Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma meedahay
W/Q :- Maxamed Cabdikariim
Macalin Axmed (Mowlidyare)
moowliidyare@hotmail.com
Cairo- Egypt
Ugu horeentii waxey mahadi
oo dhami u suganaatay Allaah sareeye kor ahaayee, naxariis
iyo nabad galyane Nabi Moxamed korkiisa ha ahaato.
Taariikhda dunida waa mid
taxano is dabataal qulqulato ah oo qoreeyso wax ala wixii
soo mara ee ah xumaan iyo samaan , waxeeyna marjac ama dib
ugu noqod u noqotaa dadka markaas ku nool dunida kuwaas oo
ka dheehan kara waxa ay soo martay dunida gaar ahaan kuwii
sida gaarka ahaay u soo maray dalalkooda kalana baxa wax
kasta oo samaan ah, wixii xumaan iyo dhacdooyin fool xumo
ahna iskaga taga oo tusaale iyo waanoyin ku qaata, kana
digtoon in ay mar labaad soo maraan taariikhdooda olalane u
gala sidi ay u cirib tiri lahaayeen hadii ay wax ka hareen
kuna dadaala si aysan jiilalkooda dambe u aqrisan wax yaabo
fool xumo ah oo ay dalkooda iyo dadkooda soo mareen. Sida
aan la socono wax yaabaha soo mara taariikhda waxa ay u kala
baxaan labo nuuc oo kala ah :- - mida koowaad waa kuwo ama
dhacdooyin ka mid ah taariikhda soo mara dunida laguna qoro
baalasha dahabiga ah ee ummadi leedahay, kuwaas oo ka
tarjumaayo dad samaan u galay dalkooda iyo dadkooda, sida
dad halgamayaal ah, dad wax ku soo kordhiyay dalkooda iwm
...kuwa labaad waa kuwo ama dhacdooyin lagu qoro baalasha
madoow ee mugdiga ah, kuwaasne waa kuwa waxyaabaha xumaanta,
falalka foolxumada ah geesta oo dambi ka gala dalkooda iyo
dadkooda.
Hadii aan nahay Qoowmiyada
soomaaliyeed waxaa na soo maray taariikhooyin kala duwan oo
xumaan iyo samaan leh , Balse waxaan umadaha kale kaga duwan
nahay anaga oo ku waano iyo tusaalo qaadanin wax yaabihiin
xumaata ahaay ee soo maray taariikhdeena, isla markaasne
isku boorinin ku dayashada wax yaabihii samaanta ahaay ee
ayagana soo maray taariikhdeena,
Waxaan jecelahay in aan wax
yar ka faaloodo dhinaca taariikhdii mugdiga aheeyd ee soo
martay dalkeen, waayoo samaan xumaan ka dambeeysay in laga
sheekeeyo wax nuxur ah ma leh, soomaaliduna waxa ay
yiraahdaan " Dameer aan leeyahay aa ka fiican baabuur cad
aan lahaan jiray", saas daraadeed aan dhinacaan oo kaliya
uga faaloonaa . Waxaa soo maray dalkeena dagaalo sokeeye
kuwaas oo dalkii oo dhami baaba'shay, dadkiina ka dhigay mid
xabadi dishay , mid macluul la dhintay, iyo mid qurbaha
qaxooti ku ah, waxaana meesha ka baxay danti guud iyo damaan
arimhi asaasiga ahaay ee shacabka u baahnaay, sida (iskuuladii,
isbitaaladii, wadooyinki ..wim,), qof kasta oo soomaali sax
ahna marka uu soo xasuusto bari samaadkii soomaaliya iyo
bilicdii muqdisho wuxuu dareemo murugo iyo tiiraanyo daran,
una gashay baal madoow oo taariikhdiisa iyo mida ummadiisa
ka mid ah. sidaa oo jirto oo waxaas oo xumaan ah la soo
arkay siiba shacabka, hadana shacabku kuma baraarugsana
dhibaatooyin kaas oo dhan iyo dhibaata ay yeelan karto hadii
uu mar labaad dalka ka qarxo dagaal sokeeya , inkastoo
shacabka uu san khalad laheeyn oo uu yahay mid la hogaamiyo
, hadana waa isaga kan kala dooran kara hogaanka fiican iyo
midka xun, waa maxay sababaha uu shacabku uga kici la'yahay
hurdada dheer ee uu ku jiro, iyo ku daba feelka dadkii ku
naaxay dhiigiisa iyo hantidiisa?, miyuusan shacabku aqli
laheeyn oo uusan dib u xasuusaneeyn taariikhdii madooweed ee
uu soo maray?, labadaan su'aal waa kuwo ay is weeydiinayaa
dad aan aniga ka mid ahay balse aniga weli jawaab 100% sax
ku ah uma aanan helin, balse sooma dhihi karno shacabka
waxaa ka tan badiyay caadifad qabiil oo yar iyo weeyn nin
iyo naag caalim iyo caamo waxaa daashaday caadifad qabiil
indhaha kaliya ay liiyihiine oo ay qaranimada moodaan soo
qabiil maaha, balse waxaa xasuusnin mudan qarnigaan qabiil
ku faan qiimo ma leedahay.
Aniga oo san jecleen in aan
ku dheeraado faaladeeydaan, waxaan jecelahay in aan u soo
jeedsho walaalaheeyga soomaaliyeed dhoor arimood oo hadii ay
raacaan ay dib u hanan karaan qaranimadoodi.
1) Mida koowaad waa in aanu
u noqnaa kitaabka rabi subxaanahu watacaall, uguna dhaqamnaa
sida uu rabi jideeyay, wax kastana iskugu xukumnaa sida waa
faqsan shareecada islaamka , raacnaana wadooyinki uu noo
jeexay nabigeeya Maxamed (SCW) , waxaad arki dad badani oo
ku leh hadii ay diinta oo laga tagay tahay waxa somaliya
heesta , Japanka ama Germanka ayaa dagaalo iyo faqiirtinimo
lagu arki lahaa, walaalayaal Japanka iyo Germanka labaduba
mid diinta ka tagay kuma jiro oo waligood ba gaalo ayeey
ahaayeen, sida uu Nabigeeyna Maxamed (SCW) noo sheegayna
dunidu waa janada gaalada, allaahna waxa uu noo sheegay in
uu gaalada uga dhigi lahaa quraarado guryahooda si ay u sii
fasahaadaan hadii aysan muslimiinta moodi laheeyn in ay
gaalada saxan yihiin , waxa uu kaloo Allaahna subxaanahu
watacaala noogu sheegay qur'aanka : " Ilaaheeyn in uu san
badalin qoom ilaa ay ayaga badalan nafsadooda", marka anaga
taas aa naheeysato oo nafsadeeynii ayaan badalnay oo diintii
ayaan ka tagnay.
2)Mida labaad waa in aan sameeyaan isku tanaasul, oo mid
kasta oo naga mid ah uu u sabraa walaalkiisa kale.
3) Mida sadaxaad waa in an sameeynaa iskaashi oo aan dad
gooni ah lagu sii daayn dhanta guud ee uu qof waliba u is
taagaa in uu si hagar la'aan ah ugu shaqeeyo dalkiisa iyo
dadkiisa, aana iska saarnaa wax kasta oo xumaan ah.
4)Mida afaraad ee ah mida igu dambeeyso waxaan oran lahaa in
aan ku boorinaa kuna dhiiri galinaa qof kasta ee ka
shaqeeynaya maslaxada umada una muujinaa in aan garab taagan
nahay oo aansan ku fiirsan, inta xumaanta wadane aan meel
uga soo wada jeesanaa, oo hal mowqif oo mideeysan ka
qaadanaa.
Intaas waxaa ku dhan
faaladeeyda wixii aan saxay waxa ay ka sugnaatay rabi
subxaanahu watacaalaa, wixii aan khaldayne waxa ay ka
sugnaadeen nafteeyda dhaciifka ah iyo shaydaan.
W/Q :- Maxamed Cabdikariim
Macalin Axmed (Mowlidyare)
moowliidyare@hotmail.com
Cairo- Egypt
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram
»Dowladihii
aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii
189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar-dhac | Amiin Yuusuf
»Tarbiyada
caruurta | Baashi
Maxamed Shiikh
»Mucaarad
iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL
SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin
ku jeeda ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|