SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hargeysaay hambalyo

W/D: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}

Taysiir55@Hotmail.Com

Goballada Soomaaiyeed, ee Ingiriisku gumaystay, ayaa markii ay xoriyaddooda hanteen, waxa ay si shuruud la’aan ah, ula midoobeen, iyagoo lalinaya calankii qarannimada, goballadii kale, ee maxmiyadda Talyaaniga ka hoos baxay, sidaasina waxaa ku dhalatay midnimada iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.   Magaalada Hargeysa, waa xarunta gobalka waqooyi galbeed, sidaasi si la mid ahna, waa caasimadda labaad ee dalkeena Soomaaliya, dowladihii isaga dambeeyey hoggaanka dalka waxbey la qaybsatay, dhaliishu waa halkeedee, kacdoonkii dadweyne, ee lagu afgambiyey, maamulkii milateriga ahaa, kaddib, ayaa waxaa soo baxayey in Somaliland qorshaheedu yahay, in ay ka go’do dhul-ka Soomaaliyeed intiisa kale.

            Dadka ku dhaqan, goballada waqooyi ee Soomaaliya, waxey isku dhaarsadeen, in ay aaya-hooda ka tashadaan, wadaddii u horseedi laheyd, arintaasi ayeyna cagta saareen, waxyaabaha ku dhaliyey in ay gooni isaga taagaan dalka intiisa kale ayey ku sheegaan, in ay tirsanayaan caddaalad-darro, iyo godob ay ka galeen, Soomaalida ku dhaqan gobalada kale ee dalkeena, 18-kii bishii May sanadkii 1991-kii ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay yihiin dal ka gooni ah Soomaaliya, iyagoo isla sanad-kaasna, shir ka dhacay magaalada Boorame, ku doo-rtay C/raxmaan Tuur, in uu u noqdo madaxweyne, waxaa abuurmay xisbiyo siyaasadeed, oo tilmaama dhaliisha maamulka talada haya, mana ahan mucaarad hubaysan sida kuwa koonfurta.

            Reer Somaliland, waxey ku fakareen horumarkooda, hareer iyo dib midna ma eegin, waxaa la dhihi karaa wax badan baa u qabsoomay, waxaa u dhabowday, riyadii aheyd, in uu gobalku horay u talaabsado, waxey guul ka gaareen in uu shaqeeyo adeeggii dhinaca dadweynaha, sida: Nabadgelyada, Waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, Iwm, magaalada Hargeysa waxaa xafiis ku leh, hay’ado caalami ah, cid kastaana ammaan ayey ku heleysaa, iyadoo aan dhalasho loo eegeyn, ciidamada waddooyinka iyo kuwa nabadgelyada, si habsami leh ayey howshooda u wataan, waana mid ay ku ammaanan yihiin shacabka goballadaasi.

            Sanadkii 1988-kii ayey xukuumaddii milatariga aheyd, weerar ku qaadday, goballada waqooyi ee dhulkeena Soomaaliya, talaabadaasna waxaa aad uga xumaa, Soomaali idilkeed, waxyaabihii dowladdii milatariga aheyd lagu dhaliilay ayeyna ka mid aheyd, laakiin, waxaa wax laga xumaado ah in reer waqooyigu maanta ay si safmar ah, Soomaali ugu eedeeyaan, wixii ay ku sameysay, dowlad gacan bir ah wax ku maquunineysay, intii ay socdeen weerara-dii diyaaradaha ee maamulkii Kacaanku la beeg-saday, gobalada waqooyi, koonfurtana waxaa ka jiray xasuuq, loo geysanayey, dadka ku nool, oo ay ku dhibbanaayeen, marka ma munaasab baa in arrin ay ku kacday xukuumad, carada ka dhalataa shacab lagala kor dhaco? waxaan u daynayaa jawaabtaasi dadka ku abtirsada waqooyiga, dowladaasi cid aanay waxyeelo u geysan ma jirto, dhab ahaantii, wixii idin gaaray, haddii aad tihiin Somaliland, waan ka xumaanay, waana idinkaga tacsiyeynay.

            Miyey idinla wanaagsan tahay, in adinku aad ku naalootaan, barwaaqo iyo nabadgelyo, walaalahii-na koonfureedna, ay qurquriyaan qaraarka dhibaa-tada? iyana waxey mudan tahay in aad si taxadar leh, uga baaraan dagtaan, sidoo kale, waxaan aad uga xumaaday, in mas’uuliyiinta, maamul gobaleedka Somaliland, ay ku halqabsadaan “Wixii xunba Xaawaa leh” taasoo u muuqata santaag loo muujinaya Soomaalida koonfureed, haddii rabshado ay ka dhacaan gudaha Somaliland, durbadiiba lagama daaho in la yiraahdo, waxaa ka dambeeyey Soomaalida reer koonfureedka ah, xaqiiqdii waa shey la ceebsado in cadowtooyo heerkaa gaartay, la isku muujiyo, waxaan nahay qowmiyad aan tiro badneyn, oo si walbaba isku baahan, diinteenna Islaamkana waxey na fareysaa inaan midnimada xoojino, maxaa yeelay wadajirka waxaa looga gaashaaman karaa, waxyeelooyinka kala tagga ka dhasha.

            Anigu ka qoraa ahaan, kuma talinayo in Somaliland ay noqoto, gobal gooni socod ah, ee taa badalkeeda waxaan leeyahay ha isku raadiso, iyadoo ka tarjumaysa, xidigta shanta gees leh, Soomaalida uu cadaawuhu kala raray, maanta dunida dalal ka tirsan ayaa bahwadaag sameysanaya, bal eeg reer Yurub, waxey dhisteen, baarlaman ka dhaxeeya, waxaa taasi ku khasbay kaddib markii ay ogaadeen, in bini’aadamku aanu kala maarmin, “Ruux bukaanka kugu nacay, adoo baahan kaa tegay, samo kuma banaano” yaan loo ekeysiin sheekada, walaalkaa marka uu dhibaateysan yahay, waa la garab joogsadaa ee haraati laguma reebo.

            Hargeysa waxey tusaale fiican u tahay, magaalooyinka kale ee Soomaaliya, maanta dadk-eedu, waxey u hawoodeen, sida shucuubta dalalka hore u maray, in ay doorasho u dareeraan, iyagoo u madaxbanaanna in ay xisbigii ay doonaan caleemo saartaan.

            Somaliland waxey sameysay ficil dhab ahaantii lagu farxo, Afrikaanka oo dhan baa ku faani kara, sida caddaaladda ay ku dheehan tahay, ee ay doorashooyinkeedu u qabsoomayaan, waxaana idin rajayenaynaa doorashooyinka xiga sidaan iyo si ka wanaagsan in ay wax idin kugu qabsoomaan, Hargeysaay hambalyo.

W/D: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}

Taysiir55@Hotmail.Com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD