Xasuuqii Malka-durduro
Gudooma salaan.
Sannadku waa sannadkii ummadda Soomaaliyeed ku caan baxday
ama magaceedii isku badalay ama ay iyagu la baxeen magacan
cusub ee qaxootinimada, waa xilligii uu wax badan iska
badaly hab dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay ummaddani
hidaha u lahayd ama taariikhda u lahayd. waa wakhtii uu
hoos u dhacay magacay aduun-weynha ku lahayd gaar ahaan
caalamka islaamka.
Waxaan sannadkaa isaga ah ka soo qaxay ama ka soo cararay
amaan xumadii, qalalaasihii ka taagnaa ama ka aloosnaa
magaaladda Muqdisho, socdaal dheer ka dib waxaa soo gaadhay
ama ku soo beegmay xilli ay gacanta ugu jirto magaalada
Boorame iyo guud ahaanba gobolka Awdal dawladda Itoobiya iyo
jabhadii SNM. waana halkii ugu horeysay ee ay gacanta ku
dhigo Itoobiya.
Halkaana ay ka geysteen ama ka fuliyeen xasuuq aad u xun oo
runtii kaba daran ama ka ba'an kii Xamar ka taagnaa, waxaa
degaankaa lagu xasuuqay dad tiradoodu kor u dhaafayso ilaa
400 oo qof una badan dumar iyo caruur, gaar ahaan dilkaasi
wuxuu ka dhacay magaalooyinka Boorame, Dila iyo degmada
Saylac oo dhamaantood ka tirsan gobolkaasi.
Muddo yar dabadeed waxay jabhadii SNM abaabushay shir ay ku
nabadaynayso beelaha, hase yeeshee taladu waxay faraha ugu
jirtay ama arrintaa faraha ku hayey saraakiil Itoobiyaan ah,
waxaana maamulkaa isla afgartay in la sameeyo ama halkaa ku
gaadhay heshiis ku meel gaadh ah beelaha Direed ee dhulkaa
wada dega ama wuxuu maamulkaasi ka hana qaaday gobolada
Direed ee waqooyiga.
Markii labaad ee aan socdaal ku kala bixiyo gobolkayga waxay
taariikhdu ahayd 1997, runtii noloshu guud ahaan dadka ku
dhaqan goboladaasi aad bay isku badashay intii aan ka maqnaa
halkaas in kasta oo ay dhibaato ka taagnayd ama maamulkaasi
xishay xuduudii uu gobolku lahaa dalka Jabuuti, isla
markaana aanu wali waxba ka badalin ina Riyaale tubtii
siyaasadeed ee ina Cigaal u jeexay gobolka iyo dadkiisaba.
Muddo markaan ku sugnaa gobolka ayaa booqasho gaaban ku
gaadhay ama ku tagay gobolka Waqooyi galbeed gaar ahaan
magaalada Hargaysa, xiligaa isaga ah waxaa socday qaban
qaabadii doorasha Madaxweynaha ama waxaa lagu gudo jiray
doorashadii Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Maalin ka mid ah maalmahaan ku sugnaa magaalada Hargaysa
ayaan subax ku waa bariistay war ku soo baxay bogaga hore ee
wargays-yada oo sheegayey ama xanbaarsanaa in la helay
xabaal dad la xasuuqay intii ay jirtay dawladii Soomaaliyeed
ee uu hormoodka ka ahaa Siyaad Barre.
Runtii waan ka naxay kana xumaaday warkaa dhiilada leh ee ay
soo qoreen ama warkaa dhiila- lada xanbaarsan ee ay soo
qoreen wargays-yadda ka soo baxa magaaladaasi, waxaanan
go'aan ku gaadhay in aan maalinta bari ah ka qaybqaato
banaan baxaa la iskugu soo baxayo goobta uu xasuuqu ka
dhacay ama kulanka ka dhacaya xabaasha dusheeda.
Waxaan ka qayb qaatay subaxii danbe banaan bixii, waxaana
halkaa isugu soo baxay dadweyn- e aad u tiro badan waxaana
khudbad qiimo badan ka soo jeediyey Ina Cigaal, waxaana
banaan bixii lagu soo gunaanaday khudbad uu halkaa ka
jediyey Siiraanyo. waana halka qoonkkii ama naburkii
siyaasadeed ee ka dhexeeyey hogaamiyaha iyo siyaasiga SNM uu
ku damqaday ama waa maalintii isha la isku dhuftay.
Goobta xabaashu ku taalay waxay in yar u jirtay ama u
dhawayd dugsiga hoose/dhexe ee Malk- durduro, dooxana waxay
u jirtay ilaa 15 talaabo, waana ka soo horjeeka taliskii
ciidanka qaranka ee gobolada waqooyi. markii la bilaabay
xabaasha qodisteedii ee fakeedii la baneeyey ama la qodobay
waxaa nagaga soo baxay mayd xidhan labiskii ciidanka qaranka
soomaaliyeed oo wali-
ba qaarkood ay gacantooda ku jiraan tusbaxyo.
Waxaa markiina ii cadaatay ama aan runtii xaqiiqsaday in ay
yihiin ciidankii qaranka, kana deg- aal galay xuduuda si ay
u difaacaan jabhadan dalka soo weeraraya. waxaan muddo u
kuur-galay ama ku mashquulay bal inaan helo ama maqlo in
dadka magaalada degan in ay cidi kaga jirto maydka la helay,
waana la waayey dadkaa cid sheegata.
Waxayse naxdini ii timid markaan maqlay in lafihii maydka
inta la qalajiyey oo cadceeda ama qoraxda loo dhigay
dabadeedna la dhigay carwo ama laga dhigay maydkii wax loo
daawasho tago ilayn cidi garan mayso haybta ay ka sii yihiin
soomali. waxay ahaayeen ciidan qaran alamana marin maydkaasi
xaquu ku lahaa muslimiinta.
Waxaan ka codsanayaa culamaa'udiinka, salaadiinta,waxgaradka
iyo aqoon-yahanka oo intooda badan ama badankoodu aanay
waxba ka ogayn dhacdadan, hase yeeshee markay arrinta
maqleen ula cararay dhinaca hay'adaha u dooda xuquuqda
aadmaha in ay marka hore mariyaan maydka xaqiisa arrimahana
bal dib uga fiirsadaan lagana daayo dadweynahan wacyi
galinta qaldan ama marin habaabinta lagu hayo ummadda.
Faysal Cabdiraxmaan Warfaa
f_warfa@hotmail.com
(f_warfa@hotmail.com)
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 2, 2005
MAQAALADA KALE EE MAANTA::::
»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA
& SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda:
"nin iga weyn
ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii
aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii
189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar-dhac | Amiin Yuusuf
»Tarbiyada
caruurta |
Baashi Maxamed Shiikh
»Mucaarad
iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL
SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin
ku jeeda ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |