dibed
Jawiga Shirkan oo ahaa mid aad ugaasimnaa ayaa waxaa ka muuqday
labada dhinacba in ay ka raali ahaayeen kulankooda waxaana dhanka
DFKG goob joog uga ahaa Mudane Maxamuud Maxamed Guuleed "Gacma dheere" Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga.Marwo Sahra Cabdiqadir Cabdiraxmaan Wasiirka Kuxigeenka Hormarinta Qoyska.Mudane Ibraahim Cabdula Nuur "Xabeeb" Wasiiru Dowle.Mudane Cali Faqi Wasiiru Dowlaha Kaluunka iyo Qeyraadka Bada.Mudane Maxamed Cusmaan Maye Wasiirka Bay`ada waxaana kulankan soo agaasimay soona qaban qaabiyey Mahadi haka gaarteen laba xubnood oo iyagu ka tirsan Jaaliyada Somalida Ingiriiska ku dhaqan kuwaa oo kala ah Maxamed Xuseen "Owliyo" iyo Cabdiqafaar Ceynsane.
Allasow
| London, UK
Ganacsatada "Qaadka" ayaa
saaka Waalac ka muujiyey Sida ay ka yeelayaan QaadKooda
Meesha uu ku danbeen doono .
C/laahi Axmed
Diiriye ''Boore"
Muqdisho.Soomaaliya.
boore3@hotmail.com
Qaar kamid ah
mas’uuliyiinta shirkadaha ay u kireysan yihiin diyaaradaha
qaadka ka keena magalada Nairobi ee dalka Kenya lana keeno
magaalada Muqdisho, ayaa saaka walaac ka muujinaya xaaladaha
ganacsigooda ku danbeynayo, iyagoo sheegay in khal khal la
galiyey qaabka ay diyaaradahooda ugu soo dagayaan garoomada
ku yaala magaalada Muqdisho.
Mas’uul katirsan
ganacsatada qaadka ayaa ka dhawaa jiyey Sida ay uga
xunyihiin in garoonka Dayniile laxiro. ganacsatada Qaadka
ayaa saaka logu war galiyey in diyaaradahooda loo weecinayo
dhanka garoonka No.50.ee Gobalka Sh/hoose.
Hase ahaatee markii
warkaas uu soo baxay ayaa daqiiqado kadib in haddana lagu
soo war galiyey diyaaradahooda iney kusoo dagayaan garoonka
Dayniile, qorshaha xiridda garoonka Dayniilana uu
bilaabanayo maalin nimada Beri ah ee ay ku beegantahay taariikhda,
31 Octobar.
Mas’uul katirsan
Ganacsatada qaadka ayaa sheegay in qaabka ay iminka u
socoto hawlahaasi ay khatar ku keeni karto ganacsigooda,
wuxuuna ka codsadey dowlada Kenya in xayiraada ay saareyso
garoomada qaarkood ay markaasi ka qaado, isagoo sheegay in
haddii arrintaasi lagu adkeysto ay keeni doonto in
ganacsigooda dhinaca Qaadka ay kala iman jireen magaalada
Nairobi ay joojin toonaann qaadka looqaado muqdisho.
Garoomada lagu
dhawaaqay ayaa soo shaac baxdey maalinimadii Khamiista
iyadoo ay dhalisay in jawaab cara leh ay kasoo baxdo
hoggaamiye kooxeed Hubaysan ee magaalada muqdisho khilaafna
u dhaxeeyo garabka dowlada ee kusugan magaalada muqdisho iyo Jowhar.
ayaa marba marka kadanbeeyo soo xoogeey sanayo.
Sikastaba Ha ahaatee
Garabka dowlada ee kusugan magalada Jowhar ayaa u muuqanaya
inuu taageero dhanka siyaasada ah ka helayo dowladda kenya.
marka loo eego talaabadii ugu danbeysay ay qaadato dowlada
Kenya.
Banaanbax
ballaaran oo logu taa geerayo labadii Wasiir oo is Casilay
ayaa maanta ka dhacay magalaada B/weyne.
Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo
go'aankii ay is ku casileen labo wasiir oo ka soo jeeda
gobalka Hiiraan isla markaana lagu taageerayo Go" aan kii ay
qaatiin labada wasiir ayaa maanta ka dhacay magalada B/weyne.
Banaanbaxan oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee
bulshada ku dhaqan gobalka hiiraan magalaada maadax diisa
B/weyne yaa dadka banaan baxayey ayaa siweey ugu soo
horjeeday go; aan kii ay qaateen madaxweyne C/laahi Yuusuf
Axmed iyo Ra'iisalwasaare Geeddi oo ahaan in Maamul ay u
sameeyaan Gobalka Hiiraan.
Wasiirrada is casilay
ayaa waxaa ka cabanayeen qaabka loo maamulay gobalka
Hiiraan. agoo dhan kale ka dhawaa jiyey in ay keeni karto
isku dhac qabiil iyo aanoyin Horay loo kala galay,waxaana
dadka ku dhaqan magaalada B/weyne maanta laga dareemayay is
ku soobax balaaran aga goona siweey ugu oo horjeeda Mamuulka
Gablka Hiiraan. Dadka bananbaxayey ayaa socod kooda yey ku
soo gaaba gabeeyeen fagaarayaasha weeyn magaalada B/weyne
1 qof oo ku dhintay 9 ku
dhaawacantay shil ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo .
Ugu yaraan hal qof ayaa
dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu
baabuur nooca tiknikada loo yaqaanno uu kula rogmadey
xeradii akedeemiyada ee ciidankii Cirka Soomaaliya ee
dhinaca waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Qofka dhintay iyo dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa la keenay
cusbataalka magaalada Kismaayo iyadoo dhammaan dadkaasi ay
ka tirsanaayeen guutada labaad ee ciidamada Isbahaysiga
Dooxada Jubba oo kormeerro ugu amba baxay inta u dhexaysa
magaalada Kismaayo Jilib.
Abaanduulaha Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba,
Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in uu
shilkani yimid kadib markii mid ka mid ah taayirada dambe ee
baabuurku uu baxay kadibna uu sidaas baabuurku u dhacay.
Wasiirada DFKGS
Oo loogu Baaqay In Ay is kugu Yimadaan magalada Jowhar.
Wasiirka war faafinta
DFKGS oo xalay shir jaraa'id ku qabtay magalada jowhar ayaa
shaaca ka qaaday in dhawaan ay imaan Doonaan wasiira
katirsan DFKGS ayna halkaan ka shaqa bilaa bidoonaan, waa
sida uu hadalka ku dhigay .
Wasiirka warfaainta
DFKGS Maxamed Cabdi Xayir ayaan intaas kudaray in markaana
qof walba oo dawladda ka tirsan loogu baaqay inuu ka
kahawlgalo magaalda Jowhar ee fariisinka kumeelgaarka ee
Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta
wuxuu xusay inaan maanta muhiimad la siin dhinaca uu
taageersan yahay ama inuu kasoo hor jeedo siyaasadda
dawladda hase ahaatee waxaa fursad lasiiyay xildhibaan ama
wasiir walba oo ka tirsan dawladda inuu bilaabo hawshii loo
Doortay
Mr. Mareeye ayaa
shirkiisa Jaraa'id u sheegay in hawl qabadka dawladda looga
baahan yahay in si dhaqso ah looga dareemo dhammaan
gobollada Soomaaliya.
Xildhiban Cumar Xaashi
Aadan ayaa Dowlada Kenya Ugu Baaqan in ay san La kala safan
Xubnaha Is haya Ee DFKGS
Xildhibaan Cumar Xaashi
Aadan ayaa shaaca kaqaaday in dowladda Kenya in arimaha
somaliya ay dhex dhaxaad kanoqoto ayna Joojiso Faladka
Siikala Fogeeyanyo Xubanha Dowladda ee kala fikirdowan.
Mr. Cumar ayaa in taas
kudar in dowlada kenya ay tahay mid aan looga baranin
arimahaan oo kale ayna tahay in ay ka noqoto Go'aanadii ay
ku xirtay garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed.
Xildhibanka oo xalay u
waramayey war baahinta gudaha ayaa sheegay in hadii garooma
laxirayo aan cidkasta oo garoon macmal ah sameeysatay
lagaxiro oo aan cidkale aan farta lagu fiiqin ayna tahay mid
cidkale lagu cuna qaba teeynayo.
Xildhibaanka ayaa in
taas raaciyey in hadii wax laxirayo laga soo bilaabo
garoonka jowhar oo hub iyo saanad Militari laga soo dajiyo,
waa sida uu wark au dhigaye.
C/laahi Axmed Diiriye
''Boore"
Muqdisho.Soomaaliya.
boore3@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct
30, 2005
Masar iyo
Eretria oo Doonaya In ay Door Muhiim ah Kuyeeshaan Soomaaliya
»Indha-Cadde
oo Isagoo Makka jooga ku hanjabey Weerar
»Madaxweynaha DFKMG oo
Booqanaya Kismaayo
»Cismaan
Caato oo Beeniyey in Lagu Xiray Nairobi, Kenya
»Sidee
Shacabka Muqdisho u arkeen Xirida Garoomada
»Garoomada Dayniile iyo Marka oo laga mamnuucay diyaaradaha
»Safaarado
midawga yurub ka socda oo laga furayo jowhar
»Bangiga
dhexe ee Qaranka oo laga furayo jowhar...
»Yalaxow:
Diyaaradii weecato dhulkeey iska fiirihee...
»Kulan
Dhex maray Muuse Suudi iyo Dr. C/qaasim...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... Oct 29
»ALLaa.Somaaliweeye.
ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland.
dawlad.Qaran, Riyaale Madaxweyne Kudayasho Mudan?
»Barlamanka
cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda
Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis
muhiima oo kusocda qof kastoo soomaalinomo kujirto
»Jawaab
Suufiyada iyo Bisha Soon |
Garweyne
»Midabkee
ayaad jeceshahay? | Zahra
»50
Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL
: Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii
Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma
jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu
dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»KA
HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa
sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? |
Zahra
»Isbar
bardhigga Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC | MM
»Waa
Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID
KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA
»Jawaab
Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada |
Bilal
»Tan
iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col.
Qaybdiid
»QIIMAYNTA
MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»Waano
ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada
| Eelay
»Oktoobareey
adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY:
Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal
»Dagaal
ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI.. |