SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Somaaliya Katarina iyo Rita

 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com   

Oct 2, 2005

Qof kasta Marka ay dhegihiisa ku soo dhacaan  Magacyada Katarina iyo Rita isla markiiba waxa uu la soo boodayaa  dabeylihii ku dhuftey Cariga Mareykan oo geystey khasaarooyin isugu jira Naf iyo maal  hadaba  sababta aann maqaalkan ugu magacdarey waxay tahay anigoo is iri Masiibada ku dhacdey Mareykanka  waa mid ka jirta soomaaliya waayo Mareykanka wuxuu ka qayliyey Masiibo socotey dhowr saacadood  hase yeeshee Masiibada soomaaliya ku dhacdey waxay soctaa muddo 15 sanno ah  oo cid  u soo gurmatey ma jiraaan balse Mareykanka ayaa sannadkii 1992- dii damcay in masiibada Soomaliya ka jirtay u soo gurmado isaga oo dheg la qabto lahayn  buu isaga cararey wuxuu dhegihii Libaaxa ku wareejiyey Qaramada Midoobey iygana hal haleel bay uga baxeen

            Masiibada soomaaliya way ka duwan tahay midda Mareykanka ee Katarina iyo Rita midda Maeykanka ka dhacdey waa mid   dabiici ah oo ilaah ku salidey , Midda soomaaliya waa mid ay gacmaheeda ku keensatey oo ilaa hadda taagan , waxaana la sheegay in ay daran tahay midda dadka  gacmahooda ku sameystaan waayo midda dabiiciga waa la daaweyn karaa laakiin mida Baniaadamiga sameeyey waa adag tahay in la daaweyo , balse dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in la daaweyn karo  , Masiibada soomaaliya waa taagan tahay oo maalin walba weji cusub ayey la soo baxaysaa sidoo kale Dawlada Jabuuti iyada oo kaashaneyso caalamka ayey u soo gurmatey Soomaaliya  si ay uga badbaadiso Masiibada Katarina iyo Rita waxaa ka horyimid gurmadkaas siyaasiyiinta hubeysan ee Muqdisho oo iyagu maanta ku calaacalaya maxaan Cabdi Qaasim  u raaci weynay isaga ayaa wax walba noola diyaar ahaa

            Regtherka lagu cabiro Dabeysha ama masiibada waxaa laga fiiriyaa heerkeeda iyo Halka xudunta u ah , waxaa uu tilmaamey Cabdi qaasim markii uu baneeynayey xilka oo yiri”Masiibadda soomaaliya waxaa xuddun u ah Magaalada Muqdisho wuxuu si gaar ah u timaamey beelaha Habargiddir ,Mudulood  iyo Murusade “ hadalka Cabdi Qaasim marka la fiiriyo waxaa la dhihi karaa wuxuu afka ku dhuftey halka xuddunta u ah masiibada Soomaaliya ee Katarina iyo Rita

            Dowlada Kenya ayaa u soo tafaxaydatey in ay wax ka qabato Katariina iyo Rita-da Somaaliya  oo ilaa xad baa la dhihi karaa  wax ka qabatey  hase yesehee saan saanta masiibada Dawlada Kenya  waxay ka dareentay inta ay dalkooda joogeen kooxaha siyaasadda  oo waxay u sheegtey kooxahaas in ay ku laabtaan Dalkooda si ay Masiibadu ugu  qabsato halkaa  waxayna Kenya ka cabsaneysey katriina iyo Rita ay ka dhacdo  waddankeeda  sidaa bay Dowlada kenya ku badbaadey waxayna sheegeen Khuburada saadaaliya Dabeysha  in haddii kooxaha soomalida ay sii joogi lahaayeen  muddo yar Kenya waxaa ka dhici lahaa Dalka Kenya  Masiibada Katarina iyo Rita   

            Masiibada soomaaliya ee Katarina iyo Rita waxay soo martey heerar kala duwan waxayna soo qaadatey magacyo ay ka mid ahaayeen SNA iyo SSA ,SRRC iyo SAMATABIXINTA iyo magacyo kale oo aan halkan ku soo koobi Karin oo maanta waxay mareysaa heerkii ugu xumaa waayo waxay la soo baxdey magacyadii Asalka u ahaa ee ay lahayd Masiibadaas oo ah Jowhar iyo Muqdisho , dadka qaarkii ayaa qaba Masiibada katariina iyo Rita  ( Muqdisho iyo Jowhar ) way kala daran yihiin kuwo ayaa qaba  in katarina la siiyo kooxaha Muqdisho waayo ayey yiraahden kooxdan weligeed waxay u taagneyd dhibka soomaaliya oo waxay rabaan lama garan karo mid kala soo boodey  oo yiri “ walaahi aniga waxaan dhihi lahaa katarina iyo Rita way kala darnaayeen waxyeeladooda marka katariina waxaa qaadan kara  kooxda Jowhar  waayo iyaga ayaa ah kuwa ugu badan ee shacabka  dhibka u geystey maantana soo wada cadowga ummadda soomaaliyeed “  Mid saddaxaad oo ka mid ah dadweynaha ayaa soo boodey oo yiri  “ kooxda Jowhar waa Katarina maxaa yeelay iyaga afka ku sheegay goor hore oo yiri “ Daadku yuu idiin  qaadin “   “marka shacabka  waxaa lala damacsan yahay in daad lagu soo rogo  marka waxaan leeyahay  walaalayaal naga joojiya  daadkiina uma adkeysan karnee “  

             Mid kalaa soo boodey oo yiri “Shacabka  ayaa la  dhihi karaa  Masiibada maanta ka jirta Soomaaliya  waa katarina iyo Rita Marawaxadii dhaqaajineysey waayo   raali bay ka yihin in katariina iyo Rita sii socoto  waxaa taas u daliil u ah waxay iska qaban la’ yihiin afar gubtey  iyaga oo Malaayiin ah .

            Maxkamadaha  Islaamiga ayaa iyagu  sheegay in ay hayaan wixii looga hortagi lahaa ama lagu daweyn lahaa Masiibada  Katariinada iyo Ritada ee Soomaaliya  taas oo ay sheegeen in ay tahay iyadoo la qaato Kitaabka Alle haddii kale waxay sheegeen in ay  imaan doonaan  Masiibooyin ka waaweyn Katarina iyo Rita ama Jowhar iyo Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD