SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan?

HAN: The Prime Minister Ali Geedi of Somalia said his Transitional government will return to Mogadishu at the end of May, 2005Halkaan waxaa ku sawiran col. Abdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi, m/madaxweynaha iyo ra'iis wasaaraha dawladdii ka soo baxdey shirkii dheeraa ee Kenya. Labada nin aad bay u faraxsan yihiin, waxeyna u qoslayaan sidii laba wiil oo dhallin yaro ah oo intixaan dugsiga dhexe ku guuleystey. Dabcan sawirkaan waxaa la qaadey markii labada nin oo Itoobiya dhabarka ka riixdo ay ku soo bexeen jagooyinka ugu sareeya xukuumadda cusub.

Waxaan is weydiin karnaa sida rag xilkaas culus dhabarka loo saarey ay ugu qosli karaan sidaan oo kale. Waa mare hab maamuuska casriga ahi " modern ettiquette"  ma ogola qosolkaan qaawan oo nuucaan ah, kaasoo laga filan karo shaqsi caadi ah (very pedestrian). Sidoo kale waxa uu muujinayaa sawirku kursi jacaylka iyo sida aysan marnaba u dareemeyn xilka ay qaadayaan, hawlaha sugaya, dhibaatada dalkooda burburey ee misna cadowga dibaddu ku tumanayo.

Dhanka kale, meesha waxaa isugu yimid kooxa fara badan oo horey isu laayey, oo mid kastaa haysato bugcad yar oo dalka ka mid ah, isla markaana doonaya awood qaysi iyo is afgarad. marka haddii meesha laga rabo dib u heshiisiin iyo in dawlad qaran la dhiso, soow ma ahayn in la wada qoslo, gacmaha lays wada qabsado lagana gudbo wixii horey is afgarasha waa u jirey! Soow ma ahayn in sawirada xisaasigaa sida kan sare oo kale, laga dhex arko ragga siyaasadda ku kala fogaa, " win win situation" meeshii koox hal dhinac ah la buunbuunin lahaa.

Akhristoow, bal qiyaas meesha raggani ay qosol ku damaashaadayaan, sida dhanka kale rag dibinta u qaniinayo. meysan gar hayn in ay  dudaan? Ku shubashada doorashada ka sokow, guruupka Addis, waxay kalegood isku safeen dilalkii sarsare oo dhan-- M/weyne, ra'iis wasaaare, wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadda iyo madaxda ciidamada qalabka sida iyo qaar kale! Misna waxay ku sii dareen damaashaad  iyo dhoola tus hal dhinac ah oon loo wada dhammeyn.

Sidoo kale, soow ma cadda in fara gelinta shisheeye looga dan lahaa in aan meeshaba lagu heshiin, maadaama kooxaha derbi la dhex dhigey oo iyadoon laba ruux la heshiisiin dawlad la dhisey? Haddii ay fekeryaan qolada sheegata in Itoobiya taageerto, waxay garan lahaayeen in cidda wax u diidani tahay itoobiya nafteeda, waayo haddaan heshiisba jirin, xilna ma jiro!

Waxaa hubaal ah in kooxdii Carte ay ka saxnaayeen kuwa xilalka aan jirin u ololeyna, markii ay soo jeediyeen shirka billawgiisa bal horta in la heshiiyo intaan dawlad dhismaheed la gaarin, shirkana loo daayo Soomaalida. Nasiib darro amd nasiib wanaag, sida ay ninba la tahay, rag  rumeysnaa  in ay cudud shisheeye talada dalka ku hantiyaan ayaa gaashaanka ku dhuftey fursaddaas qaaliga ahayd. Xaggee dawladeey ka dhala haddii lababa geed fuusho!

Sidaas darteed waa in aan hadda geedka hooskiisa isugu nimaad, wixii aan ku heshiinana nidaam ku dhisano. waa in aan iska ilaawno koox yar oo tiraahda dawlad baan nahay, dunidana uga lacageysata. Waa in aan kala garanaa koox militari ah oo dal xoog ku qabsadey xoogna ku maamula íyo dawlad magac uun ah oo dib u heshiineed.Sida muuqata qolana kaligeed wax ma qaban karto.

Marka Waxaan leeyahay Cabdullahi iyo Geeddi, hadal weynu ku daalney, dib naloo ma siri karo, wax badan baan soo aragney dawlad aan aqalkeeda dhaafin, dawlad hal meel uun dunida ka taqaan, oon caalamka kale la macaamilin. Sidaas haddaan rabtaan in aad naga dhaadhisaan,  waad nagu daaleysaan.

Waxaa kaliya ee xukuumaddiina boolida u muuqata xalaal ka dhigi kara, dalkana anfici kara, waa adinkoo hadalka daaya, hubkana naga dhiga. Taas haddaab ku guuleysataan magaciinu waxuu ku waari doonaa looxa sharafta Soomaaliya iyo geeska Afrika. Nin idin diidan iyo nin doonaba wey idiin sacbin doonaan "The end justifies the means". Haddiise aydnaan, taas ku guuleysan, waa adinkoo dhagar u bareerey waxaad meesha u joogtaan! 

Ahmed Raghe hassan

raage_118@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD