SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxda Puntland oo Jowhar Lagu Maamuuso Halka Kuwa Kale  Madaxa Looga Xiiro 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK | Oct 2, 2005

 

Maalmo kama soo wareegin markii Ammiin Caamir soo galiyey sawir-gacmeed ay ka muuqato korneylkii oo ciimadii Puntlandna dhabarka saartay, kuwii kalana carrada ku jiidaya. Waxaa noo xigtay wafdi ka socda Puntland oo Jowhar lagu maamuusayo iyo sarkaal ka mid ah ciidamadii ka yimid Hiiraan oo xabsiga loo taxaabay! Jaamac-dheere oo leh dhalaa/qarshaa la igu xiiray oo musqul baa la igu xirayna maqalnay. Sidoo kale Dr Culusoow baa la yiri adna soo qoyso oo iska wareeji jagada guddoomiyaha bangiga. Maxaa labadaas miisaan loogu kala isticmaalay reer Puntland iyo gobollada kale? 

Anigu waxaan aamminsanahay in reer Puntland yaqaannaan meerisyadan gabayga ah: 

  • haddaad geel mulkiya leedahoo xero u meegaarto
  • mareerkiyo toontiyo hadduu Magacley daaqaayo
  • oo kuraygu muraha u sidoo  maraq u feeraayo
  • ninka maagistaadiyo fidnada muhashadeed heyso
  • marka hore mid buu kaa qalaa muunadloo dhaliye
  • murre hadday dhadhami weydo iyo dacar lasoo miiray
  • oo raggii maalijiray soo murbixiwaayo
  • mohosh iyo hadday wada noqdaan muhallibiin tuunsan
  • mar labaad weerar baa lagu majiiraaye
  • oo muuqaalladoodii rag kale galab ka meershaaye

Markii Geeddi damcay inuu faraha la galo arrinta Puntland ayaa madaxda Puntland u sheegeen ra’iisul wasaaraha inuusan xadkiisa soo dhaafin oo arrintooda faraha kala baxo. Waxay saxaafadda caalamka u sheegeen in Geeddi gardarranyahay oo ganacsiga iyo sheekooyinka Puntland uu faraha la soo galayo, aysanna marna ka yeelayn faragelintaas. Xitaa madaxweynihii markii BBC-da laanteeda Afsoomaaligu wax ka weydiisay arrintaas, waxaa hadalkiisa laga fahmayey inuu lahaa Puntland waa khaldantahay oo waxaa u fiican iney u hogaansanto amarrada wasiirka koowaad. Maxaa keenay in madaxweynuhu uusan la hadli karin Puntland halka uu ceyrinayo madaxda ka yimid gobollada kale sida Dr Culusoow? Nasiib-darro markii Geeddi faraha la soo galay arrinta Hiiraan oo uu guddoomiye gobol u magacaabay, dadka intiisa badan waa iska hogteen marka laga reebo in yar laakiin markuu Geeddi taas arkay ayuu ku dhiirraday inuu ku sandulleeyo in guddoomiyaha uu magacaabay uu noqdo kan soo baxa. Ilaa hadda waa u suurtagashay. 

Waxaa dadkii ka yaabbiyey madaxdii Puntland ee wasiirka kowaad iska dhicisay ayaa maanta Jowhar muunno ku leh halka kuwii qaatay ra’yigii ra’iisul wasaaraha ee Baladweyne ka yimid uu Maxamed-dheere ku xirtay Jowhar! Ogoow, Geeddi iyo C/hi maamul uma sameynkaraan Jowharta ay haddeer joogaan. Jaamac-dheere oo sheegtay inuu yahay nin u ol’oleynaya nabadda, isna Jowhar baa lagu xiray. Madaxda Puntland waxay rabaan inuu Geeddi ka noqdo hadalkiisii ahaa ineysan Puntland heshiis la geli karin shirkado shidaal iyo macdan ka baara Puntland. 

Waxaa nasiib-darro ah in hogaamiye dhaqameedyadii iyo kuwa dagaalka ee Koonfurta jooga uu C/hi wuxuu rabo  kaga sameysto Jowhar dabadeedna hadhow la arko iyagoo caayaya ama colaad u gaadaya qabiilka C/hi ka dhashay markay hadhow is qabtaan; kuwa la caayayo haba ku ahaadeen mucaaradC/hiye. Waa waxaan marna la qaadan karin, in Geeddi, Maxamed-dheere, Gacmo-dheere, Cosoble, iwm. ay C/hi waxaas u sameeyaan sidoo kalana isku diraan qabiilkey ka dhasheen hadhowna la arko iyagoo leh: qabiiladda si xaq ah  wax looguma qeybin! Marka haddii Ilaah nafta noo daayo waxaan ku dhihi doonnaa: ma haddaad wax garataan! Marka hadda waxaad mooddaa in Soomaalidu ka ilbaxayso qabiilka oo qof walba loo qabanayo wuxuu geystay. 

Maxaa wafdi ka dhigay wixii Puntland ka yimaada halka dadka gobollada kale ka yimaada uu Maxamed-dheere madaxa uga xiirayo? Waxaa kaloo meesha ku jira in dad badan oo Puntland kasoo jeeda aysan fahmi karin sida dadka horboodaa u rabaan in shacabka Puntland loo arko dad iyaga loo sameeyey inay wax xukumaan oon loogu taligelin in la xukumo. Marka faa’iido kuma jirto in loo dhinto wasiir aan dowlad lahayn oo aan xitaa heli karin mushaar halka laga abuurayo colaad sokeeye oon qarniyaal harin.

Cabdulwaaxid Khaliif  |  cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD