Waraaq furan oo ku socota Ururka
midnimada iyo badbaadada
islaamka.
Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Stokholm,Sweden
Asalaamu Calaykum.ww
Salaan kadib,
Waxaan ahay nin ay soo
kartey Dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed,qurbana u
badnaa 15kii sano ee lasoo dhaafay,inkastoo marar badan aan
tagay meelo badan oo ka mid ah Dalkeena hooyo.
Waxaan si toos ah ula
socday Shirweynaha ka socday Magaalada muqdisho,
muxaadarooyinkii, duruustii iyo dhamaan aqoon iswaydaarsigii
ay halkaas isku dhaafsanayeen dad weynaha qiimaha lahaa ee
kasoo qeyb galay shirweynahaas,oo ay runtii ka muuqatay
jeceyl diineed iyo wanaagga umadooda.
- Talo ahaan Waxaaan soo
jeedin lahaa marka kowaad Emailka Xoghaynta waxaan kula
talin lahaa inuu iska badalo maadaama uu ku sifeeyey,
khasaaro waa wax naga naxo, oo waxaa isla markiiba
sawirmaaya in yoolka iyo ujeedada ururku uu noqdo mid
khasaara,taasna waxay naxdin ku tahay dadaalka dheer ee
loo galay in guul laga gaaro arimo badan oo ay ugu
horeyso badbaadinta umadda soomaaliyeed oo dab ku dhex
jira isla markaana waayay dhamaan wixii ay xaq u
lahaayeen.
- Dhamaan Ururka waxaan
usoo jeedin lahaa inuusan waji cusub oo siyaasadeed
uusan bilaabin ee uu isku dayo inuu wax la qeybsado
dowladda Federaalka ee dhamaan Caalamku isugu tagay
wakhtiga badan iyo dhaqaaluhuna ku baxay,hadana meel
fiican maraysa,waxba waxbay dhaamaan oo waxaad isla
qirteen dowladii Siyaad barre inay ahayd nabad iyo caano
marka loo eego dhibka ka danbeeyay ee dhacay waana tii
Abshir bacadle lahaa,(Duqii Doona ducana ugu dara waa na
dubateene),Dowladu waa la socotaa maxaakimta islaamiga
ah iyo dowrkooda waana ka hadleen Mas'uuliyiinta Dowladu
waxa ay ka damacsan yihiin Ciidamada Maxaakimta
islaamiga ah,waxayna ka mid noqon doonaan Ciidanka
qaranka Soomaaliyeed,taasna waxaa laga yaabaa inay
keento inay badalaan dhaqanka maleeshiyaad kale oo badan
marka ay u bandhigaan dhaqan wanaagsan ee islaamka,mana
jiraan wax kale oo xumaan ah oo dowladda Federaalku la
damacsan tahay Ciidamada Maxaakimta koonfurta Soomaaliya
inta aan ogahay,marka waa in ururku la tashadaa dowladda
federaalka oo la taliyaa,waana inay ka wada shaqeeyaan
sidii umadda soomaaliyeed dhamaan loo badbaadin lahaa
inta hartey,hadii kale waxay keeni karto isku dhac kale
oo dhiig ku daato,taasoo aan marnaba noqoneyn wax lagu
farxo,aanan xal u noqon karin Soomaaliya.
- Ururka waxaan kula
talin lahaa inay ka madax banaanaadaan isla markaana aysan
marnaba qaadan talooyinka ay soo jeedinayaan labada nin
ee kala ha Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Yuusuf indha
cadde,Waxaan sidaas u leeyahay aan ka bilaabo Shiikh
Xasan Daahir Aweys,waa nin Shiikha khayr Allaah haka
siiyo umaddiisa wixii khayr ah oo uu u faa'iideeyey gaar
ahaan Quraanka kariimka oo uu aad ugu fiican
yahay,laakiin waxaan la soconaa Shiikhu wuxuu sabab u
noqday dhimashada boqolaal dhalinyaro soomaali ah oo ku
baaba'ay dagaaladii Kismaayo,Luuq,Gedo,Puntland iyo
meelo,Shiikh Xasan Daahir ayaan ognahay inuu ahaa xubin
firfircoon balse aan oran karo asaga ayaaba lahaa talada
iyo fikradda dagaaladaasi ay ku dhaceen,taasoo
foolxumo,magacxumo iyo ceebba ku noqotay khayrkii iyo
dacwadii ay wadeen Culumada kale Soomaaliyeed oo ay
dadka ka dhaadhicinaayeen inay ku dhaqmaan Shareecada
islaamka,Dagaaladaas culumo badan oo Soomaali ah ayaa ka
hadlay waxayna sheegeen inay ahaan dagaalo ahli ah ee
aysan marnaba ahayn Jihaad sida uu ku manceeyay Shiikh
Xasan Daahir,taas waxaan u leeyahay ma doonay inaan meel
kaga dhaco aqoonta iyo skakhsiyadda shiikha laakiin
waxaan aaminanahay in mas'aladaas Shiikha aan lagu
raaceyn,wixii kale oo khayra oo shiikhu sabab u yahayna
waxaan leenahay illaahay khayr haka siiyo,Tan kale oo ah
ninka lagu magacaabo Shiikh Yuusuf Indhacadde waxaan
aaminsahaay inuu ka mid yahay Hogaamiya kooxeedyada
Magaalada Muqdisho,waxaan ognahay inuu si bareer ah uga
qeyb qaatay Yuusuf indhacadde daagaladii Ahliga iyo
qabyaalada ku saleysnaa ee ka dhacay Nawaaxiga Magaalada
Muqdisho,Waxaan ognahay inuu dhul badan oo dad masaakiin
ahi leeyihiin uu xoog ku haysto,Wuxuu u muuqdaa Yuusuf
indhacade nin aan ku dhaqmin diinta islaamka,hadii uu
doonaayo in umaddu ku dhaqanto Shareecada islaamka waxaa
haboonaan lahayd inuu nafsad ahaantiisa ka
bilaabo,waxaana qabaa isaga ayaa ugu baahi badan ku
dhaqanka shareecadda islaamka.
- Ururka midnimada iyo
badbaada islaamku waa inay ka madaxbanaanaadaan dhamaan
dadka lagu eedaynaayo inay ka qeyb qaateen Dagaaladii
Ahliga ee ka dhacay Soomaaliya 15 sano ee lasoo
dhaafay,Qabiilkii uu doono haka soo jeedo,Shaatigii uu
doonana ha sito.
- Ururku waa inuuu ka
bilaabaa Shaqadiisa sidii uu u nabadeyn lahaa Magaalada
Muqdisho oo hoy u noqotey mooryaan iyo
maafiyo,Maaliskastana ay ka dhacayaan wax aan ka dhicin
dalka intiisa kale sida
dhac,kufsi,boob,dil,madadfurasho,leejo iyo jariimooyin
kale oo fara badan.
Guul baan idiin rejeynayaa
waxaadna mudan tihiin in laydin taageero hadii arimaha aan
kor ku xusan aad fulisaan,waana fikradayda oo qof way la
khaldanaan kartaa qof kalena waa la saxnaan kartaa.
Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Stokholm,Sweden
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 2, 2005
shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir
Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.
Guji..
Sept 30
Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud...
Guji...
Sept 30
Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo...
Guji...
Sept 30
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |