MIDOWGA AfRIKA: MIDNIMO
KATALIN MISE MINDIYO AFAYN??????

W/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad)
stethy1@yahoo.com
32 Dowladood
oo Madax banaan ayaa 25kii May 1963-dii, dhidibada ugu aasay
Ururkii Midnimada Africa (Originasation
of African Unity) Xarunta Ethiopia ee Addis
Ababa. Ujeedada ugu way ee loo abuuray Ururkaas ayaa ahayd:
kor u qaadida Midnimada iyo horumarka; difaaca sharafta iyo
karaamada dhuleed ee Xubnaha ku jira Ururuka; Baabi’inta
nuuc kasta oo gummaysi ah. Dhiirigelinta iskaashiga
Caalamigaa; iyo in Xubnaha Ururuku iska Caawinaan dhinacyada
dhaqaalaha, diblomasiyadda, waxbarashada, caafimaadka,
tiknoloojiyada iyo difaaca Siyaasadda.
Isbedel
lagu sameeyey Ururuka, ayaa 9kii July 2002 loogu bedelay
magaciisii Midowga Afrika
(African Union). Isbedelkan ayaa sidoo kale
waxaa ka mid ahaa in Ururuku yeesho Gole ammaan, kaas oo
fasax u haysta in uu faragelin Military ku sameeyo 30
maalin gudahood Wadan kasta oo khalalaase ka dhoco , kana
mid ah Xubnaha Ururka. Sidoo kale waxaa hindisaha ka mid
ahaa in Africa yeelato Baarlamaan ka dhexeeya. Inkasta oo la
sheego in Ururkani kii hore ka awood badnaan doono, hadana
macadda in wax wayn oo muuqda ay dhici doonaan, marka laga
reebo magacyada la kala
bedelay.
Dad
badan ayaa qaba in Ururuku aanu hor iyo dibba si buuxda uga
shaqaynin ujeedooyinkii loo abuuray, marka laga reebo astaan
uu Africa u ahaa. Waxaana si gaara farta loogu fiiqi karaa
inta uu la ekaa dadaalkii ay ka gaysteen dib-u-heshiisiinta
Soomaaliya oo isku rogay dib-iskugu-diris. Kasoo bilaaw
markii ay meesha ka baxday Dowladdii Soomaaliya imisa
Dowladood oo African ah ayaa Hub sharci daraa soo geliyey
Dalka? imisa ayeyse ku kala xirnaayeen hor-boodayaasha bur-burku?
Tirada kuu soo baxda waxaan filaya in ay kaa kaafin doonto
wax qabadkii Africa looga fadhiyey inta uu gaar sii sanyahay.
Ma’ahan in laga abaal ka dhaco, waxaa jira Dowlado African
ah oo gacan hagar la’aanayd ka gaystay sidii Soomaaliya
markale ay cagaheeda iskugu taagi lahayd, dibna ugu biiri
lahayd Bulshada Caalamka, muhiim ma’ahan in aan Magacyadooda
wada xuso, laakiin waxaan ku gaabinaya Soomaali ciddii abaal
u gashay way garanaysaa, cidii hagar-daamadeeda ka shaqayn
jirtayna way garanaysaa oo labadaba taariikhda ayaa xusi
doonta.
Golaha loo dhanyahay ee Q/M
waxaa lagu xantaa in ay tahay Maqaayad u shidan
USA, xittaa
4-ta Wadan ee kale ee codka diidmada qayaxan (Vito
power) ku dhex leh Golaha ammaanka, kuma
deg-degaan in ay Vito u adeegsadaan waxyaabaha uu Maraykanku
doonayo, halka uu isagu (USA) ku hor istaago codka diidmada
qayaxan wax walba oo uu u arko in ay ka horjeedaan danihiisa.
Sababtu way cadahay: - Maraykanku wuxuu isku haystaa
hoggaamiya Caalamka (world leader) iyo kan ugu awooda badan
, xaruntii Q/M oo ku taala New York, dhaqaalaha Q/M ku howl
gasho, oo 80% Maraykanku bixiyo, sababo kalena waa ay jiri
karaan.
Horaantii
Bishaan Ururka Midowga Africa ayaa Xafiis ka furtay
Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Garabka Dowladda ee uu
hogaaminayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf, haseyeeshee waxay
durbadiiba qaylo dhaan iyo canbaarayn ka soo yeertay garabka
kale ee Dowladda, iyagoo ku eedeeyey Ururka Midowga Africa
in ay la safteen hal dhinac, islamarkaasana aanay
dhex-dhexaad ka ahay arimaha Soomaaliya. Xaaladu markii ay
halkaas gaartay waxaa la gudboonayd Midowga Africa, in ay ku
dhaqaaqaan sidii ay ku qancin lahayeen garabka cabanaya ee
Dowladda, Xafiiskoodana ay si kmg ah al-baabada ugu laabaan,
maadaama ay arintu meel xasaasi ah maraysana aanay lumin
kalsoonida mid ka mid ah labada garab. Hase yeeshee Qoraal
ay soo saareen waxay ku sheegeen in aanay dib uga
laabanaynin go’aanka ay gaareen, kaba sii darane waxay
taageereen codsigii Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u jeediyey
Golaha loo dhanyahayay ee Q/M ee ahaa in cunaqabataynta
hubka laga qaado Somalia.
"Taageerada
Africa waa muhiim waana loo baahan yahay, hase yeeshee
waqtigii munaasibka ahaa, ee wax loo dhanyahay soomaali
taageerada kaga rabtay ayeey ka soo hor martay" baa la
leeyahay. Garabka Madaxweyne Yuusuf wax walba oo ay
doonayaan “sax iyo khalad”
waxaan shaki ku jirin in Xukuumadda Ethiopia-na ay ku garab
galayso. hadaba mar hadii Midowga Africa uu noqday dhabbha
loo sii maro hirgelinta himilooyinka iyo ujeedooyinka
Ethiopia, miyaan hadaba la oran karin Midowga Africana wuu
ka leexday ujeeddooyinkii loo abuuray, wuxuuna u muuqdaa
Maqaayad u shidan Addis? hadiise ay sidaas tahay America
waxay ku mutaysatay la garay, ee Addis maxay ku mudatay,
marka laga reebo in lagu aas-aasay Ururka, mudo dheerna ay u
ahayd xarun welina ay u tahay?
W/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad) E-mail: -
stethy1@yahoo.com
Halkaan
ka daawo 32-dii aas-aase ee Ururuka Midnimada Africa, oo uu
ka dhex muuqdo Madaxweyne Aden Abdule Osman (Aden Cadde):- http://www.oau-creation.com/
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 2, 2005
MAQAALADA KALE EE MAANTA::::
»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA
& SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda:
"nin iga weyn
ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii
aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii
189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar-dhac | Amiin Yuusuf
»Tarbiyada
caruurta |
Baashi Maxamed Shiikh
»Mucaarad
iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL
SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin
ku jeeda ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |