SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

 



 Jini Boqol oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR 

Nin adduunya joogow maxaa aragti kuu laaban, waxaa anoo gurigayga iska jooga maalin dhawayd soo galay barnaamij loo baxshay dood wadaag oo ay taleefoonka uga qayb qaadanayaan dadweyne fara badan oo ka mid ah dadka ku nool muqdisha. 

Barnaamijkan waxaa marti ku ah Xildhibaan anagu aan u naqaanay Jini boqor haddii su aalihii loo furay dhagaystayaashii waxay codsadeen in xildhibaanku magacaas uusan istaahilin sidaas darteed waxay ka codsadeen inay u baxshaan alle boqor. Illaahow adaa weyn. 

Haddaba ma dadki hore jinni boqor u baxshay baa ka gardarnaa xildhibaanka misse dad waxuu u tagay iyagu fara dheer isaga markaas bay intay la yaabeen wanaagiisa magacii ka badeleen waa su aal maskaxdaydu is waydiisay durbadiiba. 

Haddaba haddii aan xoogaa idiin iftiinsho waxyaabaha ay odayga magaca wanaagsan ugu abaal mariyeen ka qayb galayaasha Barnaamijkaan waxaa ka mid ah inuu sheegay. 

  1. in uu isagu Madaxweyne Yusuf aad u yaqaan illaa 80kiina uu la socday haddaba dadku waa dad meel laga haystee maxaa u diiday inay dhahaan haddiiba illaa intaas aad la socotay ninkaas waxii dambi uu leeyahayna waad la leedahay ee na dhaaf.
  2. wuxuu kaloo sheegay inuu 20,000 oo wiil uu xero kula xareeyey oo SSDFtii ah waxna uusan Mr. yusuf ka hayn oo haddana maxay u garanwaayeen inay dhahaan jamhaddii anagoo nabad ah wadankeena xabada ka bilowday baad wax ka aasaastay oo dhibka na hayasta adaaba ka mas uul ah  dhihi mayaan oo waayo maantay reer muqdisha buu la jiraa marka.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid “ Jinni Boqor”

haddaba soomaalida waxa ay asaageed uga  hartay waa qodobkaan. Qof haddii umadi xil u dhiibato ama shaqo, qofkaasi xilkii sidii la rabay uga soo bixi waayo wuu is casilaa haddii ay fadeexad weyn ama dhib la taaban karo uu sabab u noqdana nolosha siyasadaba waa ka baxaa masuulkaasi, waxaan isla markaasba u cadaata in qof dambe oo mujtamacaas ka mid ah uusan waji ku lahayn dib dambana aan loo aaminayn. Halka  soomaalida kuwii intaa dhibka soo waday markii ay sheegaan dhibkii ay noo geysteen magacyo dahabi ah qoorta u galinayaan 

Jinni boqo wuxuu noqon karaa tusaale fariid ah oo looga tusaale qaadan karo raga siyaasada inoogu jira haddii aan nahay soomaali. wuxuu ka mid ahaa wafdi uu hogaamniyey c.llaahi yusuf oo Cayiid Dawladiisii sal balaar wax ka rabay halkaas c.llaahi waa ka carooday halka jiniboqor uu noqday wasiirkii maaliyada ee caydiid. 

Mudo markii uu la shaqaynayey waxuu tagay deegaankiisii Puntland waxaa la yiri maxaad naga soo doontay soo adiga naga tagay oo caydiid naga raacay iyagoo ka cabirayey in uu mabda caydiid ama siyaasad aysan raali ka ahayn uu xambaarsanyahay. wuxuu ku jawaabay meeshaan nin walba caruurtiisuu u xamaalanayaa anna hadda caruurtaydaan soo aaday ee ha igu habsaamina markaas baa lagu kala tagay illeen meesha mabda iyo masuuliyad ma taal ee waa nin aan shaqo tagay soona laabtay waana wasiir maaliyadeed . 

Haddaba dadka xildhibaanada inoo ah iyo kuwa xukuumada ku jira waxayba meesha u joogaan carruurtooda inay biishaan habaynba ninkii lacag siiya bay  la jiraan. Majoritygoodu habeynkii c.llaahi la dooranayey isagay la jireen odaygu habeynkaas lacag badan buu watay ogow. Haddana waxay na leeyihiin dastuurkii baa la jabiyeyow waan illaalinayna. Waxaa ka sii liita dadka ka sugaya mustaqbal iyo dal inay dhisaan caawa ninkii 100 doolar bixin kara 2 xildhibaan baa u shaqaynaysaa. Sharci bay haddaad doonto kuu soo saarayaan inaad adiga iyo aabaha soomaaliya aad iska leedihiin dastuurkaa lagugu darayaa qodobkaaas lacag ma haysataa. 

Idaacadaha Xamar waxaan kula talin lahaa in ummadaan awal bay horay u baabaday ay ka joojiyaan dagaal galinta iyo niman shaqo tag ah intay soo fariisiyaan dadka jihaada ku dhahaya iyagoo joornaato xasilinaya. Ka hadla dadka bada ku dhamaaday yey ka cararayaan ma c.llaahi yuusuf mise kuwa xamar jooga. Madaxdaan yaa laynayaa. Amaarka yaa u diiday muqdisho taasaa ka mudan inaad dagaal u abaabushaan nin aan muqdishaba soo gaarine. 

Allow Sidii Roon na waafaji.

Cabdiraxmaan xasan | UK

cabdiraxman19@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD