SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Booqday Birmingham UK 
  • Shariif Xasan: Hadii dalku uu ka jiro xukun kali talis ah waa ay adkaanaysaa in Soomaalida qurbaha ay dib ugu laabtaan dalkii Hooyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Booqday Birmingham UK 

Diyaariye : Abdullahi Nur | Aosman66@yahoo.co.uk | Oct 2, 2005

Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Mudane Shariif Sh xasan Sh Aaden oo maalmahaan booqasho ku joogay dalkaan UK, ayaa wuxuu maanta 02/10/05 booqasho ku tagay Caasimada labaad ee UK, ee layiraa Birmingham, halkaasoo aay degan yihiin jaaliyad soomaaliyeed oo badan, 

Gudoomiye shariif oo aay la socdeen xildhibaanada kala ah

  • 1-Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf
  • 2-Mudane Sakariye X Maxamed Cabdi
  • 3-Mudane Maxamed Axmed Daryeedl
  • 4-Mudane Cabdi Axmed Dhegdheer ahan wasiir ku xigeenka Xananada xoolaha
  • 5-Mudane Mustafe Sh Cali Dhuxluoow

Iyo qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan London oo aay ka mid ahaayeen

  • 1-Mr Abdullahi Nur Osman ( Direct of Access for Support & Development)
  • 2-Eng C/raxmaan Yariisoow ( Gudoomiyaha Somali concern Group)
  • 3-Mr Daahiye Cabdi
  • 4-Mr Wadaad yare

Iyo xubno kale ayaa ka ambabaxay magaalda London, saacadu markii aay aheyd ku dhawaad 1:00pm ee London, waxeeyna gaareen Birmingham saacad iyo bar ka dib, .

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo lagu waday gawaari ka badan 5 gaari, ayaa waxaa si heer sareysa ugu soo dhaqweeyey Birmingham wafdi aay hogaaminayeen madaxda golaha odayada soomaaliyeed ee magaalada Birmingham,  

Markii aan yimaadeenba waxaa horey ka bilaawday barnaamijkii , iyadoo aay halkaas ka hadleen xubno matalayey Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham , kuwaasoo oo dhammaantood sheegay sida aay ugu faraxsanyihiin , ineey soo dhaweeyaan, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa , waxeeyna yiraahdeen kusoo dhawoow Birmigham, si kalgacaltooyo iyo walaaltinimo ku jirto, waxeeyna kula dardaarmeen gudoomiyaha in uu sii wado hawshiisa ah dib u heeshiisinta iyo nabada ummada soomaaliyeed. 

Ka dib waxaa hadalkii qaatay Mudanayaashii uu hogaaminayey Gudoomiyaha, waxaana ugu horeyn hadlay Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf, wuxuuna ugu mahad celiyey dhammaan jaaliyada soomaaliyeed sida wanaagsan  ee aay usoo dhaweeyeen, wuxuuna sheegay in dowlada aysan ka jirin khilaaf ah in jago leysku heysto, balse leesku khilaafsanyahay dhawr arimood oo kala ah 

  • 1-In aan dalka la keenin ciidamo Ethiopia ah
  •  2-In caasimada la tago maadaama dastuurka ku qorantahay sidaas .  
  • 3-Axdigii iyo xeerarkii la qortay in la raaco ,

Wuxuuna ka codsaday shacbiga soomaaliyeed ineey iyaga u gar naqaan hadii aay gar daran yihiina dhahaan idinkaa qaldan , hadii qolada kala qaldantahayna dhahaan adinkaa qaldan ee soo raaca . 

Maxamed cabdi  yuusuf wuxuu sheegay in jowhar ay tahay magaalo soomaaliyeed , uuna mar kazoo ahaan jiray Gudoomiye gobol , dadka gobolka degana aay aad u jecel yihiin asigana jecel yahay, balse wuxuu yiri caasimad ma noqon karto, waayo, ? waxaa jirta Xamar oo ah

  • Meeshii lagu saxiixay midnimada soomaaliyeed,
  • Xarunta u ahaan jirtay halgankii gobanimodoonka,
  • Meesha ay ku yaaliin dhamaan taalooyinkii loo dhisay halganka dalka,
  • Meesha aay soomaali dhan ku leedahay hanti,  ahna  meesha soomaali ka dhaxeyn karta,

Mar uuna ka jawaabayey su,aal ku saabsaneed Habka Federaalka ee dowlada hada wuxuu dheegay in soomaaliya aysan Federaal dan ugu jirin, balse aaay wadaan cadawga ummada soomaaliyeed , wuxuuna xusay in waagii xoriyada la qaadanayey uu fikirkaan n keenay Talyaanigii oo rabay inuu awooda soomaaliyeed kala dhantaalo, wuxuuna usoo dhiibay buu yiri dad isaga taageersanaa oo la oran jiray Pro-Italaiana , . 

Maanatana waxaa wada ayuu yiri Ethiopia, oo usoo dhiibtay qolada layiraa SRRC oo aay iyadu taagreeto, mana ahan buu yiri fakir iyo arin ka timid soomaali, dana nooguma jirto , ujeedada laga leeyahayna waa in soomaali lagu sii kala goo gooyo. 

Waxaa kaloo iygana meesha ka hadlay dhammaan xildhibaanadii kale, oo dhamaantood sheegay ineey fulinayaan wixii aay u dhaarteen iyo in dalka soomaaliyeed aan cadow loo gacan gelinin, waxeeyna ka codsadeen in shcabka soomaaliyeed fahmo waxa leesku hayo ineey tahay Jiritaankii soomaaliyeed ee aaysan dhihin, aniga waxaan ahay dhex dhexaad iyo garab lama jiro, waayo beey yiraahdeen, arin mabda,a ah ama ku xiran jiritaakeena dhex dhexaad lagama noqon karo, waana in sidaas u fahmaan shacabka soomaaliyeed , halgankana dhinacooda kazoo galaan. 

Ugu danbeyn hadalkii waxaa lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Mudan Shariif Xasan Sh Aaden , wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey sidii diiraneed ee loogu soo dhaweeyey Birmingham isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna yiri waad ku mahdsantihiin, soo dhaweyntiina ,  waxaana jeclahay buu yiri inaan u mahad celiyo dowladaan aad la joogtaan, ee idin soo dhaweeysay ,idin dejisay ,  waxaana idinka codsanayaa inaan si fiican ula dhaqantaan dadkaan aad la nooshihiin, inaad wax xumeeysaana aad iska ilaalisaan , waayo buu yiri waxaad noo tihiin safiiro noo jooga halkaan, hadii aan nahay ummadda soomaaliyeed  

Salaam ka dib gudoomiye shariif wuxuu sheegay in dowlada waxa leesku heysto aay tahay sharciga hala raaco , iyo wixii lagu heshiiyey , balse aysan jirin qof necbaan iyo qof jaceyl, wuxuuna sheegay in aysan taas wax tareynin,

Gudoomiye shariif wuxuu sheegay in iyaga dhinacooda aay u halgamayaan, sidii  dalka looga  sameey lahaay  dowlada ku dhaqmeysa sharci ee aan ku shaqeeynin fikrad qofeed oo kali talisnimo ah, wuxuuna sheegay kali talisnimo ineey tahay waxa meeshaan na dhigay, waxaana u halgameeynaa buu yiri Mudane Shariif inaan ilaalino sharcigii la qortay, ee  lagu heshiiyey, isla markaasna waxaan rabnaa in dowlada kula xisaabtano sharciga ineey raacdo hadii aan nahay baarlamaanka, 

Wuxuu kaluu shaagay mudane shariif in aay doonayaan ineey  ilaalinayaan, waxa loo yaqaano Check and Balance, oo ah ineysan awooda qolo kaliya gacanta u galin , sida Dowlada ama Madaxweynaha, oo aay jirto awood qeybsi , taas kaliya ayaana lagu gaari karaa buu yiri horumar iyo wanaag, iyo in qof kastaa helo xaqa uu ku leeyhay dalka iyo kan isaga lagu leeyahay intaba. 

Gudoomiye Shariif wuxuu sheegay in dadka qaar aysan ku kadsoomin, in xanaaq aay u qabaan dhib loo geystay oo anaga dhexdeena isu geysanay in la yiraa waxaa dalka lagu soo hogaaminayaa Cadowgii soo jireenka ahaa ee soomaaliyeed , wuxuuna xusay in dhibka aan kala tirsaneeyno lagu xalin karo oo kaliya dowlad soomaaliyeed oo shawqeeysa , balse hadii cadowga soomaaliyeed la keeno, sida Ethiopia, in jiilalkeena soo socda aay sida reer Falastiin dhagax tuuri doonaan, oo dalka oo dhan lagala wareegi doono, wuxuuna yiri wixii dhexdeena waa inaan inaga dhameeysanaa, una halganaa inaan dow lad cadaalad ah oo qof kastaa yeesho codkiisa . 

Gudoomiye shariif wuxuu kaluu sheegay in ay ku dadaali doonaan in aay nabada ka shaqeeyaan, wada hadal dowlada dhexdeeda ahna mar kastaa raadin doonaan, iyo in aysan bur burin wixii lasoo dhisay, wuxuuna yiri hadii tan naga bur burto cid danbe oo na caawin ma laha. 

Waxaa kaluu sheegay in magaalada muqdisho bannaanka uga saareen in ka badan 2,500 oo maleeshiyo ah iyo hubkooda, taasoo wax weyn ka tartay ammaankii magaalada, wuxuuna ammaan usoo jeediyey intii gacanta dhaqaale ka geysatay taakuleynta maleeshiyooyinkaa la xareeyey , wuxuuna sheegay ineey weli baahidii mid kasii weyn jirto, wuxuna codsaday in la taageero ciidmadaa ku xareeysan xerooyinka Hiilweyne iyo  Laanta buuro, oo jaaliyadda dibada ka qeyb qaadataa si xoogan, oo wax tar ah  

Ugu danbeyn wuxuu ka codsaday shacbiga soomaaliyeed ineey allaah u towbad keenaan , leesna walaashado meel kastoo aay joogaan, gaar ahaan qurbaha, oo leeska ilaaliyo khilaafka iyo kala qeybsananaanta, wuxuuna soo gelitaanka bisha barakeysan ee Ramadaan allah ka baryey in nabad iyo is cafis aan helno, wuxuuna sheegay in uu weligiis taageri doono in si cadaalad ah soomaaliya loo maamulo. 

Ka dib waxaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa casho sharaf heer sare ah loogu saaamyey, Maqaayad soomaaliyeed oo ku taala isla Birmingham, oo la yiraa HILAAC, waxaana uu gudoomiyahaiyo wafdigiisa  kazoo ambabaxay Birmingham saacadu markii aay aheyd 8:30pm.

Diyaariye : Abdullahi Nur | Aosman66@yahoo.co.uk


Shariif Xasan: Hadii dalku uu ka jiro xukun kali talis ah waa ay adkaanaysaa in Soomaalida qurbaha ay dib ugu laabtaan dalkii Hooyo.

 
Ridwan Haji Abdiweli- London
ridwanhaji@yahoo.com
02.10.2005

Xaflad Casho Sharaf ah oo Lagu soo Dhaweenayay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif xasan Sheikh Aden iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ay kamid yihiin  Xildhibaan Ibraahim Xabbeeb , Xildhibaan Zakariya Xaaji, Xildhibaan Mustaf Dhuxulo ,Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf , Xildhibaan Maxamed Xasan daryeel iyo Ra'isul wasaare ku xigeenkii hore ee Carta Cusmaan Jaamac kaluun ayaa Xalay ka dhacday Xaafada Harlesden Ee Magaalada London Iyadoo halkaas ay ka sugnaayeen dadwayne aad u fara badan oo ah Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkan Britain.
 

Qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Jaaliyadda Soomaalida ayaa halkaasi kasoo jeediyay hadalo koo kooban oo ay ku cabairayeen dareenkoodii xalay iyo khilaafaadka taagan ee Dawladda waxyaabaha sababta u ah ee keenay oo si guud ay u soo bandhigeen kadibna waxaa gunaanadkii halkaasi ka hadlay Shariif Xasan Sheikh Aden oo inta badan xooga saaray waxyaabaha la isku haysto ee Madaxda Dawladda haatan ka dhexjira.
 
Shariif Xasan waxaa uu sheegay in marna aanu ka tanaazulaynin waxyaabaha mawqifkiisa ku aadan ee ah ilaalinta Sharciga Dawladda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay sabab u tahahay haatan is marin waaga ka dhex taagan Mas'uuliyiinta Dawladda, waxaana uu xusay in ay ugu muhiisantahay Xarunta iyo saldhiga Dawladda iyo keenitaanka Ciidamo Dariska ah.
 


 


 
Shariif xasan waxaa uu sheegay in Caasimadda Soomaaliya ay tahaya Muqdisho isla markaana loo baahanyahay in marka hore wax laga qabto Magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo amaanku ugu horeeyo sidaasi daraadeedna hadii Muqdisho wax laga qabto ay noqonayso guul Soomaali u soo hooyatay.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed marna aanay ogolaanayn in dalka la keeno Ciidamo ka socda Dawladaha dariska ah sida Ethiopia oo uu sheegay in gabdhuhu ay dhagaxtuuryaynayaan hadii ay dalka yimaadaan kadibna iyagu ay rasaas furayaan oo halkaasi ay ka dhalankarto dhibaato loo gaysto Ciidankaasi iyo Shacbka Soomaaliyeed.
 
Ma yeeli karno in Hal qof uu siduu doono dalka u maamulo, mana ahan wax waafaqsan sharciga noo dagan ayuu intaasi ku daray Shariifku xalay markii uu la hadlayay Soomaalidii ka soo qaybgalay Xafladii lagu soo dhoweynayay Xubnaha Dawladda ee haatan ku sugan Magaalada London.
 
Mar uu la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ayaa waxaa uu sheegay in sababta Soomaalidu ay dalka uga carareen ay tahay Kali talisnimadii dalka ka jirtay xiligaasi, hadii markale dalkii uu wali kasii jiro kali talisnimana aysan Qaxootigu dib ugu laaban doonin dalkoodii hooyo ee markii hore ay kasoo carareen.
 
Waxaa sidoo kale halkaasi mahadceli ka jeediyay dhamaan Dhalinyaradii soo qaban qaabisay Xafladii xalay oo ay kamid yihiin Eng Yariisoow, Cabdulaahi Taleefan, Cabdiwale Sh Cali, liibaan Sheekh Doon iyo kuwo kale oo aad u fara badan. 
 
Waraysi aan la yeeshay Shariif Xasan oo uu kaga hadli doono waxyaabo badan iyo Sawiradii Xafladaasi waxaan soo gudbin doonaan hadii uu ilaahay idmo maalmaha soo socda.

Ridwan Haji Abdiweli- London
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


Soomaalida Minnesota oo DFKMG u Ballan aaday In ay u Iibinayaan Idaacad ay Dawladu kaga Hor tageyso "Beenta BBC-da"

Wasiirka Maaliyadda ahna Ra'iisul wasaare Xigeenka labaad, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta, iyo Agaasimaha guud ee Boostada & Isgaarsiinta oo booqasho ku yimid Minnesota....

  • Minneapolis | SomaliTalk.com | Oct 2, 2005

Shir xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis, kaas oo lagu soo dhoweynayey madax kasocota DFKMG oo booqanaya Minnesota, ayey Soomaalida Minneasota waxay ballan qaadeen in ay Dawlada Federaalka Kumeelgaarka ah u iibinayaan Idaacad.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday Maxamed Cabdi Faarax oo ah oday Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri : Waxaan farriin reer Minnesota uga sidaa waftigii madaxweyanaha DFKMG oo dhowaan booqashada ku yimid New York. Farriirntaas oo ah in waftigaasi ay reer Minnesota ka codsadeen in ay u iibiyaan idaacad.

Arrintaas markii uu ka hadlayey Maxamed Cabdi Faarax waxa uu arar ahaan u sheegay in ay jiraan warar badan oo been ah oo la faafiyo, waxana uu yiri "BBC-da anigu maba dhegeysto" waxaana lagu sheegayay "Been Been Sii".


Maxamed Cabdi Faarax "Anigu BBC-da maba dhegeysto"...

Maxamed Cabdi waxa uu xusay in aan kharash badani uusan ku baxayn iibinta idaacada, isagoo sheegay in tiro kabadan 30,000 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin Minnesota taas oo uu yiri haddii 3,000 oo keliya ay min $20 doolar bixiyaan ay hir gelin karaan dhismaha idaacada.

Kaddib dadkii shirka joogey ayuu su'aal weydiiyey ahayd in ay ballan qaadayaan iibinta Idaacadaas. Hal mar ayaa dadkii istaageen iyagoo dhehaya 'haa waa ballan qaadeynaa". Markaas ayuu Maxamed Cabdi jalleecay dhinaca wasiirka Maaliyada DFKMG ahna Ra'iisul wasaare ku xigeenka labaad, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, wasiirka Boostada & Isgaarsiinta, Cali Axmed Jaamac "Jangeli" iyo Agaasimaha Guud ee Boostada & Isgaarsiinta, Axmed Maxamed Aaden oo kamid ahaa waftiga DFKMG ee booqashada ku yimid gobolka Minnesota oo ahaa kuwii xaflada loogu qabtay xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis oo ah xaafada ay Soomaalidu ku badan yihiin (sida Islii), waxana uu (Maxamed Cabdi Faarax) yiri Reer Minnesota waxay hortiina ku ballan qaadeen in ay dawlada FKMG u iibinayaan Idaacad oo ah idaacadii "ay Dawladu ku beenin lahayd waxay sheegeyso BBCda (British Broadcasting Corportaion) -(Af-Soomaaliga ku hadasha)", oo ay dawladu dadka ku hanuunineyso.


Bixid: Axmed Maxamed Aaden (Agaasimaha Guud ee Boostada), Prof. Saalim Caliyow Ibrow (Wasiirka maaliyada Ahna ra'iisul wasaare xigeen), Cali Axmed Jaamac "Jangeli" (Wasiirka boostada & isgaarsiinta) iyo C/rashiid Aaden Seed (oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha DFKMG)

Nin Soomaaliyeed oo xaflada joogey ayaa yiri "Haddii DFKMG ay garato habkii ay dadka uga jeedin lahayd dhegeysiga Beenta BBC-da waxay noqoneysaa dawladii Soomaaliyeed oo ilaa xorriyada la qaatay fahamta sababtii markii hore loo asaasay BBCda in ay ahayd in gumeysigii uusan ka suulin dalka oo maskax ahaan loo gumeysto Soomaalida weligeed."

Kulankii xalay ee waftiga DFKMG lagu soo dhoweeyey sidii uu u dhacay iyo hadaladii ay kasoo jeediyeen madaxdiika socotey DFKMG kala soco SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005

HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA

  • 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
  • Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
  • 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. [1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
  • 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August 26, 2000 waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
  • Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah eeg: BBC.11:00 | BBC.14:00 | BBC.16:00 | BBC.18:00.[Waxaa soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]

 Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD