SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xisbiga S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland iyo Shirka Uga Socda Magaalada Muqdisho Golaha Midnimada iyo Badbaadada Umadda Soomaaliyeed 

Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P ayaa Maantay Warsaxaafadeed ka Soo Saaray Magaalada Qaahira ee Xaruunta Dalka Masar. 

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa looga hadlay Laba arimood oo kala ah: Doorashada ka Dhacday Somaliland iyo Shirka uga Socda Magaalada Muqdisho Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed oo ay ka Qaybgalayaan Qaar ka tirsan Culumaa,udiinka Soomaaliyeed. 

Mar looga hadlayey Warsaxaafadeedkan Doorashada ka Dhacday Somaliland waxaa Warkan lagu sheegay in Arintan ay Tahay Horumar ay Soomaalida ku Talaabsatay Dhanka Dimuqraadiyadda Muddo  14 Sano ah ka dib  oo ayna tahay wax lagu faani karo oo Umadda Soomaaliyeedna u noqonaya Arin ka gasha Taariikhda Soomaaliya meel Wanaagsan.waxaana ay ku dhiirigaliyeen Maamulka Somaaliland in ay Dimuqraadiyadda iyo Dhawrista Xuquuqul insaanka ay sii wadaan. 

S.Y.U.P waxay kaloo ay sheegeen in Midnimada Shacbka Soomaaliyeed ay Muqadas Tahay, loona Baahanyahay in ruux walba uu ku fikiro sidii ay ku soo Noqon lahayd Midnimadii Shacabka Soomaaliyeed,waxayna Gobolada kale ee Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu Baaqeen in ay Sida Soomaaliland oo kale ay Noqdaan oo Darsi ku Saabsan Dimuqraadiyadda ka Qaataan Doorashada ka Dhacday Soomaaliland.Sidoo kale waxay S.Y.U.P ay sheegeen in arintan ay tahay Mid ku Daysho Mudan. 

sidoo kale Xisbiga S.Y.U.P waxay ka hadleen Shirka uga  Socda Magaalada Muqdisho Golaha lagu Sheegay Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed kaas oo ay ku sheegeen S.Y.U.P in uu yahay arin ay Wataan Urur Diimeedyo Mintid ah oo ka jira Dalka Soomaaliya,waxayna ugu Baaqeen Dadka ka Qaybgalaya Shirka in ay si aad ah ay ugu fiirsadaan Shirkan iyo Dadka  wata. 

Xisbiga S.Y.U.P waxay kale oo ay sheegeen in Shirkan Danta laga leeyahay ay tahay in lagu Majaxaabiyo Hawlaha ay Dawladda Ku meelgaarka ee Federaalka ah  ay u wado Dhanka Dib u hishiisiinta Soomaalida,waxayna S.Y.U.P ay ku sheegeen Hadalada ka soo yeeray Ururada Xag jirka ah ee ka qaybgalaya Shirkaas oo ay ku sheegeen in Dawlad islaami ah ay ka hirgalinayaan Gudaha Dalka Soomaliya ay tahay wax aan Suurogal ahayn ,Sidoo kale waxay S.Y.U.P ay sheegeen in Culimada looga baahanyahay in ay Hawshooda ku ekaato  Wacyi galinta Bulshada ee Diinta islaamka oo ku ek Masaajidada iyo Goobaha lagu Cibaadeysto oo kaliya ,waxayna S.Y.U.P ay sheegeen in Taariikhda Soomaalida aanan lagu arkin Culimo iyagu Doonaya Maamul iyo Siyaasad , Saas darteedna loo baahanyahay in Culimada Soomaalida ee wada Shirkan in ay ku ekaadaan Hawshooda oo ah Wacdiga iyo Baraarujinta Diinta Islaamka taas oo loogu tala galay in ay ku ekaato kaliya Masaajidada iyo Goobaha Lagu Cibaadeysto.  S.Y.U.P waxay  ugu yeereen in ay  Beesha Caalamka in ay il gaara ku fiiriyaan  Dhaq dhaqaaqyada Noocaan oo kale ah oo Ka wadaan Ururada xag jirka ah ee ka jira Gudaha Dalka Soomaliya. 

ugu Danbeyntii Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P waxay sheegeen in loo baahanyahay in Shacbka Soomaalida ay kala gartaan Dadka u adeegaya Danahood iyo kuwa ku Shaqeynaya Fikirka Shisheeyaha oo ay ka mid yihiin Culimada isku sheegay in ay yihiin Golaha Midnimda iyo Badbaadada Soomaaliyeed oo ka amar qaata Fikirka Ururka Al-Qaacida oo isagu ah Argagxisada kaliya ee ka jirta Maanta Dunida. 

Xisbiga S.Y.U.P ayaa isagu waxaa uu ka mid yahay Xisbiyada Soyaasadeed ee ka jira Dalka Soomaaliya ee Dhawaantan la aasaasay isaga oo aaminsan isla markaana ku Shaqeeya Fikirka iyo  Mabaadii,da  Libralka ee Dimuqraadiyadda ka tirsan. 

warkan ayaa waxaa soo Saaray Gudoomiyaha Xisbiga Md:Maxamed Abuukar Sh/Xasan(M.Deeq) iyo Xighayaha warfaafinta iyo xariirka Dadweynaha ee Xisbiga Md:Ismaaciil Macalin Cabulle(Saxaaf) oo iyagu Haatan ku sugan Dalka Masar. 

waxii Talo iyo Tusale ah ku soo Hagaajiya E-mailka Xisbiga oo ah:
somaliyouthunited@hotmail.com  ama somaliyouthunited@yahoo.com
Wargayska WARSAN oo ah Wargays ka soo baxa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005

Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD