Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale .
Tan iyo
markii La dhisay dowladda federalka ku meelgaarka ah ee
Somaliya, dabayaaqadii sanadkii tagay , xiligaas oo Barre
Aadan Shire ( hiiraale) uu ku Maqnaa dagaal uu kula galay
Morgan Gobolada Juboyinka. Waxaa jiray hadalo is burinaya oo
ka soo baxayay Meesha uu siyaaso ahaan ku raacidoono
labada garab oo ay kala hogaamiyaan C/Lahi yuusuf Iyo C/qaasim
Salaad Xasan oo ah ninkii guuldarada xuni ay kago dhacaday
Doorashadii Madaxnimada ee KASARAN iyo waliba Dowladii ka
horeeysay ee uu isagu ka ahaa Madaxweynaha.
Barre
Aadan Shire oo ah nin Hal adag, aadna u fahmay Siyaasada
soomaaliya, haatana Gacanta ku haya Gobolka ugu qanisan
Soomaaliya ee Jubba Hoose, ayaa Ku taamayay in uu dhinac
walba ka biyo cabo oo uusan Midna Dayicin labada Fursadood
uu u ka helay labada garab ee C/lahi iyo C/qasim.
Barre
waxa uu c/lahi ka helay Balanqaad ah in uu u aqoonsan doono
Lahaanshaha iyo maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka haddii
uu taageero Dowladdiisa, C/lahina waa ka dhabeeyay oo
talaabadii ugu horaysay waxay noqotay in Jubooyinka ay
Koorso dabobar boolis ka soo galaan 12 Nin oo Barre
jifadiisa ah,
Dhanka
kale Barre ma dayicikarin Heshiiskii uu la galay beesha C/qaasim
iyo waliba hiilkii uu ka helay Dowladdii C/qasim markii Gen
MORGAN Mudo saacado ah gago qabsaday gobolada Juboyinka
halkaas oo beesha c/qasim iyo maamulkiisii carta ay u
fidiyeen Gurmad lama ilaawaan ah.
Si
kastaba ha ahaatee Barre waxuu in mudo ah ku jiray jawi aan
cadayn oo xaga siyaasafa ah , Waxa uu diiday dhawjeer codsi
uga yimid beesha cayr oo ku haysa kismaayo , Waxa uu xiriir
Toos ah iyo mid qasoodiya la sameeyay C/lahi yuusuf oo ay si
weyn iskaga soo horjeedaan xaga fikirka xubnaha xamar jooga,
Lakiin arintaasi waxa dhamaatay markii Si lama filaan ah uu
Gen Morgan uga dagay magaalada Muqdisho oo si weyn ay ugu
soo dhaweeyeen ragii ay sida weyn isaga soo horjeedeen
iskuna haysteen gacanku haynta Jubooyinka gaar ahaan INDHA
CADE ,
Dhab
ahaantii GEN Morgan waxa uu barre ka soo saaray boos mihiim
ah oo la oran karay waa wasiirka kaliya ee dhex dhexadka ka
ah Khilaafka u dhexeeya labada golle hadana waxa uu dib ugu
soo laabta Gacantii uu doonayay in uu ka xoroobo barre, oo
ahayd in Kismaayo laga maamul Muqdisho ama Marka.
mohamed
Ahmed
aliwanle@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram
»Dowladihii
aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii
189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar-dhac | Amiin Yuusuf
»Tarbiyada
caruurta | Baashi
Maxamed Shiikh
»Mucaarad
iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL
SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin
ku jeeda ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|