SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Qof Sooman afuri ajarkiisa oo kale aad heshide ..

Sadaqada Afurka ku soo hagaaji

 Account Numbar 10113 Amal Bank

Guddi Culimo ah oo loo magacaabey ururinta kaalmada

            Jamciyadda Khayriga ee Ramadaan ayaa waxay xoo saartay qoraal ay hal ku dhig uga dhigtay (qof Sooman Afuri ajarkiisa oo kale aad heshidi), wuxuuna qoraalkaasi u qoraan sidatan.

            Walaal waxaan kugu baraarujineynaa in aad ka faa’iideysato fursada bishan Ramadaan oo ku saabsan afurida dadka Fuqarada ah, kuna afuri Gurigaa ama goob kale, waxayna jimciyaddu ku haysaa xarumo lagu afuriyo dadka Sooman, waana Masajidka Shiikh Cali Suufi agagaarkiisa, qiimaha qofka Soomaan lagu afurinayo waa 7-kun oo shillin Soomaali ah maalintii, bishiina waa 210-kun Shillin Soomaali, waana afur iyo casho haddii loo rogo Doolar waxay noqoneysaa Maalintii Nus Doolar bishiina 15 doolar wixii tabarucaad ah ku soo hagaaji Account Lamber 10113 Amal Bank ama guddoomiyaah Jimciyadda Macallin Qaasim Sh. Axmed, Guddiga uruurinta sadaqada afurka ka mid ah Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley, Eng. Max’ed Cali Daahir, Shiikh Cabdi Nuur Maxamuud Shido, Shiikh C/raxmaan Diiriye Max’ed iyo C/casiis Xasan yare, mar aan wareysanay Macallin Qaasim oo aan wax ka weydiinay waqtiga ay bilaabeen howsha afurka wuxuuna sheegay in ay bilaabeen muddo haatan laga joogo saddex sano, waxa uuna sheegay in sanadkii ugu dambeeyay ay afur iyo casho siinayeen 500 oo qof, isagoo sheegay in sanadkaan ay rajeynayaan in intaas ka badan ay afuriyaan maadaama shacabka Soomaaliyeed ay fahmeen in haatan iskula kaalmeeyaan garab isa siiyaan, waxaana lagala soo    xiriiri karaa  Mobile-ka 580025 ama 653616.  

Waxaa soo tebiyey

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD