Marka, magaalo
aan la yaabay.
Soomaaliya xittaa xayaawaanku waxay
dhigtaan Isbaaro.

Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan
tago magaalada Marka oo ah magaalo madaxda gobolka
Shabeelaha Hoose, waxaan Muqdisho ka tagnay 10-kii bisha
Sebteembar 2005, waxaannu ahayn laba baabuur oo ah nooca ka
dhaqaaqa afarta lugood ee loo yaqaan (Four wheel drive), ee
rayidku isticmaalaan, waxaan jidka ku sii jirnay waqti dhan
2:00 saacadood, sababo la xiriira wadada oo ahayd mid
burbursan, intii aan jidka ku sii jirnay waxaan aragnay
Saddex jidgooyo oo la iigu sheegay in laba ka mid ah ay
leeyihiin Malayshiyada ka amar qaadata Indha Cadde midda
kalena ay leeyihiin raxan Daanyeero ah, oo iyagu halkaas
jidgooyada u dhigtay baabuurta wadda khudaarta ee soo aadda
dhinaca Muqdisho; Daanyeeradan haddii aan wax loo tuurin
waxaa la ii sheegay inay dagaalamayaan isla markaana ay
daadinayaan dhammaan khudaartii ama mirihii saarnaa gaariga,
dhowr jeer ayaana faraha la isula tegay ilaa laga soo gaaro
waqtigan oo gaadiidka khudaarta wadaa iyo Daanyeeradu ay ku
heshiiyeen in wax la wada qeybsado, waa Isbaarada iigu
yaabka badneyd ee aan arko, haddana waa midda ugu nabadda
badan uguna nidaamsan, maxaa yeelay ma hubeysna, Daanyeeradu
waxay u taagan yihiin wadada hareereheeda si saf ah ilaa 150
Mitir ayayna dherersan yihiin, tan kale waxay leeyihiin
waqti go’an, gelinka dambe oo keliya ayay ka howl galaan
jidgooyada. Asxaabtii ila socotay ayaan si kaftan ah u
weydiiyey “Miyaysan jirin jidgooyo kale oo u taal noocyada
kale ee xayawaanaadka?” waxay ii sheegeen inay tan keliya
tahay, markaas ayaan ku iri haddana “Waxaa laga yaabaa in
jidgooyadani tahay mid ay iska leeyihiin midawga duurjoogta
oo dhan, Daanyeeraduna ay wakiil u yihiin inta kale” waa la
wada qoslay laakiin waxaan ula jeeday in jidgooyooyinka
tirada badan ee beelaha kala gedisani ay dhigteen ay ku
fiicnaan lahayd inay ahaato hal xabbo sida Daanyeerada oo
kale, haddaanba la hurayn.
Magaalada Marka waxay Muqdisho u jirtaa
100 KM dhinaca Koonfur, dhanka xeebta, waxaa jira Saddex
waddo oo laga geli karo magaalada Marka, wadada dhanka
Shalaanbood, waxay sii dhex martaa buur bacaad ah, taagga
sare marka aad mareysid waxa kuu muuqanaya dhul qurux badan
oo cagaar ah dhinacana ku haya xeeb ka soo muuqanaysa afafka
magaalada, isla markiiba waxaa ku soo galaya carafta biyaha
badda, indhuhuna waxey u sii jiidmayaan xaanada xeebta
Cagaaran.
Inta aad sii daadeganayso waxaad arkaysaa
xaruntii Ceel Jaalle oo ahayd Dugsigii tababarka ardayda ee
dowladdii hore, sidoo kale waxaa ceel Jaalle ku dheggan
halka loo yaqaan Cagaaran oo laga yaabo in hooyooyin badan
oo maanta caruur leh masaafo loo geeyey si loo soo meheriyo,
Cagaaran marka aad uga sii dhaqaaqdid dhinaca Galbeed waxaa
haddana arkaysaa Xeebta Sambusi oo ahayd goob lagu caweyn
jiray berisamaadkii, magaalada Afkeeda, waxaad arkaysaa
Qudbi taariikh dheer leh oo loo yaqaan Aw Cusmaanka, waana
halka ay ka baxday oraahda oranaysa (Marka Caddey Minan Aw
Cusmaan Ninkii mooda Munaafaq waaye).
Marka, waa magaalo xadaarad fog leh,
waxaana ku yaal dhismayaal qaddiimi ah oo la dhisay qarnigii
Tobnaad, magaaladu waxey leedahay xaafado waqti hore la
aasaasay, sida sarta waaligii Siciid Barqash uu deganaa oo
burburkeeda la i tusay, waxaa dhanka Waqooyi ka xiga
magaalada buur bacaad ah oo caro guduudan, hadii uu roob
da’ana buurta bacaadka ahi waxay ku soo qubataa magaalada,
mararka qaarna waxayba duugtaa guryaha u dhow, magaaladu
waxey leedahay xaafado dib ka dhismay, waxaa ku yaalla deked
waqti hore la dhisay oo ay isticmaali jireen gumaysitihii
Talyaaniga oo haatan baaba’san.
Marka, waa magaalo aad u masaajido badan
waa magaalo Ahlu dariiqo ah, sida la ii sheegay waxaa
magaalada ku aassan Shiikhii dariiqada Axmadiyada, Sheekh
Cali Maye. Xagga bilicsamida magaalada dhanka xaafadaha looma
sameyn naqshad cabir wanaagsan oo looga taxadarayo quruxda
dambe ee magaalada.
Nabadgelyada magaalada Marka
Magaalada Marka, waa magaalo xasiloon oo
nabadi ka jirto, waxaa halkaas ka dhisan maamul ka arimiya
inta badan deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose, Maamulkaas
oo soo celiyay nidaamkii iyo kala dambeyntii, dadka reer
Marka waxay kuu sheegayaan inay ku reysteen maamulka haatan
jira, run ahaantiina marka aad magalada tagtaba waxaad
arkaysaa in meeshu tahay meel maamul iyo kala dambeyni ka
jirto, marka aad ka timaaddo magaalada Muqdisho oo kale,
waxaad fahmaysaa in uu jiro is beddel xagga nabadda ah,
dadku waxay u ganacsanayaan si deggen oo aan argagax lahayn,
dadku waxay dhammaantood sitaan taleefoonka gacan qaadka oo
ay ku isticmaalaan xittaa waddooyinka dhexdooda, taasina waa
mid aan suurtagal ka ahayn Muqdisho, markii aan Marka tegay
waxaan bilaabay inaan damiyo taleefoonadii aan watay marka
aan dhex marayo magaalada Marka sidii aan ku samayn jiray
Muqdisha, laakiin goor danbe ayaan arkay dad badan oo
taleefoonadooda ku isticmaalaya waddooyinka, waxaan arintaas
weydiiyay asxaabteydii Marka, waxayna ii sheegeen inuusan
meeshan dhib ka jirin. Magaalada Marka waxay soo martay
xaalado qallafsan oo ammaan xumo, marar badan oo kala
gedisanna waxaa halkaas ka dhacay isku dhacyo beelo u
loolamaya qabsashada gobolka oo ah gobol Ilaahay ku
maneystay kheyraad fara badan, intii aan Marka joogay laba
mar ayaan maqlay dhawaqa rasaasta, oo mar ka mid ah la ii
sheegay inay qof dhaawacday, xabaddaas oo ay rideen dableyda
ilaalinaysay garoonka kubadda cagta oo markaas ciyaari ka
socotay, iyadoo qofka dhaawacmayna uu ahaa wiil taageera mid
ka mid ah kooxaha maalintaas ciyaartu u socotay.
Dabeecadaha dadka reer Marka.
Dadka reer Marka waa dad leh xaddaarad fog oo soo jireen
ah, waana dad faan badan, waa dad run ahaantii ku qanacsan
deegaankooda iyo waxa ay markaas haystaan, faankooda inta
badan waxaad arkaysaa inuu yahay ka badbadin. Waxaa la ii
sheegay in magaalada Marka loogu yeero magaaladii Jacaylka,
waxaa igu maqaalo ah in ay jiraan dhowr qof oo isu dilay
arimo la xiriira Jacayl dartii, dhalinyarada reer Marka
waxay aad u jecel yihiin kubadda cagta, daawashada
filimaanta Hindiga. Dadka reer marka waxay ku hadlaan
lahjado ka mid ah luuqadda Soomaaliga, waxaa aad ii soo
jiitay ereyo ay ka mid ahaayeen, MAA DOONTE, (Maxaad rabtaa?)
BISH (Biyo), HIRAAN BIIFANYE (Malaay ama kalluun ayaa buuxa)
iyo ereyo kale, waxaana aad u badnaa isticmaalka ereyga
LAAME oo ay aad u isticmaalayeen dhalinyarada wiilal iyo
gabdho kaas oo la raacinayay erey kasta oo ay dhahaan,sida :
KEEN LAAME, I SII LAAM ) dadka reer Marka waxay caadiyan
istaagaan luuqyada u dhexeeya guryaha aadka isugu dhow
daaqadahooda oo mararka qaar xittaa ay isku shukaansadaan,
adigoo si fiican u maqlaya ereyada ay isweydaarsanayaan,
haba u badnaatee (LAAM LAAM LAAM) oo ah ereyo aan afkooda
laga weyneyn, sida qolada Maraykanka oo u badan adeegsiga
SHIT, ama DEE oo ay adeegsadaan dadka reer Hargeysa, ereyga
LAAME waxaa la iigu fasiray erey kale oo isna aan fahmi
waayey, Waa LAQAM, oo marka Soomaaliga caadiga lagu fasiro
lagu sheegay Inkaar hele ama dhimo adoon wax dhalin, dadka
reer Marka waxay dharkooda ku wartaan guryaha ay degen
yihiin korkooda, waxayna dharka dul saaraan dhagxaan celisa
si aysan u dhicin, dadka reer Marka waxaa ku badan xanta, oo
marka qofku dhaqaaqo lagu bilaabayo in wax laga sheego,
iyadoo dhabarkiisii weli sii muuqdo, sidoo kale dadka reer
Marka waa dad aaminsan waxyaalo khuraafaad ah, sida
adeegsiga Jinka iyo sixirka oo la ii sheegay in laga helayo
dadyow badan oo ku shaqaysta.
Baaxadda magaalada Marka
Marka waa magaalo aad u yar dhererkeeda
waxaan ku qiyaasayaa 8 Km, ballaceedana hal Mayl, waxaa ku
heeraarsan magaalada bad iyo buur carro gudduud ah, waxaa la
ii sheegay in magaaladu ay ka kooban tahay saddex xaafadood
oo la kala yiraahdo, wadajir, Horseed iyo Howlwadaag laakiin
waxaa jira magacyo kale oo aan u qaatay inay yihiin laamo
hoos yimaadda saddexdan xaafadood, sida Ruusiya, Buulo Jaan,
Shiikh Abaroone, Saraha iyo Awbaalle, guryaha waxay isugu
jiraan carshaan iyo saro ka samaysan dhagxaan saqafkooda
korena laga dhigay alwaax ama jilay, maadaama laama yeeriga
ama jiingadu aysan u dul qaadan karin badda oo ay
daxalaysanayso markiiba, cimilada magaaladu waa sida
Muqdisho oo kale dhinaca loo yaqaan saraha markaad dhex
gasho waxaad soo xasuusanaysaa xaafadda Xamar weyne ee
magaalada Muqdisho, luuqyada waa isaga mid, dhinaca wasakhda
waa isaga mid, marka aad dhex marayso waa inaad iska
fiirisaa kor iyo hoos si aad uga taxadarto biyo wasakh ah oo
soo daadanaya dhinaca hoosena waxaad iska waardiyaynaysaa
lafo malaay oo la soo daadiyay iyo weliba wasakh kale.
Magaalada Marka waxay leedahay labo waddo
oo laami ah aadna ciriiri u ah; dadka, baabuurta, dameeraha
iyo Eeyaha ayaa iska daba suga wadadaas .
Waxaa kale
oo xusid mudan in dadka reer Marka aysan kaa leexanayn marka
aad iska soo hor baxdaan oo aad ku khasban tahay inaad
dhinac isu buurto. Dadka reer Marka oo aad u yar ayaa
haddana waxaa ku badan tirada dadka waalan waxaan arkay in
ka badan 20 qof oo madaxa looga jiro. Magaalada Marka
xilliyada aan roobku jirin oo dhan waxaa ku badan boorka,
waxaa la ii sheegay inay ku badan tahay magaalada dadka qaba
cudurka qaaxada ama Tbda.
Dhaqaalaha.
Magaalada Marka waxay si weyn ugu tiirsan tahay
Kalluumaysiga, xoolaha nool iyo weliba beeraha oo guud ahaan
gobolka Shabeelaha Hoose uu hodan ku yahay, dalagyada sida
weyn loo beerto waxaa ka mid ah galleyda, digirta, Sisinta,
Mooska, Canbaha iyo noocyada kala gedisan ee miraha iyo
khudaarta intaba.
Waxbarashada.
Waxaa halkaas ka jira dugsiyo leh heerarka waxbarasho
Hoose, Dhexe iyo Sare oo qaarkood ay taageeraan haya’do
caalami ah iyo kuwo waddani ah oo gobolkaa ka
howlgala,xiliga duhurka dugsiga laga rawaxayo ama la soo
galayo waxaad dareemeysaa in magaaladu arday badan
leedahay,waxaan ogaaday in ay taas ugu wacantahay dugsiyo
waxbarasho lacag la’aan ahna ay magaaladu leedahay, waxaa
kaloo ku yaalla xarumo lagu xannaaneeyo caruurta agoonta ah
iyo kuwa aan waxba haysan. Magaalada Marka waxay tebeysaa oo
ka maqan Jaamacad, maadaama ay haysato nabad gelyo iyo
dhaqaale, arday badanina ay dhamaysteen dugsiyada sare,.
Cuntada iyo makhaayadaha
Marka waxaa ku yaalla makhaayado yar yar,
waxaa laga helaa cuntooyin iyo khudaar kala gedisan oo
magacyadooduna ay ka bilaabmaan xarafka B sida BUKUREY,
BATIIQ, BAJIYE, BAAMIYE, MUUFO BARAAWE oo marka aad aragto
noocan muufada ah aad u malaynaysid inay tahay ceeriin,
laakin aad u macaan badan, makhaayadaha Marka waxaa aad
loogu gadaa caanaha dhanaan, waxay ka siman yihiin iibinta
bajiye iyo basbaas is dhinac yaalla oo la isku cuno ama la
isku daarto haddii aan isticmaalo ereyadooda, shaaha labadii
koob, waxaa la gadaa 1000 Sh, So. Laakiin taas macnaheedu
maaha inay raqiis tahay ee waa laba bakeeri oo yar yar una
dhigma halka bakeeri ee shaaha looga cabbo magaalada
Muqdisha.
Nadaafaddu waa mid aad u liidata, waxaa
kale oo xusid mudan in aniga iyo saaxiibkey oo aan Xamar ka
soo wada tagnay aan habeen galnay makhaayad kaddibna aan
weydiisanney inay na siiyaan cabitaan xiran Fanta, wiilkii
joogay makhaayadda ayaa waxa uu gacanta u ritay tarmuus weyn
oo ah kuwa barafka lagu hayo, waxa uuna noo soo saaray Fanta
iyo Coke, cabitaankii Fantada ayaa ii dhadhami waayay waxaan
mar kale wiilkii weydiiyay inuu cabitaan kale oo aad u qabow
haayo, waxa uuna ii sheegay Caano inay yaalliin, waxaan iri
ii keen, wuxuu iiga soo shubay isla tarmuuskii uu iiga soo
bixiyay Faantada, waxay arintaasi nagu noqotay amakaag ,
iyadoo weliba uu saaxiibkey indhaha ku hayay dhaqdhaqaaqa
wiilka, sababtoo ah waxa uu Caanaha iiga soo shubay isla
tarmuuskii uu gacmaha gelinayay ee uu iiga soo saaray
Faanbtada qabow markii hore. Magaalada Marka run ahaantii
wax walba oo aan ku arkayay waxay ahaayeen wax i yaab
geliya.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Marka
waxaan ku soo bartay asxaab aad u wanaagsan oo aad ii soo
dhoweysay intii aan joogay, runtiina aan aad iyo aad uga
mahadcelinayo, waana meel aan u xiisi doono oo aan jeclahay
inaan mar kale booqdo haddii Ilaahay idmo, Marka Caddey
waxaan leeyahay (barwaqo iyo baraare...... ).
Waxaa qorey A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct
30, 2005 Isha
Sawirada: Google Images
»ALLaa.Somaaliweeye.
ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland.
dawlad.Qaran, Riyaale Madaxweyne Kudayasho Mudan?
»Barlamanka
cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda
Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis
muhiima oo kusocda qof kastoo soomaalinomo kujirto
»Jawaab
Suufiyada iyo Bisha Soon |
Garweyne
»Midabkee
ayaad jeceshahay? | Zahra
»50
Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL
: Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii
Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma
jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu
dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»KA
HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa
sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? |
Zahra
»Isbar
bardhigga Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC | MM
»Waa
Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID
KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA
»Jawaab
Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada |
Bilal
»Tan
iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col.
Qaybdiid
»QIIMAYNTA
MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»Waano
ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada
| Eelay
»Oktoobareey
adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY:
Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal
»Dagaal
ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI.. |