HALKEEN XALKA
KA RAADINAA???
Sida aan la wada socono
Islaamka ka hor, carabtu wexey ku sugnaayeen jaahilnimo tii
ugu weyneyd xaga ahklaaqda iyo xaga aqoonta Iyagoo heer ey
jaahilnomo ka gaareen nolod duugi jirey gabdhahooda. Midba
midka uu ka awood badan yahay ayoow dhici jiray. Kadib
markii naxariista Alle u timid oo loo soodirey nabi Maxamed
(NNKH), wexey noqdeen kuwii ugu sharafta badnaa kownkan.
Dhan walba, xag akhlaaq, aqoon, iyo awood wexey noqdeen kuwo
laga heybeysto.
Xaga aqoonta maadiga wexey
aduunka ku soo kordhiyeen aqoon aan hore loo arag sida
cilmiga sayniska. Wexey hindiseen oo ey heer fiican ka
gaareen aqoonta xisaabta, caafimaadka, kemistariga, cilmiga
xidigaha iyo kuwo kale oo fara badan.
Muslimiintu wexey aas aaseen jaamacado badan oo aqoonta kala
duwan lagu daraaseeyo, sida jaamacadii aduunka ugu horeysey
ee Al- azhar ee ku taala Masar iyo tii ku taalay Tunbaktu ee
wadanka Maali.
Xiligaas ileyska cilmigu ka ifayey dunida muslimka, dunida
reergalbeedka dadku wexey ku sugnaayeen mugdi aad u
weyn.Halka wadamada mulimka dhaqaatiirtu ey sameynayeen
qaliimada waaweyn ee xaga jirka mina aadamka, reergalbeedku
midkooda xanuunsada oo xubin jirkiisa ka mid ah laga qabto
wexey daawo uga dhigi jireen in ey gooyaan xubinta laga hayo
ee xanuuneysa.
Xiligan aan joogno muuqaalkan aan kor ku soo sheegay waa mid
dhanka kale isu rogay. Reergalbeedku wexey gaareen horumar
dhanka teknoologiga ah , halka muslimiintu dib u dhac weyn
ku habsaday.taasoo keentay jahawareer ku dhaca dadka
muslimiinta oo ey garan waa yeen meesha balaayadu uga timid.
Dadka aan aqoonta u leheyn taariikhda islaamka waloow uu
heer sare ka gaaro xaga cilmiga maadiga, ma cabiri karo
sababta keentay is weydaarigan ey is weydaarsadeen
muslimiinta iyo iyo reer galbeedku.
Waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo sababta ey muslimiintii
hore ku gaareen horumarka aad kor ku soo sheegay. iyo
Aqoonta reergalbeedku gaareen manta in ey tahay mid aan
kaamileyn ruuxda ama baahida bina aadamka. Waxaan kaloon
wax ka taaban doonaa meesha asal ahaan uu ka soo jeedo
fikirka ay dad maangaab ah qabaan oo ey aaminsanyihiin in
Islaamku dib u dhac u keenayo, oo ey horumar gaarayaan hadii
ey diinta Islaamka ka fogaadaan, iyo Asal ahaan meesha
fikirkaan ka soo jeedo.
Inta aanan guda gelin meesha fikirkaan ka soo jeedo waxaan
ku hor marayaa waxa horumarku yahay, ama la dhihi karo qof
wuxuu gaaray horumar.
Qofka binu-aadamka jirkiisu waxaa ka mid ah oo ugu muhiimsan
qalbiga iyo maskaxda, waana meeha ey ka soobaxaan akhlaaqda
iyo cilmiga. Wada shaqeynta qalbiga iyo maskaxdu wexey
abuuraan qof ka dhisan xaga akhlaaqda, Alla cabsiguna ku
weyntahay, xaga aqoonta maadigana heer fiican ka gaara.
waxana la dhihi karaa qof wuxuu gaaray horumar markii uu ka
dhisan yahay labadaas waa qalbiga iyo maskaxda.
Sida aan la socono qalbigu wuxuu laxiriiraa diinta.
Maskaxduna wexey la xiriirtaa cilmiga sayniska. Sidaas
darted wada shaqeynta qalbiga iyo maskaxdu wexey keentaa
wada shaqeyn ka dhexeysa diinta iyo sayniska.
Muslimiintii hore wexey xiriiriyeen qalbiga iyo maskaxda,
taasoo ey ku muteysteen in ey noqdaan kuwii ugu Alle cabsi
iyo cibaado badnaa uguna aqoon badnaa xaga culuumta maadiga,
sida sayniska.
Bil cagsi muslimiinta manta joogta waa kuwo ka jiran qalbiga
iyo maskaxda taasoo ey keentay in ey dariiqa kaleexdaan
ayagoo u leexday kan jahliga
Hadaan fiirina dhanka reergalbeedka wexey jareen xiriirka u
dhexeeya Diinta iyo sayniska taasoo sabatay in dheelitirla
aan ku timaado qalbiga iyo maskaxda.
Dheelitirlaaantaas ku dhacday qalbiga iyo maskaxda wexey
keentay in maskaxdu ey ku xiranto hawada ( the ego) ayna
caburiso qalbiga, islamar ahaantaasna uu noqdo qalbigu mid
cabursama oo dabadeedna dhinta. Cilmiga sayniskuna noqday
mid loo adeegsado in lagu inkiro diinta
Fikirkan oo ey jiraan dad muslimiin isku sheegaya oo hadana
aaminsan oo ku doodaya in kafogaanshaha ku dhaqanka diinta
Islaaamkau ey dib u dhigeyso oo ey san horumar ku gaarikarin
ku dhaqankeeda. Fikirkaan oo soo jireen ahaa ayaa soo
bilaawday markii inxiraafka lagu sameeyey kitaabkii Bible-ka
oo Masiixiyiintu aamin sanyihiin. Kaasoo inta badan uu qoray
nin lagu maga caabo Poul, oo aan weligiis la kulmid Nabi
Ciise, laakiin sheegta in uu kula kulmay Riyo, kadibna uu
qoray midka loo yaqaan Bible ka ee xiligaan dunida yaala.
Kitaab ka Biblka manta dunida yaala waxaa ku taala in
geedkii nebi Aadan ilaaheey uga digay in uu cuno uu ahaa
geed CILMI-ga Maadiga, ayagoo ula jeeda in Allah uu u
diidanaa Adam in uu ogaado Cilmiga maadiga. Sida ku dhigan
kitaabkooda Nabi Aandan markii uu amarka Allah qilaafay isla
markaana uu cunay geedkii loodiiday ayey yiraahdeen wuxuu
helay Cilmi.
Reergalbeedku wexey arintaan kaladhexbexeen in Diinta iyo
cilmigu eysan meel isla wada geleyn, isla markaana mar ala
makii qofku uu qilaafo Illahiis iyo diintiisa uu helayo
cilmi, taasoo keentay waxa manta loo yaqaano “ Kala qeybin
diin iyo dowlad’, oo ey ula jeedaan in la kala fogeeyo
diinta iyo nidaamka dowlad. Fikirkan ayaa dunida muslimka
soo gaaray kadib markii gumeysigii yurub uu qabsaday dunida
muslimiinta. Si ey ugu qurxiyaan kelmedan ayey ku tilmaameen
in qofka muslimka ah hadii uu diintiisa kafogaado uu helayo
cilmi noqonayana CILMAANI. kelmedan oo ah mid lagu daboolayo
maga runta ee kelmadani leedahay oo ah LADIINI ama DIIN
LAAWE. Sida cad qofkii diida diinta Alle in labarto lagu
dhaqmo la iskuna xukumo wuuu noqonayaa diinlaawe ama Ladiini.
Waxaad mararka qaarkood maqleysaa in culumada soomaaliyeed
qaarkood ey u isticmaalayaan magacan si qaldan oo ey ku
magacaabayaan kuwa kasoohorjeeda in shareecada wadanka lagu
xukumo Cilmaaniyiin. Taasoo keentay in xitaa kuwii
jaahiliinta ahaa ee aan waxna qorin waxna akhrin ey
aflagaadeeyaan kuwa ka shaqeeya in la isku xukumo shareecada
islaamka, si loogu magacaabo cilmaani oo ey u arkeen dariiq
fudud oo ey u muuqanayaan Aqoonyahano. Arintan oo dadka
caamada ah ku abuurtay in labada qolo ee iska soo hor jeeda
ey kala yihiin Aqoonyahano iyo wadaado.
Sidaas darted waxaa lagama maarmaan ah in kuwa diinta iyo
ku dhaqankeeda ka soo hor jeeda loo is ticmaalo kelmeda sax
da ah DIIN LAAWAYAAL oo aan aan lagu magacaabin cilmaaniyiin.
Kelmedan Cilmaani waxaa markii ugu horeysay lagu qoray
Qaamuus ey qoreen masiixiyiin wadanka Lubnaan u dhashay oo
ey ka danbeeyeen gumeytayaashii reer Yurub.
War iyo dhamaantiis, Hadii aan rabno in aan gaarno horumar
iyo heerkii ey Muslimiintii hore gaareen waa in aan raacnaa
dariiqii ey horumarka ku gaareen oo ahaa in ey qalbiyadooda
ka buuxiyeen cabsida Alle, ka dibna maskaxdoodu sida
birqabatada oo kale ey ugu dhegtay qalbiyadooda. Fikirkooda
dhana uu noqday sidii ey Alle u raali gelin lahaayeen.
Rasuulkii Alle (NNKH) wuxuu xadiis saxiix ah ku yiri “jirka
waxaa ku jira cad hilib ah hadii uu wanaagsanaado waxaa
wanaagsama jirka intiisa kale hadii uu xumaadana waxaa
xumaada jirka intiisa kale- war ogaada waa qalbigee”.
Allaa og
Hussein M
USA
sheylillahi@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram
»Dowladihii
aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii
189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar-dhac | Amiin Yuusuf
»Tarbiyada
caruurta | Baashi
Maxamed Shiikh
»Mucaarad
iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL
SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin
ku jeeda ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|